Home » News »

Sixitaan: Jaamacada Muqdisha

Dhawaan ayaa lagu soo qoray meelo ka mid ah websiteyada af Soomaliga wax ku qora xaflad lagu qabtay Mogadishu University oo la yidhi waxaa loogu dabaal degayey inay jaamacadu ka gashay kaalinta 29aad jaamacadaha Africa.
Waxaa hadaba qoraalkani isku deyayaa inuu iftiimiyo qaladaadka iyo is moodsiiska ay ku dhaaceen maamulka jaamacada Muqdisho tiiyoo aanay is weydiin cidda qiimaysay jaamacadaha, iyo waxa  la qiimeeyey?
Soomaalida internetka wax ku qortaa si fudud wararka waa u soo gudbin karaan iyagoon aad u hubsan laakiin waxaa ii muuqata in maamulka jaamacada laga doonayey inay ku dhaqmaan waxa ay ardaydooda u dhigaan oo ah amaanada cilmiga iyo qofku inaan waxaanu la hubsan la boodin.
Hadaan dib ugu noqdo qolada daabacday in jaamacadda muqdisho tahay tan 29aad ee jaamacadaha Africa waxaa weeye website la yidhaah 4icu.org oo u diiwaan gashan nin la yidhaahdo Fabio Fatuzzo oo degan Australia. Mr Fatuzzo wuxuu leeyahay dhawr website oo kale dhamaantoodna wuxuu ka helaa lacag xayeysiin.
Adduunka oo dhan waxaa ka jira shirkado ama laamo dawladeed isku taxalujiya inay qiimeeyaan jaamacadaha oo markaa soo saaraan sannadkiiba liista caddaynaysa sida ay u kala sareeyaan jaamacaduhu iyagoo ka eegaya qodobo badan oo ay ugu muhiimsan tahay habka wax dhigida iyo maadooyinka ay dhigaan. Qofkii wax ka yaqaan sida jaamacadaha loo qiimeeyo waxaa markiiba u muuqanaysa in Mr Fatuzzo liistadiisu ka duwan tahay dhamaan kuwa caalamiga ah.
Waxaa aad u yaab badnaa in maamulaha jaamacadda muqdisho isagoo ay dhici karto inaanu xitaa eegin website ka Fatuzzo uu shir qabto markaana yidhaahdo “Waxaa sharaf weyn ah ruun ahaan in 1000 jaamacadood oo ku yaala qaarada Africa inay jaamacada ay ka noqoto numbarka 29 ee ugu wanaagsan waa arin lagu farxo waxaa la rabaa markii umadda wax micno leh usoo hoydaan in dadaalka la sii wado” “Gudoomiyaha ayaa sheegay in arintaan ay suurto gal ay ka dhigtay ka dib markii la arkay waxqabadka jaamacada Muqdisho”
Gudoomiyuhu miyaanu eeginba hadalka Mr Fatuzzo iyo digniinta uu ku qoray websitekiisa oo ah sidan “We do not claim – by any means – to rank organisations or their programs, by the quality of education or level of services provided. The 4icu.org University Web Ranking is not an academic ranking and should not be adopted as the main criteria for selecting an higher education organization where to study.”
Oo macnaheedu yahay “sina ugu andacoon mayno inaan darajooyin siino jaamacadaha anagoo eegayna tayada aqoonta ama heerka adeega ay bixiyaan. Darajo-siinta jaamcadaha ee 4icu.org ma aha mid akaadeemik ah (waxbarsho la xidhiidha) mana aha mid loo isticmaali karo in lagu kala xusho waxbatashada sare meeshii laga qaadan lahaa”
Sidoo kale, Mr fatuzzo wuxuu qeexay sida uu ku ogaaday in jaamacada muqdisho 29 ka tahay Africa wuxuuna yidhi sidan “The ranking is based upon an algorithm including three unbiased and independent web metrics extracted from three different search engines: Google Page RankYahoo Inbound LinksAlexa Traffic Rank
Halkaa wuxuu ka caddeeyey in uu jaamacada muqdisho ka eegay uun internetka google, yahoo iyo alexa kadibna sidaa darajo ku siiyey isagoo iska fadhiya kursigiisa!
Muqdisho maanu tegin, lamuu hadlin maamulka ama macalimiinta, maanu waraysan ardayda.
Waakan mar kale Mr Fatuzzo isagoo sheegaya qasadka uu ka leeyahay websitekiisa “The aim of this website is to provide an approximate popularity ranking of world Universities and Colleges based upon the popularity of their websites.”
Oo macanaheedu yahay “qasadka websitekanu waa inuu kuu soo dhaweeyo ama ku siiyo sida ay u kala caansan yihiin websiteyada jaamacadaha aduunka” hadaba halkaa wuxuu ku muujinayaa in waxa la is barbar dhigay ay tahay uun websiteyada ee aanay ahaynba jaamacadaha.
Jaamacadaha ku yaal, camuud, muqdisho, hargeysa iyo kuwo kaleba hawl wanaagsan bay u hayaan bulshada waana loo baahan yahay in la qiimeeyaa oo sare loo qaadaa waxaase haboon in aan midoodna sheegan darajo khayaali ah oo aanay ku degdegin waxaan la hubsan weliba si gaadha waxaa ay ahayd in masuuliinta jaamacadu ay taxadar dheeri ah muujiyaan oo aanay ninkii amaanaba u sacab tumin.


Xassan M. Maxamed (Obsiiye), PHD
hassanobsie@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sixitaan: Jaamacada Muqdisha "

  1. Ahmed says:

    When assessing the ranking of universities the following factors are including: academic reputation, employer reputation, graduate employability, number of international students, research and staff-student ratios etc.

    Marka aan isweydiinee qodobada kor ku xusan teebaanu is dhihi karnaa jaamicatu muqdisho caalamka ayay kula tartami kartaa….?

  2. SSSS says:

    Waad ku mahadsantahay for the CLARIFICATION.