Home » Maqaallo »

Sharta Shabaab fari kama qodna.

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, intii ku dhimatay falkiii foosha xumaa ee shalay lala beegsaday dad shacab ah oo u badnaa Arday Allaha u naxariisto, kuwii ku dhaawacmayna allaha caafimaad deg deg ha ugu badalo dhaawacyadooda.

Damiirkeyga ayaa i siin waayay inaan ka aamuso dhacdadii shalay lagu gumaaday Arday ku han weyneyd iney waxbarashadooda sii wataan iyo shacab kale oo agagaarka dhismaha xaruntii Hargaga iyo Saamaha ku sugnaa, hase ahaatee waxaa caqligeyga uu qaadan waayay in qof Muslinimo sheeganaayo, Soomaali ah falkani foosha xun u geysto dad Muslim ah.

Waxaanse garwaaqsaday in qofkaasi iyo kuwii ku soo tashkiiliyay caqiidadaasi qaldan ineysan raad ku laheyn dhaqanka Soomaaliyeed iyo mida Islaanimo ee naxariista ku jirto. Ma jirto wato kuu baneysa inaad gumaado, noloshana u diido dad Diintooda Islaanimo ku dhegan.

Aniga iyo inta ila midka ah waxaan ka qaadnay maskax xanuun iyo ciil markii aan maqalnay hadalkii Afhayeenka Al-Shabaab uu ku sheegay in ay dhabar jab u geysteen wax uu ku sheegay Gaaladda iyo Caddowka Islaamka.

Ardaydii wax baratay ee natiijadii Imtixaanaadkooda sugayay ee nolosha lagu gubay ma rido baa? mise sirdoon ayey la shaqeynayeen? waa hadal taariikhda qori doonto hadalka uu ku hadlay iyo farxada uu ka muujiyay dabar goynta indhaha shacabka ee mustaqbalka.

Waxaa uu yiri ” Illaahey SWT ha idinka abaal mariyo wanaagaas iyo qeyrkaas aad Islaamka u sameyseen iyo caddowga aad naafeyseen, Illaaheyna haka aqbalo shuhadadiisa walaalkeen caddowga jabiyay, Caddowga uu baabi’iyay iyo isagana in Illaahey kulmin”

Qof Islaanimo sheeganaayo hadana la soo taagan waxaan leynay Gaalo, waxaan aniga aaminsanahay in qofkaasi isagu uusan aheyn Muslim xalaal ah oo uusan raad ku laheyn dhaqan Soomaaliyeed iyo mid Islaanimo, waxaana abaalkiisa uu noqon doonaa mid Alle ka abaal mariyo maalinta qiyaamo.

Dhinaca Dowladda: La yaab ma lahan dul duleehaha faraha badan ay leedahay Dowladda KMG, xitaa sirdoonka Dowladda aad bey u liidaan ma garanayo sababta,, laakiin waxaa moodaa ineysan marna fahmeyn farsamooyinka qaloocan ee kooxda Shabaab.

Maskaxiyan waxaa moodaa in rag Shabaab u shaqeeya ay ku dhex jiraan Dowladda KMG, taasna uma baahna inaad fikir dheer ka gasho, waxaa ka garan kartaa falalka kooxdaasi ka fuliso goobaha ay dowladda degan tahay.

Cashar kasta oo loo dhigo dowladda kama kordhisato wax faa’iido ah, halka kooxda Shabaab ee wax magaratada ka buuxaan mar walba ay ka fekiraan casriyeynta farsamooyinkooda.
Lix sano ka hor qof Soomaali ah kuma fekireen iney dhaceyso dhacdo noocaan oo kale ah, waxaana ula jeedaa qof isku qarxinayo arday iyo dad rayid ah.

3-dii December wixii ka dhacay Hotel Shaamo waxay ahaayeen wax basid ah, marka loo eego wixii shalay dhacay, waxaase ka sii dari doona waxa soo socda sida uu sheegtayna Cali Dheere, Sheekadda Shabaab Faanoole fara kama qodna.

Dowladda KMG waqti badan ma heysato, fursad shalay ayey lumisay, markii Shabaabka ka baxeen Muqdisho, iney ka harto ma aheyn, waxay aheyd iney sii eriso maliishiyooyinka Shabaab si ay u soo afjarto awoodooda.

“Mudane Madaxweyne caruurteena wey dhamaadeen, raggii wey dhamaadeen, aqoonyahanka waa la laayay” sidaasi waxaa tiri haweeney Madaxweynaha kula hadleysay Isbitaalka Madiina, halkaas waxaa ka garan kartaa dulqaadkii dadka inuu dhamaaday, kooxdaan wax magaratada ahna qof ay u aaba yeeleyso ma lahan, sidaas darteed Dowladda waa iney qaataa tallaabo ay ku ciribtireyso bilow iyo dhamaad cid kasta oo shabaab u shaqeyso ama ka tirsan.

Ali Muhiaddin Ali
Utrecht, Nederland
Muxiyaddiin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Sharta Shabaab fari kama qodna. "

  1. Wadani says:

    Inaa lilahi wa ina lilayhi rajucun aniga waxay ilatahay ardayda somaliyeed waxaa u so hoyday masiibo muska reerka u so fadhaya mar alla markay ku dhawaadan inay dadkooda iyo dalkoda wax u qabtaan waxa muska uga so baxa masaska waawayn ee shaabaabka oo aan miyirkuba u so dagin inay micida waabayda dhiigaystan maahane suaashu waxay tahay annagoon muska maxastu noo dugsadaan gubin iska gubin masaska ku jira ma dili karnaa ???

  2. Asad says:

    Waa wax laga xumaado dhacdadii lagu laayay ardayda iyo dadkii kale ee carurta iyo haweenka ku jiray, kuwii ka danbeeyay Alle SWT ayaa la xisaabtami doona, Qoraha maqaalkana waxaan ugu mahadcelinayaa dareenkiisa uu dadka usoo bandhigay qof kasta oo wax bartayna ama saxafi ama aqoonyahan ha ahaado waxaan ka codsanayaa in ay ku baraarujiyaan dadkooda sidii looga hortegi lahaa falkani guracan, Somalitalk waxaan ugu mahadcelinayaa howsha iyo soo bandhigada siraha qarsoon ee qaranka iyo dhulka somaliya lagu dhacayo.

  3. Hussein says:

    Qaraxii shalay dhacay Xamar wuxuu tusinayaa inaysan Alshabaab ka bixin Xamar laakiin ay ku milmeen dadka sidaana ay hadba u fiirsanayaan inay hadaf ka dhigtaan hadba meelaha lagu badan yahay si ay ugu suurta gasho inay dilaan cadadka ugu badan, markaana Idaacadaha la soo istaagaan waxaan leynay cadow alle. Taasi waxay cdaynaysaa inaysan wax diin iyo islaanimo midna shuqul ku lahayn ayna yihiin ayagu cadow alle iyo ummaddiisa, waxaase taa ka sii daran in ninka sheegtay afhayeenka uu xamar joogay markuu shirka jaraa’id ee live ka ah ee talefishanada iyo idaacaduhu soo duubeen, isla markaana la leeyahay alshabaab xamar waan ka saarnay ama way ka baxeen, taas oo u muuqata midaan waxba ka jirin!!!