Home » Faallo »

Dr Jaamac Xirsi Muumin”Nin aan Badda in Qaraar tahay iyo in Macaan tahay aan garaneyn baa ku leh waxaa Sharci u sameynayaa Badda “

Iyadoo weli ay socoto Qayla dhaanta looga soo horjeedo Qorshaha Guracan in Badda Soomaaliya la xadeynayo 19 Desember ayna ku Howlan tahay arrimahaas Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid wadamada Shisheeye ayaa waxaan Arrimahaan wax ka weydiney Dr Jaamac Xersi Muumin oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed isla markaana la socda arrimaha la xiriira Badda Soomaaliya waxaa uu yiri”Badda Soomaaliya waxay ku taalaa Goob Istaraatiiji waxayna ka mid tahay Shanta Marin Biyood ee Dunida waxaana hadda ka hor Marinka Soomaaliya Soo degey ama Saldhig ka sameystey Midowgii Soofiyeeti taasina waxay welwel ka muujiyey Dowladda Reer Galbeedka oo iyaga ka cabsdey haddi Midowga Soofiyeeti uu halkaa ku xidideysto in Maraakiibtooda isaga gooshta Caalamka ay Go’doomayaan waayo Maraakiibtooda waxay ku qasbanaanayaan in ay kor ka soo wareegaan halkaasoo ay ugu baxayso Kharash farabadan marka waxay haatan u daneynayaan Marinka Soomaaliya iyagoo ka Cabsi qaba haddii ay is ku xirmaan Soomaaliya iyo Yaman ay adkaaneyso sida ay isaga Gooshaan Badweynta hindiya iyo Badda Cas “

Dr Jaamac mar uu ka hadlayey hadal haynta Badda Soomaaliya ee 19 Desember waxaa uu yiri”Madaxda hadda Jirta qaarkood ma yaqaanaan ahmiyada Badda Soomaaliya ay ugu fadhido marka nin ay aqoontiisa sidaa tahay oo aan aqoonin in Badda ay Qaraar tahay iyo in ay Macaan tahay ayaa ku leh Badda Soomaaliya ayaa Xadeynayaa oo Sharci u sameynayaa war miyaadan ogeyn waxa Baddaan laga soo marey Difaacideeda bal fiiri Dalalka Dunida Ciidamadooda waxay u qaybsan yihiin kuwa Difaaca Badda , Kuwa Difaaca Cirka iyo kuwa Difaaca Dhulka haddii aysan ahmiyada dalalkaa aysan ugu fadhiyin ma sameyn lahayn Ciidamda Difaaca Badda aan ku xasuusiyee Soomaaliya waxay lahayd Ciiidanka Difaaca Badda Soomaaliya oo qaarkood maanta ay God u jiifaan Difaacideeda haddii aad is leedahay Ma jiro Ciidanka Difaaca Badda Soomaaliya waxaan kuu sheegayaa Shacabka ayaa haatan u taagan in ay Difaacaan Badda Soomaaliya “

Mar aan waxa ka weydiiyey maxaa Sanadahaan dambe loo soo hadal qaadey Barnaamjika Badda Soomaaliya waxaa uu ku jawaabey “Dib u fiiri markii la soo doortey Shiikh Shariif Sadexdii Xukuumadood ee soo marey Soomaaliya sida Cumar Cabdirashiid , Maxamed Cabdulaahi farmaajo , iyo Midka hadda haya Xilkaas ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Sadexdooda waxay haystaan Dhalashada Mareykanka waxa Mareykan uu doonayo ayey Doonayaan waxa Mareykan uu Neceb yahay bay naceb yihiin fiiri Shirkii Qaramada Midoobey ee Hogaamiyaha Iiiraan markii uu soo hadal qaadey arrimaha Falastiin isla markaana wax ka sheegey Mareykanka Cabdiweli Shirkaas waa uu ka baxay oo wuxuu ku Mowqif noqdey Maraykanka iyo Xulafadiisa marka Rag Sidaa ah ha ka sugina Soomaaliyeed in ay idiin ilaaliyaan Badda iyo Dhulka waxaana u soo jeedinayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ka hortagaan Maafiyada dooneysa in ay iibsato Badda iyo Dhulka Soomaaliyeed waxaana idiin kula talinayaa in aad dhigtaan Banaabaxyo aad uga hortageysaan Qowleysatadaas aan marnaba ka shaqeyneynin Masalaxadda Ummada Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dr Jaamac Xirsi Muumin”Nin aan Badda in Qaraar tahay iyo in Macaan tahay aan garaneyn baa ku leh waxaa Sharci u sameynayaa Badda “ "

  1. soomaalida waxaan la yaabaa waa wada aqoon yahan haddana inta badan ka liita aqoon yaraha u dhashay ethiopia ama kenya, waxaan sidaa u leeyahay waxa weeyaan, dhulkii ayaa abaar iyo dagaalo aafeeyeen oo qaran iyo dawlad diid meel kastaa ka joogaan, maxaa muhiimada u saari wayseen in ummada lagu wacyi galiyo nabada iyo qarannimada. oo loogu waashay baddeena ayaa la dhacayaa. yaase dhici kara bad u sumadaysan qaran wali la aqoonsan yahay haba liitaane maantay.
    waxaa muhiimadu tahay in ummada lagu wacyi galiyaa waxa ay qarannimadu tahay, you can’t build house without solid foundation.
    qolooyinka iska xiiqsan ee nin kastaa mas’uuliyad loo dhiibaa indho la’aan waxaan jirin ugu sheegaa waxaa dhahayaa hold your horses. qiirada iyo sloganska ah baddayadaa la dhacayaa u weeciyaa inaad ummada ku baraarujisaan muhiimada ay leedahay respect, tolerance iyo education. waxaan hubaa in wax walbaa hagaagi doonaan inshallaah.

  2. mahad dhamaanteed waxaa leh ilahay
    waxaa kale oo naga mudan mahadnaq qorayaashan webkan
    waxaan ku talin lahaaa maanta mahaysato somalia ciidamo difaaca ragan xilalka ka hayana mid walba waxaa soo dirsatay dawlad
    wuxuuna wadaa siduu ku fulin lahaa danta basaborka uu sito
    haba shacabku ha ka tooso hurdada oo hays difaaco marhii aab ciidan jirin tankale
    kenya hore ayay u qaadatay dhulkii iyo dadkii somaliyeed waa in dhanaan gobolada somalia oo dhan laga abaabulaa mudo haraad aanka loogsan