Home » Warar »

Hooyo Sacdiya : Waa Hooyo la Nool Cudurka HIV/AIDS waxay Haysataa Lix Caruur ah oo Agoon waxay u baahan tahaya in loo gargaaro.

“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…


Tan iyo markii ay dhaceen dagaalada Sokeeye dadka Soomaaliyeed waxaa isugu darsamay Sadex waxyaabood oo Alla laga Magan galo oo kala ah Colaad, Abaar iyo Cuduro iyadoo taasi ay irto ayaa qaar ka mid ah dadka soomaaliyeed waxay Dhibaatadaas mudada dheer Dalkooda ka jirtay ka dhaxleen in Walwal iyo Walbajhaar ka dib marki ay waayeen Ilaah ka sokow Cid Gacan ku siisa dhibaatadaas hadaba Sacdiya Axmed Maxamed waa Hooyo Soomaaliyeed oo la nool Cudurka HIV/AIDS waxay heysataa Lix Caruur ah oo Agoon ah oo Aabahood uu u Geeriyoodey Cudurka HIV/AIDS .

Hooyo Sacdiyo Nasiib Wanaag Caruurteeda Lixda ah way ka badbaadeen Cudurka HIV/AIDS-ka hase yeeshee waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u korin lahayd Caruurtaas Agoonta ah waxayna Sacdiya Ehelkooda ay ku faquuqeen Cudurkaas taasoo ku sii beertey in ay ku noolaato Nolol Cariiri iyo Walbahaar ku dhisan waayo dadka Soomaaliyeed ma ma fahamsana in Cudurkaas ka mid yahay Cudurada kale ee Adduunka ka jira

“Markii aan ku booqdey Guriga Hooyo Sacdiya,waxaan ugu tagey Guri ka sameysan Jiingad (Laamayeeri) oo weliba ay ijaar ugu jirto Qolkaas Afarta Mitir ah waxaana ku Hoyda iyada iyo Lixdeeda Caruur ee Agoonta ah weliba lagu Faquuqey Jiingadaas, waana hooyo u baahan Kaalmo heer Bulsho ah waxayna ku Cataawdey in ay u baahan tahay Guri iyadu ay leedahay oo Jiingadba ka sameysan taasoo si Xor ugu noolaan lahayd iyo Carureeda” ayuu yiri Amiin Yuusuf Khasaaro oo Sacdiya ka codsatey in Codsigeeda uu uu gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee Dibadaha ku nool si ay ugu gargaaraan iyada iyo Caruurteeda.

Hadaba Cidii dooneysa in ay gacan siiso Hooyo Sacdiya waxay la soo xiriiri karaan

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494
Tel 0025262532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.