Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:22aad



Suurada 73aad Al-Muzammil:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Muzammil, maadama ay ku Bilaabatay Naadin ku Socota Nabiga asagoo Go’ ku Duubduubnaa mar uu ka naxay biloowgii waxyiga, ayaa Allaah ugu yeeray oo ugu Naabiyayay  Al-Muzamil.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 20 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Qalam ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Muzammil:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Qeyb ka mid ah Noloshii Nabi Muxamad (Scw) gaar ahaan Cibaadooyinkiisii u Habeenkii Sameyn jiray sida Salaada habeenka la Tukado marka Dadku Hurdaan, Qur’aanka la aqriyo Xiligaas, arintan oo ah Dacwo ku socota Muslmiinta in ay Cibaadooyinka Noocaas ah ku dadaalaan Gaar ahaan Dadka Ducaada iyo Culimada ah si ay ugu Saacido in Imaankoodu kobco, Dulqaadkoodana u Ziyaado taasoo u sahleysa Gudashada iyo Gaarsiin Dacwada.

Qodabada ay Suuradaan Xambaarsan tahay waxaan kusoo koobi karaa in Nabiga lagu faray inuu la yimaado Cibaadooyin asaga Shaqsigiisa ku kooban kaliya,  waxaana ka mid ah arimahan soo socda.

1-     Suuradan waxaa ay Nabiga Fartay inuu Habeenkii Tukado Salaad Xiliyada Dadka Hurdaan.

2-     In Salaada Xiliga la Dukanayaa aysan aheyn Habeenkii oo dhan, waa Habeenki Barkiis ama wax ka yar barka ma wax ka badan Barka.

3-     Waxaa kaloo Suurada Nabiga Fartay inuu Quraanka u aqriyo si kala Dhigdgigan (Tajwwid) Habeenkii, amarkaasoo sidoo kalan ku socda Ruux kasta oo Quraan inuu aqriyo doonayo.

4-     Waxaana Suuradan Nabiga lagu Baraarujiyay sabar inuu la yimaado oo uu u dulqaato Culesyada kaga imaan kara Ahaladiisii Makah Daganeyd marka Dacwada uu gaarsiinayo.

Suurada 74aad Al-Musathir:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mudathir oo la Macna ah Al-Muzammil, waayo waxaa loo Naadiyay labada Jeerba Nabiga oo lagu tilmaamayyay Xaalada uu Markaas ahaa.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 56 Aayadood, wwxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Muzammil ka dib, Musxafkana waxa ay kaga began tahay Dhamaad  qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mudathir:

Suuradana waxay ay la Mid tahay Xaga Manhajka Suuradii ka horeysay ee Al-Muzammil, laakiin waxa ay Dheeraad la tahay in Nabiga lagu Faray inuu la yimaado Cibaadooyin ka Dheeraad ah kuwa Shaqsigiisa ku Saabsan Sida Gaarsiinta Dacwada Diinta Islaamka, halka Suuradii hore ay ku koobneyd Dadaal la Faray Shaqsi ahaan inuu looga Baahan yahay inuu la yimaado sida Salaad iyo Quraan aqrin Xiliyada Habeenkii ah, Suuradan waxaa lagu faray Dadaal Shaqsi ah iyo mid Dadka ku socdaba inuu la yimaado.

Suurada waxey Nabiga tilmaantay in ay Naar gali Doonaan kuwa Beeniya Risaaladiisa Naartaas oo magaceedu yahay Saqara, waxa ayana Suuradan tilmaantay Sifooyinka Naarta lagu galo Noocyo ka mid ah sida.

1-     Kuwa Beeniya Qur’aanka.

2-     Kuwa aan Salaada Dukan.

3-     Kuwa aan Masaakiinta Quudin (Wax siin) Bakhiilnimo awgeed.

4-     Kuwa dan la’anta Cumrigooda ku Dhameeya ee Xumaanta ku Mashquula.

5-     Kuwa Maalinta Qiyaame Beeniya.

Suurada 75aad Al-Qiyaamah:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Qiyaamah oo ah Magac ay Xasiinaya Dadka Nolasha ka dambeysa mida Aduunka marka la geeriyoodo ka dib, maadaama ay Suurada si aad ah u tilmaanto hab Gaar ah Maalinta Qimaamaha Xaalada sida ay Noqon Doonto.

Suuradan waa makiyah, Aayadaheeduna waa 40 Aayadood, waxa soo dagatay Suurada Al-Qaaricah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beeban tahay Dhamaadka Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qiyaamah:

Suuradan waxay Dadka ku Baarujisaa Noloshaan Aduunyada ka dib in ay Jirto Nolol kale, sidaa darteed waxaa ay Suurada Dadka u tilmaameysaa in ay ka Digtoonaadaan in ay Maleeyaan in Nolosha Halkaan ku Dhamaato oo aysan Jirin Nolol ka dambeysa,, waxeyna Suuaradan Tilmaantaa Xaalafda daran ee Dhibaatada ah ee Koonka lasoo Gudboonaan Doonta marka lagaaro Maalinkaas Biloowgiisa, taaso keeni Doonta in Insaanka raadsado Meel uu uga Baxsado, Maalintaasna Meel loo baxsado majirto oo aan Xaga Allaah aheyn, halkaasoo uu Qof walba ka heli Doono Abaalkii Shaqadii uu ku qabtay intuu Aduunka Joogay Mid hore iyo Mid Dambaba.

Suurada 76aad Al-Insaan:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Insaan, maadama si Kooban uga hadasho Marxaladaha uu Insaanka Marayo laga Bilaabo Abuurka iyo Marxaladaha uu kusoo biloowday ilaa laga gaaro Nicmada ama Cadaabka Sugaya marka lagaaro Maalinta Qiyaamaha.

Suuradan waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 31 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Ar-Raxmaan ka dib, Juz ahaana Musxafka waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta labaad ee Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Insaan:

Suuradan waxey ka Hadashaa Arimaha Quseeya Maalinta Qiyaame, si gaar ahna waxey uga Hadshaa Nicmooyinka kuwa Baariyada (Mutaqiinta) ah ay ku dhex leeyihiin Janada Dhexdeeda Abaal mar ahaan, sida Nimco aysan ilo Aarag Dhagu maqal, Qalbi Insaana aan ku soo Dhicin, Goglo Xariir ah, il Qabowsi iyo Macaan oo dhan, Nimco aan wax Dhibaata ah ka dambeyn, Nimco ka sareysana aysan jirin, Adeegayaal wanaag badan, Cabitaano Macaan badan, laguma Dhex baahdo lagumana Dhex Bukoodo, lagumana Dhex Qoraxoodo, lagamana Dhinto waa Meel Nimco iyo Sharaf oo dhan ku Dhameys tiran yihiin Xanuun iyo Murug kastana oo Aduunka lagula kumayna lagu iloobo.

Suurada 77aad Al-Mursalaat:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mursalaat, maadama Ereygaas ay ku Bilaabato.
Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 50 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Humazah ka dib, Musxafkana waxa ay kaga began tahay Dhamaadka Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mursalaat:

Suaradan waxey si Xoog leh uga Hadshaa Arimaha Caaqiidada ku Saabsan, gaar ahaan Arimaha ku Saabsan Maalinta Aakhiro iyo sida Xaalka Caalamka noqon doono marka la gaaro sida in Xidigaha Iftiinkoodu Dhamaado, Samada in Dildilaaciyo, Buuraha in laga dhigo Boor la firdhiyay oo kale, waxayna soo bandhigtaa tusaalooyin Muujinaya awooda  uu Allaah u leeyahay soo bixinta Insaanka iyo Abaal marintii sa Maalinta Qiyaamaha  aydooweliba ay kusoo laablabato Aayad u Goodisa kuwa Beeniya ee ku waansami waaya Tusaalooyinka loo Muujiyay.

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.