Home » Warar »

Weriye Xasan Anteeno oo Kooxo Hubeysan si Xun ugu Dhaawacay Magaaladda Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland waxay sheegayaan in Weriye Xasan Maxamed Cali oo loo yaqaaney Xasan Anteeno una shaqeynayey Idaacadda Codka Nabadda ee Magaaladda Boosaaso ay kooxo ku hubeysan Bistooladu ay si Xun ugu dhaawaceen Mar uu galayey Xarunta Idaacada ee Bosaaso

Xasan Anteeno ayaa waxaa ku dhacay ilaa Shan Xabadood oo qaar ka mid ah ay ka haleen Wadnaha iyo Caloosha waxaana haatan lagula Tacaalayaa Isbitaalka Magaaladda Boosaaso iyadoo Qaliinkiisa Xaaladiisa ay ka war sugaan Wariyayaasha kale ee ka Howl Gala Magaalada Boosaaso kuwaa oo aad uga xumaadey dhaawacaas loo geystey Weriyahaas

Lama garanayo Cidda ka dambeysey dhaawaca loo geystey Weriye Xasan Anteeno iyadoo kooxihii falkaas geystey ay halkaa ka baxsadeen waana falkii labaad oo dhaawac ah oo middo Todobaad ah wariyayaasha ka howlgala Maamulka Puntlanad loogu geysto waxaan ka horeeyey Weriye Xoriyo Cabduqaadir oo dhawaan kooxo Hubeysan ay si xun ugu dhaawaceen Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug

Xasan Anteeno ayaa ahaa Weriye si aad ah looga yaqaan Magaaladda Muqdisho wuxuuna u soo shaqeeyey Qaar ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho hase yeeshee waxaa uu Maamulkaa Puntlanad u tagey in ku badbaadsado Nafsadiisa maadaama Magaaladda Muqdisho ay ka Carareen weriyayaal fara badan kuwaas oo u Cararey Dalalka Deriska la ah Soomaaliya

Falkaan ayaa waxaa Cambaareeyey ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyee ee Nusoj kuna tilmaamey mid ka baxsan Banaadanimada sidoo kale waxaa Camabaareeyey Hayadaha u dooda xaquuqda Suxufintaa Adduunka iyo kuwa Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.