Home » Warar »

Ciidamada Midowga Africa AMISOM oo weriye u shaqaynayey BernamaTV ku diley Muqdisho

War deg deg ah  Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo rasaas ku furay
Gaari ay la socdeen  Dhaqaatiir  ajaaniib ah oo ka soo jeeda mid ka mid ah
wadamada asiyada fog.  

Risaas ay fureen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa sababatay
dhimashada camiraman u shaqeeynayey BernamaTV  oo saarnaa gaari ay wateen
dhaqaatiir u dhalatay dalka maleysiya xili ay marayeen inta u dhaxayso
Garoonka diyaaradaha ee adan cade international airport iyo isgoyska
KM4 waxaana dhawacyo kala duwan ka soo gaareen laba dhaqtar oo kale.

Ninka dhintay ayaa u shaqeynayey  BernamaTV  da’disia waxay ahayd 41 jir
magaciisana waa Noramfaizul Mohd Nor,

Dad goobjoogayaal ah ayaa somalitalk u xaqiijiyey mid ka mid ah
gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada midowga Africa ee AMISOM uu
risaas la beegsaday gariga aysaarnaayeen camiraman BernamaTVada reer
maleysiya kuwaas oo howlo gurmad ah u joogay dalka Somaliya ,waxaana
warku intaa ku darayaa in gaariga tacshiirada uu labeegsaday askari
ka tirsan ciidmaada AMISOM oo la socday mid ka mid ah gaadiidka
kolonyada ahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga shakiyey gaariga oo ay
gacantooda ku wateen taasi oo aan looga baran waayadaan gudaha
muqdisho in uu gaari ku wato ruux ajnabi ah oo aan ilaalo hubeysan
wadan.

Dhaqaatiirtaan ayaa iskood u watay gaariga xiliga risasta lagu huwiyey
waxayna ahaayeen kuwo aan fileynin in ciidamada AMISOM xagooda weerar
uga  yimaado.
Ma jiraan ilaa iyo hada cid ka hadashay dhacdadaan murugada leh mana
jiro war ka soo baxay taliska ciidamada AMISOM oo ku aadan dilka ay
geysteen waxaana goobta xili danbe soo gaaray ciidamada dowlada KMG ah
kuwaas oo qaadaymeydka camiraman BernamaTVka u dhashay dalka maleysiya
oo ay toogashada ku dileen ciidamada AMIOSM ,

Magaalada muqdisho ayaa waxaa ku soo badanayo dadka ka imanaya
caalamka intiisa kale kuwaas oo ah kuwo u soo gurmaday shacabka
Somaliyeed waji kasta ha ku yimaadaane balse dhaqaatiirta reer
maleysiya ayaa ahaa kuwo si tabarucad ah ku daweynayey shacabka
tabaaleysan waxayna wadeen holwo baritaano caafimaad oo lacag la,aan
ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay cidamada AMISOM ay ajaaniib ku dilaan
Muqdisho intii ay yimaadeen mana cado waxa ay ka yeeli doonaan
askarigii xabadaha ku furay dhaqaatiirta aan hubeysneyn.

Muqdisho Somalia
Muuse Maxamuud Jiisow
0699907666
0615576666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.