Home » Warar »

War Murtiyeed ka Kooban 12 Bog oo laga soo saarey Shirkii Wadatashiga ee lagu soo Gabagabeeyey Magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Mugdisho Gaar ahaan Xeradii Hore ee Xalane lagu soo gabagabeeyey Shirkii wadatashiga oo ay Qabanqaabadeeda lahayd Qaramada Midoobey gaar haan Qaybta Siyaasada ee Soomaaliya,  waxaa kulankaan lagu martiqaadey Xubno matalayey Madaxtooyada,Xukuumada Ku meel gaar ka ah , Baarlamaanka,Maamulada Puntland iyo GalMudug iyo xubno ka socdey Ahlu Sunna, Waxaana  ugu Dambeeyn  maanta la soo saarey Wuxuuna War-Murtiyeedkaas uu ka koobnaa 12 Bog wuxuuna ku Qornaa Afka Ingiriiska wuxuuna u qornaa Sidatan (EEG LINKIYADA):

Page 1-3 Signed (Read Here) ALSO Page 4-12 (Read Here) AMA qoraalka oo dhan ka akhri Halkan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " War Murtiyeed ka Kooban 12 Bog oo laga soo saarey Shirkii Wadatashiga ee lagu soo Gabagabeeyey Magaalada Muqdisho "

  1. Abdirisaq says:

    Qodobadda meesha ku qoran waa kuwo aad looga soo shaqeeyey oo qiimo leh.
    Waxa iyana guul ah in dalka gudihiisa lagu qabto shir oo laga maarmo hoteelladi shisheeye.
    Waxaanse is weydiinayaa sidee loo hirgelinayaa?
    Jawaabtu iima sahlana sababtuna waa:
    ayada oo aanan arag matalaad buuxda oo gobolladi dalka oo dhan iyo beelih somalidu ka kobnayd oo aana jirin.

    Waxaan iyana ii muuqan meeshi lagu hirgelin lahaa oo dalki ah oo aan ku wada jirin gacan midaysan oo nabad buuxda aysan ka jirin.
    Dadki doorashada geli lahaa oo gobolladiisi aanay dawladdu xukumin, dadkina uusanba tirokoobnayn.
    Haddaba ma qodobbo qurxoon ayaan isku mashquulinnaa mise meeshi qodobbada lagu hirgelin lahaa iyo dadki hirgelin lahaa oo ku wada qanacsan, iyo dadki wax dooran lhaa oo aan diyaarinno ayaanb xoogga saaranaa horta.waa jawab aan ka sugayo cid kasta oo aqoon iyo garaad leh dalkeedana jecel.