Home » Warar »

shirkadda Golis iyo waxtarkii bulshada intii lagu guda jiray bisha ramadaan ee barakaysan

Shirkadda Golis Talecom Somalia ayaa ah shirkad u dhisan u adeegidda bulsho weynta Somaliyeed ee ku dhaqan meelaha  ay shirkadu ka hawl gasho.

Iyadoo u jeedada guud ee shirkadu tahay qancinta macmiilka, ayaa hadana bisha ramadaan ee barakaysani shirkadu xooga saartaa sidii wax loo gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan ee ku nool degaamada iyo meelaha shirkadda tabiskeedu gaaro.

Hadaba si waxtarka bulshada inta lagu guda jiro bisha ramadaan ee barakaysani u taabo galo, ayaa dhamman shaqaalaha shirkadda ee ka shaqeeya xarunta dhexe ee shirkadda waxay dusha iska saareen in u mid kastoo shaqaalaha ka mid ah uu afuriyo qof miskiin ah isagoo maalintii ku deeqaya 1 Dollar.

Tilaabadaas ayaa ah mid shaqsiyeed oo ka timi shaqaalaha shirkadda,maamulka shirkada iyaguna waxay sidoo kale go’aan kaas la mid ah ku gaareen in sidoo kale dadka tabaaleeysan la gaarsiiyo deeq lacageed,raashin,xoolo nool, iyo weliba iyadoo qaar ka mid ah macaamisha la siiyey hadiyado ay ku qancaan oo raali galisay.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Shirkadda Golis ayaa Bisha Ramadaan ee sanadka 2011 waxay bulshada ku dhaqan gaalkacyo u sameysay hawlahaan  hoos ku qoran:

ü Caawimaad loo Sameeyay Bukaanka Jiifa Isbitaalka Gaalkacyo

Qaar ka mid ah bukaanka jiifa isbitalka guud ee magaalada gaalkacyo ayaa la gaarsiiyey deeq lacageed oo dhan (500,000 ) oo shilin somaali ah   qofkiiba, taas oo loogu tala galay in ay dadka xanuunsan ku afuraan.

Tirade dadkaas la gaarsiiyey deeqda lacageed ayaa dhan 70 ruux oo iskugu jira dad aad u xanuunsan iyo kuwa garaab ah.

Waxaa sidoo kale shirkaddu ay caawisay wiil yar oo aad u xanuunsanaa jiifayna  isbataalka dhaga cade ee magaalada gaalkacyo.

 

ü Xoolo la Siiyay Maxaabiista Xabsiga Gaalkacyo

Sidoo kale shirkadda waxay ku wareejisay taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada gaalkacyo mudane/ Aadnu Nuur Qaal xoolo nool oo si loo siiyo maxaabiista iyo askartaba.

Tirade xoolaha lagu wareejiyay taliyaha ayaa dhan 12 neef oo ari ah.si loogu afuriyo maxaabiis tiradoodu gaareeyso 240 maxbuus iyo weliba ciidanka xabsiga dhaxe ee magaalada Gaalkacyo.

 

ü Taakulaynta Agoonta Gaalkacyo

Taakulo iyo kaalmo ayeey shirkadda Golis Telecom Somalia u sameysay qaar ka mid ah agoonta magaalada Gaalkacyo.

Tirade agoontaa la taakuleeyay ayaa dhan 200 oo agoon oo ah kuwo aad dhaqaale ahaan u  liitay oo ay waajib ahayd in la caawiyo.

 

ü Afurinta Qaar ka mid ah Macaamisha Shirkadda

Shirkadda Golis intii ay waxtarka bulshada ka waday magaalada gaalkacyo, ayaa hadana ay sidoo kale waxay tixgalin gaar ah siisay macaameeshada sharafta mudan ee ku dhaqan magaalada gaalkacyo.

Shirkaddu waxay casumaad afurin ah ku qabatay hotelada kala ah: classic,seylaan,iyo kaah hotel.

Macaamiil dhan  ilaa 240 ruux ayaa ka soo qayb gashay  afuradaas, Kuwaas oo iskugu jiray salaadiin,culuma diin,siyaasiyiin,ganacsato,dhalinyaro, iyo dhamman qaybaha kale ee bulshada.

Waxaa xusid mudan in macaamiishaas sidoo kale la siiyay hadiyado aad qaali u ah.

 

Xigasho: Xafiiska Xiriirka Dadweynaha (Golis Public Relation Department)

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.