Home » Badda »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…


DFKMG oo soo saareysa Sharci Lagu Tirtiraayo xeerkii Badda Soomaaliyeed ee Law no. 37 ee 1972
Xukuumadda FKMG oo 19-ka December 2011 ka Tanaasuli doonta Xeerkii Badda Soomaaliya ee soo jirey 40-sano

Go’aamadii ka soo baxay shirkii “wada tashiga” ee ay soo qabanqaabisay Qarammada Midoobey, laguna qabtay magaalada Muqdisho (August 4 – 6, 2011) ayaa waxaa kamid ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan  “EEZ” (Exculisive Economic Zone) ama “Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah”.

Qodobkaasi waxa uu meel ka dhac ku yahay xeerka u degganaa Qaranka Soomaaliyeed muddo 40 sano ah, xeerka Law no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay leedahay DHUL-BADEED (Territorial Waters), dhul-badeedkaas oo cabirkiisu xeebta ka durugsan yahay 200 mayl-badeed. Sidaas daraadeedna Hadalka aan meesha qaban ee ku qoran qodobada ka soo baxay shirkii Muqdisho waa oraahda “Exclusive Economic Zone” EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah).

SII AKHRI….

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

250 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii "

  1. Naaleeye says:

    AWW. waxaan umahadcelinayaa aqoonyahanada somaliyeed ee qoraalkan faahfaahsan dadkooda usoogudbiyay iyo aqristayasha sida deg dega ah ugassoodhiibtay rayigooda. hadal badan haan mabuuxsho. Dalkan sharafta uu leeyahay iyo dhaqaalahiisa maanta aad lacagaha raqiiska ah aad siisanaysan waxaa usoo dhintay kumaan kun. waxaana kunafciyay guusha ay gaareen ubadkooda oo aan maantay kawada midnahay. Hadda waxaa halgamayaashas lamid noqon karo boqolaalka soomaliyeed ee kujira Baarlamanka. Fadlan waxaan dhihi lahaa codkiina kubadbadiya umadaan, ahelkiina iyo naftiinaba. hafiirin lacagaha tayada yar ee aad helayso. Damirkadu haduu noqon wayo sida aan kacodsanay fadlan sooxasuuso dhaartii illahay hortiisa aad kudharatay umadan inad badbadiso. Dhaman walalayaal waa inan jiifka kakacno hurdo noomataalo. waxaa nasugayso shaqadii halgamayaashii soomaliyeed ay sooqabteen dhoor sano kahor. illahay hanawaafajiyo.

  2. Abdullahi says:

    Arrinta badda marka aan ka hadlo barlamaanka soomaaliyeed ha guto waajibaadkiisa sharciyeed,dowladda kumeelgaarka waxaan leeyahay dhamaanteen mar ma wada dhimaneyno qof walba wuxuu sameeyo waa loo qorayaa waa la is xisaabin doonaa

  3. abdi yare says:

    asc masuuliyiintii somaliyeed misna xilkii hayey alle ka baqa waxa dadka isku diraya waa idinka waxa dalka inaga kaxeyay waa idinka waxa dadka inoo nacen waa idinka waxa midib takoor iyo somali naceyb nagula kacay dadkii ka danbeyay aya tihiin fadlan anagii ayad naga soo ceyrisen wadankii plz hanoogu darina iibsasho iwm
    taa waa inaga codsi hadii anu nahay somali
    mida kale halka inoo wada danbeysa wad garan kareysiin godkii yara mugdiga aha cariiriga aha aboorki badna alle haloo laabto intres waxba idin tari mayo intaad ka heshana ku wari meysan ilmihiinana cudur iyo caluul xanuun ayey ka baxeynin hadad cuntan cad yaroo xaaraam ah is ogada riyada adunyo kabaxa sheydanka iska rajimiya dacad u ahada dalka iyo dadka diintaba

  4. SomaliTalk says:

    Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)

    Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan “Nautical Mile” oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85 km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km (ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay Mayl-ka berriga (1852 mitir – 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo soo gaabiyaa NM.

    Tixraac: NM: http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile: http://en.wikipedia.org/wiki/Mile

  5. timirdid says:

    bismillaah, walaalayaa anigu waxaan wax ku soo bartay dalkaygii somaliya, waxaana ka qalin jabiyay kulliyadda dhaqaalaha, maadooyinkii aan jaamacadda ku soo qaatay waxaa ka mid ahaa RISOURSE OF ECONOMICs 1988, waxaana ka mid ah inay badda somaliya ay ku xaddidan tahay 200nm, una dhiganta 370km. ayadoona loo qaadayay sidan:
    12mb biyaha xeebta
    12mb biyaha xiga

    176mb aagga dhaqaalaha
    Markii intaas la isku daro oo ah 200mb.
    Marka walaalaha somaliyeedow waxaan cadeynayaa inay somaliya leedahay 200mb, una dhiganta 370km.

    Fiiro gaar ah: Mb waxaan loola jeedaa MAYL BADEED,

  6. mukhtar maxamed abtidon says:

    waxaan idiinka mahad celinayaa hadaad tihiin bahda somalitalk.com sida wanaagsan ee aad u difaacdaan qaanuun bedeedka iyo kheyraadka soomaaliya.waxaan leeyahay soomaaliya ma dhiman ee waa suuxsantahay markey soo naaxdona cidii wax u gashay iyo tii wax ka goysey intaba waaa lala xisaabtami.Mida kale baarlamaanka ALLAH ayaa ku duwey diidmadee markaaasi ee karti ay wax ku diidaan iyo cadiifad wadaninimo malahan.

  7. hassan says:

    war waxa waxuushta yaa naga qabta oo aanan bani aadamka ahayn horta maxay uga cabsoodan marka ay nin ajnabi arkaan war qofka waa la iska celiyaa wax kasto oo loo sheego oo nin afrikan ah u sheego ok bay iska leeyihin ma dhihin tan suura gal maahan oo waxa ay ka baqanaayan hotelka in laga bixi waayo ama la yirahdo wa toririst ama kursiga laga qaado war ilahay ba nafta gunta oo gooye aan iska celino kuli fidna cidna geel waa madaxwayna waa shariif shiikh axmed dacasle waligii kabo dacas ah ayuu mahaday ku xeran jiray xagee wax ku bartay liibaya aya la shegaya anaga aya tagnay libiya wuu iskaga cararay asaga oo dhamaysan waligiina bad muu arag mahaday bad malahan marka isaga aya laga rabaa inuu yirahdo waxa la shegayo baarlamanka hala horkeeno ama uuba u isticmaalo vito oo yirahdo wasir waxa aad ku socota waa qalad wasirkii bananka aado waa inuu war bixin keeno lama koontoroolo ninka cabdiraxman cabdi shakuur waa nin iska qaxooti ah shalay buu laha somaliya wan ka soo cararay hadana badeeda ayan mas uul ka ahy oo dhiibaya war shalay ayaadba qaxooti nimo uga soo carartee maxaad ka masuul tahay adigaaba ciyalkaaga mas uul home afice ka yahay oo penefit children lagu siiyaaye ooba baahane maxaad bixisa war horta qaxooti nimada ka bax meel dag ilmahaaga biilo markaas ka dib ayuu hadal kuu banaan yahay ilahow kuwan naga qabo

  8. Bilqeyr. says:

    waxaabo mucjiso la yaab leh ayadoo wadankii uu burburay oo shacabkiina ay abaaro la ildaran yihiin in hadane baddii afgambi lagu rido””’ inaalilaah wa inaa ileyhi raajicuun’

    waxan ahay shaqsi somaliyed oo ka damqanaya dhibaatada baaxada leh ee nasoo wajahday waxa maanta masiibadaas usabab ahna waa raggii diidanaa in cadaalad lagu dhaqmo oo hal marna isku dayi waaye in somaaliya ay lahaato hal dowlad oo dimoqraadi ah, haddii somalia gobol walbaa loo yeelo madaxweyne waxay noqonayaan 18madaxweyne suurta galna maahan waxa wadanka uu ku lumayna waa sidaas anigu waxan qabaa in badda iyo beriga soomaaliyeedba lagu badbaadin karo in ay ayada isku soo laabato oo ay ka baxaan gacanta shisheeye sida mahiiga iyo melisanaawi somalia ma aha waxa laga rabo in laga dhaco badda oo kaliya ee waa dhulka iyo badda waana wax la hubo in gacanta lagu dhigi doono haddii ay somalia qabiilada iyo jago udirirka ay ka bixi weyso in meel cidlaa ay kusoo dhaceyso fadlan shacabka somaliyed hawada tashadan ee dib ha iskugu soo noqdaano ayagoo ka tanaasulaayo waxii kala jaray markii hore sida qabiilka iyo qoriga maanta waxa la badbaadinayaa dhulkii iyo badda wax kale oo noso haray ma jiraan ethiopia malahan dhulka somalida oo kale malahan bad keynya sidoo kale somalia waxa ilaahey siiye bad weyn iyo beri wax soo saar badan leh ee inta aan nalaga boobin aan wada tashano somalia waxan umaleynayaa in ay markale gali doonto gumeysigii talyaaniga iyo ingariiska markan waxan ka baqayaa in uu mareykanka gacanta inagu dhigo

  9. A. Omar says:

    Waddankeeda jecel,

    ASC Horta hadal waxaan oran lahaa walaashay ‘waddaniyad dhalad’ ayaa dhamaysay,
    wxaan ku darI lahaa uun, dhulkan Soomaaliya awoowyaasheen baa dhiiggooda u daadiyey, rag damiirkooda dhintayna si sahal ah ayey rabaan inay shilimaad xaqiirsan ay siistaan, waxaa su’aasha meesha taala MAXAA LAGA YEELAYAA??,
    waxaa laga yeelayaa, nin waliba wuxuu karti lahaa ayuu berrigayna iyo baddeena badbaadintooda dhul dhigayaa, bannaanbaxyo, waraaq qorista oo la badiyl,
    telefishinada oo doodo laga furo, flyers oo la daabaco oo la qaybiyo. Salaama Calaikum

  10. Inawarenle says:

    Horta waxaan halka nugamahadcelinayaa walaaladayda somalitalk kaalinta ay kaqaateen dibubaraarujinta dhinacwalbatleh haday tahay xag bad iyo xagkaleba sababtooah hadaan ruuxkasta oosoomaaliyeedAKHRIsan arimahan dee cidwaxogaataaba majirteen xooleheenana waalaqaadnlahaa inagoonkawarhayn. Waxaa aad isoo jiidatay igana nixisay cilmibaarista aad kusamayseên xagabadda run ahaantii waanmaqlijiray baddeena qashinbaalagudaadiyaa balse waxaanrumaystay mar kaan arkay haamaha sunta ah eeaad soosawirteen runtiishaqo wayn baad qabateene Alle haidunkucawiyo.waxaankudarsanlahaaindhalyarada soomaliyeêd eedaneeya arimaha gurigooda aad idinka somalitalk ahan aadusamaysaan room aykaga doodaan wixi markaa kasocda gurigooda(somalia).xaga kalena idinkaa kalayaqaanee in aad kadhadhicisaanmadaxdainaybaddawaxkaqabtaan kenyana aanloo ogalaan dhaca aykuwadoSOmaliya inta rabi gargare umadda ugargaara usoosaarayo

  11. Nuur Cadde says:

    Waxaa Ilaahey mahaddiis ah in dalkeennu uu leeyahay muwaadiniin sida Admiral Faarax qare oo kale ah, ummadda Soomaaliyeedna waa inay ka dhiidhisaa arrintaas, lagana hortagaa ayadoo la kaashanaayo Admiralka iyo intii kale ee aqoon u leh shuruucda badaha iyo xaqa umadi ay u leedahay sohdimaheeda.

  12. Mahdi says:

    Wax aan shar u aragno waxaa laga yaabaa kheyr inay noo tahay, waligeey hore uguma fakirin sidii looga daba tagi lahaa somalida kenya iyo ethiopa ay la goosteen, sababtoo ah UN wax ladhoho ayaa inna sixiray, hadana dee sixirkii wuu jabay markii nalagu soo gargaraacay albaabka.

    Anyways, because of this, waxaan balan qaadayaa anniga shakhsi ahaan, ama EEZ haka tanaasuleen ama ha’hirgasho, inaan hadde wixii ka danbeeyo ka shaqeeyo sidii dhulalkii soomaalida horey looga dhacay oo UN ta laga xalaalsaday sidii dib loogu sooo celiyo ama ay noqdaan wadamo madax banaan sida south Sudan insha’allaah, dhacdadan hurdadeey iga kicisay.

  13. Cadil says:

    Qofkii raba in uu jawaab ka bixiyo boobka badda Soomaaliya
    waa ka faaideysankaraa e-mail-yadan iyo Teleefonnadan oo ah public:

    (1)Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – media@opm.gov.so
    (2) Telefoonada Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waa 252615615536608 ama 252699998854
    (3)Xafiiska Madaxweynaha – media@sompresidency.org
    (4)Afhayeenka Baarlamaanka – shariif.speaker@gmail.com
    (5)xafiiska madaxweynaha email kale oo hore weeye – pmcommunicationoffice@gmail.com
    (6)xafiiska ra’iisu wasaaraha waa email hore – opmtfg@gmail.com
    (7)Safaarada Soomaalida ee Kenya – mali@somaliembassy.co.ke
    (8)Safaarada Soomaalida ee Qarammada Midoobey – somalia@un.int
    (9)Xafiiska Madaxweynaha Puntland – info@puntland-gov.net
    (10) Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta – media@mipt.gov.so 
    (11)Mahiga iyo xafiiskiisa – unpos_pio@un.org

    UN…Qaramada midoobey
    Secretary of the Commission on the Limits of the Continental Shelf
    Division for Ocean Affairs and the Law of the Sea
    Office of Legal Affairs
    Room DC2-0450
    United Nations
    New York, New York 10017
    USA       
    Telephone: (212) 963-3962
    Facsimile: (212) 963-5847
    E-mail: doalos@un.org

    Secretary-General Ban Ki-moon
    UN Headquarters
    First Avenue at 46th Street
    New York, NY 10017
    USA
    Email: sg@un.org

    Michèle Montas
    Spokesperson for the Secretary-General
    Email: montas@un.org

  14. Khalif Ahmed says:

    The current TFG has no legal authority to engage any long term agreements with the internationl entities for it has NOT been elected by the people of the Somali Republic. They have no authority to surrender any part of the Somali State Land, Air or Sea. This is treason. We must unite and ask Mahiga and his collaborators to come out clean. We must unite and reject 4.5 power sahring and Al-shabab. We must save our country. The time is NOW. Come to the meeting with Mahiga in Minneapolis 1-4 PM at Law School, the University of Minnesota,Minneapolis, MN

  15. waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo jecel dalkeeda dadkeeda waxaan aad ugu xanuunsadaa dhibaatada lagu hayo dalkayga dadkayga iyo waliba diintayada taas oo ay ku hayaan raga soomaaliyeed oo ayagu iib geeyey dadkii iyo dalkiiba marka anigu wax dawlad la dhaho oo aan wax u qorayo ama codsi ma jiro laakiin waxaan la hadlayaa oo aan codsi u dirayaa raga soomaliyeed ee damiirku ku dabeeyeyo lehna qalbi nool oo soomaalinimo xabaarsan iyo wadni nimo inay isku tagaan oo ay dalkii badbaadiyaan iyo badihiiba rag buu aduunku isku dhaafay dal iyo dadba ragbaa wax ka dhiga ama rag baa baabi iya sida soomaaliya marka waxaan hadalkayga ku soo gabagabeenayaa ninkii damiir lohoow dalkaagii iyo dadkaagiiba badbaadi bada kaliya lama dhicine dalkii oo dhan baa la dhacayaa ilaahaoow dalkaygii ilaahoow dadkaygii badbaadi wabilaahi tofiiq

  16. Abdirahman Ahmed Haile says:

    As dhamantiin waan idin salamay waxan aad iyo aad ugu faraxsanahay inay wali jiraan dad soomaaliyeed oo wadaninimadii ku danbayso waxan dhihi lahaa waxaa muqadas ah in la ilaaliyo sharcinimada bada soomaaliyeed hadii ay ahan lahayd law no 37 ee 1972 wax kadanbeyay oo institution ahna lama qorin marka laga reebo meel u gaar marka waxan la socodsiin lahaa dhaman dadka soomaaliyeed kuligin waxad masuul katihiin wadanka haku halaynina dadka qaar oo aan dhihi karno maba astaahilaan inay hogaamiyaan wadanka ogaadana qof walba oo somaliya danbi kagalay ama u socda inuu kagalo waxa uu mutaysan doonaa ciqaab aduun iyo mid aakhiro intaba HA IS ORAN CIDI KUMA ARKAYSEE AFKA BUUXSO HA IS ORAN CIDI KUMA ARKAYSEE AQALO JEEXO HA IS ORAN CIDI KUMA ARKAYSEE QALIN KU QAADO WALEE WAA LA ISAGA DABA IMAAN
    waxan aad ugu mahad celinayaa dadka amaba wadaniyiinta soo qaban qaabiayay banaan baxan cilmiyaysan waxan leenahay nabadan aaan kaga qayba qaadano sidan iyo siyaabo kale oo cilmigan uu ku dhehanyahay

  17. Aadan Cabdi says:

    AS\cww,mahada koobaad alle ayaa leh oo aan cidna ku qabsan karin,kadib waxaan mahad ayadana aa qiimaheeda halkan lagu soo koobi karin siinayaa ama aan dhab ahaan oogu ogalahay,oogu horeyn qorayaasha ama hawlwadeenada webka somalitalk oo ayagu utaagan mar walabaa goobwalabaa iyo saacad kastaa iney toosh dhimbilo waaweyn ku ifiyaan hagardamaada ,lugooyada iyo qiyaamada lagula kacaayo umada soomaaliyeed gaar ahaan kheyraadkooda looma ooyaanka ah.iyo waliba sidoo kale Admiral Farax Qare oo asagana muujiey geesinimo iyo xilkasnimo wadaninimo oo ka turjumaysa inuusan dayacin dhaxalka ubadkiisa nool iyo ubadkoodaba,waayo tan oo male hadaan qaadano waa gunimo meeshaada oogu sareyso,waxaan marka soo jeedin lahaa in arinka media-yayaasha lagu faafiyo aadna looga hadlo si uu meesha ooga baxo,waxaan kaloo usheegi lahaa ragan iibsan ee ama dowlada kusheega ama baarlaam ku sheega inay meesha iska qaadan oo hankii soomalida lagu yaaqnay lasoo baxaan yena ku sifoobin sida uu abwaan soomaliyeed ku gabyey(meel kastaa oo lajoogaba maquuneey ujaagaane)(maalin la arkaa nimanbaa ku fala waxay muraadaane)(maquuneey u joogaan sidii maal la leeyahaye) waa maal rag leeyahay oo ugu horeeyso Ethobiam ,Kenya.Igad,oo ayaguna ay reer galbeed dusha ka leeyihiin.Soomaaliyeey ragaas yaan la,isku halaynin,meesha halaga kaco.waa mahadsan tihiin ideeylkiin,

  18. A.C.
    Waxcaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in aan sii xoojino
    dadaalkan uu billaabay GEESIGA Admiral Farax oo aynu u midayno si wadda jira ah dhamaan Nafteena , Maalkeena , Muruqeena , Maskaxdeena , Aqoonteena , Khibraddeena iyo waliba Daacadnimadeena , iyo Is aaminkeena iyo waddajirkeena.

    Walaalayaal hadda looma baahna in aan BANAANBAX kui muujinno
    qadyaddayadaan, Waxaan sameenkarnaa in aan ku muujinno si xirfad leh oo aduunweynaha dhami uu u wada arki karo.
    Waxaan soo jeedinayaa in Magaalooyinka dunida oo Soomaalidu u badanyihiin lagu casuumo si deg deg ah Admiral Farax, loona sameeyo
    SOO DHAWEYN aan waligeed la arag lana waco Jaraaidyada iyoTV-da
    caanka ah isla mar ahaantaasna aan halkaas ka sheegno qadyadayada iyo in aan arrintan ka wada mideysannahay
    Waxaan hubaa in Soomaalida MINNEAPOLIS iyo kuwa deggen UK
    aay xattaa dayaarad khaas ah u kireen karaan.
    Micnaha aan kala jedo waxuu yahay in booskii banaanbaxa uu noo galo soo dhaweyntaan qaayaha leh.
    Aan arrintan hirgalinno .
    Bashir Shekh Moxamed
    bashirmohamud@yahoo.com

  19. horta waxaa la yidhi duq ninkii lahaa dabadda hayo ma kacdo waa maahmaah somaliyeed ninkale oo somali ahna waxaa laga hayaa hadii aan waalanahay oo guri gaygii gubaayo ma cid baa iga celin karta.. markaa jaalayaal c/weli oo ah pro. somali ah aqoonyahanadda aynu ku faani lahayn ah iyo shariifka oo wadaad ah oo aynu islahayn aqoonta diinta ayaa dabraysa iyo ragan wasiiradda ah ee qurbo jooga u badan waxna soo bartay sharciyadda caalamiga ahna wax ka yaqaanaa iyo boqollaal kale oo ku lug leh arintan oo wadda soomali ah in aynu kacdoon ka dhan ah samayno oo erino ama qabqabano mooyaane lama bad-baadin karo Badda, Dhulka iyo dadkaba ee way xaraashayaan ee ha la ogaado waayo aqoon la,aan kama aha ee waa badheedh oo ama manaasiib ayay siisanayaan ama waxoo kaash ayay qaadanayaan berhanba waxaa soo badanaayay camiiliyiinta lagu soo dhex darsaday umadda somaliyeed ee si dadban iyo si toos ahba danahii soomiliya u dhaxal wareejinaaya waana iska cadaan maamulksat oo dalka debediisa lagu soo dhisaa in uu u taagan yahay in uu fuliyo dano shisheeye oo dalka laga leeyahay oo ay kaw ka tahay meelaha khayraadka dabeeciga ah lagu og-yahay in ay wareejiyaan taasina layaab kama xaga Somaliladda ku nool Somaliland oo waxaanu ognahay in ay isku milmeel Somalidda koonfuta iyo Ecomafia-yadii caalamiga ahayd oo kumayaal diir somali ah lehi ay ka buuxaan hogaamiyaasha reer koonfureed taasi maaha in aan ku diganaayo ee waa iga canaan waxii dhulka iyo badda iyo dadka somliyeed lagu bad-baadinaayona naf iyo maalba waa u huraynaa laakiin ha la arko cid la aamini karo oo ka daacad ah arimaha somaliya sidda qoladdan Somalitalk maamula oo aan u arko mujaahidiin u istaagay wacyi gelinta dadka somliyeed
    wa bilaahi tawfiiq
    By Caaqil rashiid Cali (Caaqilka Togdheer)

  20. Mr.Dulqaad says:

    QiimoQaali ah iyo Darajo sare baan u gudbinayaa bahda Somalitalk oo ah qaabka gudbinta xogta ay ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay , iyaguna ay ka mid yihiin , la rabana in lagu codka ummadda oo wax Qaban kara iyo tageero gudaha iyo dibadaba ah .
    Mr. Dulqaad .

  21. Jamame says:

    Asc. War inteynu hadal ku jireynaa? Waqtigii dhammaa wax aan qabanayna ma jirto hadal mooye! Somalitalk idinkaa laydinkaga fadhiyaa inaad hawsha dhameystirkeeda co-ordinator ka noqatan inagu diyaar baynu nahay inaan ka qaybgalno difaaca badda Somaliyeed. Wabillaahi tawfiiq

  22. RUNTII WAXAA INA DILOOTAY WAA QABIILKA HEERKAN INA GAARSIIYAY IN ISAGEENA DAMACDO BADEENA BAAXADA BALAARAN RUNTII WAA AYAAN DARO IN AAN WAXBA KA QABAN KARIN ARINTAN MAANTA MEESHA TAALO RUNTII IS HAYHASHADU WAXAY DHASHAY IN AAN TALO IYO TAYO AQLI GAL AH LA WAAYO ANAGOO AQOON IYO WAXGARAD IYO WAX KAS INAGU JIRO IN AAN DOWLADAHA DARISKA EE CADAWGA AH IN AAN WADASHIYO IYO TALO RAADIN UGU TAGNO ANAKOO ISKU FILAN INAAN GEED HOOSTIISA ISAGU NIMAADO OGAADA DULMIGA DHAXDANADA AAN ISKA GALNAY OO AAN CAFIS ISKA WAYDIISAN AYAA DHALISAY INAAN DULINIMO KU SII JIRNO MELES IYO MUSEFENI WAXAA INOO BADALAY MIWEEY KIBAKI OO ISAGANA RABA IN UU GOOL INAGA DHALIYO SHARIIIF IYO XULAFIIDIISA XOOGAA WAXAA KU FILAN ISKA AAMUSIN ILEEN WAXBA MA MATALAYEENE RUNTII WAXAY KU SOO BIYO SHUBANEYSAA DULNIMO MA KU SII JIRNAA MISA GUNTIGA DHIISHA AYAA ISKAGA DHIGNAA OO CAANO DAATAY WAALA DABA QABTAA AYAA AH TALAABADA XIGTA.

  23. Qof Qoyan biyo iskama duwee !! Soomaalaay waxa idiin haysta waa Nabsigii aad kala gasheen ee aad horey isaga boobteen Guryahii iyo deegaanadii sagaashankii ka hor la kala degenaa oo aad tiraahdeen ciidayada ama Gobolkanaga cid hebel waxba uma yaala ee waa idiin ku mac dahay in badiinii iyo Berigiiniiba la idinka furto,waxaan sugnaana waa in Idinka qudhiina inta Maraakiib laydinku daabulo sida Waaggii Ganacsigii Sadex geesoodka oo kale lay diin Dhul kale oo laydinku adoonsado sida iminkaba Qaxootiyada North America iyo Yurubtaba galay.

  24. abdiyare says:

    asc waxaa wax lala yaabo ah, in maalin kasta madaxda dalkeena u dhaqmaan sidii dad wadankooda ka qaxaaya,waxaa kaloo nasiib daro ah
    iney markii ey shirarka tegaayan loola dhaqmo sidii koonfurta soodan o kale in aan hada qoriyad xaadaneyino o xuduuda cusub la inoo samayinaayo.
    hadaba su aal ku socota madaxda dalka baarlamanka iyo intii damiir ku jiro. dal cusub miyaan nahay waa maxay xuduud badeeda hada laga hadlaayo? ma u baahnin in xuduud naloo samayo ee waxaan u baahanahay in aan kuweena hore difaacano ……..

  25. asc salaan kadib walaalayaal dadaalkiina alaha barakeeyo alahana kadhigo kii bada somaaliyeed ku badbaadi lahey wixii talo ah xaley ayaan soo qorey waxaan idinka codsaneynaa inaad telefishanada soomaalida dhamaantood iyo aljaziira aad xiriir lasameysaan oo aad qabataan xaflad balaaran oo arintaan aad loogu faah faahinayo heerarka ey soomartay iyo hada meesha eymareyso iyo shirka garawe waxa laga rabo ineey saxiixaan
    sidoo kale hadalada ugu gudbiya kuwa dowlada sheeganaya iyo baarlamaan koodaba walaalayaal shirkaas aad saxaafada dalka iyo tandibada aad uguyeertaan waa arin qeyb weyn kaqaadanaysa difaaca badeena war uyeera raage oomaar iyo raga lamidka ah www

  26. khadar says:

    Hadaad dhimanaysan dhareerka waa layska duwaa nimanka ku fakaray soomaali baan ku badbaadinaynaa inaan badeeda iyo barigeeda ka tanaasulo qayba kamid ah ha seegina aakhiro iyo aduunka sababtoo ah xilka cida idiin dhiibatay waa layaqaan iyagiibaanad rumaysanaysaan ama u badheedhaysaan khaladka alydiinka taag la,yahay horta kaarayaal ku jirimaysaan waligiin xili ayaa la idinka dhamaysan muraadka la iidiin watwato markaana dhulkaa laysugu iman amaba kaarahaaba laysigu soogali ee godob ha ugalina nafjecaylkiina anagana bad iyo dhul la,aan hanala doonina illaahay idiinma rumeeyo isgaa awooda leh qaybna usiiyay soomaali waxaa aad uquuri la dihiin idinka iyo kuwa aad ushaqaynaysaanba bahda wargayska iyo halyeeyada ambaasadoor bashiir iyo admiraal qare waan idinsalaamayaa taariikhda ayaa idin qori doonta waanan guulaysanaaynaa mahadsanidiin

  27. sww
    walaalahayga Soomaaliyeed waan ini salaamayaa meel walba aad joogtaan.

    Anigu waxaan ku sugaunahay dalka Norway, waana dalka ugu taajirsan dunida hada.

    walaalayaal kaydka dalka norway waa midka ugu weyn caalamka, waxaana wax loo keydinayaa ilmahooda soo socda.
    Dhaqaalahaan norway waxay ka heshay badeeda waana shidal iyo kaluun.

    waxaan ogahay in kayd lamida uu ku jiro dalkeena hooyo, insha allah waxaan u ilaalinaynaa jiilalka soo socda iyo ku hada jooga.

    Saidkii wuxuu yiri:

    Nin walaalkii iihiili yiri hoog allaabadaye
    Heryadaan isaarani tolkay hagarti weeyaane,
    Intii lay hogaan bari lahaa waan harjadayaaye.

    Wuxuu la dagaalamayey Saidkuu waan Ingriis, maantanay waxaan ka cabanayno waa Kenyaan.

  28. Jamame says:

    Asc dhamman. Waqti hadal lagu lumiyo lama joogo waxa loo baahanyahay ficil. Somalitalk arrinkan garwadeen ka noqda.
    1-urursha dadka sharciyada badaha aqoonta u leh oo ha hoggamiyen barnamijkan.
    2-facebook ka furo page dadka oo dhan lagu wargeliyo.
    3-fura account lagu wado barnamijkan.
    4-noo soo gudbiya E-mailada iyo telfoonada madaxda dalka ee indhaha la’.
    5-wa in lagu heshiiya hal maalin dunida oo dhan aan ka dhigno bannaanbax nabadeed.
    6-guddiga wa iney diyaariyan hal warqad oo dhamaan meelaha laga bannaanbaxayo laga gudbiyo si loo ogaado ineynu nahahay ummad isku xiran hal codna leh. Warka badan waxbo mataro wa waqtigii ficilka. Inaga hadaynu nahay Somalida Mombasa deggan durbo waynu billaawnay hawsha hadda waxan ku guda jirnaa intayada ka shaqeysa idaacadaha maxalliga barnaamijyo dood ah oo arrinkaa ku saabsan. Jiifka halaga kaco wa waqtigii ficilka. Wabillaahi tawfiiq

  29. Gumeysi diid says:

    Waa arin laga xumaado in maantay aanu arkeyno in hantidii aynu laheyn sidaasi loo boobayo, ma’ahan markii ugu horeysay ay walaalaha sharafta leh ee isku xilsaaray in ay soo bandhigaan khiyaamooyinka ay gaaladu la dooneyso in ay Soomaaliya ku boobaan, hadaba waxaan mahad u celineynaa dadkii howshaan kasoo shaqeeyey, soona bandhigay qorshaha badda Soomaaliya lagula wareegayo, hadaba taladu yey gacanta ugu jirtaa oo inteenaan lahadleynaa, waxaynu la hadleynaa dadka mas’uuliyada u haya umadda Soomaaliyeed, waxaana laga doonayaa qodobadaan soo socda in ay sameeyaan.
    1. Waa dowladda federaalka ee heysata aqoonsiga caalamiga ah tabarteeda meeshay doonto ha gaartee, laakiin codkeeda waala maqlayaa, waxaan la hadleynaa dhamaanteen wasiirka kalluumeysiga ee soomaaliya in uu difaaco badda soomaaliya, kana hortago waxkasta oo lagu bililiqeysanayo badda Soomaaliya, waa hanti ay leeyihiin jiil ka jiil, ogow mudane wasiir wixii aad maantay sameyso taariikhda ayey kuu galeysaa
    2. Raiisal wasaaraha waxaan ka codsaneynaa in uu arintaasi faragelin ku sameeyo barlamaankana uu horgeeyo in sharcigaasi aan la saxiixin
    3. maamul goboleedyada sidoo kaleeto, waa in aan la idin khiyaamin oo aad iska ilaalisaan saxiixyada beenta ah ee la idinka rabo in lagu xalaaleysto biyaha soomaaliya

    aynu uwada duubano sidii aan isku difaaci laheyn, Alle waxaan ka rejeynayaa in uu guusha ina siiyo, soomaaliya ha noolaato, somalitalk mahad ayaa idiin celineynaa sida wanaagsan ee aad u muujiseen wadaninimada iyo difaaca aad had iyo jeer utaagantihiin dalkiina hooyo.

    walaalaha waa mahadsantihiin

  30. kabayare says:

    Waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha web-kan,
    Oraah hore ayaa waxay ahayd Lax kasta shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa Soomaalidu iyadaa dalkeeda gubtay iyadaan qareenkeedii dumisay maantana waa bukaan jiif nin bukana boqol u talisay horaa loo yiri marka hadal wax tari maayee sida reer Masar iyo reer Liibiya heeryada gumaysiga ma iska qaadnaa oo dalkeena iyo dadkeena ma daba qabanaa? mise waa iska waa aamusnaa?

  31. WACAYS says:

    HAYS ORANIN CIDI KUMA ARKAYSEE CANKA BUUXSO!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
    ASCW: Waxan marka hore Hanbalyo u diraya dadki hawshan isu xilqamay waxana leeyahay ilaahay Ajarkeeda ha idin siiyo, waxad qabateen hawl aad iyo aad Umadda Somaliyed wax tar ugu leh.
    Mid waxan Leeyahay Dawlada Federalka Kumeel-gaarka ah War Waari maysane War haydinka haro, Waxa idiin Dhimani waa Hal Sano wax ka yar.Umadda Somaliyeed Ha uga tegina wax aan adinka iyo Durriyadina midna u wanagsanayn,adinkuna Cimri Tegay Ceeb haku soogootina ee Hawshaas Faraha Kala Baxa.
    waxan kale oo ku talin lahaa Dadka Hawshan Faraha kula jira Magacyadooda halla soo taxo,hana lasoo liisgareeyo, waayo nin walba waxan u dirayna Tolkiis in uu naga qabto, waayo ninku Hadduu waalan yahay walalkiis ayaa u miyir qaba. MAHADSANIDIN
    wacays- DUBAI

  32. Asc Sxb Yaal Waa ku mahadsantihin dadalka aad uu dadaleysan danta dalka iyo ummadina dayacan.laga bilaabo manta anigo waxaan xubin buxda ka ahay Ururkan . wax wax alllale wixi talo ah aan ku kala qadano Emailada

    waa billahitowfiiq
    Garad salah Ahmed Hussein

  33. keynaan says:

    Somalitalk aad ayaad u mahadsantahiin sida weyn oo aad waajibkiina aad u gudateen maanta waxaan aad oogu faraxsanahay in aan arkay markii iigu horeeysay somaali meel rayi ka dhiibaneeso oo hadane isku mabda ah taasna waxaan dhihi karaa waa guul noo soo hoyatay ee walaalaha meeshaan rayigiina ka dhiibtayoow aan u istaagno in aan umadeena badbaadinoo waxaan filaayaa in aan nahay koox awood leh oo wax qabankarto.
    Mida kale somali talk waxaan ka codsanaa in ay noo noqoto meel aan ku kulano waayo ayada ayaa isku keen xiro karto sidaas daraadeed waxaan ka codsanaa in ay beej nooga furto facebooka Somali Somali ayaa leh

  34. Dini says:

    Waxaan layaabay maxaa isaga Jira kasaaridda dawlada marxaladda kumeelgaarka ah Iyo xeerka badda soomaaliya. Dawladu intay udagaalami lahayd in xuduuda badda soomaaliya laga dhigo 350km ma waxay kadooratay in sharcigii badda soomaaliya baabi’iso.

  35. ugu horeen wan salamayaa somalida idilkeeda meel walba ha joogaan ASC teedaka hadaan fikirkayga ku aadan hantida ma guurtada ah ee ilaahay nasiiyay oo hadana aanu ka dhaxalnay awoowayaasheena ala ha u naxariistee ma maanta ayaa dad ka mid ah dadkii aanu dooneyn dhibka iyo rafaadka in ay umada ka saaaraan ayaa waxay doonayaan in ay baddii iibasadaan misana ay muran geliyaan dadkaan caada qaatayaasha ah ee dhuunka soo doontay ilah baa naga qaban karo waa in somalida sameysaa banaabax kaasoo ka loooga soo horjeeda iyo in umada somaliyeed aan lagu qayaani kareyn heshiis beeneedyada ay dadkaan madaxda ah ee caada qaatayaasha ah aana ku kadsoomin ayna tusiyaan aduunka boorar ku qoran intaan badeenu tahahy somalida meel kastoo joogana ku sheegan in badena tahay 200nm aynan jirin cid baabi’inkartaa ilaa uu qiyamuhu dhaco sidas iyo nabad gelyo wabsitekana aad ayaan ugu mahad celinayaa iiina ogolaaday in aan rayigayga ka dhiibto waayo waxan ahay muwadan somaliyed jecel dalkiisa iyo dadkiisa waana mahadsantihiin

  36. A.Omar says:

    Waxaad mooddaa in aan innaguna noqonnay xoolo baadi ah, inta badan adduunkiina uu noqday dugaag, taasina waxay keentay in cid kasta hunguri ka qabto waxa aynu leenahay mar haddii ay yaraatay ama tabar beeshay ciddii lahayd waddanka Soomaaliya.

    Runtii Waxa inagu dhacay waxay la mid tahay waxyaabo badan oo dunida horay ugasoo dhacay oo aan ku aragno taariikhda, waxaana runtii inagu socda tababar aad u awood badan kaas oo aan filayo in uu wakhti dhow billaaban doono wanaag iyo degganaansho waayo badan jiri doonta,

    waxaan haddaba ku talinayaa in la sameeyo dhaqdhaqaaq cilmiyeysan oo qaada tillaabo muuqata inta ka horreysa shirka lagu wado in uu ka dhaco Garowe.

    Haddii ay tillaabadeennu ku ekaato in afka laga hadlo oo kaliya, cadowga Soomaaliyeedna ay tillaabooyinkiisu noqdaan ficil waxaa meeshaas kasoo muuqda in innagoo hadal uun hayna la dhici doono hantideenna.

    waxaanad ogaataan in dadka shirka loo qabanayo ee la leeyahay waxay matalayaan Soomaali ay intooda badan yihiib dad nin kastaab si gaar ah dhagta afka loogu saaray oo wax lagasoo dhaadhiciye.

    Meesha waxaa ka maqan oo aan joogin isla markaasna la iska ilaalinayaa qof kasta oo damiir waddaninimo leh, waxaanad dhowaan arki doontaan iyadoo xilka laga qaaday Taliyaha ciidanka badda Soomaaliyeed maxaa yeelay waxaa ka muuqda waddaniyad, aqoon iyo in uu indhaha si fiican u kala hayo.

    ARRINKA AAN FICIL U DADDALLO INTA AANAY XEERO IYO FALDHAAN KALA DHICIN.

    Shukran

  37. .mohamud says:

    Waxaa yaableh eeyba eeyga uu kadanbeeyo waa kaliitaa, ma waxay ismoodeen inay keligood go’aamin karaan talada dalkii somalia looyaqaaney? mise waxay isleeyihiin waad kunabad gelaysaan. Kallaa!
    somalya soomaaliba iskaleh, waana laxasilidoonaa dhowaan wayduna u aayi ama mahiga meel haydin geeyo ama itobiya,iyo kenya waxaadse ogsonatan idinkoo uqisaasan arintaa inuu shacabka wadanka lihi madaxyada idinka guridoono. Idamka ILLAAHAY.

  38. Asc dhamaan dadka somaliyeed oo dhibanayaasha ah meel kasta aad joogtiin waxaan idinleeyahay *asc .wr.wb. Walaalayaal maanta waad la socotaan waxa jira oo ka jira badda soomaaliyeed qof kasta wax garanaya oo somaali ah uu ka war qabo dad calooshood u shaqeystayaal oo magacana nala wadaaga in baddii soomaliyeed oo baaxadeedu dhameyd 200.n.m.layiri waa 20.n.m. Walaalayaal ma waxaas ayaan qaada karnaa kenya oo awalba dhulkeenii heysatey miyaan hadana badda ugu darnaa wax la aqbali karo maahan waana ka dagaalaneynaa inshaa allaah wabsidekaan somalitalk waxaan leeyahay waligiin jira sida aad noogu iftiimiseen waxyaabaha qiyaanooyinka oo wadanka ka jira allaha idin barakeeyo somalitalk

  39. Asc.Dhamaan Umada Muslimka ah ee Soomaaliyeed Intaas ka dib,
    Waxaan mahad gaar ah u celinayaa dadkii fahmay ee ka qeeyliyay ,waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa, web side-ka somaltalk,oo aad u fahmay oo waliba sifiican u faahfaahiyay,iyo web side yada kale ee ka hadli doona, iyo wariyayaasha ummadda mar kasta tusiya wanaaga,ugana diga khadarta ku soo wajahan. mida kale arinta u walalkeen jamal soo jeediyey waa muhiim in facebook bage laga sameyo olole cusubna ama kacdoon ka dhan ah dadka aan fahamka u saxiibka ahayn ee iska saxiixa waxii loo keena aanana fahamsaneyn danta ka danbeysa marka waa iga codsi qorshahaas ku darsada Page in laga samayo Facebook fadlan.

  40. Aad baan u raacsanahay in la sameeyo nidaam madax bannaan oo difaaca khayraadka baddeenna, waana muhiim jiddan. markaa halla wado dadka aqoonta u lehna hala uruuriyo. allah macakum