Home » Warar »

Ardayda Somalida ee Pakistan sidee wax u Bartaan

Pakistan waa waddan ku yaalla koonfurta qaarada Aasiya,waxayna ka mid tahay dawladaha islaamka ah ee ugu waa wayn dunida, waxayna leedahay jaamacaddo caalami ah oo si wayn looga qadariyo dalka iyo dibadda-ba.

Waxa ka mid ah jaamacaddaha ugu waa wayn uguna caansan dalkan ardayda Soomaaliduna wax ka bartaan,Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka ee Islamabad (IIUI) oo ay dhigato 15-kun oo arday oo in ka badan 100 ay Soomaali yihiin,Jaamacadda karachi oo ka mid ah jaamacaddaha ugu da’da wayn isla markaana ugu balaaran jaamacaddaha dalkan waxana dhigta arday gaaraysa 24- kun oo tira gaaraysa 100 ka mid ah iyana ay soomaali yihiin,jaamacadda Sindh iyo Jaamacadda sida wayn loogu qadariyo dhanka Engineering-ka iyo tiknoolajiyada ee UIT Lahore ee magaalada Lahore.Sidoo kale magaalooyinka Lahore iyo Peshawar ayaa waxa ku yaalla jaamacaddo qiimo leh oo isugu jira kuwo dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay sida Jaamacadda Punjab iyo Peshawar.

Waxaa jira jaamacaddo kale oo gaar loo leeyahay oo ay ardayda Soomaalida wax ka bartaan waxana ka mid ah,Hamdard,Preston,Pimsat,Biztek,Dadabhoy,Kusbit,Usman institute of technology iyo kuwa kale oo gobolada dalka ku yaalla oo sidoo kale ardaydu wax ka bartaan.

Sababaha jaamacaddaha aan soo xusnay iyo gobollada ay ku yaallaanba ay ardayda Soomaalida u doortaan ayaa waxaa kamid ah iyagoo ah kuwo laga soo dhaweeyo dadka Ajnabiga ah, isla markaana qaabka waxbarashada u fududeeya ardayda, waxa kaloo jira sabab kale oo muhiim ah taaso ah magaca iyo maamuuska ay jaamacadduhu leeyihin, iyo iyagoo sidoo kale leh waaxyo badan oo arday badan ay ku kulmaaan. Waxaa tusaalaha ugu wanaagsan ah Jaamacadda Karachi oo ay dhigtaan arday ku dhow 100 oo Soomaali ah, kuwaasoo kala dhigta kulliyado iyo waaxyo kala duwan, maadama jaamacaddu ay leedahay in kabadan 58 waaxyood (Departments).

Jaamacaddaha dalkaan ayaa waxa Soomaalida ku weheliya arday badan oo ajaanib ah oo waxbarasho ka soo kala doontay dalal kala duwan sida,Sudan,Kenya,Iran,Palestine,Turkey,Yemen,Saudi Arabia,Nepal,Bangladesh iyo dalal kale.

Ardayda Soomaalida ah oo qeybka ah ardayda ajaanibta ah ee dalkan waxkabarata oo isugi jira kuwa Jaamacaddu meel dhexe u marayso iyo kuwa gabagabo ah ayaa tirada ugu badan waxay dhigtaan kulliyada Sayniska sida cilmiga daawooyinka,sheybaarka,engineering-ka,cilmiga Computer ka iyo teknoolajiyada .Kulliyadaha kale ay ardayda Soomaalida wax ka bartaan waa Arts-ka sida,Saxaafadda,Xiriirada Caalamiga ah,shareecada iyo qanuunka,cilmiga bulshadda,Siyaasada,Dhaqaalaha,Maamulka iyo Ganacsiga iyo Maamulka guud ama kan Dawlawliga.

Marka la barbar dhigo ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalkan Pakistan ardayda kale ee ajaanibta ah waxeey ka mid yihiin kuwa ugu firfircoon dhanka waxbarashada,si wanagsan uga faaiidaysta fursadaha waxbarasha.

Qaabka loo helo Jaamacaddaha

Qaabka ay ardayda Soomaalida jamacadaha dalkan ku helaaan ayaa kala duwan laakiin habka ugu fudud oo ay ku helaan ayaa ah in marka hore ardayga loo xareeyo jaamacadda uu danaaynayo inuu wax ka barato asagoo oo u maraya Safaaradda Soomaalida ee Islamabad kadibna markii ay Jaamacadasi aqbasho oo ay u soo saarto waraaqadaha aqabalaada waxay u gudbisaa wasaarada arrimaha gudaha oo iyana usii dirta hay’adda u qaabilsan tacliinta sare ee HEC (Higher Education Commission of Pakistan) kadibna u soo saarta dal ku gal-waxbarasho ama (study Visa). Arday jooga Pakistan ayaa fududaynta hawlahaasi qayb wayn ka qaadan kara, gaar ahaan arday dhiganaya jaamacadda aad rabtid maadaama uu xog buuxda ka haayo qaababka loo xeraysto jaamacadda. Inta badan waqti aad u yar ayay qaadataa in jaamacaddu kuu soo baxdo ama ku aqbasho, marka ay kala caddayso in waraaqahaaga iyo shahaadadaada dugsiga sare ay tahay mid sugan.

Waxa jira qaab kale oo ardaydu dalkan ku soo galaan oo ah in ay helaan Deeqo-waxbarasho ama Minxo sidaasoo dal ku gal-waxbarasho loo soo saaro iyada oo la marsiinayo Safaaradda Soomaalida ee Islamabad.

Muhiimadda koowaad waa inaad heshid Visa sharci oo aan wax mugdi ah ku jirin, taasoo waqtigan la joogo meesha ugu fiican ee lagala tashado ay tahay safaaradda Soomaalida ee Islamabad. Haddii si kale oo sharci ah aad ku heshid Viso waxbarasho dhib kama taagna markaad soo gashid ayaad horay ka bilaabi kartaa jaamacaddaada, waase haddii dib u dhac uusan kaaga imaan dhinaca bilowga sanad jaamacadeedka, Jaamacaddaha marka laga hadlayo waqtiga ay bilowdaan waa ku kala siyaasad duwan yihiin, qaar ayaa sanad dugsiyeedkoodu bilowdaa Xagaaga bisha July, qaarna wuxuu bilowdaa sanadka cusub bisha January, Markaas ardaygu waa inuu ku dadaalo inuu usood dhaqsado xilliga bilowga jaamacadda, Inta badan wax ka badan 15 illaa bil ma aqbalaan jaamacadaha inay ardayga fariisiyaan fasalkii uu dhigan lahaa, iyagoo ku xisaabiya arday soo dib dhacay.

Deeqaha Waxbarasho

Dawlada Pakistan ayaa sanad kasta siisa Dawlada Soomaliya deeqo waxbarasho iyadoo u marsiisa Safaaradda Soomaalida ee magaalada Islamabad ka dibna ardayda u qoondaysa.

Maadooyinka ay deeqaha u bixiso dawlada ayaa waxa ugu badan,Sayniska sida, Pharmacy-ga,MBBS-ta iyo qeybaha Engineering-ka. Waxa kaloo jira dawlado Carbeed oo ayana kuraas waxbarasho siiya Soomaalida, maadaama ay deeqihii Pakistan kulahaayeen ay u daayeen Soomaalida. Deeqaha waxbarsho ayaa ah kuwo muhiimad wayn ugu fadhiya ardayda Soomaaliyeed, maadaama lacagta sanadkii lagu dhigan lahaa oo ah kumanaan dollar aysan badi Soomaalidu iska bixiyeen haddaysan heleen deeqdan waxbarasho.

Inta badan ardayda hela deeqaha waxbarasho ee aan kulliyadahooda soo sheegnay waa kuwo ka mira dhaliya waxbarashadooda,inkasta oo ay jiraan qaar kala gooya waxbarashadooda ay deeqda u heleen sababtii la doono haka danbaysee.

Arday badan oo Soomaaliyeed ayaa waqtiyo badan u jooga dalkan Pakistan si ay u helaan deeqaha waxbarasho oo kuraasteeda Safaaradda lasoo gaarsiiyo, halka qaar kamid ah bilaabaan jamaacado kale markay waayaan ama daahsadaan kuraasta deeqaha waxbarasho.

Safaarada Soomaalida ee Islamabad ayaa ardayda si wanagsan ula shaqeysa iyadoo ay jiraan cawasho ay ardayda qaarkood ka qabaan qaabka ay Safaaradda ku qeybiso deeqaha waxbarashda.

Caqabadaha ardaydu la Kulmaan

Waxaa jira caqabado si guud ay uga wada siman yihiin ardayda Soomaalida ee waddankan waxbarashada ka bilaaba, iyo kuwo si gaara ay ula kulmaan shaqasiyaadka ha u badnaato luqadaha iyo is dhexgalka bulshada. Dalkan Pakistan oo badi jaamacaddihiisa ay ku baxaan English, ayaa haddana waxaa saamayn wayn leh luqadda Urdu-ga oo ah luqadda Pakistan, iyadoo macallimiin fara badan ay door bidaan inay luqadda Urdu-ga ku sharaxaan lectures ama casharada. Ardayda Pakistan-ta ayaa mar mar dalbata in Afka Urdu-ga wax loogu sharaxo taasna waxay caqabad ku noqotaa ardaygii cusbaa ee Soomaaliga ahaa . Nasiib wanaag macallimiinta dalkan oo ah dad dhinaca saacidaadda ku fiican ayaa sababa inay xalliyaan caqabadaha gaarka ah ee ay ardayda Soomaalida la kulmaaan.

Luqadda English-ka waa lafdhabarta waxbarashada Pakistan, waxaa lagu gala imtixaanaadka , waxaa lagu gudbiyaa shaqooyinka la iska rabo in ardaygu sameeyo, waxaana lagu qoraa buugaagta .Marka uu cusub yahay ardayga Soomaaliga ah waxaa adkaata inuu Luqadda Englishka qaab dhawaaqeedkeedii uu fahmo, ama asaga naf ahaantiisa la fahmo, balse mashaakilkan ma waaro inta badan, haddii ardaygu English kusoo bartay dalka waa ka baxaa dhibaatadan asagoo la qabsada qaabka dhawaaqa English-ka oo ah mid uu dhex galay dhawaqa Urdu-ga.

Dhexgalka bulshada.

Ardayda Soomaalida ayaa ah kuwa lagu yaqaan xushmad iyo asluub wanaag maadama ay yihiin dad muslim ah,waxbarashadoodana aad ugu wanaagsan meelkasta oo ay ka joogaan dalkan taasini ay fudeysay inay si sahlan bulshada u dhexgalaan saaxiib dhawna la noqdaa bulshada ay martida u yihiin.

Dhinaca kale waxa ay wadashaqeyn iyo gacansiin dhanka waxbarashada ah laleeyihiin ardayda dhigooda ah iyo macallimiintood jaamacadda.waxayna magaalooyinka ay ku nool yihiin iyo dalka oo dhan ugu mushaaxaan si xor ah iyaga oo aan la kulmin wax faquuq ah ama midab takoor oo waxaaba la dhihi karaa waxba ka ma duwana muwaadiniinta dalka. Dadka Pakistan oo qaddarinta koowaad siiya Muslimiinta iyo cid walba oo marti ah ayaa Soomaalida u sii fududaysay inay dalkan ugu noolaadan si ka wanaagsan dalal badan oo caalamka ka jira.

Waddanka Pakistan oo ka mid ah wadamada ardayda ugu badan ee Soomaaali ah wax ka bartaan marka laga reebo dalka Sudan ayaa ka mid ah waddamo dhawr ah oo Soomaaliya ka gacan siiyay dhanka wabarashada wixii ka dambeeyay burburkii xukuumadii dhexe ee Soomaaliya .

Ardayda Soomaalida ah ee ka ka qalinjabiya jamacaddaha kale duwan oo dalkan ah ayaa caqabad kala kulma qaabka ay ku heli lahaayeen shaqo iyadoo laga soo bilaabo 2007 dalka uu ka dhacay amni xumo aad u weyn, hase ahaatee sannadka 2011 waxaad moodaa in ay arday badan oo dhameystay jamacaddo kala kuwan ay ku sii qulqulayaan Gudaha dalka Soomaaliya tasoo saasaan wanaagsan u ah mustaqbalka ummada Soomaaliyeed.

Gunnaanad /Talo bixin.

Arday walba oo Soomaaliyeed marka uu ku dhex jiro waxbarashadiisa dugsiga sare waxaa maanka uga jira inuu mustaqbalka dhow bilaabi doono jaamacad, bilaabidda jaamacadda sida wax walba oo kale ay ugu baahan yihiin diyaar garoow ayay iyana ugu baahan tahay.

Luqadda English-ka

Luqadda waa furaha shay kasta, kaliya maahan waxbarashada Luqadda English-ku waxay kaa caawinaysaa inaad danahaaga shaqsiga ah ku fushato, waadna ka maarmi kartaa luqado kale haddii aad taqaanid.

Dalka Soomaaliya waxaa ammaan gaar ah mudan iskuullada gaarka loo leeyahay ee luqadaha lagu barto, kuwaasoo la’aantood aysan arday badan dhigateen jaamacad . Haddii aad haysato waqti ugu yaraan 3 bilood dhigo iskuul luqadda lagu barto, iskana dhis dhinaca qoridda, akhrinta, iyo hadalkaba.

Xisaabta

Markii dalka Soomaaliya bur buray wax walbana waa la bur bureen. Waxaa jirtay arday badan oo aan nasiib u helin inay dugsiyada sare galaan, sababtuna ay tahay waqti badan oo uu ka dhumiyay dagaalkii sokeeye. Arday badan ayaa markii ay iska dhiseen Xisaabta iyo English-ka waxay ku guulaysteen dugsiga sare iyo jaamacaddahaba la tar tamaan kuwo soo dhammaystay marxaladihii kale ee waxbarashada.

Jaamacadduna waa lamid,haddii ardaygu aad uga dhisan yahay Xisaabta waxaa u fududaan kara maaddooyin badan oo xisaabta fure u tahay.

Inta badan waqtiyada jaamacaddaha lawado waxay u dhaxaysaa 3 sano illaa 10 sano, hadba qofka waxbaranaya ayay ku xiran tahay.

Maanka ku hay waqtiga aad kasoo maqan tahay waalidkaa,walaalahaa iyo bulshadii aad ku dhex jiri jirtay inaad dareemayso dadkaagii,hase yeeshee kusii tala gal in waqtiga aad jaamacadda waddo uu yahay waqtigii baddali lahaa mustaqbalkaaga oo dhan.

Adan Dahir Salad (Suxeyfa)
Mass Communication
University of Karachi
Email: Suxeyfa1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.