Home » Maqaallo »

Yaa Hortaagan in laga faaiideeysto Walaalaha-Turkida ee noo soo gurmaday?

Wadanka iyo madaxda TURKIDA aan taariikh wadaaga iyo dhaqamada isku dhowba aan leenahay muujiyeen, islamarkaana jebiyeen qufulkii lagu xiray dalka guud ahaan, gaar ahaan caasimada, ee ahaa inaan caasimada la tagai karin,lagana shaeeyn karin amni daro aawgiis.

Sidaad ogtihiin RW-Turkiga Ardogan waa diiday inuu raaco gaadiidka AMISOM. Markii u horeeysay madaxda wadanka gaar ahaan labada Shariif ayeey madaxtooyada dhexdeeda isku aamineen ineey lugeeyaan markii Ordagaan uu diiday inuu madaxtooyada dhexdeeda raaco gaadiidka qafilan ee cabsida aan jirin abuuraya.
UN-kooxda Nairobi degan waxeey muddo ka fidinayeen magaaladan ineey tahay meel aan lagu shaqeeyn Karin, hadana marka eey yimaadaan ayagoo gashan qalabkasta oo leeysku difaaco aan ogoleeyn ineey Airporka soo dhaafaan 3-bilood ee u danbeeysay, madaxda wasaaradahana kulla kulmaan halkaas, si aan u galno magaalada waxaan u baahanahay in madaxdeenu nasoo amarto waa jawabaha maalmahan laga maqlayo, ee waan ognahay in dhibweeyn uusan jirin.

Waa yaabe hadaba, yaa sabab u ah in wanaagii naloola soo gurmaday la niyad jabiyo:

1. Yaa sabab u ah, in sugida amniga ururada bulshada ee Turkida Xamar ku sugan noona gargaaraya layiraa lacag iska bixiya – weliba lagala soo daaho oo naftoodii halis eey ku sugan tahay…. …yaa masuuliyada qqadaya hadii qaar kamid ah lagu dillo ama lagu afduubo caasimada, arinkaas oo cadow badan uu guul u arko, waayo waxaa la gaagixin walaalaha soo gurmaday.

2. In eey lacagtii iyo qarashaadkii ayagoo la diyaar ah lala shaqeeyn waayo, si eey u bilaabaan garan waayaan, tusaale ahaan ineey dhisaan Digfeer, oo weliba loo diiday.

3. Ineey dhisaan foornooyin rootiga soo saara oo quudin kara dad badan, lasiin waayey dhulkii eey ka dhisi lahaayeen

4. Ineey dhisaan 2500 oo guryo ku meel gaara oo qaxootiga ah, kadibna eey geeyaan meelihii eey ka yimaadeen, kadibna maalgeliyaan si eey nolol maalmeed usoo saartaan….meeshii eey ka dhisi lahaayeen mahayaan, maxaa loo siin waayey?

5. Ineey helaan meelihii eey geeyn lahaayeen qashinka eey magaalada ineey ka ururiyaan rabaan, kuna duugi lahaayeen oon u dhoweeyn ceelal byood, Xeebta iyo deegaanba….diyaar beey u yihiin ineey shaqaaleeyaan dadka guraya qashinka….maxaa loo siin waayey?

6. Waxeey diyaar u yihiin ineey xataa iibiyaan dhulkii eey hoowshaas ku qabsan lahaayeen , xataa hadaan dhulka la siineeyn, mahayaan meeshii eey jawaabta rasmigaa iyo diidmada rasmigaa mid uun ka heli lahaayeen.

7. Waa yaabe yaa kanaxaya dalkan? Walaalaha Turkida ee noo soo gurmaday maku faraxsana waxa eey maalinwalba la kulmayaan, waxeey sameeyaana ma yaqaanaaan. Yaa qaadaya masuuliyada hadeey ka noqdaan hoowshii eey u yimaadeen?

Xafiiska Xildhibaan Abdi Abshir Dhoore
Abdi_dorre@yahoo.se
Mob: 061 700 948.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Yaa Hortaagan in laga faaiideeysto Walaalaha-Turkida ee noo soo gurmaday? "

  1. dirir says:

    hadii su,aashu tahay yaa ka masuul ah dabcan soomaalioo dhan baa ka masuul ah waayo hadii soomaalidu taay dad xalaal ah oo caqli leh maxaa 20 sano in ka badan loo kala qoqobay oo qabiil loogu kala jarjaray maxayse uga dhiidhiyi la,ayihiin wacdiga jira,maxaa laba shariif iyo siilaanyo iyo faroole uga dhigteen xaymo adhiya oo mid waliba intiisa meel ku xidhay ,soomaalidu caqli maleh aqoon qof lihina kuma jiro waa dad maskaxdii shaqadii gabtay,oo aan xume iyo samo kala garan karin
    bulshana haday heerkan gaadho mustaqbal malaha dalkeedana cid kale ayaa dhaxasha waana sida malahayga ay soomaali ku dambayn doonto

  2. Abdirizak Osmanow says:

    hashu maankaygii gadaye ma masaar bay liqday
    waa yaab mana yara, waana amankaag iyo afkal taag
    waxaa yaab ah dadkaagii wax haloo qabtee dhulkii bixi
    waxaa amankaag ah lacag canshuur ah bixi si aad dadkayga wax ugu qabato
    qashinkana aan dugsado ii daay ama lacag i siiy

    Soomali waa dad nasiib daran oo ay ku nool yihiin intii adduunka ugu talo xumayd
    madaxda waddanka hadda joogtaayi waxay weli wax ka qaban la’dahay
    dad abaaru keenatay oo maalin iyo habeen kastaba askartii DFKS ay boobayso oo ay dilayso oo ay kufsanayso oo ay isku magaalo joogaan.

    waxaa ninkii wax dhagdhageeyaa la yaabin markii Najib Dhayib Ordogan baxayey Sh.Shriif madaxweynaha kursiga DFKS wuxuu seddex jeer ku celceliyey in Ordogan u yimid howlo bini aadannimo oo kaliya hadalkaasi waxa uu ku tusinayaa inuu saaxiibaddii u muujinayey Shiikhu inaan isbeddel jirin ee howshii loo diray iyo qandaraaskii hore uu dhammaystiri doono kaasoo ah in dhiiggu sii qulqulo baahiduna iyo darxumaduna aysan dhammaan, soomaaliyana aysan ka bixin dhacanta loo rogay.

    Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed : waxaan isleeyahay caalamka islaamka waxa ka socda waa muhiim in laga dab qaato shacabkuna ay u kacaan haba dhinteen siday darxumadan dilootay uga bixi lahaayeen oo ay isaga xorreyn lahaayeen kooxaha qandaraasyada ee u adeegaya cadow dana kala duwan ka leh Soomaaliya oo hadafkiisa guud yahay in Soomali Gaajo iyo xabbad iyo qax loo dilo dalkana la qaato; una dooran madax dareensan masuliyadda la saaray lana xisaabtami karo
    ninkii aaminsan Soomaaliya kooxaa iskasoo horjeeda weli waagaan u baryin ee ha is weydiiyo waxay kula duwan yihiin : xabbada madaxtooyada ka soo dhacaysa, midda shabaab iyo ahlusunna waljameeca sow kulligood aniga dili maayaan oo gurigaygii dumin maayaan oo i qixin maayaan.

  3. Ahmed baidoa says:

    Fadlan somalitalk waxaad tihiin webka keliya ee ka hadla xaqiiqadaka jirta soomaaliya oo hadana si maadi ah oo nuxur cilmiyeed iyo garaad aqooneedba u dhisan, markaa Ilaahay inuu garabkiina galo fadlan ku dadaala inaad baahisaan oo meel walba ilaa idaacadaha bbcda iyo kuwa dawlada iyo meel walba oo sahli kara in waxqabad dhab ah keeni karta aad ku dadaashaan. Saxaafada waa waxa dadka baraarujiya oo loo adeegsan karo dano kastoo oo muhiim u ah umadaan Soomaaliyeed oo aan hubo inaad ku helaysaan garawsi badan oo u janjeera hadafkii xalaasha ahaa ee laga lahaa.

    Soomaliya maanta waxay u baahantahay dadkeeda wanaagsan ee ka danqanaya ee leh dareen soomaalinimo oo wata fikir xalaal ah oo quseeya bulshadeena (sentimen idealist) somalitalkna waa hormoodkeenii aan u baahneyn xiligaan kalaguurka ee geedisocodka badan, ee fadlan sidii aan horeyba idiinkaga baranay iyo idinkoo fiirinya wacdiga aan ku jirno iyo inaad camalkiina suuban aad ugu dhowaataan Ilaahaygii idiin abuurtay si uu raali idiinkaga noqdo oo aad aduun iyo aaqiraba aad liibaantaan fadlan ku dadaala inaa arintan aad aad isagu xilqaantaan oo aad sameysaan campaign iyo wacyigelin si dadkaan walaaleheena ah ee inoo soo gurmaday ay ugu fududaato inay hawlahooda samafal ay si islaanimo iyo beniaadanimo ay u gutaan.

    Ugu danbeeyn Ilaahay marna ma dayaco camalka suuban ee adoomadiisa.

    INA-LAAHA-LAA YUDHIICU AJRUL MUXSINIIN.

    Somalitalk, Ilaahay camalkiina haka dhigo mid aqbal ah oo raaligeliya rabigiinii oo nasteexo aduun iyo aaqiraba aad ku heshaan. Inshaa ALAAH. Aamiin.

  4. Ahmed says:

    Walaalka si fican ayaa u qortay wana ka danqanaya in fursadaan ay dayac ku moodo..
    Somalida waa dad hadlo waa in aad saxafadiina compain ay sameysaa ay ku muujineyso dawlada sida ay dayacayso fursadaha qaaligah ayna ula dhaqmeyso dadka noso gurmaday si xun..