Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah siyaasi inta badan wax laga weydiiyo arrimaha Soomaliya ayaa mar uu u waramayey idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa waxaa la weydiiyey dhowr su’aalood oo ku aadan xaaladdii ugu dambeeysey ee dalka Soomaaliya, isagoo mar ka waramayay Safarkii Ra’isul Wasaaraha Turkiga Racap Urdogan uu ku yimid Magaalada Muqisho si uu u soo eego xaalada dadka ay abaarta ku hayso Soomaaliya ayaa wuxuu yiri “Madaxweyne Sheekh Shariif xaq uma laheyn in Ra’isul Wasaaraha Turkiga uu ku soo dhaweeyo garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxaa xaq u lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas.
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay in marka la fiiriyo nidaamka iyo Pratakoolka waxay ahayd in Ra’isul Wasaare uu soo dhaweeyo Ra’isul Wasaare, sidaasi darted waxay ahayd in Madaxweyne Sheekh Shariif uu xarunta Madaxtoonyada ku sugo lana kulmo marka ay soo gebagabowdo kormeerkiisa, basle wuxuu sheegay in middaan tahay aqoon daro haysata madaxda Dowladda Soomaaliya.
Cabdi Islaaciil Samatar wuxuu sheegay in booqashooyinkii ay ku yimaadeen Ra’isul Wasaaraha Turkiga iyo Madaxweynaha Jabuuti in ay khilaaf ka dhex abuurtay madaxda sare ee Dowladda isagoo sheegay in khilaafkaasi uu ka yimid qaabkii loo soo dhaweyn lahaa wufuudaas kala duwan ee timid Magaalada Muqdisho, kuwaas oo doonayey in ay eegaan xaaladda dadka ay saameysay abaarta.
Mar wax laga weydiiyey dhaca ay ciidmada Dowladda u gaystaan raashinka loogu talagalay dadka abaartu saameysay wuxuu yiri “Aad baan uga xumahay in dadka masaakiinta ah gargaarkii loogu talagalay in ay dhacaan ciidam huwan magac dowladeed, taasina waxaa ugu wacan sida ay dowladdu xil isaga saarin in ay ilaaliso gargaarka soo gaaraya dadka tabaaleysan”, Cabdi Ismaaciil wuxuu sheegay in arrintaan looga hortagi karo iyadoo la helo ciidamo nidaamsan.
Sidoo kale mar wax laga weydiiyey burburka soo gaaray Magaalada Muqdisho wuxuu yiri “arrintaas mar ay ahaataba ciddii ka dambeysay waa lala xisaabtami doonnaa, waxaana shacabka Muqdisho looga fadhiyaa in ay muujiyaan isku duubnaan si ay uga baxaan dhibaatooyinka dhinacyada badan leh ee kow iyo labaatan jirsaday
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Asc. Soomaalay,
Runtii, wax la yiraahdo DOWLAD, halkan Muqdisho kama jirto; ee waxa ka jira wax la yiraahdo: “NIN KARMEED XOOGSANAYA”.
Waxaan marka horeba jirin, wax la yiraahdo: JOB DESCRIPTION. Waxa kaloo meesha ka maqan kaalinta LA TALIYA-YAAL leh qibrad sare, oo caawiya xubnaha sare ee dowlad ku sheega Muqdisho ka jirta.
Sh. Shariif, eed ma lahan, ee waa nin xoogsanaya, oo arka fursado boob lacageed oo 4ta Km ee TFG joogta ka jira. Isagaa qabta shaqooyinka ah: WASIIR ARRIMO DIBADEED, RA-IISAL WASAARE, KA QAYBGALA SHIRARKA CAALAMIGA AH EE KA HOOSEEYA HEER MADAXWEYNE IWM.
Fadlan, ha la dulqaato, maray ahaataba waa laga bixiye!
waxaan la yaabanahay Prf samatar iyo intiina kale ee commant-ka qoray waayo ma is waydiiseen horta SHARIIF asagi shaqsiyan ma isu aqoonsan yahay dawlad iska daa inuu raadiyo Nidaam dawladeed iyo Protocol diplomasiyadeede, fekerka u badan ee asaga iyo inta ku harersan waa sidee wax u boobtaan kaliya kuwii keenay meeshana maba rabaan wax wax kala garanayo
WAR DAAYA AQOON YAHANKA OO FIKIRKIISA SI CILMIYAYSAN UGA DOODA ILEEN ISAGU MA CAYTAMIN FIKIRKIISU DHIIBTAY OO PARATAKOOL BUU KA HADLAY MAAMUL.
Anigu waxaan u arkaa sida caalamka oo dhanba uqoran in SHARIIF MADAXWEEYNAHA UMADA SOOMAALIYEED uusan nidaam ahaan ahayn in uu raysal wasaare isaga oo madax weeyne ah ka hortago oo soo dhaweeye halka wadanku leeyahay dhigiisa oo ah raysulwasaare CABDIWALI. WAA CEEB CADAYNAYSA IN SOOMAALIDU AYSAN GARANAYN NIDAAMKA SHAQO EE DAWLADEED turkigu sidaasay fahmeen.
waxan oo dhami waxay latahay madaxweeynaha in turki lacag bixinayoo siinayo raysalwasaaraha haduu qaabilo balse isma waydiinayo turki horta waa kuma? turki carab maha waa nin xadaaro fog shilinkiisu halka uu galinayo waa og yahay. turki waa yaqaan sida noocyadaan shariifyada labaxay u shaqeeyaan iyo waxay la hor ordayaan waa og yahay shilin cid ka cuni kartaa xaaran bay katahay ceeb iyo calaf la aan baa taala.turki carab maha turki waa ku xisaabtamaa shilinkiisa. waliba dacwaa daba taala mana haro turki.turki waxaa laga cabsadaa inuu wax kusiiyo waayo waa ma hare marka in sharfiif hor ordo waa khasaare aqoon la aan baa u geeysay waxaan maqli jiray doqsigii duul duul badan fuud kulul buu dalaq yiraahdaa.
Samatar wuxuu sheegay in protocol ka dawliga ah ee maanta la yaqaanno uu yahay inuu Shariif uusan la kulmin ninkaan reer Turki, taasina wuu ku saxan yahay. Waxayna ka turjumaysaa inaan meeshu dawladi joogine ay tahay jabhad is leh hadba jan yimaadaa wuxuu bixiyo aad goob u ahaatid, kan baarlaanku muxuu mesha ka qabanayay.
Midda kale maxaad xasaasiyad uga qabtaan marka wax laga sheego dhacdo dhacday.
Shakhsiyaadka aad magacaabaysaan micno badan ma lahan inaad is dhafataan ayaa ila quman.
Burburka Xamar ciddii ka mas’uulka ahayd, marna lagu heshiin maayo laakiin waxaa heshiis lagu yahay Xamar inay burbursan tahay ee sidoo loo dhisaa.
Waxaanse rabaa inaan idin waydiiyo Soomaaliya ma Xamarbaa? Mise Xamar Soomaaliyey ka tirsan tahay?
Si kooban haddaad qabto Xamar waa Soomaaliya la soco weligeed sidaas ayay u burbursanaan, hadaadse qabto inay Soomaaliya ka tirsan tahay magaalo madaxna u tahay, degdeg ayaa loo dhisi oo magaalo Soomaaliyeed ayay noqon.
Aniga fikrad ahan waxaan qabaa professor Samatar waxa uu ka hadlay waaqiciga jira, ninkaan madaxweynaha ah waa nin aqoontiisa madaxweyne ay aad u liidato oo aan lahayn capacity uu wax ku hago, mana fahansana nidaamka dawladnimo (concept of nation-sate) dhanka kale wax protocol la yiraahdo ma jiro waan ceeb uu aduunkii a yaabanyahay ninkaan isku dhejinaayo raiisul wasaarihii Turkiga oo dabosocdo meel walba oo warbixintii u gudbinaayo , ceebta ugu weeyna waxay aheeyd isagoo aan aqoon luqadii Ingiriiska oo loo tarjumaayo oo kuwii u tarjumaayey, iyadoo meeshuna ay aheeyd meel camp ah oo buuq badan oo aan la ismaqli karin, waxaasina waa anshax xumo siyaasadeed oo shariifkanu aanu fahamsaneeyn, Hoowsha waxaa lahaa raisul wasaaraha ee waa iga talo yeeysan fadeexadaan dib danbe u dhicin oo iska qabo shariifoow.
Waxa dhaqan iyo caado laga dhigtey marka dhaliil ruux loo jeediyaba in qolo caro jiq tiraa oo af labadi dhawaaqaan.
Fadlan aan kala garanno qaranka oo u dhexeeya ummadda Somaliyeed iyo qofka aad isku reerka tihiin u hiillintiisa.
Professorku wuxuu ka damqaday ceebta dalkiisa kasoo gaareysa aqoon darrada protokolka marka lala dhaqmayo wufuudda caalamka.
Marki hore ayaa dhegheenna xanuujisay ereyga dawlad dhexe Somalia kama jirto ilaa 91kii haddana dawladdi aan sameysannay haddii ay sidi jabhad aan hannan dawladed lahayn u dhaqanto oo indhihi shaashadaha caalmka horteeda aan qaladaad dawladed ku galno soo ceeb ma aha uu ka amqado qof kasta oo dhiig leh oo Somali ah.
Ilma Samater waa muwaadiniin Somali ah xaq bayna u leeyihiin inay ka hadlaan qaladka ka jira meel kasta oo Somaliya ah ninna kama qaadi karo xaquuqdooda muwaadinnimo.
Waxan Anigu dhegahayga ku maqlay Axmed S. Samatar oo leh shirweyne hortiis “anigu ma tegi karo xitaa meeshi aan u dhashay oo waqooyiga Somaliya ah sabto ah koox ayaa ka samaysatey maamul aannu dadku raalli ka wada ahayn”.
Ninkaasi miyuusan xaq u lahayn inuu dalkiisa oo dhan u hadlo.Mise astaan waxaa looga dhigayaa meeshuu ku dhashay oo lagu qoqobayaa.
Qof kasta oo Somali ah waa arkaa qaladka protokol ee meesha ka dhacay mana aha wax siyaasad iyo isku dir ku shaqo leh ee waa wax saxid u baahan oo keliya.
Salaamu Calaykum
Prof Samatar hadalkiisu waa sixitaan ee sidaa ha loo fahmo , waana muwaadin soomaliyeed oo wixii uu khalad u arko xaq u leh inuu sheego ee sidaa ha loo fahmo.
Waana sidaa uu sheegay nidaamka protoclka aduunka
Mr Samatar waqti protokol iyo siyasad laga hadlo lama joogtee sxb ma yara xoogaa sugtid inta dadka gaajada ku dhamaanaya laga quudinayo teeda kale maxaa uga qeyb qaadan wayday ololaha taakulaynta. viva somaliwayn.
swwb waxaan xaal siiyay labad mutacalin ( reer samatar) waxxan aad uga xumahay in dadkii si dhex yaacay oo qof aan darjo ku gu gaarin ama aan fahami karin meehsa aad ka hadlayso uu kuu jawaabo. waa yaab! war kuwa ku difaacay ( shariif tuke) oo wax ka sheegaya aqoon yahayn somaliyeed oo har iyo habeen u taagan sidoo uga shaqeeyn lahaa in somali xoroowdo oo jahliga ka xoroowdo oo xitaa raba inuu ka saxo banaanka ina wax laga sheego ma mudna (laba samatar ) waxaan oron karaa waa somali dhab ah. marka aad leedahay somaland ha saxo war qabiil waa ka sareeyaan waxaana daliil u ah fikirka somaland bay raaci lahayee, ( somaland waxay somali uga baxeen waa caqli xumada dadka shariif tuke difaacay ee wax ka sheegay prof. samatar) xaal qaado prof samatar
ASCWW,
Salaan ka dib, nimanka Reer Samatar ee ayaga isku sheega Prof. maxaa ku khasbaya mar kasta in hordhacaan, ama ay ka hadlaan arrimaha Soomaaliya, ayaga waxay wakiil ka yihiin Shacbiga Soomaaliyeed, maxay mar kasta Fidno ugu shaqeeyaan waa haddii ay isku sheegaan Aqoonyahan, may faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya, haddii ay doonnayaan in ay wax saxaan mey ka hadlaan khaladaadka ka dhacaya Gobolka ay u dhasheen ee W/Galbeed ee Soomaaliya, maxay ugu hadli waayeen arrinta kuwa isku sheega Soomaalilanda ka socoto, ayadoo Dekedii Berbera ee Ummadda Soomaaliyeed ka dhexeysay ugu keereeyey Itoobiyaanka, may ka hadlaan arrimaha maalin kasta ka socda kuwa isku sheega Somaliland>
Haddaba, waxaan u sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed in aad ugu feejignaadaan Labada nin ee walaalaha ah ee Reer Samatar, kuwaasoo ay
had iyo jeer ka shaqeeya in ay Soomaalida aysan horay socon, waa niman kar kasta Fidno kula dhex jira Ummadda Soomaaliyeed, waakaas Bil Ramadaan ayadoo lagu jira, ummaddiina dhibaato haysato ka hadlaya arrimo aanan loo joogin waa haddii ay jirto arrinta Maqaalkan ku sheegay ninka isku sheega Prof.ka ee Reer Samatar, waa wax uu ugu danleeyahay in uu iska horkeenno Reeraha Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxaan leelahay WAR KA JOOGGA Reer Samatarow Fidnada aad Ummadda Soomaaliyeed kula dhex rafaneysaan, waxaan filayaa in aad ka waantowdaan arrimaha foosha xun ee aad mar kastaba horboodeysaan.
Allaa Mahad Leh
Waan ku raacsanaha Professorka hadalkaas.
Madaxda qaranku waa in a leeyihiin agaasimaal aqoon u leh nadaamka protocolka dawliga ah xariirna la samen kara caalamka.
Marka aad ku tumato qaabka protocolka waxaa laguu arkaaa qof xaqiir ah oo aan dawlad ahayn.
raiisulwasaare waxaa qaabila raiisulwasare, madaxwene waxaa qaabila madaxwene, wasiir debededna wasiir debedeed. nin waliba dhiggiisa ayaa qaabila. Madaxwenahana xafiiskiisa aaa loogu tagaa wixi madaxweyne ka hooseeya.
Madaxdu waxay had iyo jeer leeihiin dad u qaabilsan cidda wax qaabilaysa, sida wax loo qaabilayo, dhaqanka cidda la qabilayo, dhrka la xiranayo iyo ogaanshaha barnaamijka cidda imanaysa inta ay joogto oo dhan. Haddii aan la helin cid sidaas wax u kala agaasinta dee jaantaa rogan iyo is dhexyaac lagama baxayo.
Prof. Cabdi Samatar aad ayaad u mahadsantahay sida aad u iftiimisay khaladka protokolka dowlada .
Waxaa kale oo jira in ay meesha ka baxday howshii wasiirka arimaha debadda ee uu uga qayb geli lahaa shirarka dibedda .
burburka muqdisho waxaa lagula xisaabtamayaan kuwa gaaladii 3da kun ahayd inta 12000 gaarsiiyeen sidii ay maroodi yihiin hadana cararka dharka jeediyey ee yiri xeel dagaal baan uga baxnay, hadii maalinkii itoobiya baxday ay dadka barakacay soo celiyaan oo dadka baaba,ay u gargaaraan oo iyagoo xukunka cid ka xigtay aanay jirin ay gacanta ku dhigaan gaaladana game u cayaaraan si aanay u helinba wax marmarsiiyo ah oo ciidan kale u keenaan haday cayaartaas deberi lahaayeen dalkuna maanta wuu nasan lahaa dadka soomaaliyeedna way badbaadi lahaayeen iyaguna caziiziin ayay ahaan lahaayeen.
Laakiin maanta iyaguna diin dad iyo dal midna ma hayaan oo waa kuwaas maray waddadii dhibka badneyd ee december 2007 ay qaadeen oo ahayd markii inta maxkamadihii xikmadda badnaa carro kaga gediyeen maamulkoodii ka dibna xabadda bilabay ee cagaha wax ka dayey kuwaasi waa shabaab oo ay ku dhacay godkii ay u qodeen shacabka soomaaliyeed, waxa kaliya ee hadda laga sugaana waxaa weeye gawrac qarxin iyo wixii ka dhacay aljeriya sanado ka hor, illeen talo waa ka luntaye ,hadal waxaan kusoo koobi ilaahay kuwaan ummadda wax ka kheyr badan ha uga soo gaarsiiyo, shariif iyo dabadhilifyadiisuna rajo uma soo wadaan ummadaan.
waxaan la yaabaa bal ninkaan markasta la orda Prof. war marka hore aqoontaada inoo sheeg, hadii aad tahay caafimaad ku ekaaw dhakhtarka, hadii aad tahay fuundhina ku ekaaw dhismo, haddii aad soo baratay siyaasadna ma taqaan siyaasada Islaamka.
teeda kale in aad dibada ka nagnagleyso waa laga fiican yahay ee haddii aad run sheegeysid imaaw xamar.
waxaaba ka sii daran ninka aad la xulafeysatay ee odayga la yiraahdo c/razaq x xussen oo aan naqaan in uu ka mid yahay dadkii 1960 kii musuqmaasuq hoyada u ahaa ee maanta iska dhiga oday soomaali, waxba ha weydiiniina odaygaas iyo waxa daba yaacayo,
weydiiya odayga musuqmaasuqii iyo lug goosmadii uu qaranka soomaali kula kacay, yaab maxaa balaayo is baheysatay