Mogadishu University
Postgraduate Program
Mogadishu – Somalia
OGAYSIIS MUHIIM AH
Xafiiska Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Muqdisho waxa uu ogaysiinayaa ardayda dhameysatay waxbarashada heerka jaamacadeed oo heysata Shahaado Jaamacadeed (Bachelor) 4 sano ah, in Jaamacaddu qaadanayso dufcadii 4aad ee Master of Business Administration takhasusayada kala ah:
-
- Project Management
- General Management
- Entrepreneurship
- Human Resource Management
Waxaa kale oo sanadkaani Jamacadda ku soo kordhisay takhasusyada kal ah:
- Master in Information Technology
- Master in Education
- PhD in Business Administration
- PhD in Information Technology
- PhD in Education
Barnaamijyadan Jaamacadda waxay la fulinaysaa jaamacado caalami ah.
Sida:
- OPEN UNIVERSITY MALAYSIA.
- ASIAN UNIVERSITY
Barnaamijkani wuxuu u fududeynayaa ardayda dhamaysatay waxbarashada heerka jaamacadeed:
- In ay diyaariyaan daraasaad sare iyaga oo ay caawinayaan khubaro Caalami ah.
- In ay adeegsadaan Manhaj tayo leh iyo Technologiyad casri ah.
- In ay helaan tacliin tayaysan iyaga oo aan ka dhoofin dalkooda hooyo, watana hawlahooda.
Qabashada faylashu waxa ay ka bilaabanaysaa xarunta Jamacadda Muqdisho ee Bosaso, Maalinta Talaadada 23/August/2011 waxayna ku egtahay 10/ September /2011.
Saacadaha shaqadu waa 8:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo iyo . 4;00 galabnimo ilaa 6:00 maqribnimo
Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la xiriir Xafiiska daraasaadka sare ee jaamacadda Muqdisho
- Tel: Golis 799514, Nation link 678799514, Telecom 66222999
- E-mail: pgraduate@mogadishuuniversity.com
———————–
P.O. Box: 27081 Dubai, U.A.E.
Tel:00252-59-32454 / 00252-1-658479, Somalia Fax: 00252-1-216820, Somalia
http://www.mogadishuuniversity.com E-mail: moguniver@globalsom.com
waa tilaabo ka turjumaysa guulaha taariikhiga ah ee jaamacada muqdisho gaartay waxaan ku dhiira galinaya ardayda u baahan barnaamijka tacliinta sare in ay ka faa’iidaystaan ayagoo gurigoodii hooyo joogo waxaan kaloo maamulka jaamacadda ku dhiira galinayaa in halkaas ka sii wadaan dadaalka si ay usoo saaraan hogaamiyaal lagu higto ee anfaca wadanka soomaaliyam
Waxaan aniga iyo inta ila mid ah ku faraxsanahay in dadka loo horseedo hormar waxbarasho, taas oo aan calaamadaheedii iyo dadaalkeediiba uga jeedno jaamcadda muqdisho, sidaas darteed waxaan ugu hanbalyeenaynaa howl wadeenada jaamacadda hormarka ay dadkooda la hiigsanayaan, waxaanna leenahay alloow idiin fududee anagana wax naga dheefsii.