Home » Warar »

Shirkii Wada Tashiga Soomaaliyeed oo maanta galey Maalinti labaad waxaana Maanta la saarey Afar Guddi

Mahiga oo ka qaybgalayaasha kula Dardaarmey in ay so saareen Qodobo Waxtar u leh Shacabka

Qaramada Midoobey oo sheegtey in Gobolka Bay ay ku Dhufatey Macluul Daran

Shirkii Wada tashiga ayaa maanta galey Wajigiisii Labaad waxaana uu ka furmey Xero ay degen yihiin Ciidamada Amisom oo lagu Magacaabo Xalane , waxaana kulankaan Garwadeen ka ah Qaramada Midbbey iyadoo wakiilka Qaramada Midoobey Mahiga iyo Raiisul Wsaare Cabdiweli Maxamed CaliGaas ay maanta shir Gudoominayeen kulankaas oo lagu soo qaadey Qodobo ay ka mid ahaayeen Dib u heshiisiinta, Dowlad Wanaaga , Dastuurka iyo Amaanka.

Wakiilka oo ka Hadley kulankaas ayaa waxaa uu ku booroiyey Ka qaybgalayaasha in ay soo saaraan qodobo ummada Soomaaliyeed ay wax u taraya Mustaqbalka wuxuu sii raaciyey”Shirkii Embagathi ee Shanta Sanno waxba kama qaban wixii lagu heshiiyey, Shirkii Jabuuti isna waxba kama qaban wxii lagu soo balamey, hase yeeshee Shirkii kambala ayaa waxaa la dhihii karaa Qadobadi lagu heshiiyey wax badan baa laga qabtey waxana filyaa in shirkaan uu dhameystiro wixii lagu heshiiyey ee Kamballa”

Intii uu socdey kulanka ayaa waxaa lagu doortey Xubno ka soo baaraadegga mudada yare e shirka Xiritaankkisa ka dhiman waxaana Xubno min Sagaal ah loo saarey Afartii qodob ee shirka looga hadlayey oo ay ka mid ahaayeen Amnigga , Dowlad Wanaaga, Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta waxaana la filyaa in maalinta berri ah ay shirka horkeenaan sida loo wahjahayo Qodobadaas.

Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay ergada ka qayb galaysa shirka wada tashiga in ay hergaliyaan qodobada ka soo baxaya shirkaasi.

Ergayga gaar ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Dr. Augustine Mahiga ayaa sheegay in ergada ka soo qayb gashay shirka wada tashiga ah ee Muqdisho ka socda in ay ku dhaqmaan oo ay hergaliyaan dhammaan qodobada ka soo baxaya shirka wada tashiga si caalamku uu u xoojiyo taageerada la siinayo dowladda Soomaaliya.

Dr. Mahiga ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay shirkaan ahmiyad weyn siineyso sidaasi darteed shirkaan waxaa ku tashanaya dhammaan shacabka Soomaaliya ee in muddo ah dhibaato ku jirtay.

Uqaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada Q.M ay siineyso Soomaaliya ay ku xiran tahay shirkaan iyo sida loogu dhaqmo si meesha ay uga baxaan dadka aaminsan in aan waxa natiijo ah laga gaari doonin.

Dhinaca Kale Qaramada Midoobey ayaa maanta waxay ku dhawaaqdey in Gobolo Soomaaliyeed ay ku faaftey Macluusha ka dilaacdey Soomaaliya , waxayna Qaramada Midoobey ay ku sheegtey Warbxinteeda in Gobolka Bay ku faaftey Macluusha soomaaliya ka jirto waxaana Gobolkaas durba laga dareemey Macluusha

Warbixinta Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu qeexay in dad gaaraya Afar Miyan oo ay haatan u baahan yihiin in la gaarsiiyo Gargaar deg deg ah sidoo kale Qaramada Midoobey waxay sheegey in dad gaaraya 750 Qofood ay iyana qarka u saaran yihiin in ay ay waxyeeleeyso Macluul daran waxaa kalo lagu sheegey in Afarta Bilood ee soo socda Gobolada Geddo , Hiiraan Shebeelada Dhexe iyo Jubbbooyinka ay ku fido Abaaraha ku dhuftey Gobolada Soomaaliya

Hayadda FSNAU oo Qaramada Midoobey u qaabilsan Xagga Cuntad ayaa sheegety in Gobolka Bay qiyaasta Xadiga Nafaqadarada ay gaartey heerkii ahaa in Gobolka Bay ay ka jirto Macluul Daran waxayna ka Codsatey Hayadaha Kaalmada Bixiya in Gargaar deg deg ah lala gaaro Goboladaas.

Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay ergada ka qayb galaysa shirka wada tashiga in ay hergaliyaan qodobada ka soo baxaya shirkaasi.

Ergayga gaar ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Dr. Augustine Mhiga ayaa sheegay in ergada ka soo qayb gashay shirka wada tashiga ah ee Muqdisho ka socda in ay ku dhaqmaan oo ay hergaliyaan dhammaan qodobada ka soo baxaya shirka wada tashiga si caalamku uu u xoojiyo taageerada la siinayo dowladda Soomaaliya.

Dr. Mhiga ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay shirkaan ahmiyad weyn siineyso sidaasi darteed shirkaan waxaa ku tashanaya dhammaan shacabka Soomaaliya ee in muddo ah dhibaato ku jirtay.

U qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada Q.M ay siineyso Soomaaliya ay ku xiran tahay shirkan iyo sida loogu dhaqmo si meseha ay uga baxaan dadka aaminsan in aan waxa natiijo ah laga gaari doonin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shirkii Wada Tashiga Soomaaliyeed oo maanta galey Maalinti labaad waxaana Maanta la saarey Afar Guddi "

  1. Osman says:

    Qodobbo qurxoon ayaa laga doodayaa.
    Waxaa ka mid ah dawlad wanaag, iyo caddaaladda.
    Dawladda ku meel gaarka waxay ahayd tii imbagathi lagu dhisay oo qabaailku sidi ugu dhaweyd ee ay ku qanci kareen wax loogu qaybiyey.
    Haddaba Haddii Puntland iyo Galmudug ay ayagu shakhsiyan uga qayb galeen, Somalilandna iska diidday, Gobolladi kale ee dalka yaa matala oo meesha u jooga.
    Haddi baarlamaanki shacabka la rabay inuu wakiil ka wada noqdo ergo keensadey, xafiisyada madaxweynaha iyo raiisulwasaaruhu soo kuwi baarlamaanku midkood doortey kaasna uu kan kale magcaabay ma aha oo wuxuba baarlamaanka ma dhalin xagge bay ergada xukumadu u garab ordaysaa ergada baarlamaanka.
    miyaanan la oran karin agendaha shirkaba, waxaa yaab leh ciddi idaan wax u qorshaysay sidee bay dad ugu sheegaysaa dawlad wanaag iyo caddalad.