Home » Warar »

Hayadda Human Care oo Tababar ku saabsan Habka ugu Casrisan ee loo Baaro HIV/AIDS U Qabatey Shay-Baariistayaal

  • “Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…

Hayadda Human Care oo ah Hayad ka shaqeysa Gudaha Dalka iyadoo kaashaneysa Shirkadda SD (Standard Diagnostics INC ) oo ah Shirkada ka ganacsata qaybaha kala Duwan ee Qalabka Caafimaadka iyo kuwa wax lagu baaro ayaa Xarunta Machadka Kalkaalayaasha Caafimaadka ee Muqdisho Mogadishu Institute of Health Science waxayna Tababar ugu qabtey Shaybaaristayaal ka kala Socdey Xarumaha Caafimaadka Gobolada Banaadir , Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe kaasoo lagu baranayey habka ugu Casrisan ee loo baaro Cudurka HIV/AIDS iyo Cudurada kale .

Tababarkaan oo socdey Muddo laba Maamlmood ah ayaa waxaa marti galiyey Hayadda South Central Aids Commission oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SCAC waxaana Maalgeliyey Shirkadda SD (Standard Diagnostic INC ) wuxuuna ujeedadiisa uu ahaa tababarkaan sida Shaybaaristayaasha loo bari lahaa Habka ugu Casrisan ee loo baaro Cudurka HIV/AIDS IYO Cududrada kale waxayna Shaybaariistayaasha ay qaadanayeen Casharo la xiriirka habka loo baaro Cuduradaas iyagoo la siinayey Mid Afka ah iyo Practical waxaana Tabarkaan ku sugnaa Xubno ka tirsan Dalladda dadka la nool Cudurkaas oo mararka qaar laga qaadayey Dhiig ay si Tabarucaad ah u bixyeen si loogu sameeyo Baaritaan.

Halkan kadaawo maswiro dheeri ah

Ardeydii qaadaneysey tababarkaas oo qaarkood ka Hadley gabagabadii Tababarka ayaa u Mahadceliyey Hayadda Human Care iyo Shirkadda SD (Standard Diagnostic INC ) oo ay sheegeen in ay qabteen Howl muhiim u ah qaabka loo baaro Cudurada kala duwan sidoo kale waxay u Mahadceliyey Hayadda SCAC oo ay sheegeen in la aanteed aan la qaaban lahayn Tababarkaan

Tabarkaan ayaa waxaa Goob joog u ahaa Xubno ka kala Socdey WHO, MOH. SCAC,iyo Daladda Dadka la nool Cudurka HIV/AIDS Waxaana Xubnihii ka qaybgalay tababarkaas la Gudoonsiyey Shahaadooyin Aqoonsi u ah waxay halkaa ka barteen oo ugu Muhiimsan habka ugu Casrisan ee loo baaro Cudurka HIV.AIDS iyo Cudurada kala duwan waxaana Tababarkaas soo xirey Gudoomiyaha Hayadda SCAC Axmed Maxamed Jimcaale

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.