Home » Warar »

Kulan la doonayo in Qaaraan loogu ururiyo Wadamada Abaarta Saameeysey oo maanta ka furmaya Adis-Ababa

Iyadoo weli Beesha caalamka ay wado gargaarkii la gaarsiinayey dadka Soomaaliyeed ay abaaraha Saameeyaan ayaa waxaa Maalinta berri ah oo ku beegan 25 Ogoosto waxaa Magaalada Adis –Ababa ee Dalka Itoobiya kulan balaaran isugu imaan doonaan  Madax ka tirsan Midowga afrika , waxaana kulankaan Qaaraan loogu aruurin doonaa dadka ay abaaraha Saaameeyeen ee ku nool Wadamada Geeska Afrika gaar  ahaan wadanka Soomaaliya

Kulankaan oo ka dhici doono Xarunta Midowga Afrika  ayaa waxaa Sooomaaliya ugu qaybgeli dooonaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo la filyo inuu Khudbad ka jeediyo kulankaas oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Abaarta ku dhifatey Gobolo ka mid Dalka Soomaaliya .

Kulanakaan ayaa waxaa kaloo looga arrinsan doonaa sidii loo heli lahaa Ciidamo dheeraad ah oo loo diro Dalka Soomaaliya si ay u Xoojiyaan kuwa Amisom oo la sheegey inaysan ku filneyn Amaanka Magaaladda Muqdisho maadaama dhawaan Xoogagii Xarakadda Alshbaab ay ka baxeen Qaybo Muhiim ah ah oo ku yaal Magaaladda Muqdisho ka dib markii mudo dhowr Sanno ah ay Dagaalo kula jireen Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka

Todobaadkii hore ayaa Wasiiradada Gaashaandhiga ee Wadamada Midowga Afrika waxay kulan ay ku yeesheen Magaalada Adis-Ababa ay goaamiyeen in Ciidamo gaaraya Sadex Kun loo diro dalka Soomaaliya si loo xoojiyo kuwa Amisom ee ku sugan Magaaladda Muqdisho waxaa si Hordhac ah loo sheegey in Wadamada Siiralyoon iyo Jabuuti ay  diyaar u yihiin in soomaaliyau diraan laba Guuto.

Hadaba Su aasha la is weydiinyo  waxay tahay Dowladdaha ku jira Midowga afrika ma yihiin kuwo isk duwi kara Qaaraan Balaaran oo la siiyo Wadamada Abaarta Saameeyey  waxana Suaashaan aan Hor dhigey Khabiir faalo ka sameeya arrimaha Afrika oo lagu Magacaabo  Kamaal Xuseen waxaa uu sheegey in Wadamada Afrika Xiligaan ma owoodaan in Caawiyaan Wadamada kale ee Afrikaanka ah waayo dhamaantooda waa kuwo dhaqaalahooda aad uu u hooseeyey wuxuu sii raaciyey

“Wadanka Liibiya ayaa ahaa wadanka kaliya ee ugu tunka roonaa wadamada Afrika isagiina maanta waxaa haysata Duulaan ay ku soo qaadeen Wadamada reer Galbeedka marka  waa adkaaneysaa in la hel dhaqaale ay ugu yaboohaan wadamada Saboolka ee ka tirsan Qaarada Afrika  sidoo wadamada Afrika waxay dhamaantood ay yihiin kuwao dhaqaale ka suga wadamada reer Galbeedka  waayo Hayadahooda Dowaiga ah iyo kuwa Ciidamada waxaa Mushaarooda soo  dira wadamada Reer Galbeedka”

Waxaa uu sheegey in maanta aysan jirin wadan keligiis is bixin kara marka waxaa leeyahay Madaxda Afrika ee isugu imaaneysa Adis –Ababa shirkiina kama duwanaan doono kuwi hore marka waxaa Xaqiiqo ah in Xitaa kulankiina Dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayaa Wadamada reer Galbeed  sidaa darteed marka aad ka Xorowdaan wadamada Reer Galbeed ayaa noqoneysaa kuwo is Caawiya .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiikhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.