Home » Warar »

Dugsiga Gambool ee Garoowe Oo Ku Guulaystay Kediskii Dugsiyada Sare ee Bisha Ramadaan

Hoolka shirarka ee jaamacadda Puntland State University (PSU) ayaa lagu qabtay tartankii ugu dambeeyey ee u dhaxeeyey dugsiga Gambool Garoowe iyo sidoo kale dugsiga Al-Muntada Burtinle.
Xafladii gabagabada kadis aqooneedka ay ka qayb galeen 24 Dusgsi sare ee ka furan dhamman gobolada Puntland. ayaa waxaa si wadajir ah u maalgaliyey shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telecom Somalia iyo Wasaarada waxbarasha Puntland, waxaana fulinta iyo farsamada iska lahaa Daladda waxbarashada ahliga ah ee Punltan (PEN) waxaana tabiyey islamarkaana door weyn ka qaatay warbaahinta Radio Daljir.
Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka socotey dowlada Puntland oo ay horkacayeen wasiir dowlaha maamul wanaaga Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Punland Maxamed Maxamuud Idiriis,Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi xirsi Cali iyo weliba sidoo kale duqa degmada Garoowe iyo duqa degmada Burtinle.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Waxaa xafladaas ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socotey Shirkadda Golis Telecom Somalia oo ay ka mid ahayeen gudoomiye Gudiga Sare(BOD) ee Shirkadda mudane C/Casiis guureeye, hogaanka xiriirka dadweynaha Mudane Faarax Xaaji Mire iyo maamulaha shirkadda Golis Ee Garoowe Mudane Maxamud Ismaaciil Awcisman, madaxa marketing-ka ee shirkadda Golis Mudane Siciid Xuseen Ciid.
Gabagabadii tartan aqooneedka dhex maray labada dusgi ee Gambool iyo Al-Muntada ayaa dugsiga Gambool wuxuu helay lix dhibcood halka dugsiga Al-muntada Burtile helay 3 Dhibcood.
Sidaas daraadeed ayaa guushii kaalinta 1-aad u hoyatey dugsiga Gambool Garoowe oo Abaal marin ahaan u helay koobkii tartanka iyo lacag dhan (23 malyan oo shilin soomali ah) halka Al-muntada galay kaalinta 2-aad wuxuuna helay lacag dhan (13 malyan oo shilin soomali ah) iyadoo kaalinta 3-aad uu galay dugsiga sare ee Al-muntada Qardho oo helay lacag dhan (9 malyan oo shilin soomali ah) ugu danbeeytiina kaalinta anshaxa iyo aadaabtana la gudoonsiiyay Dusiga Al-azhar Al-shariif ee Isla magaalada Qardho kaasoo abaal marin ahaan u helay lacag dhan ( 6 malyan oo shilin soomalia ah).
Waxaa sidoo kale halkaas Shirkada Golis aay ku qabatay Bakhtiyaanasiib heersare ah oo dadweynahii kasoo qayb galay aay ku guuleeysteen hadiyado kala duwan sida Laptop,Mobilo kale duwan,Saacado,Barafuuno iyo alaabaha guryaha qaarkood.
Gabagabadii Waxaa halkaas lagu gudoonsiiyey Koobkii tartanka,Shahaado Sharadeedyo la gudoonsiiyey madax iyo marti-sharaf kala duwan iyo gudigii garsoorka,Maamulka Daljir iyo Jaamacadda PSU Garowe oo sanadkii labaad si heersare ah u martigalisey xaflada gunaanadka Barnaamijka tartan iyo tacliin.

Cabdi Fitaax Nuur Axmed (Ashkir)
Golis Public Relations Officer

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.