Home » Warar »

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi: “Madaxda dawlada waxaan kagudbinay Mooshin..”

Dowladda Federaalka ayaa waxaa maalmaahaan soo gaaryey eedeemo ugu imaanaya qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka taasoo ku aadan sida loo maamulayo Gargaarkii kala duwanaan ee dadka Soomaaliyeed ugu deeqeen Beesha Caalamka ee ay ugu deeqeen Dadka ay Abaarta Saameeysey ee ku nool Magaaladda Muqdisho waxayna eedeeyntii ugu kululeyd ay ka timid Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo sheegey in gargaarkii soomaaliya loogu talagaley la Musuqmaasuqey .

“Waxaa Dowladda ku ceeb ah in Gargaarkii loogu talagaley dadka baahan ay is hortaagaan ama ay dhacaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka marka waxaan oran lahaa waad fashilanteen oo weliba waad Ceebowdeen” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ibi oo sheegey in Xildhibaano ka tirsan Dowladda ay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda ay ugu Gudbiyeen Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan oo ka miid Xildhibaanada Baalamaanka una waramayey Warbaahinta MuqdIsho waxaa uu sheegey in Dowladda Federaalka ay soo gashey Malaayiin Doolar oo loogu talagaley dadka Soomaaliyeed ee Abaarta Saameeysey waxayna lacagtaas ay noqotey mid la Musuqmaasuqey oo ay ku dhacadey gacan kale isagoo sheegey in Baarlamaanka Soomaaliya uu maalmaha soo socda uu la xisaabtami Doono Dowladda Federaalka.

Cabdiraxmaan Ibbi waxaa uu sheegey in Muddi 19 -ka Bilood ee ay jirtey Xukuumadda in aysan Wax Mushaar ah helin Hayadaha Dowladda Federaalka, Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Cidamada Qalabka qaybahooda kala Duwan isagoo sheegey in Dowladda Federaalka ay heshey Malaayiin Doolar oo Beesha caalamka ugu deeqdey dadka Soomaaliyeed ee ay isugu darsameen Abaaraha , Dagaalada iyo Cudurada.

“Waa wax laga Xumaado oo laga naxo in dadkii soomaaliyeed ay baahi u dhintaan isla markaana Bakhaaradda ay ka buuxaan raashin fara badan waxaa taas ka sii daran in Ciidamo ka tirsan Dowladda ay maalin weliba ay dhacaan Raashiinkii loogu talagaley in dadkaas lagu badbaadiyo marka Dowladda Federaalka arrimahaas ilaa iyo hadda waxba kama qaban”ayuu yiri Xildhibaan Ibbi oo sheegey in aysan cidna uga baqeyn sidii loo badbaadin lahaa Shacabka Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi: “Madaxda dawlada waxaan kagudbinay Mooshin..” "

  1. howlwadag says:

    ibbi abaa waa ku heesataa eee intee u socotaa tuug la qabtay talo ma leh taano haba sheeegin sxb adiga ayaaba lagugu dhaganyahay ee meesha aad gali laheed raadso,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

  2. waaniye says:

    sxb ibbi waa lasoo dhaafay wakhtigii noocaagookale la dhagaysan jiray mutacalimiin dadkooda u naxaya ayaa meesha yimid
    aamuska ayaad ku roontahay

  3. N. Elmi says:

    Waa fiicantay in la sheego dhaliilo haddii ay jiraan, laakin Ibbi aan ka codsado inuu ummadda u sheego gacantii uu ku lahaa wixii lagu sheegay heshiiskii hor dhaca ahaa ee Kenya iyo Somaliya ee xadka baddeenna shakiga geliyey, illa haddana aan laga bogsan. Waa khiyaamo qaran oo ka qara weyn ta uu hadda Ibbi ka hadlay. Doorkaa aad ayuu u muuqdaa Ibbiyow!!!!!

  4. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waxaan leeyahay Saaxiibkey Prof, Ibbi, waa haddii ay dhab ka tahay hadalka ku cad Maqaalkan, bal wax yar dib isku noqo oo ka yara gabso siyaasadda waqtigan socota, waayo qeybtaadii horay ayaad u soo qaadatay, ee yaan ceebi ku raacin ileyn dadku wey is fahamsanyihiine, kuna dadaal Saaxiib sidii wax loo hagaajin lahaa.

    Wabillaahi Towfiiq

  5. run sheeg says:

    ehehehe ibbi prof baad sheeganaysaa horta waxii hantida ee aad dalka ka lunsatey soo wareeji shacabka somaliyeedna xumaantaada ma ilaawi karaan teeda kale kambala accord xitaa maadan eegin miyaa in 1kaan sano wax mooshin ka dhan ah dowalada inaan la keeni karin mise xildhibaan waad iska tahay markaad ansixinaysey maadan ogayn waxaan oo kale baa xildhibaan sheeganaya dmnt!!!!!!!!!!!!!!!!1

  6. madey says:

    Isbaaradii ayaa bilaabatey marba haddii la soo hadal qaadey mooshin.

  7. Proff.Ibbi. Wuxuuna ka mid yahay raga iibeyay Badda soomaliya. Tan mooshinka isagu u leeyahay, waxaa ka horeya horta inuu soo eeliyo lacagaha isagu u lunsaday sida tan:-

    * lacagihii Badda la iibshay oo isaguna qeyb ka qaatay lacaghaas.
    * Visayaashi Taliyaniga iyo dowladaha Yurup u gadey laguna qoray
    Journaalka UNka.
    * saddexdi doon u Dubai ku gadey oo mucwano dowladda la sayay ahayd.
    * Doomoyinki Sanaa tilay u Keraystay.
    Hantidaas oo dhan Proff.Ippi w\x\y u talaa Magaladda Dubai.Shirkadaha Xawaladaha ayay ugu jirta. Hadaba Proff.Ippi waxaa sugayaa Maxkamadi
    Dalka goortiay-noqotaba.

  8. Wadani says:

    Jaajaa Waa ibbiye day, Doomiyhii kaluunka meeye ma soo celisay oo shacabku lahaa sidii aad ula tagtey ma hayno .Barlamaanku hadii uu san mushaar qaadan dad baa wax ay cunaan la adigu mushaar ayaad ka hadleysaaye

    waxaan dawlada kacodsaneynaa in baarlamaanka qaxootiga ah cunada wax laga siiyo sida dadka abaartu heshay loogu qeynibo iyana wax haloo siiyo ibbi na safka haloogu danbeeysiiyo,