Home » Warar »

Yaa kadambeeya boobka maalmahaan lagu hayo raashinkii Abaaraha?

Iyadoo weli Magaalada Muqdisho ay ku soo qulqulayaan Gargaar aad u balaaran oo ay ugu Deeqeen Dwlado , Hayado iyo Jaaliyadaha Soomaaliyee eek u nool Dibadaha  ayaa Dowladda Federaalka waxay Maareyn la’dahay Ciidamadeeda ku sugan Magaalada Muqdisho kuwaas oo wada Dhaca iyo Boobka lagu hayo Gargaarka Beesha Caalamka ugu talagaleen Dadka ay abaaraha Saameeyeen.

Waxaa  maanta Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay boobeen Raashin gargaar ah oo la doonayey in laga qaybiyo Kaam ku yaal Degmada Waaberi , waxaana la arkayey Ciiidamada Dowladda oo gebi ahaan  boobaya Raashinkii dadka dhibaateysan loogu talagaley , waxayna Degmada Waaberi ay ahayd meel ka nabadgashey Boobka raashinka,lamana garanayo Waxa maanta keeney in la boobo raashinkaas

Shaley ahayd markii raashin loo wadey dad ay sameeysey Abaarta ee ku sugan Degmada Dharkeenleey ay boobeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaas oo iyana qaatey raashinkii la siin lahaa dadkaas aad ugu baahanaa oo ka yimid Boqolaal Kiilo Mitir

Dhawaan ayey ahayd markii Xeradda Badbaado dhacdo aad u Xanuun badan ay ka dhacdey ka dib marki Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka ay boob ka geysteen  raashin loo wadey Xeradaas hase yeeshee boobkaas ayaa waxaa uu sababay in Xeradaas lagu dilo 11 qofood oo ahaa dadkii Masaakiinta ahaa ee sugayey Raashinkaas

Hadaba yaa ka dambeeya Boobka ay Ciidamada Dowladda kula kacayaan raashinka loogu talagalay dadka ay abaaraha Saameeyeen waxaana wax ka weydiiyey Dhowr qofood qaar ka mid ah waxay dusha ugu tuureen Hayadaha NGO –yada oo ay sheegeen in aysan dooneyn in qaab Dowladeed wax loo qaybiyo maadaama ay hore afka ugu shubteen wixii loogu talagaley Wasaaradaha Dowladda Sida Caafimaadka,Biyaha , Xanaanada Xoolaha, Beeraha,Nadaafadda iyo wax kasta oo qaab Dowladeed lagu qaban lahaa,waxaa uu  sii raaciyeen “ Waxay rabaan in aan iyaga cid aan ahayn in ay wax qaybiyaan waxayna qaarkood wacad ay ku mareen in haddii iyaga aan la soo marin uu sii socon doono Boobka lagu hayo Raashinka gargaarka”

Waxaa kaloo Su’aashaan aan hordhigney  shaqsi hore ugu tirsanaan jirey Hayadaha Samafalka oo diidey in magaciisa la xuso waxa uu yiri “waa  wax meesha ku jira in boobka ay ka dambeeyaan Hayadaha NGO-yada waayo maxaa hore loogu boobi waayey markii ay Hayadada WFP ay raashinka gaarsiinayeen Gobolada dalka waana la ogaa markii ay raashinka ka qaybinayeen Ceelasha biyaha sida nadiifka ah wax loo qaybinayey, waxaana qaybintaa xiligaa hayey Hayado NGO-ah maanta markii laga wareejiyey wax walba oo suurta galka ayey adeegsanayaan oo lagu boobo raashinka”

“Haddi aysan Dowladda la imaan qorshe ay ku Badbaadinayaan raashinka loogu talagaley dadka Baahan waxaa imaan kara Ceebta maanta taagan mid ka weyn waxana looga bixi karaa in Ciidamada Qalabka sida Mushaarkoodu uu noqdo mid bil walba ay qaataan laakiin Askari Mushaar ugu dambeysey Markii uu joogey Farmaajo waa uu ku qasban yahay in u wax booboo waayo Caruuriisa ma waxay Cunayaan dhagaxaan” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Dowlada Federaal;ka oo intaa sii raaciyey

“Waagii Dowlada Jirtey Ciidamada Mushaarkoodu wuu yaraa laakiin waxaa la siin jirey Raashin ku filan isaga iyo qoyskiisa muddo Bil ah waxaan maqlayey iyadoo Dowladda leh waxaa Ciidamo gaar aha u sameysney qaybinta Raashinka Waa ka  Daroo Dibi Dhal wax ay soo kordhinyaan ma jiraan   aan ahayn in uu sii Kordho boobka iyo  Dilka  marka waxaa talo ku soo jeedin lahaa in Bil kasta  Degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka socoto Qaybinta Raashinka  oo la joojiyo Kaam heblaa beri wax laga qaybinayaa, raashinka la bixinayo waa inuu noqdaa mid Qoyska ku filan Muddo bil  Dowladdana ay sameysaa Qorshe ay  ay raashinka ku Keydineyso waayo waxaa istaagi kara Gargaarkii Caalamka ugu talagaley Cid maalin waliba Afka wax kuugu shubeyso ma jirto”Ayuu yiri Sarkaalkaas oo diidey in magaciisa la sheego.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk<

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Yaa kadambeeya boobka maalmahaan lagu hayo raashinkii Abaaraha? "

  1. Xalka wuxuu ku jira in askarta laga bilaabo oo lasiiyo waxay cunaan oo lasiiyo weliba wax ku filan sanad waayo musaacadadad wadanka soo galayso ayaa ka badan iyo shaqada loo dirsanayo haddii ay wax uhelaan reerkooda.
    Tankale, warbaahinta Soomaalida wax sawir ah kama qaadaan marka ay askarta wax dhacayso!
    Ama arinta hay’adaha ayaa ka danbeeya, waa marmarsiiyo Soomaaliyeed iyo marka ay danahooda qabsan waayaan