Home » Faallo »

Warba mahayside maxaad werisaa WERIYE?

50-kii sanadood ee u dambeeyey saameynta warbaahinta (MASS MEDIA) ama sida lagu naaneyso MASS MANIPULATION way boqol jibaarantey taasoo ay gacan wayn ka gaysaneyso horukaca balaaran ee ay farsamada casriga (Technology) ihi sameeysay, ugu horeeyntii waxaa lagu dhagax dhigay telegraph (halow halow) deeto waxaa xigey Raadiyo, Warside/Wargeys, majallado, Idaacadda la isk arko (TV) iyo hada oo uu wixiiba isku fuuqsaday INTERNET-ku.

Waxaan la noolnahay bulsho wareed oo tillaabadii ay qaadi lahaayeen iyo go’aankii ay qaadan lahaayeenba ku dhisaala ama ku saleeya warbaahinta oo lagu tilmaamo awooda 4-aad mar marna lagaba soo dhoweeyo adigoo garan kara awoodaas oo si sirgaxan loo adeegsadaa saameeynta ay yeelan karto.

Saxaafaddu waa mida qofka siisa qishka nolosha iyo khaasatan sidii uu u wajihi lahaa shaqadiisa, caafimaadkiisa, waxbarashadiisa, xiriiradiisa khaaska ah, safaradiisa iyo wax kastoo la hal maala iyadoo adeegsaneysa hanaan madadaalo oo hufan kuna dhisan istaraatijiyad iyo xaqaa’iq ka tarjumaya habka dhaqan dhaqaale ee qofka iyo bulshada aad la hadleyso sidaa darteed waa muhim saxaafaddu marka ay timaaddo kobcinta aragtida dadka.

 

Waayo qofka caadiga ihi marka uu subixii tooso wuxuu eegaa TV-ga, daalacdaa wargayska/internetka ama dhega dhegeeyaa raadiyaha markaas ayuu ku dhaqaaqaa howl maalmeedkiisii oo uu ku wajahayo go’aan uu ka qaatay xogtii uu warbaahinta ka helay.

 

Tusaale ahaan magaalada Muqdisho oo in ka badan laba toban sanaale rabsho u joog ahayd waxay dadku subixii dhegta la raaci jireen barnaamijkii can baxay ee HOODI HOODI oo ka bixi jirey idaacadii CAPITAL VOICE ee hoos iman jirtey sharikaddii warbaahinta HORNAFRIK isla markaana uu soo saari jirey (AUN) Mahad Axmed Cilmi waayo waxay ka ogaan jireen waxa ay xalay magaaladu ku bariday, waxa barqadaan ka taagan iyo sidii ay ula macaamili lahaayeen halkaasna ka garo doorka ay saxaafaddu ku leedahay jihaynta ra’yul caamka (aragtida guud).

 

Waxaa kaloo jirta arin kale oo iyadna muhim ah oo ay tahay inay warbaahintu ka fikiro kahor wax kastoo kale waana waxa loo yaqaano aaminaada iyo isku halleeynta (Credibility) ay dadku ku qabi karaan waxa aad buufineyso shakhsiyan iyo hay’ad warbaahineed ahaanba waayo 3-da howlood ee  warbaahinta loo igmaday oo kala ah WARGELIN, WAXBARID IYO MADADAALIN midkoodna ma shaqeeyn karo hadii aan lagaa aqrisanin amaan lagaa dhegeysanin taasoo imanaysa hadii lagaa dareemo inaad dhinac u xaglineyso ama aanad xog haynin oo aad duurka xuleeyso.

 

Hadii aan usoo laabto warbaahinta Soomaaliya oo inta badan magaca uun kala mid ah kuwa kale asaageeda ah  ee caalamka ka jira marka aad dhinacyo badan eegto waloow ay jiraan kuwo la isku halleeyn karo oo fara ku tiris ah waxaa la hubaa inay ka khaldan tahay in ka badan inta u saxan waayo waxaad dareemeysaa in warbaahinta Soomaaliyeed ay marar badan faafiyaan dacaayado iyo afkaaro lidi ku ah isla Soomaalidii iyo dhaqankeedii kaasoo ah mid aysan u bareerin mararka qaar laakiin ka dhalaneysa howtul hamagnimada hay’adda oo ay dabeeyshu iska wad wado balse aanu jirin wax shuruuc ah oo u degsan iyo mabaadii ay xeeriyaan.

 

Waxaan maalin kasta daawannaa, ama daalacanaa warbaahinno Soomaaliyeed oo wax inoogu soo gudbiya habab kala duwan, dheh TV, Radio, Wargayso ama inta badan Internet laakiin marar badan baa la is waydiin karaa inuu jiro qorshe, hadaf iyo yool warbaahineed oo loo aasaasay iyo maxaddo (platform) ay ka dhaqaaqdo kuna soo laabato ileen warbaahintu way ka saameyn balaaran tahay sheey shilin iyo san dareert lagu raadshee..?

 

Waa la hubaa oo sida wax kastoo aanu qabanaa ay u noqdeen wax lacagi hagto (money oriented) sida siyaasadda, caafimaadka, waxbarashada, NGO’s-ka IWM ayay warbaahintii Soomaaliduna noqotay laakiin ogaada warbaahintu waxay leedahay saameyn la mid ah kaaha (radio active) NUKLIYEERKA waa hadii waxa ay gudbineysaa ay xumaan noqdaan sidaa darteed waa in aad ka taxadartaa oo aad laba jeer hubisaa waxa aad dadka u sheegeyso oo aad maanka ku haysaa in Ilaahay ku waydiinayo baaba’a iyo burburka aad u geeysaneyso nolosha malaayiin qof oo aad afka ku dileeyso balse aanad ogeeyn…tusaale qabiilka ”REER ROOTI OO U HANJABEY REER MUUFO” iwm waa inaad ka baaraandegtaa marka aad la hadleeyso mujtamaca qabyaallada u quuta sida uu jirku u adeegsado tamarta CARBOHYDRATES-ka loo yaqaanno ama ay gawaaridu u isticmaalaan shidaalka…….yaab……

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.