Home » Warar »

Cabdullaahi Shiikh Xasan Caddow (Ashhad) oo isku soo Sharaxay Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho

Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Ashhad) oo ka mid Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku biirey Xubnaha isku soo sharaxay Xilka Gudoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ah Xilka marka la fiiriyo Muhiim u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaan maadaama Gobolka Banaadir ay ku nool yihiin dad gaaraya ilaa Saddex Milyan oo qof

Mar aan wax ka weydiiyey Sababta uu Xiligaan uu isugu soo sharaxay Xilkaan waxaa uu ku jawaabey Cabduilaahi Shiikh Xasan “Waxaan Doonayaa in Bulshada ku nool Gobolka Banaadir aan ka saaro dhibaatooyinka Labaatan Jirsadey oo ay ugu horeyso Dhinaca Amaanka waayo Dad aan Nabadgelyo Haysan ma gaari karaan Horumar dhinac walba marka waxaan Doonayaa in Xooga Saaro arrimaha Nabadgeliyada”

Mar aan wax ka weydiiyey waaya-arganimadiisa Aqooneed iyo Mida Siyaasdadeed ayuu Cabdulaaahi Shiikh Xasan ku jawaabey” Haddii aan wax idiin ka sheego Aqoonteeda marka hore waxaanka mid ahaa Ardeydii ka soo baxay Jaamacadda Lafoole ka dib waxaan tagey Dalka Sacuudi Caraabiya oo aan muddo ka soo shaqeeyey waxaan dalka imid Xiligii Dowladdii Carta hase yeeshee waxaan ka waayey Boos Hogaamineed ka dib markii aan arkey in dadka lagu Xulanayo arrimo Qabiil iyo wixii la mid ah ,oo meesha laga saarey Dadkii aqoonta lahaa waxaan Go’aansadey inaan ka yara nasto arrimaha Siyaasadda”

Cabdulaahi Shiikh Xasan ayaa dib ugu soo laabtay Masaraxa Siyaasadda gaar ahaan Xiligii kala Guurka ee Maxaakiimta iyo Dowlada Federaalka ka dib markii ay ii muuqdeen Fursado fara badan oo aan ku badbaadin karo Dadkeyga ioyo Dalkeyga si aan Aqoonteyda Maamul aan ugu adeego Bulshada Soomaaliyeed aniga oo aan marnaba ku xisaabtameyn arrimo Qabiil iyo wixii soo raaca waayo waxaan Doonayaa in aan Bulshada ku nool Gobalka Banaadir aan ugu adeego Si Daacadnimo ah islamarkaana u soo Celiyo Nabadgelyadii lagu yaqiiney Magaalada Muqdisho iyo weliba adeegyadii Bulshada

Mar uu ka hadlayey arrimaha Dadka ka soo Barakacay Abaaraha waxaa uu yiri” Habka ay hadda wax ku socdaan ee loo Maamulaya Barakacayasha waa mid aad u qaldan waxaa loo baahan yahay in dadkaas si Daacad ah loo Maamulo oo loogu adeego haddii aan taasi la helin is dhexyaaca waa uu sii soconaaya waxaa meesha ka maqan waa Tira koob Buuxa oo loo sameeyo dadka Barakacayaasha , Raashin qaybintoodana ay ku saleysnaato Mid Bil ama laba Bil ah si ay meesha uga baxdo Dhaca iyo Boobka ”

“Hadii la ii doorto ama aan ku guuleysto Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo weliba Duqa Magaalda Muqdisho waxaan Dib u soo Celin doonaa Canshuurihii Bulshada Soomaaliyeed loogu adeegi jirey islamarkaana waxaa Dakhli sii Doonaa Dowladda Dhexe Sidoo Kale waxaan Shaqooyin u abuuri Doonaa Bushada Ku nool Gobolka Banaadir si ay uga Baxaan Shaqo l’aanta ragaadisey,sidoo kale waxaan soo Celin Doonaa Adeegyadii Bulshada laga maarmaanka u ahaa Sida Biyaha Korontada , Caafimaadka , Nadaafada iyo Waxbarashada waxaan xooga saari doonaa ama aan soo celin doonaa Kontoroolkii Suuqyada si loo xakameeyo Ascaarta Suuqa loogana hortago in dalka la soo geliyo Raashin dhacay iyo Dawooyiin”ayuu yiri Dr Cabdulaahi Shiikh Xasan oo Aqoonyahan si aad ah ugu dhuun Daloola arrimaha Maamulka ayna ka Go’an tahay wax u qabashada Bulshada Goboka Banaadir

Ugu Dambeyn Musharaxa Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaaladda Muqdisho wuxuu halkaan Tacsi ugu dirayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo joogto taasoo ku aadan Dadkii ku dhintey Qaraxii ka dhacay Xarunta Hargaha iyo Saamaha isagoo kuwii ku dhaawacmeyna Ilaah ugu Baryayey in uu siiyo Caafimaad Buuxa

Haddii aan dib uu Qoraansado Taariikhda Nololeedka Dr Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (ASHHAD)

1-Ku dhashey Magaalada Muqdisho Sannadkii 1959

2-Ka baxay Jaamacadii Lafoole Sannadkii 1981

3- Waxbarasho u tagey dalka Jarmalka Sannadii 1981-1982

4-Kadib u wareegey Sacuudiga Sannadkii 1983-2002 isagoo dalka Sacuudiga ka soo shaqeeyey sOona qabtey Xilal kala Duwan oo ah

NCCI (National Company For Co- Operative Insurance

Manager Taj-Medical Ins

-Al-Mishari Hospital 1989 – 1992 as Asst. Administration Mgr.

-Arabian Hawk 1987 – 1989 as Office Mgr + Asst. Optn. Mgr

-LSI (Lear Siegler Inc.) 84 – 1987 as Site Optn. & HR Mgr.

-ARIEB Enterprises 1983 – 1984 as Office Mgr.

-Shade Est. 1982 – 1983 as Office Mgr

Wixii Talo iyo Tusaale ah waxaad kala Xiriiri kartaan

E-Mail ash-addow@hotmail.com

E-Mail sagal.ashhad@gmail.co.

Tel 00252615194244

Tel 00252618600445

Tel 0025262276600

Tel 00252699419269

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Cabdullaahi Shiikh Xasan Caddow (Ashhad) oo isku soo Sharaxay Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho "

  1. Bilqeyr says:

    waa arin fiican haddii uu dalka wax uqabanaayo laakiin inta ay dowladdan saaran tahay ninkastoo dadaalo horumar ma gaarayo sababtoo ah ninkii fiican waxa laga qaadayaa xilka sida farmaajo oo kale.

    waxan dhihi lahaa dowlad iska soo horjeeda horumar ma sameyn karto ilaa laga helo dowlad tayo wanaagsan wax qabadkeeduna uu yahay mid shacabka qanciyo.