Home » Badda »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…


DFKMG oo soo saareysa Sharci Lagu Tirtiraayo xeerkii Badda Soomaaliyeed ee Law no. 37 ee 1972
Xukuumadda FKMG oo 19-ka December 2011 ka Tanaasuli doonta Xeerkii Badda Soomaaliya ee soo jirey 40-sano

Go’aamadii ka soo baxay shirkii “wada tashiga” ee ay soo qabanqaabisay Qarammada Midoobey, laguna qabtay magaalada Muqdisho (August 4 – 6, 2011) ayaa waxaa kamid ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan  “EEZ” (Exculisive Economic Zone) ama “Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah”.

Qodobkaasi waxa uu meel ka dhac ku yahay xeerka u degganaa Qaranka Soomaaliyeed muddo 40 sano ah, xeerka Law no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay leedahay DHUL-BADEED (Territorial Waters), dhul-badeedkaas oo cabirkiisu xeebta ka durugsan yahay 200 mayl-badeed. Sidaas daraadeedna Hadalka aan meesha qaban ee ku qoran qodobada ka soo baxay shirkii Muqdisho waa oraahda “Exclusive Economic Zone” EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah).

SII AKHRI….

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

250 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii "

  1. Assalaamu Alaykum. Waxaan soo jeedinaya in hay’addan lafuro oo aniga shakhsiyan Adam Abdi Abuzuhri no1aad layga dhigo oo bishiina laygu qoro $1. 12ka bilood hal mar ayaan soo shubaya haddii aan helo accountiga laakiinse waa inay cadahay habka loo furayo iyo meesha laga furayo iyo sida loo maamulaya. Sida uu walaalkeen sheegey haddii lahelo ururu diiwaangashan, waxaa lahelikaraa musaacado iyo warbaahinta aduunka.
    Waxaan sidoo kale soo jeedinaya in la soo helo telephoneka/faxka/emailka madaxweynaha Somalia, R/wasaaraha/gudoomiyaha B/lamaanka/ergeyga gaarka ee Somalia uqaabilsan/UN office/Somalia contact group iyo cidkasta oo ay qusayso arinta oo lagu waalo telephone iyo emailo. Dadkiina yurub jooga waxaad samaynkartaan mudaaharaad.
    Waxaan sidoo kale soo jeedinaya in hal waraaq ladiyaariyo oo loo gudbiyo dhamaan dadka diyaarka u ah inay difaacaan badda Somalia kadibna cinwanada lasoo heley lagu wada aadiyo oo laga buuxiyo cabasho. Sidoo kale waa in lafuro facebook arintaan ku saabsan oo dhalanyarada lagu wargaliyo.
    Ugu danbeyntii ninkaan walaalkeen ee arintaan utaagan waa in gacan lasiiyaa oo aan laniyad jibin. Lacagta haddii lahelo waxaa laqabankaraa shirar iyo waxaa loo safrikaraa meelo fog-fog iyo meelo aan iminka lagaarikarin. Meesha ugu horayso ee xooga lasaarayo waa Aljazeera iyo Fahad Yassin waayo tooshka aljazeera waxbadan ayuu taraya

  2. satdii says:

    a/c/w walaalayaal salaan ka dib waxaan la hadalayaa kuwa qora webkan dhul mar hore aan ka dooranay jiritaankiisa in uu qabiilkeyga saro maro hada ha ii sheegina waa la dhacayaa maxaan ka qaban karnaa waxba ilaa hadana qabaailadiina aminsanahay ha iska dhigina muwaadiniin jecel dhulkooda dhiigana ha nagu karinina bartaas anaga is dhignay oo kuwa dhulkeena qaybsanaayo qaramada midoobay iyo reergalbeed iyo igad moodno inay qeyr noowadaan ay nabiyo yihiin marka waxaad fasheen jawaabtiisaad haysaan indhaha ka arka oo qura bye soomaali duleysan

  3. yahya said says:

    waxaa cajiib ah in qof madax u ah umada soomaaliyeed uu riraah, “Haddii Aynu 200nm Sheeganno, Baddeennu waxay gelaysaa Jidda, Sucuudi Arabia” Inay aqoon daro ugeysay ma’ogi laakin runtii hadalkan waa qayaano qaran waana mid u eg kii uuyiri Xuseyn Caydiid oo ay sumcad xumo aan laga soo waaqsan kudhacday. Waa inuu raali gelin kabixiyo raisul wasaaraha hadalkan hadii kale waa inuu xilka isaga dagaa.

  4. Asc salaanta islaamka ka dib.
    ugu horeyntii ilaahey ayaa iska leh mahad.intaas ka dib laga bilaabo burburkii soomaaliya madax kasta oo dalka soo marta waxay dalka ka galeen godob weyn oo aan waligiis ka hareyn.
    waxna u dhibeysa next generation ,ha ahaato mid sun wadanka lagu duugey lacag ka qaata.mid saxiixa hantida wadanka .haddana waxay mareysaa badda umadda soomaaliyeed. sidaas daraadeed waxa kaliya ee rajo ka leeyahay in ay hantida dalka badbaadiyaan ay tahay waa mudanayaasha barlamaanka intooda wadaniga ah.tan kale waxaan umadda soomaaliyeed meel kasta oo joogaanba in aan arintan na mideyso oo aan mudaharaad ka dhigno anaga oo message isku direyna wsc.

  5. Rabi baa mahadleh somalitalk aad ayad u mahadsantihiin rabi dadaalkina madayaco wanag walboo aad samaysan dadkina iyo dalkina wuu idiin kaydinaya rabina ajar ayuu idinka sinayaa e hore usocda admiralkana waxan leyahay janankii jananadow khaabiirki khabiiradow qabrigaga mid wanagsan rabiyow kayeel howsha aad qabatay d/dadkaga way la dhacsanyihin ee madaale dulqad badan noqo waxyaaba badan oo anan hada ifinayn ayaa kugu iman kara ee ha u dhutin ee hore usoco bad iibsadayaasha waxan leeyahay rabi ka xishooda somali hore ayad dhulka nasiino ugu diiden hada ma badi ayay idinka gayn ladahay

  6. Gaaldiid 2 says:

    ASC Sida runtaa aad baan uga murugooday arrinkan, laakin murugo kali ah wax ma tarayso, waa inaanu dagaal gelnaa, ummaddeenana meel walba ay joogaan la faham-siiyo, waan in la daabaca waraagahan arrinta ka sheekaynayaa, (Somalitalk), cid
    walbana la gaarsiyaa, deedna facebooka petition lagu daabaco, mudaharaadyona la maareeya, telefiishanada ha laga doodo, yaan la isku daalina qoladan TFGga,, way damiir beeleen, waxay xukumaanna majirto. Qaybsanaanta ha la joojiyo, arrinkan waa arrin qof walba oo Somali ah taabanayso, waa inaga iyo kartideena.

  7. JAMAAL says:

    bal halkaan ila eega waxa lagu sheegay badda somaliya oo GAAS na diidanyahay .
    http://en.wikipedia.org/wiki/Geography_of_Somalia

  8. jamaal says:

    ASC
    pls walaalaha somalitalk sameeya Group In FACEBOOK aad hawshaan ku sharaxaysaan , meeshaas ayaana dad badan lagu gaarsiin karaa warkaam fadlan groupkaa sameeeya

  9. Mukhtar says:

    Asc Dhman Islamka gar ahan Somalida Waxaa iga su aal ah
    1:War soomliyeey inta aqliga usaaxiibka ah ay wadanimado kudanbeysao miyaan awoodna inan hor istaagno Heshiskaas lagu lugooynayo soomaaliya hantideeda hadisa la awoodo maxaa inala gudboon oo aan sameenkarnaa hadii ay naqabsato????
    2:Kuwa kujooga kumeelgaar oo dano gaar aha danoshisheeya wata miyeey go aan kagaari karaa Qaran,Go,anka badeena ay kudhisantahay waxaa lasameeyey mudo 40sano kahor sida qoraalka ku cad marka hada dana raa´c miyuu wax kabadalikaraa miyanan Dowlad hadi ay timaado oo sax ah oo shacabka wax tarta oo ah tii loobaahnaa miyaysan diidi karin oo gaashaanka kudhufankarin heshiiskaas wax kama jiraan waaye soo madhihi karto ? bal ila eega dadk wax garadka ahaaw

  10. Mukhtar says:

    Asc Dhaman Islamaka Gar aha Somalida waxaan qabaa bo su,aal tan 1aad:Nimanka dowlada kumelgarka ah wata ee mataaya somaalida miyey badali jkaraa sharci ama xayr ay Dowlada aan kumelgaar eheen dhigatay oo lawada saxiixay xiligaaswaxay oo xilii hore oo 40sano kahor ahay jiray kusocotaa cidii aqoon uleh sharciyada sida wargayska Arintan noosoo gudbiyey .
    Suasha 2aad:hadii ay ansixiso dowlada ama ay ogolaato sida ay damacsanatahay ayey sameynaysaa maxaa yeelay mesha mataalo Dowladnimo ama Daljeceel waxa yaalo sheegid iigama baahna ee miyaa
    sharcigaas ogolaashihiisa laga hortagi karaa ,sideesa looga hortagi karaa hadiisa lagahortagi waayo Madaxdii waxaa hareereeyey Musuq maasuqee miyaa Dowlad Rasmi ah oo waxtar leh hadii lahelo ay dhihi kartaa waa wax kama jiraan ?*
    Runtii arintan murugo ayey igudhalisay hadana dhor jer ayan islahadlay lkn waxaan isdhahay maxad qaban kartaan hadii aad tihiin Soomaali Mhadsanidiin

  11. ascww salaan kadib walaalaha somali talk waad mahadsantihiin waxana leeyahay cilmigiina caqligiina dhaqaalihiina ilaahey habarakeeyo, waayo somaali maantey waxaa indhahaas uyeeley waxaa lawaayey cid daacad ah oo istaagta danaha caamka ah ee bulshada, adinku waxaa tihiin walaalo qeyrbadan oo waqti badan ku bixiyey danta caamka ah ee bulshada somaaliyeed ilaaheybaana idinka abaal marinkara, umada soomaaliyeed maantay wey kalagarataa cida danteeda u adeegeysa iyo cida kursi ama dhaqaale doon ah, walaalayaal mid waxaan leeyahay umada soomaaliyeed
    ee damiirkii somaalinimo iyo islaanimo kudanbeeyo,
    1.calaacal laguma ciilbaxo colna kaama fujiyo ciidana kumataro,
    2.waad aragteen sida face book loogu adeegsadey masar ee ilaahey ugu badaley sida mucjisada ah, fircoonkii masar marka waa inaan adeegsanaa
    3.walalyaal waa dhamaaday waqtigii hadalku waxaa loo baahanyahay ficil waxaana qabaa in aan ugadanbeyno qabashada howshan, bahda soomaali talk iyo cidii ey kuyaqanaan damiir islanimo iyo soomalinimo oo ey ayagu uyeertan anguna aan lagarab istaagno dhaqale iyo talo *somaali talk waxaan leeyahay waqtigii ficilka ayaa lajooga talaabooyin qaada ilaaheyna tala saarta soomaalida damiirkoodu wali noolyahayna kutashada. 1.dag dag uraadiyaan aqoonyahamo kuxeeldheer xeerarka badaha oo isugu jira soomaali iyo kuwa kasoojeeda wadamada islaamka ah sida turkiga maleesiya induniisiya lana kaashataan dowladahooda oo aad safaro kutagtaan dag dag ah
    2.noo qabta looyaro kahortaga arintaan
    3.xawaaladaha kafura acount iyo ciwaan lacaga lagu soodiro
    si dadku ey ugu dhiiradaan ineey wax bixiyaan bogiina noogu soo qora inta shaqadu kubilaaban karto dadka lacagaha soo dirana magacyadooda iyo inta qofkastaa soodirey liis usameeya xisaab celin asbuucle ahna bogiina kusoo gudbya markaa arka sey wax udhacaan guulbaa kasoo baxeysa inshaa alaah
    4.xidhibaanada telkooda iyo magacyadooda noosoo qora haadaad heli kartaan si aan uwacno oo loo baraarujiyo
    waqtiguu igu yar awgeed inataa ayaan kusoo gabagabaynayaa wabilaahi towfiiq www

  12. Barqo says:

    Slc waxan mahadleh allaha xaq lagu cabudo naxarisi korkisa ha ahato nbi muxamed (scw) waxaan halkan uga mahad celinayaa webka somalitalk. Waxan kale oo amaan iyo tageraba usojedinayaa .alwadani (admiral)faarax cumar axmed .farax qare. Farax waxa aad sameysey wax iga farxiyey runti galiilyaa iga kacdey markan arkey waxqabadkagi kowaad .oo aad kasojedisey shirkii kadhacey shisheylis .iyo qodobadad hordhigtey .waa waxqabad heer qaran ah nolow .waxaan rajeynayaa .inta kaasareysaana iney fahmi donaan xilka kasaren dalka iyo dadka ay xilka uhayaam

  13. Bashir muse says:

    Asc.dhamaan mahad waxaa iska leh ilaahay, haddii aan soomaali nahayna waxaa noo tashay reer galbeed oo usa horboodayo oo rabo qaranimo soomaaliyeed iyo dadkeeba in aan la arag,norwayna waxaa loo xilsaarey in ay kenya ka caawiso sidii bada soomaaliya ugu wareejin lahayd kenya.kuwa xeryaha qaxootiga ee kenyana in diinta laga fidmeeyo iyo kuwo kale oo badan
    Admiral farax umadaada u shaqey gees baad tahay ay xusi doonto taariikh
    mahadsanidin

  14. somali says:

    Somali Talk aad ayaad u mahad santihiin. Admiral Faarax Qare taariikhda Soomaalidaad baal dahaba gashay ogsoonow taas. Sheekh Shariif waxaan lee yahay wadaad xaqa ku taagan in aan tahay ayaad noo sheegtay marka hunguri yuusan ku qaadin oo ha aqbalin waxa Inna Gaas wado waa xaaraan cad haday rumowdo..
    Pultland waxaan lee yahay idinku Soomaali ma tihidiin miyaa? aaway xagii aqoonta usaaxiibka ahaa ee xeerarka badaha Somalia wax kayaqaanay, mise haddii Pultland dan gaar ah helayso idin ma qusayso Soomaaliweyn???
    Waxaan aamin sanahay in kaalin mugleh idiin banaan tahay oo taariikhda Soomaaliya meel kagalay haddiid naan is yeelyeelayn.
    Ina Gaas waxaan lee yahay, saaxiibkaa Farmajo waxaa lagu maagay Somalinimo cad. marka waxaan aamin sanahay in aad go’aamadaada aad uga fiirsato oo aadan Somalia god kurimin oo aadan iska dhigin kaligii “smart” Halso baal madow taariikhda Somali kaha gelin walaale…
    Galmudug waxaan leeyahay, ma is leedihiin si fudud quluubta umada Soomaaliyeed ee dulman ku kasbada sida Baarlamaanku somaliya uu kal hore yeelay oo hadan Admiral Faarax Qare ku dhiiraday. Waxay ila tahay cidii aan boobka umada Soomaaliyeed lagu hayo ka hadal iyana qayb weyn bay ka tahay.
    Somaliland waxaan lee yahay, afkaartiina idinkaa xor u ah meel ay gaartaba laakiin aamusnaan tiina bada Somalia waa idiin gunimo, aawaye ragii arag tida fogaa mise waa go’aynaa baa ka qaalib noqotay. Magac iyo taariikhba maalinbay baxaan……
    Allow Soomaali ugar gaar……………….

  15. Ascwrwbr,
    Allah baa mahadleh,waxaan ku sallinayaa nebigeenna suuban CSW.
    Waxaan usoo jeedinayaa walaalaha qora webkan Somalitalk inaad u istaaktaan,sidii loo unkami lahaa Guddi Qaran oo dibedda iyo gudahaba
    Soomaali oo dhan wada kooba,oo dusha u rita maamulka dalkeenna,si loo helo Dawlad iyo Golaha Shuurada ee Qaranka Soomaaliyeed.
    Iyadoo shirar heer magaalo,waddan,iyo Qaarad lagu soo doorto guddiyo
    wakiil ka ah Qurbajoogta soomaaliyeed.
    Waddanka gudihiisana,lagu qabto shirar,heer degmo iyo gobol.
    Sidaasna ay ku smeysanto Dawlad iyo Gole Shuuro oo ka madaxbannaan
    shisheeye oo idil.
    Soojeedin waxa iga ah in Somalitalk iskaxilsaarto sidii loo abaabuli lahaa
    shirarkass lagu samatabixinayo waddankeena,dadkeenna iyo Diinteeenna xaniifka ah.
    Wscwrwbr

  16. cabdiraxman says:

    Ascww, bacda salaan waxaan mahd naqa balaaran halkan uga soo jeedinayaa bahda Somalitalk oo mar walba ku bararujisa meesha ay wax marayaan hadaba waxaan leeyahay dhmaan umadda soomaaaliyeed meelkasta oo ay joogto waa in ay arintaa ka hortagtaa kagana hortagtaa wixii ay kaga hortagi karto

  17. mahad says:

    waxaan dhihilaa mudane gaas hadaad rabto in aad noqoto madax weyne aan waligiis dhicin waxaad ka heli kartaa umada soomaaliyeed hadii aad rabto in aad uga baxdaan kumeelgaarimada badeena oo qaar laga tanaasulana runtii waa ayaan daro weyn ,dhinaca kale waxaan leeyahay hadii aan 200 sheegano hadey sacuudi gasho iyo hadey ameerika gasho maxaqeenaan katanasuleeynaa maad xaqeena? jawaabtu waa maya hadaan soomali nahay

  18. Barqo says:

    Slc ww .somalitalk waxaan webkan urajeynayaa in la arko asagoo tarikhdiisa halganka u galay looga shekeyo ardayda oo casharada lagu bixinayo. Sida darwiikii. Mawduca meesha yaal hadaan uso noqono ma ahan ineynu afka un kahadalno waa inaan ficilku darnaa .waa inaan magaloyinka waaweyn ka sameyno mudaharaadyo aynu ku mujineyno ineysan dawlada hada jirta oo gacanku rimiskaahi ineysan waxba saxiixi karin cabashada shacabkana meel walba lagarsiyo

  19. ASC salaan dabadeed waxaan u mahad celinaayaa Somalitalk, dabadeedna waxaan u mahadcelinaayaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee garan kara hagardaamada cadawga soomaaliyeed. Sida muuqata waxaa loo xusulduubaayaa aan kumeelgaarka kabaxno oo ujeedadeedu tahay aan dalka bad beri iyo hawaba iibsano, waxaan ugu baaqaayaa kuwa maanta magaca xambaarsan ee sheeganaaya in eey soomaaliya Dowlad uyihiin ineey kafogaadaan dhimista xuduudaha soomaaliya haddii aaney wax inoogu soo kordhineeynin. Sida cad haddii la ogolaado heshiiska EEZ waxaa dhowaan imaanaaya in Kenya eey tiraahdo aanu xuduud badeed yeelano, deetana lagu saleeyo heshiiska EEZ taas oonu ku waayidoono dhul badeed baaxad weeyn.

    Sidaas aawadeed waa qiyaano loogu gogol xaaraayo in Kenya lagusiiyo badda Soomaaliya waxaana eey joogtaa intii dhiigleheey kaca.

  20. Jamame says:

    Asc dhamman akhyarta ku xiran Somalitalk. Marka hore wad mahadsantihin Somalitalk bararujinta had iyo jeer aad la taagantihiin Alleh ajar ha idinka siiyo. Hada lama joogo waqti lagu lumiyo hadal its time of action. Somalitalk waxa la idinka raba.
    1-inaad isugu yeertan aqoonyahada Somaliyed ee ku taqususay xeerka badaha adduunka.
    3-inaad sameysan account lagu so shubo dhaqaale ku baxa difaaca badda Somaliyeed.
    4-inaad hormood ka noqotan dhisidda guddi Somali u dhantahay oo ka shaqeeya difaaca badda Somaliyeed.
    5-in lagu dheerigeliyo ummada Somaliyeed iney sameyan bannaanbax isku waqti ah oo ka dhaca guud ahaan dunida kaso lagu mujinayo in ummada Somaliyed baddeda la boobi karin.
    6-ummada wa iney isku bararujiyan difaca badda Somaliyed qofwalbo wa inu u sheego saxibki qaraabadi deriskii iyo ehelkii iyado la isticmaalay
    a)facebook
    b)website yada
    c)chat rooms ka
    e)E-mail lada
    f)idaacadah maxaliga ah.
    g)barta dadka ay ku kulman salbacaadyada. Somalitalk hawsha Alleh ha idinku garabgalo. Wabillaahi tawfiiq

  21. fartuun says:

    war tuugataan aanu iska qabano,xoolaha qaranka dhacaya aanu ka banaan baxno meelkastanu joogno.bada sedexdaan qof malahan somaliyoo dhanbaa leh. somaliyay toosoo, toosoo isku tiirsada.

  22. Muxamed says:

    Waxan ku soo kobaya jawabtayda in rag maqaar saara ay qaramada midobe mesha kensatay marki uu leyahay dantena ku jirta mow iska dhaho tanta kenya iyo ethopia kujirta inta waxow isleyahay isqari

  23. abdulwahab says:

    somalitalk waxaan idinleeyahay mid: ma wadaniyad ayaad ku dooneeysaan sidaan. waan ognahay in nimankaan hadii xitaa eey saxiixaan in eey ku meelgaar yihiin, waxoodana uu sharci eeheen . markaa niman yahow naga daaya fasuulada aad ka dabowadaan wax makgaratada. wa bilaahi towfiiq

  24. dhamaan akhyaarta waan salaamayaa inta qorta webkan iyo inta kale e somalida ah e damiirkoodu nool yahay.
    somaliyay hurdada ka kaca oo dadkiinii iyo dalkiiniiba waa loo tashday e sida isu dhaama oo ugu yaraan si aan imika qorshahan u fashilino inta dareensan arinkan ha u shaqeeyeen in ay dadkooda dareen siiyaan arinkan

  25. xagaleey says:

    waxeey u egtahay ineey qaramada midoobay leedahay soomaaliyeey weligiin dhibkaad kujireysaan hadeydaan baddiina weyn qeyb kasiinina wadamada deriska ah. waa hanjabaad.prof. soomaaliyeed oo weliba gobolka udhashayna gaarisa ayuu jabhad kuyahay oo azania ley yiraa afka lataagaayaa.oo meeshii laxureyn lahaa baa lagasoo dagaal gelayaa.wiilashii cadowga iska dhicin lahaa ayaa maalin walba dayuurado lagu duqeynayaa.soomaaliyeey xaqa allaha idin tuso.

  26. Cumar says:

    ASC,
    Waajib ayaan gudaneynaa dhammaan howshaan badbaadinta baddenna dadka ka qeyb qaadanaya, waa xaq difaaca xuduudaha dalka abaalkeedana waa rajo laysku hubo aayatiinkeedu weyn yahay (ifka iyo aakhiraba).
    Goor iyo ayaan waxaan ku adkeysaneynaa in aanay suurtagal aheyn xadka badda EEZ (aagga gaarka ee ganaciga) asteynta cusub 12nm sida hadda gabood falyaasha u ololaynayaan inay na marsiiyaan. Waayo waxaan ku luminaynaa oo lagu wareejinayayaa xaquuqda dhaqan gashay oo rasmi ahaan Soomaaliya loogu aqoonsanaa oo aheyd xuduud badeed 200nm oo la oggolyahay in lagu sii kordhisto 150nm xilliga cusbooneysiinta middan 350nm ayaan rabnaa in naloo asteeyo himilada dhabta ah waa tan.
    Dal iyo dad Islaam ah ayaan nahay oo hore loogu garbaduubay cadaw ma quusta ah haddana damacsan inay jiritaankooda o dhan tirtiraan, kaasoo adeegsanaya wax kastaa sida shakhsiyaad iimaan daran oo naga mid ah.
    Waxaan tuhmayaa in adduun badan loo ballan qaaday kuwa fuliya hadimada guracan ee qeyb dalka ka mid ah lagu bixinaayo ( baabi’inta xeer No37 ee xadka badda). kuwani Alle hor istaaggiisa dan kama lahan waxay raalli ka yihiin adduunka iyo hawadiisa. Bal eeg way miir baabsanyihiin, waxaa ku go’an inay shirqoolada ansixiyaan, inkiraadooda iyo indha adeygga gefgefka dibindaabyada wata oo aaney dibba uga laabaneyn iyo ayagoo ku wareegaleysta asbaab aan sinna isu qaban karin si ay ugu meel dayaan HADIMADA naloo HADOODILO.
    Walaalayaal Kenya iyo kuwa la ujeedka ah wey na quursadeen, yasmo lays liido oo dhacdey wixii ka danbeyay shirkii Berlin 1884 oo tanoo kale ah ma dhicin.
    Imisaa dal ayaa uu dagaal ahli ka dhacay ma xaduudahooda qeybo ka mid baa dalalka jiraankooda loo hibeeyay? ma maxmiyad baa la geliyay?
    Qarniga 21aad ayaan ku jirnaa miyaynaan aheyn shacab qiime leh oo ka dhiidhin kara ka ciishoon kara in dalkooda sahal lagu qaato?
    Annaga diyaar baan u nahay fulinta Barnaamijka “”BADBAADI BADDA””.
    waxaan ku soo gebagebayn dhammaantiinna waxgaradka damqanaya ee u taagan difaaca qadiyadan badbaadinta baddeanna Illaah idinkii waannu guuleysan.

  27. baarri says:

    ASCWRWB aad iyo aad ayad u mahadsantihiin qoraaladan ku saaban qiiyaamada baddeena, waana soo noqnoqotay. maanta somaliyi way ogtahay in faraha lagula jiro dhan kasta waana tan keentay in lagu yiraahdo qoyswalbow maamul gaar ah sameyso si aan dawlad dhexe oo taagan loo helin weibana dagaal daba dheeraada oo ay maamuladu xuduud iyo xoolo isku qabsadaan. marka aad waxaad ugu mahadsan tihiin soamlidii dhabta ahayd way fahamtay waxa berriga ka socda ee sidaaad ugu ifineysaan waxa badda ka socda waxaanan idinka filnaa inaad noogu dartaan inaad nagu baraarujisaan waxa cirkennaana ka socda WAA HUBAA ISNA MA NABAD QABEE. midda kale dhibka iyo khiyaanada jirta noo sheegtee waxaan idinka codsaneynaa inaad sidii looga hortagi laha ama looga bixi lahaana nooso sheegtaan waxaad gasheen taariikhda somaliya ee dhanka fiican .
    ALLAHA IDINLA JIRO IDINKANA BADBAADIYO DIBINDAABYADA DABADHILIFYADA DHULKII IYO BADDII IYO CIRKIIBA KA BAXSAN LA’YAHAY

  28. muse says:

    Aad baan ugu faraxsanahay inaad arintaa aad soo qorteen maxaa yeelay Shacabka ayaad kubaraarujineeysaan dhulkooda ladhacayo.

    Waxaa soojeedinlahaa inaad maalinkaste CINWAAANKADHIGTAAN si bulshada soomaaliyeed ugu baraarugto sidi hada kahorba sameeyseen.
    somalitalk,waad mahadsantihiin

  29. Halimo says:

    Waxaa yaab ah in nin walba oo sheeganaaya madax Soomaaliyeed uu u raacaayo waxa laga soo dhoodhoobay aduunka oo ay ku gaadaayaan in ay xoolaheena dayacan qaybiyaan.Waxaan leeyahay umada Soomaaliyeed hurdada ha ka kacaan oo yaan layeelin dhacaa xeebaheena lagu dhacaayo.Nimankaan Dowladana waxaan leenahay inta umaseenii gaajada u dhimanayaan ha ku mashquulina qaybinta badeena, ee hurdada ka kaca.

  30. Abdiqaadi says:

    A/C dhamanaa umada soomaaliyed iyo muslimiintaa qasataan SOMALITALK
    walaala yaal wadu ku mahadsantihiin sidaad ula dagalameysan kuwa danta guud ay kala horeyso tangar ahaaneyd habeen iyo malin waan idiin garbtaganahay haduu yahay walkey midka xun waan ladagalameynaa mahadsanidiin

  31. To: Somalitalk

    Waxaad tihiin warbaahin aad u qiimo badan.
    Maraakiibta iyo dowladaha badda Somaliya soo buux dhaafiyay iyo qadiyadani aad ayay isugu xidhan yihiin ayaan filayaa.

    Hadaba waxaad qaban qaabisaan ” Shir” aay isugu yimaadaan Aqoonyahanka Cilmiga Badda iyo dhamaan aqoonyahanada kale ee Somaliyeed. TFG-da nimanka hogaamiyaa aqoon uma laha waxan.Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan IWM maxaay ka yaqaanaan arimahan?

    Waa inaad Account furtaan oo Olole ka bilowdaan qurabaha.Kadibna la helaa sharciyaqaano arintana gala oo ilaa TFG-da nimanka hogaamiya u taga oo u sharxa iyo Baarlamaanka waxan la wado.

    Maanta ayaan wakhti haaysanaa , haddii kale inta nimankan laga saxeexdo ayaa hadhowna Somaliya aanay dib u heli doonin oo xoog lagu muquunin doonaa.

  32. ASC dhamaan ummadda soomaliyeed . aniga waxaa ilaa tahay dowladdi MOhamed Siyaad Barre kadib ma jirta dowlaad dalka wada xukunta oo ka turjumi karta ummada somaliyed islaa markana gali karta heshis calaami ah iyo goboleedba. waxaa hada dhacayana waa arin aay watan cadowga ummada soomaliyed kuwa wax saxiixayana waa imanlaawayaal uu ooman hanti urursi. Maxa looga bahan yahay ummadda soomaliyeed waxaa looga bahanyahay midnimo,isku tashi, iyo inaay sameeyan guddi ama hay,aad wadani ah uu dooda danaha ummadda

    waa billaahitowfiq

  33. dulqaad says:

    ilaahaa talo kufilan soomaaliduna wexeey tiraa qofkii xumaan sameeya taariiqdaa qoreeysa laakiin su aashu wexeey tahay hebelkaas xun taariiqdu maalinkeey qorto wixii uu haleeyay dib ma usoo noqonaayaan waa maya
    hadeey talo najoogtaa soomaaliyeey ee aan tashano

  34. Adam Roble says:

    Aniga oo ah muwaadin soomaali ah oo ku nool waddanka Noorweey waxan si fiican ula socdaa waxa ka dhaca waddankeennii hooyo oo immika la rabo in dbadaheennii la rabo in la iibiyo, sidaas darteed waxa soomaali oo dhan ku dhiirain lahaa in si soomaalinimo ah looga hortago arrintaas.
    Mhadsanidin

  35. sahal yare says:

    Horta anigu waxaan qabaa inaan xiligaan madaxda soomaalida iyo bulshada caalamku isku taxalujin wax kabadalka xuduuduhii horay sameeyeen xukuumadaii burburka dalka ka horeeyey,waayo dowlad rasmi ah oodalka wada xukunta lana soo doortay maba jirto tan hada dhisani waa mid loogu gol lahaa in mid fiican lagu heo,maxaa dowlad la sheegaah dowlad goboleedyada ayaaba ka galgalbadan isla markaana jiray in ka badan dowladan la leeyahay waxaay ka soo bilaabaty shirkii carta,shirkii emphagati ,iyo udanbeeyey ee jabuuti

  36. ibni caqeel says:

    Asc dhammaan wadaniyiinta soomaliyeed ee garan-kara mu’aamarooyinka har iyo habeen loo maleego shacabkeena iyo dalkeenaba. Runta waynu wada ognahay inaga caloosheena iyo guryaheena u furnahay gaalada iyo kuwa calooshood u shaqeystayaasha ee u sheeqeeya. waxaynu u baahannay fara ku fiiqa in aynaan waqti badan ku dhumin, ee waqtigeenna qaalliga uga faaiidaysanaa? Facebooggu siduu yeelay waad ogtahay dalka masar oo wixii ka dhacay fajaciso qofwalba ku noqotay. waxaan u baahannahay dad faceboogga saxiix ka diyaariya (petition), in la helo taleefoonada xildhibaanno ku sheegga oo cid kasto ay wacdo (gudaha & dibedda) taleefoonadoodana Jam (xanibad) laga dhigo sida loo wacayo…caqligooda iyo dadnimadooda lala hadlo (haddii wax u hareenba) si arinta looga hortago. Mudaaharaadyo la qaban-qaabiyo. Hawshaas waxaad ugu firfircoon dhanlinta ah (internet savvy). waa isku dayid waxa aan akhriyey ayaa i dhibay….. talk to you later.

  37. Mr C/wali aka Gaas waxaa u noqday dalaal calooshiis u shaqeesta ah sidii kuwii asaga ka horeeyay ee laga ceeriyay shaqada sida Mr Sharmaarke , Mr farmaajo, Mr Geedi. dadka Soomaliyeed waa inay iska qabtaan qoladan wadanka iibinaysa cid ay matalaan ma leh iyo cid dooratay waxaa meesha keensaday mafia reer galbeed ah oo doonaya in ay bililiqeestaan hantida shacabka Soomaaliyeed waa in gacan bir ah lagu qabtaa calooshood u shaqeestayaasha aan damiirka wadanimo lahayn.

  38. abdikadir says:

    marka hore aad ayaan u salaamayaa bahda somalitalk saaxiibayaal hade sida aad muujiseen haday idinka dhabtahay soomalina aad ka danqanaysaan waad mahadsantihiin halkaa ka wada hadaan usoo noqdo arintaan ah in somalia la haysto dadku ma haday o gaadeen markii dawladii maxed siyaaad dhacday ayay somalia hoos gashay maxmiyad kana biximayso inta inaga dhexdeenu aynu isku hayno reer hebel iyo reer hebel inta kan siyaasiga ah kan oday dhaqameedka ah ay ku hayaan reer hebel saas ayay waa yeeleen adeerayaal wax gumaysi ah oo aynu ka baxayno ma jiro taas la socda

  39. ahmed says:

    Waan la sodaa waxaa dhacayaa laakiin corruption is short time
    Nooluhu ma noolaan karo wax ka badan 100-130sano
    kan corruption u bareeraa weli maal ayaa laga matajin doona

  40. milgo says:

    waxaan aad iyo aad uga xumahay in kursi iyo dan gaar dalkeena dal kale loogu hibeeyo marka waxaa loo baahan yahay inaan ka tashano ayaheena
    dowladaan saan arkayo waa dad dantooda fushanaya makala jecla dalku inuu baa’bo in bada la qaato berigana lagu darsado shacabka ayey utalaa
    iney ka hor tagaan oo ay banaanbax dibad iyo gudaba ka sameeyaan si
    loo ogaado inuu dalkaan leeyahay dad hadli kara wax garadna ah hadii
    taa la waayo soomaliya oo laqaatey ayaan arki doonaa oo layiraahdo anigaa iibsadey intey goori goor tahay aan ka hor tagno.