Home » News »

Abaarta waalaga Bixi Doonaa waase Hadii..!

Allaah ayaa ku mahadsan Xaalad walba oo aan ku jirno, waayo asagaa waxa aan heysano iyo waxa aan weynaba markii hore na siiyay anagoon jirina na Abuuray oo insaan hadana Muslim ah naga dhigay, waxaan aad murugo u leh Dhibaatad gaartay dalkeena hadana kuma imaan Dulmin ama Eex uu Allaah naga galay Umad ahaan ee waxaa Sababay Gaf iyo Dambiyo anaga aan Gacmaheena ku kasbanay.


Waxaanan marka labaad u mahad celinayaa inta ka Naxday Dadkeena ee u gurmatay Shaqsiyaad ama Doowlado, waxaanse si gaar ah u xusayaa Raizul Wazaaraha Turkiga Rajab anoo ku faraxsan inuu ku dhiiraday Wadan  Nabada aysan ka jirin 20 sano ka badan inuu cagta dhigo Caruurtii Shubanka hayayna Gacmihiisa ku xambaaray asagoo weliba Xaaskiisa iyo Caruur uu dhalayba ay la jiraan, hase yeeshee waxaan leeyahay ma ahan Ordagaan waxa uu sameeyay wax aan la fileyn laakiin waxa uu u horeeyaa inshaa Allaah kuwa ka soo laabtay gafka iyo godobta Dowladaha Muslimiinta iyo Madaxdooda ka galeen Shacabka Soomali ee wada Muslimiinta ah waxaan leeyahay Towbadaada Allaha kaa aqbalo!


Tan Xigta maxaa nala gudboon si dhibaatadaan looga baxo? Maxaase looga baahan yahay kuwa Reyzul Wazaaraha Turkiga Rajab ugu horeeyo hadey rabaan inay si dhab ah wadanka u gargaaran?


Hadii aan Su’aasha hore Jawaab kooban ka iraahdo waa in Dadka Soomaliyeed Allaah u Towbad keenaan Dembi dhaafna ka dalbadaan si uu xaaladena wax uga badalo, waa in ay soomalida meel kasta ay Joogto ka Towbad keenaan qabyaalada iyo Kooxeysiga, waa in ay ka Towbad keenaan Jabhadaha loo sacbiyo markasta ayadoo Qof walba ama qabiil walba meel dhaw ka eegayo, waa in laga Towbadkeeno Godobta aan ka galnay Diinkeena ama Dalkeena ama Dadkeena.


Jawaabta  xigta waxay tahay mid ku socota  kuwa doonaya Soomaliya inay gargaaraan gaar ahaan Dowladaha Islaamka ee Shirkoodii u dambeeyay xoogaa Dadnimo ah muujiyay waxaan dhihi lahaa hadii ay sax tahay inaad ka Naxeysaan Dadka Soomliyeed Diin ahaana ugu tureysaan waa inaad u Istaagtaan inaad Wadanka Soomaliya ku taageertaan sidii uu Caagahiisa isugu isugu taagi lahaa  waayo Dhibaatada Soomaliya kama Dhalan Sababna uma ahan Abaarta kaliya, Soomaliya Abaaro iyo Cuduraba waa soo mari jireen  waana ay ka gudbi jirtay ayadoo ka Cilmi iyo Maal yar inta ay Maanta tahay waxaase Xaqiiqda dhibaatada jirta tahay in Wadanka aysan ka jirin Nabad iyo Dowlad Dhexe oo awooda inay Daryeesho Dadkeeda dalkana Nabdiisa sugto.


Waxaan kusoo Gabagabeynayaa inaan ugu Naseexeeyo kuwa Maamula Deeqaha Masaakiinta loo koonay meel kasta ay joogaanba inay xasuusta Xoolaha Masaakiinta loo keena aysan Sharci ahaan banaaneyn in si gaar ah loo keydsado ama Suuqyada lagu Shubo ayadoo Lacag lagu badalanayo, sidoo kalana waa in lala Xisaabtamaa Qof walba oo ku xad gudba Deeqda masaakiinta loo keenay ha haado mid Qalin wata ama mid Qoray wata, waxaan Hubaal ah inaysan  in aysan ka baxsaneynin Ciqaab Rabi xagiisa kaga yimaada xataa hadii ay ka Badbaadan in Maamul ahaan loola Xisaabto laguna Ciqaabo Dhibaatada ay u geesteen Masaakiinta gaajada u Dhimaneysa.


W/Q: calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Abaarta waalaga Bixi Doonaa waase Hadii..! "

  1. waa arin muhiim ah in laga hadlo dadka dhacaya mucaawinada alle ayaana la xisaabtami doona