Kampala: Aqoon is weydaarsi Hal ku dhigiisu ahaa Kaalinta Ardayda Somaliyeed kaga Aadan Nabadaynta iyo Dibu-Dhiska Dalka ayaa waxaa maalintii Axaddii Lagu Qabtay Magaalada Kampala ee Xarunta Dalka Uganda.
Aqoon Isweydaarsiga oo ay soo Qaban Qaabiyeen Ururka Ardayda Somaliyeed ee Dalka Uganda ee Marka Magiciisa la soo Gaabiyo Loo Yaqaan (SSU), Ayaa waxaa ka soo Qayb galay Arday Kor u dhaafasa 150 Arday oo ka kala yimi Jaamacadaha Kala Duwan ee Dalka Uganda ee ay Ardayda Somaliyeed wax ka Bartaan.
Aqoon isweydaarsiga oo ka dhacay Hotel Caana oo ku Yaala Magaalada kampala ayaa ugu Horayn waxaa Furay Gudoomiyaha Ardayda Somaliyeed ee Dalka Uganda Mudane: Mohamed Hassan Mohamed oo ka soo qaybgalayaasha ku booriyey in Ardayda Somaliyeed looga Baahanyahay inay Kaalintooda kaga aadan nabadaynta iyo dibu dhiska ay Buuxiyaan, isagoo carabaabay in kulamada iyo Aqoon isweydaarsiga noocan oo kale ah ay yihiin kuwa Ardayda ku beeraya Waddaninimo iyo ka qaybqaadashada Dhismaha Dalka.
Waxaa uu sheegay Gudoomiye Mohamed in Kulamada noocan oo kale ah ay sii wadi doonaan oo aanay kan keliya ku ekaan doonin, Dallada isku xidha Ardayda Somaliyeed ee Dalkan Uganda-na ay tahay mid ka tarjumasa isku xidhka iyo ilaalinta midnimada Ardayda Somaliyeed ee Dalka wax kabarata.
Hadalka Gudoomiyaha ka dib waxaa si toos ah loo guda galay ka doodida Qodobadii loo Asteeyey inay mixwar u noqdaan Aqoon isweydaarsiga kuwaas oo ahaa Kaalinta Ardayda ee Nabadaynta iyo Dibu-Dhiska Dalka.
Waxaana Jiray Afar Arday oo laga soo kala Xulay Jaamacadaha kala Duwan Aqoon Sarena u lahaa Mowduuca laga doodayo kuwaasoo Bud Dhig u ahaa Aqoon isweydaarsiga halkaana ku soo bandhigay Macluumaad cilmiyaysan oo ku aadan Mowduuca Dooda, isla Markaana ay Ardaydu Su’aala ka weydiinayeen wixii meesha lagu soo bandhigay.
AFarta Arday ee Dooda Mixwarka u ahaa ayaa waxay kala Ahaayeen:
Mohamud Abdirahman Hersi- Bachelor Environmental Management – St. Lawrence University
Abdalla Daahir Osman (Qaamuus)- Bachelor of Development Studies – Bugema University
Anisa Osman Diriye -Master in Education Mgt. – Kampala Int. University
Abdalla Abdirahman Hussein (Sharif Cadde)- Bachelor of Human Resource Mgt. – IUIU University
Aqoon isweydaarsigan oo socday mudo ku siman Saacad iyo Badh ayaa waxay ka soo qaybgalayaashu garwaaqsadeen in Ardayda Somaliyeed looga baahanyahay Doorweyn oo ay ka ciyaaraan sidii Mar kale loo hanan lahaa Qaran Somaliyeed oo dadka iyo Dalkaba ka samata bixiya Xaalada Qalafsan ee uu Hada ku jiro.
Waxay sidoo kale isla meel dhigeen in la joogo xiligii Duqayda ku cirowday Siyaasada Somalia ay Ardayda iyo Dhalinta ay siin lahaayeen Kaalintooda, Xaaladda hada dalku ku jirana ay u baahantahay Dhalinyara Aqoon, Karti iyo Maskax fiyow oo wadaninimo ku dheehantahay leh
Intii Aqoon isweydaarsigu socday waxay ka qaybgalayaashu si adag u radiyeen in Ardayda iyo dhalinyaradu ay ku dhexmilmaan Barnaamij kasta oo ku salaysan midab kala sooc iyo Qabyaalad taasoo bay dheheen lagu kala fogaynayo Bulshada Somaliyeed, iyagoo si adag u naqdiyey Halbeega ay Dadka Somaliyeed wax ku qaybsadaan ee 4.5
Dhanka kale ka soo Qaybgalayaasha ayaa waxay Baaq u direen kooxaha Siyaasada iskaga soo horjeeda ee Dalka ka jira iyagoo ugu baaqay in wax walba oo dhexdooda ah Nabad lagu dhameeyo Koox kastana ay Dhankeeda Masuuliyad Muujiso oo Dadka Maatada ah loo Tudho Lagana Daayo Dilka Iyo Barakaca.
Geba Gebadii ka soo Qayb galayaasha ayaa aad ugu Mahadceliyey Masuuliyiinta Ururka Ardayda Somaliyeed ee Dalka Uganda oo isagu lahaa qabanqaabada Kulanka Aqoon isweydaarsiga, waxayna si isku mid ah uga codsadeen inay Aqoon isweydaarsiyada Noocan oo kale ah ay Noqdaan kuwa Joogta ah ee aan Markan ku Ekaan.
C/qaadir Kaarshe
Kampala Uganda
Kaarshe997@hotmail.com
+256791226006
+254704661246
Asc maanta bulshada somaliyeed sidii cunto ayey ugu baahan tahay dad aqoon leh oo dadka iyo dalka ka saara godka aan afka laheyn ee ay ku jirto.
ardayda maanta waxbarata waxaa la dhihi karaa dad iyo dalal shisheeye ayey wax u bartaan ee ummadda somaliyeed waxba uma bartaan, waayo arday walba marka uu qalin jabiyo safaaradaha shisheeyaha ayuu iska dhiibaa oo uu gacanta u hoorsadaa in yar oo kooban mooyee, taasi waxaa daliil kuugu filan Pakistaan, hindiya, maleysia, masar suuriya, suudaan, yamen iwm. Ardaygu marka uu jaamacadda dhammeeyo meeshii uu dalkiisi hooyo u noqon lahaa oo uu aqoontiisa dadkiisa iyo dalkiisa ugu faaiideyn lahaa ayuu cadowga bulshada somaliyeed ugu faaiideynayaa ama aqoontiisa dhuminayaa, marka taxi ama dhulka dhaq layiraahdo, isagoo master haysta, kuna raali noqdo. Meeqa ayaan haynaa dr caafimaad oo kalkaaliyenimo ku shaqeynaya, master nin haysta oo dhulka dhaqaya ama shaqo la aan ah oo fadhi ku diriryada fadhiya.
Waxbarta shisheeyana u shaqeeya waa cinwaanka ardayda somaliyeed.
Waxaan ku talin lahaa, in arday walba ku xisaabtamo dhulkiisa somaaliyeed ee uusan amerika iyo yurub ku xisaabtamin, waayo aqoontaada iyo sharaftaada ayaad iibsaneysaa xaqiiqo ahaan.
Abuu Anas (khabiir arrimaha bulshada)