Home » Badda »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…


DFKMG oo soo saareysa Sharci Lagu Tirtiraayo xeerkii Badda Soomaaliyeed ee Law no. 37 ee 1972
Xukuumadda FKMG oo 19-ka December 2011 ka Tanaasuli doonta Xeerkii Badda Soomaaliya ee soo jirey 40-sano

Go’aamadii ka soo baxay shirkii “wada tashiga” ee ay soo qabanqaabisay Qarammada Midoobey, laguna qabtay magaalada Muqdisho (August 4 – 6, 2011) ayaa waxaa kamid ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan  “EEZ” (Exculisive Economic Zone) ama “Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah”.

Qodobkaasi waxa uu meel ka dhac ku yahay xeerka u degganaa Qaranka Soomaaliyeed muddo 40 sano ah, xeerka Law no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay leedahay DHUL-BADEED (Territorial Waters), dhul-badeedkaas oo cabirkiisu xeebta ka durugsan yahay 200 mayl-badeed. Sidaas daraadeedna Hadalka aan meesha qaban ee ku qoran qodobada ka soo baxay shirkii Muqdisho waa oraahda “Exclusive Economic Zone” EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah).

SII AKHRI….

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

250 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii "

  1. gaaldiid2 says:

    ASC Somali waddan aanay addunka ka joogin majirto, fadhiga ha laga kaco, hala mudahaarado, emailada ha lagu waalo UNta iyo madax isku sheega Mogadishu, bal ha la tartamo, hala arko waddanka ay Soomali joogto, oo u firficoon. Lacagta xunka ee ceyrka yaan loo baqin, dhaxalki carruurteena dambe ayaa la boobayaa, caruurteena gumeysi xun ayey gelayaan, haddii aanu dagaalami weyno !!!!!

  2. maxamed cali xasan says:

    asc marka hore waan salaamantihin bahda soo bandhigtay barnamijkan raadka ku yelanayo umada somaliyed kuwa aqoontoda uga faideyay umada somaliyed tusayna in somalida loo tashtay wan salamayaa iyo bahda websitekan mamusha salaan kadib waxan soo jedinayaa talada iga adan arinkan waxaa isdhihi karaa in umodo hada wax fahantay alx marka in aan iska dhicino cadawga nagu dhaxjiro sida kuwa hada gadanayo badda deeqi la’a hantidi kale umada soomaliya lo soo dhibay sida dadka abaraha heyso xolada loo so dhibay iyo mida kale o ah tan umuda loogu tala galay insha alah mar waa la xisabtami donaa insha sida hada wadamada qaar ku dhacday in bankiyada aduunka wax la dhigto iyo guryo la gato calamka wana laga daba tagayaa insha allah arintan maguurtada ah waa in umada u sara kacda hada howlahas si xowli ah ayay u socdan dowlada fara badan ayaa hada weerar nagu ah sida gacantena loga bixin lahaa badda aan leynahay marka walalayaal aan u istagno sida aan iska dhicin laheyn cadowga nagu dhaxjiro iyo midka banaanka tagan insha allah wan ka guleysan donaa hadi isku duubni la muujiyo insha allah alle aan tala sarano .
    waxan ka codsanayaa warbahinta in ay sameyso arintan ka hadalkayda sii xoojiso si umada hurdada loga kacsho inta jiifta shirarka hada lagu qabanayo somlayada gudaheyda ma ahan mid la rabo in aan ku hishono ee waa mid dan gaar ah laga leyahay o la rabo in cadayn naloga dhigo o la dhaho somaliya gudaheyda ayaa lagu saxixay Roadmapka siba tan badda marka fajignaan hala mujo wan ka guuleysan donaa insha allah mahadsanidin

  3. MOHAMMED ABDI DAHIR HAJJI ALI BALLE says:

    SOOMAALIYEEY KAKACA HURDADA U ISTAAGA DIFAACA DALKEENA HOOYO WAANA LAGU SOODUULAY INTAAN ISHAYSANAY. QABIIL QARAN MAAHAN DHULKEENI KENYA,NORWAY,IYO QOOLEEYSATO SHISHEEYE AYAA KU SOO DUULAY AAN DHIGNO BANAANBAX KADHAN AH 19 DEC. XUDUUDA BADDA SOMALIA MAAHAN MID GOR GORTAN GALIKARTA. SOMALIA SXB MALAHA ALLAHA AYAAN WAKIISHANAY.ARDEYDA SOOMAALIYEED EE DALKA MALAYSIA WAXAAN QABAN QAABINEEYNAA PEACEFULL DEMONESTRATION AGAINEST KENYA, NORWAY IYO UN KA HESHIISKAASNA WAA XAARAAN. PRIMINISTER KUSHEEGA WAA ADEERKAY LAAKIIN BADDA SOMALIA AYAAN KU KALATAGEEYNAA HADII UU SAN WAX KABADALIN HESHIISKAAS. DHULKEEYGA WAAN KA JECLAHAY AABAHAY ITS MY MOTHERLAND.SOOMAALIYEEY TOOSA TOOSA. SOMALITALK THANK YOU TAARIIKHDA AYAA XUSIDOONTA WAXQABADKAAGA SOMALIA HANOOLAATO CADAWGEEDA ETHIOPIA, KENYA HADHACAAN

  4. maxamuud al says:

    asc dhamaan waad salaaman tihin waxaa mahad iska leh ilaahay .. ka dibna waxaan mahad u celinaynaa somalitalk….. whli waan wareertay ee jiifka ka kaca banaanbax hala sameeyo calaamka aan tusino inta la gaarin decenbar 19 ….. meyl walba an joogno ha laga sameeyo siiba norway waa waadan kaa cabinaayo dhullka qeyraadka dabiicaga badan ….. somali waa in laga baan banaa meyl walba tuugadda madaxtowda waa in ay arkaan … insha alaah tallada allaaaah baan saaranahay wax dhici meyso hadii aan isku duubnaano

  5. Bilqeyr says:

    waxan raali galin udirayaa somalitalk iga raali noqda maadama aan kusoo celceliyo barnaamijkan looga hadlaayo badda idinkuna aad dhahdeen haku celclin halmar kaliya dirso fikradaada maanta waxan rabaa in aan talo muhiim ah usoo jeediyo qaranka soomaaliyeed ee emailka ka mudaharaadayo.

    taladeydu waxay quseysaa inta kasoo horjeedo in dhulkeena la iibsado si sharci daro ah wax aan udulqaadan karnana aan aheyn ok.

    taladeydu waxay tahay in laga hortagi karo arintan oo ah dhacweyn waxana uga hortagi karnaa 2arimood.

    1:waa in aanu banaanbax caro ah sameynaa oo aan muujinaa in aan ka soo horjeedno in baddeena leeska iibsado 19-kadicembarna la ansixin rabo arintan
    marka waxan sameyn karnaa caalamka meel walbaa aan ka joogno intaan halmaalin oo qura isbalamino aan mudaharaad loo wada dhan yahay aan sameyno anagoo dowladaha fasax nabadgelyo weydiisaneyno halkaas maalin waana ineynu tagnaa safaaradaha hortooda taasi waa looga hortagi karaa in la iibsado baddeena.

    2: markaas waxii ka danbeeyo haddii la qadarin waayo mudaharaadka aan uga soo horjeedno bililiqada lagu sameynayo dalkeena waxan sameyn karnaa intan wadankeenii tagno anagoo isbiirsaneyna inta maanta uhalgameysa ama ka damqaneysa dhaca noola geysanaayo ayaan ka mira dhalin karnaa arinkan anagoo la xisaabtameyno raggii isku daye in ay saxiixan iibsashada baddeena waxana sameyn karnaa in aanu maxkamadeyno dadkaasi aanu noqono dad karti leh oo isku mowqif ah ujeedadeenuna waa sidii aan ku badbaadin laheynay dhulkeenii iyo baddeenii.
    yaa raacsan taladan oo daacad ah wax matareyso fikrad la dhiibto oo kaliya ee aan isku dayno in aan kasoo horjeesano inta aan la gaarin 19disembar.

  6. cartan says:

    waxaan idinkaga mahadcilinayaa bahda wabsedkan qorta sida wadaniyadau kudhehantahay ee aad ugu dhiidhideen hantida qaranka soomaliyed ee dhacayo .badu waa hanti maguurto ah ee kadhaxeysa dhamaan shacabka somaliyed mana dhiibikaraan shaqsiyad cidii dhiibtana waxay geleysaa qiyaano qaran oo cad

  7. dalmar says:

    Dawladkusheega ku meelgaadhka ah xaq uma laha in ay saxeedo taako ka mid ah dhulka iyo bada qaranka somaliyeed.
    Dhuuni raac wasiir isku sheeg basaas ah oo saxiix ku iibsada umada soomaaliyeed dhaxalkeeda aynu iska qabano.

  8. Magan says:

    Somalidu waxay ku maahmaahdaa Baroortu Orgiga ka weyn, Waxaan waxaa ka dambeeya gumaysigii somaliya soo gumaysan jiray oo somaliya luuqluuq u kala yaqaana. waxayna adeegsanayaan dad maangaab ah oo meel dhaw waxka arka oo aanan fiirinaynin waxa fog.
    Hadaba somaliyi aragtay rafaad iyo silic meelwalba oo ay joogaan kooda itoobiya gumaysato iyo kooda kenya gumaysataba. Awalba waxba gacan nooguma jirine waayo waxba kama ogin mashaariicda ka socotta xeebaheena iyo berigeena iyadoo caruurteena ay gaajo iyo silic ay u dhimanaayaan. waxaan dhihi lahaa calamada tirada badan ee gumaysigu noo soo dhiibay si ay danahooda u fushadaan aanu dhigno marka hore than aanu ka hadalno sidaanu dhulkeena iyo badaheena u badbaadinlahayn.

  9. Cadil says:

    Walaalayaal e’mail iyo teleefoon hallagu harqiyo Dowladdan
    rabta in aay bixiso baddii Soomalia.

    Qofkii raba in uu jawaab ka bixiyo boobka badda Soomaaliya
    waa ka faaideysankaraa e-mail-yadan iyo Teleefonnadan oo ah public:

    (1)Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – media@opm.gov.so
    (2) Telefoonada Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waa 252615615536608 ama 252699998854
    (3)Xafiiska Madaxweynaha – media@sompresidency.org
    (4)Afhayeenka Baarlamaanka – shariif.speaker@gmail.com
    (5)xafiiska madaxweynaha email kale oo hore weeye – pmcommunicationoffice@gmail.com
    (6)xafiiska ra’iisu wasaaraha waa email hore – opmtfg@gmail.com
    (7)Safaarada Soomaalida ee Kenya – mali@somaliembassy.co.ke
    (8)Safaarada Soomaalida ee Qarammada Midoobey – somalia@un.int
    (9)Xafiiska Madaxweynaha Puntland – info@puntland-gov.net
    (10) Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta – media@mipt.gov.so
    (11)Mahiga iyo xafiiskiisa – unpos_pio@un.org

    UN…Qaramada midoobey
    Secretary of the Commission on the Limits of the Continental Shelf
    Division for Ocean Affairs and the Law of the Sea
    Office of Legal Affairs
    Room DC2-0450
    United Nations
    New York, New York 10017
    USA
    Telephone: (212) 963-3962
    Facsimile: (212) 963-5847
    E-mail: doalos@un.org

    Secretary-General Ban Ki-moon
    UN Headquarters
    First Avenue at 46th Street
    New York, NY 10017
    USA
    Email: sg@un.org

    Michèle Montas
    Spokesperson for the Secretary-General
    Email: montas@un.org

  10. AW Jamac says:

    Asc, waxaad moodaa wadamada Madaxa kaga taagan in ay dawlad somaliyeed oo shaqaysaa ay soo noqoto in ay ku filaan weydey badii ay u soo dirsadeen maraakiibtooda dagaalka si ay u ilaaliyaan kuwooda boobaya badeena, kuwooda qashinka ku shubaya, kuwoda sharcidarada ugu gooshaay. ma waxay hadda maraysaa somalidu ma istaahilaan xeebtan weyn ee intan le’eg, waxay mudan tihiin in laydinku hor joogo 12m. waa ayaan daro iyo innagoo halkaa is dhignay cid kale eersan mayno.
    waxaan oran lahaa badbaadinta badeenu waxay sugaysaa Aqoonyahanka somaliyeed oo ay u horayso bahda Somalitalk oo bilad dahab ah mudan, iyo intii kale ee wax garad ah.
    Meeye baarlamaankii ma $100 ayaa loo qaybshey, maxay uga hadli weeyeen oo waraabayaasha badda uga dhicin la’ yihiin, miyaysan ogayn in ay ayagu ka awood badan yihiin isma dhaantada TFGda ee caaddaysatay in ay badda somaliya cidii ka so dalbataba ya siyaan.
    Cumar Cabdi rashii ayuu ahii ninkii lahaa markuu london yimi ee wax laga weydiiyey wasiirkiisii badda saxeexay ” waa nalagu khiyaameeyey aritaa” haddana waxaynu aragnaa in ay sidii tii hore rabaan in ay inoo mariyaan oo innagoo indhaheenu shan yihiin baddenii koox yari wax go’ qaadaya sii sato miyeynu ka yeelaynaa? wax garadka somaliyed ayay jawabtu u taal.
    wsc

  11. mo says:

    asc . waxaa ceeb ah nin shalay raali ka ahaa in bada soomaliya lagu wareejiyo kenya maanta yiraado waxan difaacaya bada soomaaliya prof -ibi wuxuu ahaa wasiirka kaluumaysiga iyo khayradka bada maalinta -ina cabdishur oo ay saaxiib ahaayeen u bada soomaaliya ka iibiyey kenya maanta muxuu u difaci wayey ? soomaalidu ilowsha dhawaa ma umulba waxaa halkaa ina dhigay waa waa nin maalintuu xilka hayo dhibka ka shaqeeya marka uu waayo xilak marka u hayana yiraada hadan wax saxaya.
    goormaa wax la saxaa ? suaasha waxan udaynaya dadweynaha
    bada soomaaliya hadan loo kicin oo waliba hadal iyo qoraalada aan lagu darin mudaharadoi waxan ku sugan tahay halis .ninwalba wuxuu taro dalkiisa iyo dadkii taarikhada qoraysa ‘

    wabilaahi towfiiiq

  12. ciiraale says:

    Asc

    Waxaan aad ugu faraxsanahay sida xilkasnimada ah ee soomaalitalk iyo shacabka soomaaliyeed uga dhiidhiyaan arrinka waxashnimada ah ee ay kukacaan dadka ey masuuliyadda udhiibteen. runtii waa arrin murugo leh in dad loo doortay in eey umadda dhibka haya kasaaraan (Alle ayaa kasaari karee) in ay dadkii iyo dalkiiba dhib siigeliyaan.

    waxaan taageersanahay in ladifaaco badda soomaaliya oo eeynan cidna kasugin in eey inoo difaacdo, maadaama aan aragno sida ay yeelayaan dadkaan xilka u dhibaney.

    waxaan usoo jeedin lahaa soomaalitalk, macquul matahay inaga oo adeegsaneyna ururada saxaafadda iyo shacabka soomaaliyeed in aan iclaamino maalin laysu soo baxo dal iyo dibadba, taas oo aan kumuujineyno sida aan u diidanahay waxa eey wadaan dawladaha doonaya in eey baddeena boobaan iyo dadka ay adeeg sanayaan.

    Haddaan tusaale ahaan dhehno 10.10.2011 waa maalin mudaaharaadka lagu difaacayo badda soo maaiya. inta maalintaas kahoreysana aan diyaar garowno inagoo adeegsaneyna saxaafadda suurta gal matahay? waad mahadsan tihiin.
    waxaan sigaara u salaamayaa Bashiir Shiikh maxamud oo arrinka aad ugu dadaaley, waxaana leeyahay Alle iyo soomaaliyiba waa kuu ogyihiin dadaalkaaga.

  13. Asc all SOMALITALK.COM waad salamantihin waadna mahadsantihin sidad iskugu xilqanten arimaha somalia idinka & idacada ALFURQAN ee afka somaliga kuhadasha kana shaqaysa wadanka gudihisa, intan idacad dhagaysatayay ama WEBSIDE aqrinayay wax bada somaliyed kahadla idinka ayan ka arkay shacabkana dan fican ayad uhaysan waxana idinku borinaya inad tugada qowlaysatada cunay dhiga somalia ad magacoda soqortan malin mal maha kamida aya lala xisabtami hadi ale idmo tan kale hada kahor marki bada lagaday ayad so ma sawirten marka mel laga helo ishega si an tarikhda dib ugulabto idinko mahadsan

  14. ciiltiro says:

    AC

    Ilaah ayaa mahad leh marka koobaad. Waa wax lagu farxo inaan wali heysanno rag iyo dumar ku dadaalaya iney ka dhiidhiyaan dhibaatada dalkeenii hooyo lala damacsan yahey. Walaalayaal markii aan iftiin yar helnay iyo nin la xisaabtama dowladaha shisheeye ee dhiigeena miirta oo isku keen direy, haddana u soo jeestey iney dhulkeenii iyo baddeenii la wareegaan, ayaa shirkii kampala la qabtey si loo rido ninkaas oo ahaa halyeygii Farmaajo, Oo xitaa yiri hawadeena lacagaha aad ku qaadataan na siiya. Dadbaa ku fekeri doona gabadhaan malaha Farmaajo ayey ku qabiil tahey, walaahi inaanan ku qabiil aheyn ee waddaninimadiisa ayaan soo xusuustey iyo sida loo galey.

    hadda iyo dan waxaan u soo jeedinayaa ninka leh madaxweyne ayaan ahey awalba isaga,cabdiraxmaan cabdi shakuur,ibbi, shariif xasan iyo cabdirashiid ali sharmaarke ayaa isku dayey iney baddeena siiyaan duulka ku soo duuley, ilaah mahadii shacabka somaliyeed iyo baarlamaanka ayaa u gurmadey ineyna taas dhicin.

    Haddana waxa Farmaajo loo casiley waxay aheyd in la marsiiyo arrinkan iyo kuwa kaloo badanba cabdi wali gaas oo aad mooddo inuu wadaninimadii iyo ku dayashadii Farmaajo oo aan ka fileyney meel uga tegey oo raacey mas’uuliyiintan aan aqoon iyo wadaninimaba laheyn oo dhuuntooda la fil ah. Ilaah ayaan ka sugeynaa inuu cadowga naga qabto rag waddaniyiin ah oo difaaca dalkana noo keeno aamiin. Shacabka somaliyeedna waxaan kula talinayaa iney meel walba oo ay joogaan mudaaharaadaan, oo adduunka tusaan in dalkeenii iyo badeenii la dhacayo.

    Heshiiskii kampala qodobadii ka soo baxey waxaa ka mid ahaa in aan baarlamaanka mooshin keeni karin muddadaas sannaka ah. walaalayaa taasaa ku tuseysa in la rabo in muddadaan sannadka ah la rabo in waxba walba nalaga sameysto saa waxey keensadeen masuuliyiin laga gadi karo waddanka. ILAAHOW ADAA NOO MAQAN. AAIIM.

  15. Bilqeyr says:

    (Gumeysi yaa diidan diidan oo daafacaaya dalka yagoo?

  16. Abuu Anas says:

    Asc sidaan filayo naguma cusba iib geynta handida ummadda somaliyeed oo hanti badan ayaa la iib geeyey, sida warshadihii muhiimka ahaa, heer qaarkood ka shaqeeyaan waddamo kale, sida warshaddii rasaasta ee mahaddaay, maraakiib qaranku lahaa iwm. Waxaa waddanka la soo galiyey sun farabadan oo khatar ah raadkeedana la hayo iyo ciddii lacagta ku qaadatay. Hadda xaalku wuxuu marayaa, in baddii iyo birigii la iibsho oo ay soo galaan qadka company_yo calooshooda u shaqeystayaal ah oo aan beer reebeyn dad, duunyo iyo dalba, sida SKA, BLACK WATER, AMISOM IWM.
    Waxaad somaliyey ogaataan, in aan gumeysi ku jirno oo aanan xor aheyn, dadka madaxda sheeganaya ee maalin walba mid cusub la keenayana ay yihiin gumeysi kalkaaliye lagu meel gaarayo.
    Qorshaha somalia laga doonayo waxaa ugu muhiimsan arrimahaan soo socda.
    1- In dalka dadka laga saaro oo bari cod difaacata la waayo, sida hadda ka socota gobollo badan oo ay ugu weyn tahay Galkacyo( meeshii lagu bataba colaad ka aloosa, si looga qaxo, kenyana uga gacan haatiya-xagar dheer)
    2- In dadka aqoonta leh argagax lagu rido oo kooda dalka jooga harsan waayo, si ay u qaxaan, kuwa dibadda jooga ee jaamacadaha dhammeeyey iyo kuwa kalaba ay uga quustaan ku soo noqoshada dalkooda hooyo).
    3- In colaad diinta sal ku haysa la abuuro oo la dhiso kooxo kala duwan oo isgaaleysiinaya, dhiigoodana banneysanaya, si loo waayo ahlu diin mideysan oo gumeysiga farta ku fiiqa,
    4-In masaajidda dadka lagu laayo oo laga cararo goobihii cibaadada.
    5- In shacabka loo tuso dalkooda hooyo meel aan lagu noolaan karin ee adduunka loo qeybsho.
    6- In kheyraadka dalka si fudud lagu rarto.
    7- In dagmo kasta dowlad goboleed laga dhiso, kuna dhisan qabiil, si loo soo cusbooneysiiyo dagaalkii qabiilka.

    Qofwalbo ogow waa la isku haystaa dalkii Alle noogu deeqay ee aan difaacanno ama qolo kale ayaa Alle siindoonaa.

    Khabiir arrimaha bulshada.

  17. caaliya says:

    War waa wareey!!! war yaa muslin aheey!!! war yaa soomaali aheey!!! ragga soomaaliyeed yaan uga dacwoonaa? waxaa nagu maqaalo ah oo in lacag loo balan qaaday nimanka warqada saxiixay iyo kuwa saxiixi doona december waxaanse idin leeyahay war xagee baad ku cunaysaan lacagta war heedhahaya Alleysa fiikum rajulun rashiid? war xitaa baarlamnki aan ka dayrin jirnayna mee? SOMALITALK waxan idinka baranay inaad u dagaalantan difaaca xaqa shacabka soomaaliyed ee waxan idin dhihi laha xitaa war baahinta caalmaka oo xorta ah arintan sida Aljazeera war maanta waa yaa maali jiray waxaasna waxa dabada ka wada waa ingiriis waxaanse idiin sheegi markan yaabnaba Rabbi dad buu noo bixin jiraye bal maanta idinku u kaca arintan Alle ha idinku caawiyo. waxan leenahay kuwa shacabka soomaali masuulka u ah oo masuulki ka soo bixi waayey ALLE si degdeg ah ha nooga qabto waxan ku baryeynaa BI ASMAA IHII ALXUSNAA WA SIFAATIHII AL CULAA, lacagta aad ku badalatan dhaxalki dhulkeenana Alle ha idinku gubo qabla al aakhira waad mutaysateen in aan idin habaarno war muslimiintow aamiin dhaha.Somalitalk waa rajada keliya ee aan ku seexano ee walaalayaal wadahowsha maalin uun baa la idin abaal marin ama aduunka ama aakhiro wajazaakumulaahu canaa kula kheyr wazaaddakum khayraa.

  18. Bilqeyr says:

    Anigu hadaan qayaaso badda somalia sababta loogu soo jeestay waxay tahay.
    badda somalia waa badweyn oo baaxad leh oo qeyraadkeedu badan yahay oo aan jirin dowlad tayo leh oo maamusha dadka hadda xisaabtanka la galayna waa kuwo ufiirsaday in ay tahay badda somalia mid dayacan dowladdii ilaalin laheydna ayadaabo isku maqan waxba kama oga badda iyo dhulka ilaalintiisa marka waxay,ilatahaysababta loogu soo dhigtay waa dayacnaaanta
    iyo qeyraadka ku jira oo ah mid aan laga sabri karin haddii hadda sidaas lagu qeybsadana waxa eeda iskaleh nimanka mas’uuliyada wadanka qaaday dhulka iyo baddaba ayagaa mas’uul ka ah haddii lala wareego
    waana soo bixi doonaan rag firfircoon oo la xisaabsaabtamo

    ogeysiis.

    waxan ogeysiinayaa waxgaradka somaaliyeed meel walbaa ay dunida ka joogan rag iyo haween dhalinyaro odoyaal iyo intii jecel wadanka in uu ka badbaado gumeysi in lagu soo wajahan yahay wadanka somalia oo aysan ayheyn badda oo kaliya balse faragalinta lagu bilaabay badda waxase xigidoona ayadoo wadankii oo idil faraha lagu dhigay waana wax iska muuqda waayoo waxan wax ka sugeynaa waa dowlad aan waxba ku maqneyn oo iska fadhiya muqdisho waxna ay iska dawaafayaan daafaha dunida sida keynya itoobiya iyo wadamada kale, marka waxan leeyahay waxgaradka soomaaliyed ka kaca hurdada inta uu wadankeena gacanta ka bixin dadkii baa le’day baddiibaa kusoo xigta hadana dalkiibaa faraha ka bixi rabo walaalayaal wadan shisheeye wax nooma taree wadankeenii aan difaacno hadda wararkan soo baxayo ee ah in baddeenii baaxada laheyd in noola xisaabiyo 12 kaliya waxa iimuuqata in hadane ay kusoo xigto in dhulkeeniina noola xisaabiyo oo la dhaho somalia 6gobol ayey leedahay ee walaalayaal yaana isku haleynin dowladan waa dowlad ayada isku maqan ee aan waxba ugalin dal iyo dad toona waxan mar kale hurdada ka kicinayaa wax garadka soomaaliyeed ee jecel wadankooda in ay gacanta ku hayaan.

  19. Cumar says:

    ASC,

    Mahad oo dhan Allaah ayaa iska, sidoo kale kuwa dadaalka gudashada waajibkaan u taagan ayaa mahad leh, ka dib.
    Walaalayaal, markaad si dhab ah magaca madaxda (golaha xukuumadda) Soomaaliyeed kuwa lagu tolo intooda badan aad rogrogto waxa aad akhrin kartaa inay astaamo badan oo nifaaq ah kulansadeen tusaale:
    1. U gacan gelinta dal muslin duul gaalla ah waa xuduudda badda Soomaliyeed (ololaha ansixinta 12 nm EEZ ).
    2. Inay la dudeen gaalo shirkii UN ayadoo aan qof kaloo muslim ahi caroonin goor uu dul joogay asbaabta hadimada caalamiga waxaa sharaxaayey AhmediNejad.
    3. Wixii intaa dhaafsiisan oo ka baratay dhaqankooda iyo hadaladooda bal adba raaci ……… ……….. ……….
    Sidaas darteed waqti nooma harin (mu’aamaradda shirqoolka sida gurracan loo xeeladayeeyay laysuguna dubbariday 19ka Desember si looguba kala baxo). kuwa wataa bilow ay dhamaad xendaab qorshe weyn oo uu ku hirgalo ayay u yeeleen.
    Haddaaba maxaa nala gudboon oo aan ku fashilinaa.
    Ugu horeyn Xafiiska madaxtooyada maxaa heysta, barlamkii iyo guddoonkiisa miyaaney la soconinba?
    Waa socdaa kacdoonka waxgaradka damiirka suubban ee dalka iyo dadka u damqanaya, wuu guuleysan Illaah idinkii” DIFAAC BADDAADA”
    A.Guddiyada Soomaaliyeed ee loo saaray inay wax ka bisleyaan jidka xaaraanta ah ee la tiigsanayo “roadmap” ogaada goddonkiisaaba khaldan ee garwaaqsada in aydnaan go’aamin karin xuquuq sharci ahna aydnaan uba laheynin aogoolansho ku saabsan asteyta ama bixinta xuduudaha dalka badda gunteeda iyo dusheeda toona, berriga iyo hawadaba…
    A. Ina Gaas adiga iyo golahaagaba idin ma dooran shacabka, ka jooga arrimaha masiirka fog ee xuduudaha, waayo dalal dawlado rasmi ahi ka jiaan ayaaba dib u dhigtay barnaamijka UN). Sida aad wax u waddaan daw ma ahee ee jooga.
    A.. Qof kastoo ogow ceebi ta maanta joogta kaliya ma aha hadiiba aad Baniiaadmi ka baqeysaan ee u tu aad u daran ayaa xigi doonta (waa lays xisaabin oo lays abaal marin).

  20. Mohamed says:

    Arimahaan dhegaha Umada Somaliyeed kusoo dhacaya o hadana ay wadaan dadkii sheeganayay inay Umada masuuliyad u hayaan waxaan leeyahay taasi waa nasiibdaro. Waxaanse karajaynaynaa Baarlamaanka Somaliyeed inay arinkaan kadhiidhiyaan kana hortagaan. Waxaan kaloo kutalin lahaa inay umada Somaliyeed Alle SW isu dhiibaan kana baryaan inaan Yeeydu cidla kahelin. Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  21. Faysal Daafeed says:

    Bada Soomaaliya maxaa maanta keenay in mugdi lagaliyo iyadoo ay dowladii hore saxiixday 1972, sharcigaasina uu yahay mid sharci ah xaga qaramada midoobay. Su’aasha jawaabta u baahan waxay tahay ma dhukii aduunka iyo badihii baa balaartay oo waynaaday markaas ayaa loo baahday cabir cusub? waxaan isleeyahay jawaabta waa maya. marka waxaa ayaan daro ah in maanta dadkii wax usoo bartay wadanka Soomaaliya oo ay aheed aqoontooda in ay uga difaacaan cadawga doonayo in uu bililiqeesto ayaa iyagii waxa ay noqdeen kuwo horseed u noday oo waliba noqday wadadii loo soo mari lahaa. Inta damiirka leh hadaan nahay waan ka soo horjeednaa waana cambaareeneenaa, waxaana diyaar u nahay in aan difaacano dalkeena una hurno wax kast ay oo ay noogu kagdo. Qaa’in al wadaniin ayaan is leeyahay weeye kuwa arimahaan kukacayo.

  22. sayid garcad says:

    ilahaw ada aduunkan dalacanaya ee wadanka noo badbaadi dad masuliyiina iyo umad dhiiglehba wanga dhamataye.

  23. Haddii aan nahay shacbiweynaha soomaaliyeed waxaa inala gudboon maanta inaan ku adkaysanno inaanay jirin dawlad soomaaliyeed oo na matasha, mar hadii kuwii aan rajada ka qabnay ay u haliilayaan inay baddeena duudsiyaan. waxaa muhiim ah inaynu usheegno in kuwa usoo malabsanaya badeenna inay kala kulmi doonaan xabbad kulul iyo madfac. waxaa nalaga haystaa dhul badan oo aan annagu leenahay, markii la waayay wax dhulka naga maqan u hadla, ayay noqotay in la yiraahdo baddana aan ku darsanno. war hadaad dhimanaysana dhareerka waa layska duwaaye aan sharf kuwada dhimanno.

  24. waxaan ahay mawaadin somaliyeed waxaan marka koowaad u mahadnaqaya bahda SOMALITALK, sida ay isugushuqliyeen danahadadka somaliyeed,markaan usoonoqdo talabixintayda waxaan kutalin lahaa in arintaa umada soomaliyeed uistaagto waxaana kadhowraynaa nin maanta naga qaata abaalmarin (hero) sida somalitalk, oo abaabula mudhaaharaad lagaga soo horjeedo arintaas si geesinimoleh raisal wasarahana waxaan dhihilahaa raisal wasaarayaal horaa kagaabiyay wadamo xornoqon lahaa oo umadu kuxaman jirtay inay gateen wadamasomaliyeed adna intan gado hadaadba awoodo, hadiikale isasax umadana maqashii oo faahfaahi hadii laguu hoosgaliyay wabilaahitawfiiq.

  25. Ugaas C/xakiim nuur Weehaan says:

    Hotra Runtii Sheekh Maxamed Idiris ,somalitalk iyo Qare aad iyo aad baad u mahadsan tihiin arrinta sidaad uga dhiidhideen anaguna waa idin garab taaganahay 100%, waadna na maqli doontaan insha allaahu tacaalaa.

  26. waxaan ahay nin somaliyed waxaan jeclaan lahaa in xukuumadan hada jirtaa looga yeedho golaha baarlamaanka , lana waydiiyo arintan , waayo xajadani mar hore ayey soo baxday intii sheikh sharif madaxwaynaha ahaa isagaana ka masuul ah dalkan iyo dadkiisa.Markaas haloo yeedho madaxwaynaha, ra’iisal wasaaraha,’wasiirka arimaha debeda iyo wasiirka qorsheynta iyo xirirka caalamiga. Soomaaliya iyadaa dhul ka maqnaa ee hadaan kii laraadinayn inta kale farah hanooga daayaan dadka maamulka gacanta ku hayaa.Mawada dilaal iyo dayday baynu noqonay !

  27. Bashir says:

    Asc.. ka bacdi dhulka iyo dalkanba soomaalibaa leh malaha Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed ee shaqsi kamida umadwaynta soomaaliyeed ayuu ka mid yahay bada soomaaliya way xadysantahay xadkalena umaba baahnin TFG waxaanu u sheegaynaa anagaa dalka iska leh hadii aad dana shisheeye fulinaysaan fuliya maalinta ay isla xisaabtanka cid idin cafin majirto ee taas ogaada mida kale cida aad dawlada u tihiin maaha dadkale ee soomaali hadii ay shisheeyuhu idin masaariifaan ma qasabaa inaad wadankiina gadaan mise idinkuma jirto miya damiir bari caruurtiinu xageey ku noolool INSHA ALLAAH maalin dhaw Dawladnimo dhab ah waan gaadhaynaa duliga aan anagu isbidnayna waan ka baxaynaa: dhalinyaroow toosa oo dalkiina iyo dadkiina u adeega iskana dhaaf qabyaalada iyo waxa qayrkeen inaga reebay

  28. abuu hamza says:

    ascww dfg ma si ay uga baxdo tfg bay bada soomaaliyeed u bixinaysaa oo caalamka ayey dawlad u tahay oo dawlad soomaaliyeed ma ahan mise garan la yihiin ina cali gaas saaxiibadii ka horeeyey meesha ay caalamku mariyeen in marinayo soo ma oga war taag badeed soomaaliyeed ha isku iibsanin oo haka danaasulin,dalka umda ayuu ka dhaxeeyaa ee waxaad adiga iyo xukuumadaadu aad u madax bannaantihiin ma ahan ee ha isku ceeboobin. dalka dadbaa leh dadkii ma baabi’in damiirkuna kuma dhamaanin ee la soco by abuu xamza.

  29. asc magacaaygu waa ,,cabdixakiin .cabdulaahi cali ..jooga kampala uganda marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada somaliyeed meel kastaay joogaan alena tawfiiqda haayna waa fajo hadaan ka gudbo intaas walal waxaan u arkaa nimankan dawlada ah markii horaba waxa loo soo dhisay waa dibn daabyada dadka iyo dalka soomaliyeed waayo waxaa kuu cadaan ah waxay galeen heshiishan iyaga oo jira halsano wax kayar hadaanan qaldanaain waxana ku diiday barlamaanka oo geesinomo muujay maantaa ilaa iyo maantaasna waxaa la waday wax kala bedel iyo isku shaan dhain nin kii layslahaa waxbuu diidayaa oo dham meeshaa laga saaray iminka waxay u muuqataa waxa la helay ragii loo baahnaa oo dhamas tiran waxana la doonayaa in lagu boobo bada iyo beriga somaliya si xaqdaro ah hadaba waxaan aad uga xumahy raysul wasaaraha cusub oo ku soo biiray dibin daab yadii lagu hayey umada somaaliyeed ee maanta tamarta daran ee wax walba u nugul waayo waan ogeen 2 shriif waa ragii keenay qorshahan oo dhan waxan islahaa cabdi weli waa dhaamaa maadaama uu yahy nin aqoon yahan ah oo kayimi qurbaha oo yaqaan wadaniyada iyo waxaay tahy oo dhan isma lahin dhankiisaa laga soo dhacayaa balse waa ayaan daro soo korodhay sorry sorry waan ka xumahy hadaay jirto arintaasi uuna oglaaday tankale waxaan codsanayaa in laayga gaadhsiiyo qoraalkan haday suuragal tahy walalyaal raysal wasaaraha dr cabdiweli aduun magac baa kahadha waxnina waa dhamaanayaan somali waa hagaagaysaa beri waxaa iman doona hal qof iyo hal cod taariikhda meel fiican baad kaga jirtaa ilaa hada ee meel madoow haka gelin fadlan waxan kale oo ka cudsanayaa barlamaanka somaliya war walalyaal waxaad tihiin wakiiladii shacabka waxad meteshaan dad weynaha soomaaliyeed ee maanta hiilka ubaahan walalyaalow u hiiliya oo dalka u hiiliya fadlan ..saad tii horeba ugu hiili seen maanta waa kama danbaistii waana shaqadiinii baarlamaan yaan xantii laydinka aamin sanaa run noqon walalyaal aduun magac baa kahadha yaan hadalkii kooxdii qayladhaan rumoobin ee ahaid xildhibaanow xaalqaado war maanta taas ka dagaalama oo codkiina ku dagaalama dal iyo dibad meeshaa jirtaanba shacabda somaliyeedna waxaan leeyahy walalyaal arintaas ka dhiidhiya shucuurtiina muujira is nabad gelyo ah u soo baxa.. taxriir isku weer. meelkas tuu ku yaalaaye wabilaahi tawfiiq somali guul guul guul

  30. omar ali says:

    waa mahadsantihiin somali talk tankale waxaan fahmi la ahay haday sax tahay sida somali talk maxaa ku qasbaya dawlada tanaa sul intaas la eg,tankale soomaali talk waxaan kacodsanayaa in ay luqad wanaagsan kula hadlaan oo caqli celin ah ay iska daayaan anagaa wax og dawlada wax ma oga balse ay lawada hadlaan si asluub ah, waxaa markasta laga fahmaa hadalada somali talk isla waynin saa id ah,waxaa laga yaabaa in ay somali talk sax tahay waxay sheegayso lakiin luqada ay ku hadlayso ay qaldantahay

  31. abdiaziz says:

    asww walaalayaal waan idin salaamay gaar ahaan walaalaha somalitalk oo marwalba u taagan difaaca badeena waxaan kula talinlahaa DFKM inaysan xiligaan galin wax heshiis ah oo ku saabsan badeena dhulkeena iyo xuduudeheena maxaa yeelay waa waqti aan aad uga liidano asaageen oo cidwalba rabto inay ina boobto ogaadana nin baahani gob maaha

  32. Nasri Cali says:

    Salaam, waxaan la yaabanahay, marka dhammaanba qoraallada kaydka dunidu tilmaamayo in Somalia leedahay 200nm waxa murankan soo celceliayay.
    bal waxaad dib milicsataan qoraalkan la qoray 2001, kaas oo ka hadlaya somaliya:
    http://en.wikipedia.org/w/index.php?title=Geography_of_Somalia&oldid=281056
    waxaan kaloo la yaabanahay waxa kadeeday ee dedejinaya in qoraal la xareeyo, haddii aan la xarayn, waxaa kuu sii soconaya kii hore sida sharciga ah, waana kii 40 sano xaraysnaa, waxaana jira dalal badan oon xarayn, oo ma aha mid annaga nagu gooni ah.

  33. fariid says:

    asc salaan kadib waxan halkaan hambalyo ugadirayaa walaalaha soo malaiyeed ee war bixintaan sharafta leh no soo qoray iyo kuwa aqriyay isla markaana fahmay ujedka soomaaliya laga leeyahay waxaan kaloo baar lamanaka soomaaliya ka codsanaayaa dantooda qaaska ineeysan kadooran danta bahweyn soomalaiyeed waxaan kaloo wax u sheegaayaa madaxweynaha soomaaliya inuu meel dheer ka fakaro iyo resal wasaaraha labada oo eeysan maanta lacag xun oo laga siisto dalkooda ey faa iido u arag waxaan kalo kacodsanaa shacabka soomalaiyeed ineey tabartoda iyo fikirkooda ka muujiyaan oo dhaq dhaqaaq sameeyaan in sha allaah anaga waan dadaaleynaa mana dhici doonto in badeena laqeyb sado soomalai waa mid waa ul iyo mayrax

  34. Asc marka hore marka xigta waxan umahad naqaa somalitalka iyo shaqalaheda oo ah dad wadinayad ku jirto iyo qiiro tan xigto runtii waa wax laga naxo aniga waxan ahay arday ku nool moqdisho dhigtana jamacada simad runtii xaladada wadankena ku jirtn iyo sida madaxdeena udhaqmeyso waa wax laga naxo awal somalia 5naa loo qeybsaday si loo socdo badeena ayey maree taasna somaliyed anakaa gacanteyna ku kensanay ilaahey qurankisa ku dhahay dhib haddu idinku dhaco gacmahina ku kensaten marka taasaa naheysatn markale waxan umahadnaqaa admiral faarax qare

  35. Soomaali says:

    Runtii arintaan waa arin muhiim ah oo ku saabsan waddaan ummaadi leedahay malaha madaxweyne ama wasiir ama qabiil toona waa arin haddii lagu dagdago fulinteedda keeni karto aaqibo xumo iyo qayaano qaran intaad wax saxiixin qo fwalbow dib uskuugu noqo qasaarada aad wadanka ku geysaneysidna miisaan ha fiirinin wax aad jeebka kuu qaloo oo aad ku baa,bi isay umad dhan dhulkooda ogoow inaysan aheyn badda iyo dhulka soomaliyeed Boos uu ka dhintay aabahaa oo aad cidaad rabtid iyo goortaad rabrid iibin kartid xasuusta qowlka ilaahay oo sheegaayo haddii aad waxbo garaneynin weydiya ahlu cilmiga marka haddii aqoonta idiinku yartahay oo aad dowladnimada idiinku cusub tahay weydiya haraagii dowladii maxed s bare, hadday idiinka tahay wadaniyad xumana waad fishilanteene ka baxa arintaan,

  36. Naasir says:

    waxaan ahaa mid ka mid ah dadkii dhageystay wareysigii ay idaacadda VOA ay la yeelatay Raiisal Wasaare Cabdiweli. sida hadalkiisa ku cad waxaanu nahay dawlad aanan heshiis lagali karin dowlad kale ama hay’ad kale. Marka haddeyba taasi jirto, xukumadey waxaad is weydiisaan maxay tahay sababta la iidunkugu ogolaaday in aad tan saxiixdaan, mise sharuud baa la idinkaga dhigay anigu taas ma aanan garan, mana doonayo in aan garto, waayo jawaabtayda ayaaba ah WAAN DIIDAY IN AAN KA HADLO wax u dhimaya qarannimada dhulka soomaaliyeed. taasna ma oran weydeen. dhulkaan illaah buu leeyahay iyo dadkiisa inta damiirka leh.

  37. abdirashid says:

    Ascwr , allah subxana3watcaalaa ayaa mahad leh nabadina waxay u sugnaatay nabigeenii maxamed sallalaahu caleyhi wasalim, walaalah webka qora wa mawaadhinin waxan idn leeyahay laa shugran calaa waajabakum, Waayo waa wax qof walba oo soomaalo looga fadhiya in uu meeshii uu joogo ka difaaco dalkisa waayo dalku ma leh dowlad ku sheeganya dowlda ku meel gaar ayagaaba ah celcelis oo raba in ay gatan dalkii, soomaaliada waxan idin siinya matal in dadkii uu damiir ku haray waxan ahay dadka aad u mutaabaceeya tartankaa quraaanka ka dhaca caalamka siiba dalka imaaradka carabta oo sanad walba lagu qabto tartan, waxa kaalin fiican ka gala wiilal yar yar oo soomaalia wacdaran dhiga ayagoo wata calankii soomaalida hadda dowladi ma wadato, wadaad ka aha imaam dalkas ummado badan ayaan weydiyey wax soo saara dhalintan mashalah, wadaadka oo hadda ku nool wadamada yurub wadan ka mid ah , jawaabtiisa waxan noqotay waxa soo saara dhalinta ka aam imaamada dalkaas haddi oo joogo qof aad ugu fiican xifdinta quraanka iyo tajwiidkisa waxan ka soo xulnaa isla dalkas haddi kalena dalkii ayaan u raadinaa, ikhwa waxan ula jeeda tasaalahaan sida ay uu sheegay sheekh maaxed idiris iyo walaale kalaba dadkii kama dhamaan damiirkii hadaad sheegaanyasan dowlad ku meel gaar iyo hadad tihin kuwa soomaliya cadow ku ah ka jooga badda soomaalia boobto wax idiin kuma harin. ta kale qof walba markii uu noqdo dowlad ku mel gaar maxa miyirka ka qaado iyo damiirka waayo kan hadda sheeganay ra,iisulwazaara waxan dadka ka maqlay wax uu ahaaa nin firfircoon markii u joogay usa, hadda hadda max aku dhacay ra,iisul wazaraa ka sheegayna madaxweynaha waxan lleeyahay ninkas allah yaciinka ma oranayo wamurtad diinta ka baxay hadalkas waa hadal alshabaab.Laakin waxa ku galay qaloooc xagga diinta ah alah u toobadkeen, dalkaaga difaac diintaada difaac, baarlaamnka waxan oran ka kaca meesha fadhi idiinma yaal hadhow yaan laa idin oraan kuwaan ayaa meesha joogay markii badda soomaaliay la qeybsanyey, waxan ku soo noqon ninka yiri haddi aan sheegaano 200ml badena waxay galaysa sacuudiga , aintaan wa dhibka haysat dadka soomaalida, waxan oran laa cabdiwali cali gas haddaadan aqoon u laheyn badda soomaaliaa la tasho dadkii aqoonta u leh badda mam ahdda barta ama kuwii joogayba xiligii badda soomaaiay la cabirinayey waxab ka noole, waaayo waxan u meleyn in aadan bad soo baran ee aad wax kale ku soo qaadaty dr nimada ttas waa in lagga danbeya ha oran badena waxay galaysa sacuudiga, ascwr allah ummadda soomaalida ha mideeyo dhibakn wax au keenay midnimo la,aan iyo qabiil aalah ha ka saaro wadan ku filan wa leedihin , soomaaali hurdada ka akc dalki wa la qeybsaday alahuma3xafidna baladanaa wa3shacbana allow diinteena noo xaxdi allow dhulkeena noo xafdi allhuma amiin ascw

  38. Cabdiraxman says:

    Seabed petrolium in east china sea.Waa dhulbadeedka wadamada shiinaha iyo jabaanku isku heystaan.maxaa inoo diidaya in Badweynta hindiya aan ku leenahay masaafo aan xuduud laheyn oo gaareysa kala bar badaas madaama aan arkeyno in shiinaha iyo Jabaanku eey isku heystaan gunta badaas ,kaca oo ka hortaga boobka qayaxan ee lagu damcay in badeenna lagu xadido

  39. Abdiramhan says:

    Bismilahi rahmani raxiim.Asalaamu caleykum walaalayaal.
    Waxaa arin mucjiso leh ah in aan waqtigeedii la joogin in bad iyo berri xuduudahooda la soo qaado waayo waxaa ka muhiimsan in wadanka nabad laga dhaliyo,taas oo muddo badan qaadaneyso.Fikradeyda oo igu qaas ah waxaan leeyahay dib ha loo dhigo arinkaan inta dowladnimada Soomaalida eey ka istaageyso oo kala dambeyn eey imaaneyso.Ma ahan keliya in xuduuda badda oo keliya eey naga maqantahay ,waxaa naga naqan xuduud dhul sida NFD;Somaali galbeed iyo Jasiiradda Suqadara oo dhacda qaarada Afrika una dhow xeebta Soomaaliya.Walaalayaal waxaa heshiisyadaan gadaal ka riixayo dowladaha aduunka gacanta ku hayo.Bal u fiirso Bariga fog badda baasifigaa ee u dhaxeyso wadamada Shiinaha,jabaanka,vienam,maleysia,koonfur kuuriya in laga helay keyd shidaal oo aad u badan taas oo keentay in wadamadaan eey madaxa iskugu jiraan.Shiinahu wuxuu ku doodayaa anagaa leh ,jabaan iyo wadamadamada kalena sidaas oo kale.Qiyaas intee la egtahay masaafada u dhaxeyso wadmadaas.Bal gal google oo eeg (china see petrolium) barbardhigna ku sameey xuddudda soomaaliya la rabo in lagu soo koobo.waxaan ka codsanayaa Qaasatan Soomaalida ku nool dalka Noorwey in eey ku banaan baxaan wasaarada arimaha dibbada ee dalkaas hana u sheegaan in eey faraha kala baxdo badda soomaaliya .
    wabilaahi toowfiiq
    Cabdiraxman Maxamud Xassan

  40. sc
    Marka hore salaan diiran oo ku socota Bahda Somalitalk iyo inta damiirka iyo diintu ku danbayso.marka xigana waa dan ka hadal.
    Horta arinta badda Somalia waxaan filayaa inay tahay Bililiqaddii ugu dambaysey ee lagula wareegayo wadankii quruxda iyo qaayaha badnaa ee somalia oo waxaanba maqlay wadanka horaaba loo qaybsaday(nin ragina waa ogyahay nacasna loo sheegi maayo).
    Shacabka mid baan oran lahaa;
    Shacabow 20 sano ayaa la idin dubayey oo la isku kiiin mashquuliyey wadankiinniina wuxuu maanta marayaa in magacyo loo kala bixiyo oo la kala qoqobo adigoo Somali ah oo lagu garanayona lagaa tarxiilo gobollo ka mid ah dalkii aad u dhalatay,halka uu kaa sharaf badan yahay mid markii hore ajnabi ka ahaa in visa uu soo helaana adkayd.
    Qolada ku meel gaadhka ah waxaan oran lahaa;
    Haddii aad talo haysaan ama waxuun Somalinimo ahi idinku jirto ku meel gaar baad tahiine talaabadiina meeshaad dhigaysaan iska fiiriya,Hadaydaan haykalkii dawladnimada garanayn fadlan u yeedha oo kala tashada raggii wadanka u soo shaqeeyey ee mawjadaha aad ku hafateen idiinka khibradda badnaa(mise waxaad ku indha sarcaadeen inaad maaliba wadan iyo Hotel three star ah la idin ku soo dhaweeyo iyo diyaarado raacraacid)
    Somalitalk waxaan oran lahaa ;
    Waxaad tihiin muwaadiniin ay mudnayd in billad sharaf ay gudoonsiiyaan kuwa sheegta maamuladda kumeel gaar ka ah iyo cid walba oo damiir qaran ku jiro,haddiise ay taasi dhici weydey abaalkaa aad umadda Soamliyeed u gasheen waa la idiin ogyahay mar ay ahaatana waa la idiin gudi doonnaa Insha Allah.
    Gabagabo.
    Soomaalidaa oran jirtey waa la doogiye yaan la dacaroon!
    Maalmuhu isdaba joog Maxay noo maraayaan
    Min guurshuhu khalad muxuu madoobaad u qorayaa!
    Insha Allah Somaliya way soo noqonaysaa,waana la xisaabtami doonnaa ee nin walowba Istoosi intaan lagu toosin oo isa sii xisaabi intaan lagu xisaabin.
    Waxaa iman doonta maalin xisaabtan haddii tan adduunka laga baxsadana waxaan laga baxsanayn waa tii alle iyo yoooooooooooooomul Qiyaama(Allow na badbaadi)
    Waad mahadsan tahiin