Home » Faallo »

Sideen u Fahamna Quraanka? Q: 23aad


Suurada 78aad An-Naba’:

Suuradan waxa loogu Magac daray An-Naba’ si ay Dadka u Xasuusiso weynida Akhabaarta Qur’aanka Xambaarsan yahay, waxaa kaloo yaqaan Camma oo ah kalimada ay ku Bilaabato.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 40 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Macaarij ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naba’:

Suuradan waxay u taagan in ay Sugto Caqiidaad ku Saabsan Soo Bixinta Geerida ka dib ah taasoo ay aad u Inkarsan yihiin Gaalada Mushrikiinta ah.

Suurada 79aad An-Naazicaat:

Suuradan waxaa lagu Magacaabaa An-Naazicaat ama As-Saahirah ama Adh-Dhaamah, kalimadahaan oo Dhamaan ah kalimado Suurada ku Dhex jira .

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 46 aayadood, waxa yna soo Dagatay Suurada An-Naba’ ka dib. Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Biloowga hore ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naazicaat:

Suurtadan waxey Xooga Saartaa Qiyaamaha iyo Xaaladaha Aadag ee ka jira, sidoo kalana waxay ka Hadashaa Saacada Qiyaamaha Dhicitaankeeda iyo Dhibaatooyinka dhici doona Marka la gaaro Xiligaas, waxeyna Suuradan Tusaalooyian ka Bixisaa kuwa Muraqiinta ah iyo Kuwa Mujrimiinta ah.

Suurada 80aad Cabasa:

Suuradan waxaa loogu magac daray Cabasa, oo ah Kalimada Suurada ku Bilaabato,
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 42 Aayadood, waxa ayna Soo Dagatay Suurada An-Najmi ka dib, Musxafkana waxey kag Beegan tahay Biloowga hore ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Cabasa:

Suuradan waxa ay Dul haan ka hadashaa Caqiidada Islaamka iyo Risaalada, aydoo sidoo kalana wax ka tilmaanta Daliilada Muujiya Awooda weyn ee uu Rabi leeyahay iyo Kalinimadiisa Xaga Caabudida maadaama uu Abuurka koonka ku kali yahayba, waxayna Suurada si kooban u dulmartaa Abuurka Insaanka iyo Dhirta iyo Cunada Insaanka Cuno ayadoo islamarkaana wax ka xusta Maalinka Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka iyo Nimcooyinka ka jira.

Suuradan waxay kusoo dagatay Saxaabiga Indhoolaha ahaa ee C/llaahi Ibnu Ummi Maktuum oo Nabiga (Scw) tagay xili uu Mashquul ku ahaa sidii uu Dacwad u Gaarsiin lahaa Horjoogayaashii Qureysh Nin ka mid ah, ayuu C/llaahi kusoo Noqnoqday Nabiga asagoo leh i Hanuuni, Rasuulkuna Maadaama uu Mashquulsanaa ayuu kusii Jeesanayay Ninkii uu Hadalka u awday ee dacada gaarsii islahaa, taasoo keentay in ay Suuradan soo dagato ayadoo Nabiga lagu Canaantay inuu ka Mashquulay ruux Muslmiinta ka mid ah oo Hanuun Doon ah kagana Mashquulay Mushrik aan Hanuun Doon aheyn.

Arintaana waa mid ka mid ah daliilada Muujinaya Quraanka in uu Xaga Rabi ka yimid maxaa yeelay Nabiga hadii uu asaga la imaan lahaa waa u sahlaneed inuusan Naftiisa canaanan laakiin Nabiga waxaa Canaantaan iyo Quraanka oo dhanba kusoo dajiyay Alahiisa Kaliga ah.

Suurada 81aad At-Takwiir:

Suuradan waxaa lagu Magcaabaa At-Takwiir ama Kuwirat, waana Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 29 Aayadood, waxaeyna soo Dagatay Suurad Al-Masad ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Takwiir:

Suuradan waxay si Gaar ah uga Hadashaa laba arimood in Xaqiiq yihiin.
1- Cadeynta Xaqiiqnimada Maalinka Qiyaamaha
2- Cadeynta xaqiiqnimada Waxyiga iyo Risaalada Nabi Muxamad (Scw).

Suurada 82aad Al-Infidhaar:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 19 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada An-Naazicaat ka dib, Musxafkana waxaey kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Infidhaar:

Suuradan waxa si aad u Muujisaa habka ay u Dhici Doonto Saacada Qiyaamaha iyo Qaabka uu noqon Doono Koonka Marka Xiligaas la gaaro, waxeyna Suurada intaas ka dib Tilmaantaa Xaaladaha ay kala Muteysan Doonaan kuwii Baariyada ahaa iyo kuwii Faajiriinta ahaa marka lasoo Nooleeyo oo lasoo saaro Maalinta Aakhiro.

Suurada 83aad Al-Mudhafifiin:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 36 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Cankabuut ka dib, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mudhafifiin:

Suuradana waxey daaweysay dhaqan ahaan Dadka Ganacsatada qaar waxyaabo Gaf ah aad u Fool caadeesta sida in ay Miizaanka khafiifiyaan marka ay Dadka u beegayaan oo ay wax ka Dhimaan, laakiin ayaga Markey beeganayaan Buuxsadaan, taasoo uu Allaah ugu Goodiyay in ay Cadaab daran Muteysan Doonaan marka la gaaro Maalinta Qiyaamaha Miizaankaas dartiis.

Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuro quseeyo Caqiidada Islaamka, waxeyna ka Sheekeysaa laba Qeybood oo kala ah Fujaar iyo Mutaqiin Qiyaamaha iyo Diiwanada lagu kala qoro, waxayna faahfaahisaa waxa Qolo walba Abaal marka ay Heli doonto

Waxaana Xasuusin Mudan Suuradaan waxay Tilmaantaa in kuwa Faajiriinta ah waxyaabaha lagu Ciqaabi doono ay ka mid tahay in laga Xijaabo Rabigood oo aysan arki doonin, ayadoo Taas badalkeedna kuwa Baariyadaa lagu Abaal marinayo inay Rabigood arkaaan Maalintaas si ay ugu Nicmeestaan waayo ma jirto Nimco ka weyn Nicmadaas .

Suurada 84aad Al-Inshiqaaq:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 25 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Infidhaar ka dib, Musxafkana waxey kaga beegan tahay dhamaadka Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Inshiqaaq:

Suuradan waxay si guud uga Hadashaa Dhibaatooyinka jiri Doona Marka Qiyamaha la gaaro, iyo Asuusha Caqiidada Islaamka ay tahay in la qabsado si looga badbaado Dhibaatooyinkaas.

Sidaa darteer ayay Suurada tilmaantay Badbaada iyo farxada ay heli doonaan Ahlu-Towxiidka marka maalintaas Kitaabkooda Gacanta midig loo saaro ayagoo faraxsana ay Ahaladooda Janada kula jira kula laaban doonaan, halka kuwa Maalinta Qiyaamaha beeniyay Kitaabkooda dhabarka laga siin doono ayagoo hoogayeysanaya karina weysan inay fiiriyaan waxa xun ee Camalkooda ah oo kitaabka ka buuxa markaas ayaana la galiyaa Naarta Saciira sababta loo galinayana waa Camaladoodii darteed ee Alaah Adoomihiisa ma dulmiyo.

Sabaha loo cadaabayo:

1-    waxa ay haayeen kuwa farxad ku nool intii ay Dunida joogeen iloowsan Maalintaas murugada jirta oo tamashle ku Dhameestay Aduunkooda.

2-    Waxay Aaminsanaayeen inaan lasoo Celin doonin Maalinta Qiyaamaha ama waxaaba la dheer gaaritaanka Maalintaas ilaa uu uga si lama filaan ula kulmaan.

Suurada 85aad Al-Buruuj:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka aayadaheenu waa 22 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Ash-Shamsi ka dib, Musxafkana waxey kaga beegan tahay Dhamaadka Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Buruuj:

Suuradan waxey guud ahaan ka hadashaa Caqiidada Islaamka, waxeyna si faahfaahsan usoo bandhigtaa gumaadkii loo geystay Dad Ahlu-Toowxiid ahaa oo Dab lagu daadiyay markii ay Diideen in ay Diinkooda xaqa ah ka tanazulaan, taasoo macnaheedu yahay in dadka Muslimiinta ah looga Baahan yahay in ay Dulqaad la yimaadaan sida Dadkaas Muslimiinta ahaa ee ka horeeyay ugu Dulqaateen Dabkii lagu gubayay si ay Diinkooda u dhowraan.

Qisadii Ahlu-Towxiidkii la Gubay:
Nabigana (Scw) waxaa uu saxaabada ugu Sheekeyn jiray Dhibaatooyin lasoo Gudboonaaday Muslmiintii hore sida in Minshaar lagu kala goyn jiray si Diinka looga leexiyo, laakiinse ay iska Dulqaadan jireen marna Diinkooda kama laaban jirin.

Suuradaan faahfaahinteeda waxaa uu Nabiga ku Sheegay xadiis saxiix ah oo uu kaga hadlay Sababta ay ku Muslmeen Dadkaas dhibaatada gaartay in ay tahay wiil yar oo Diinka ka Bartay Raahib, markii Dambana loo cadaabay Diintiisa darted ilaa uu Boqorkii cadaabayay uu ka awoodi waayay inuu Dilo Wiilka, taasoo Markii dambe wiilkii uu Sheegay in Habka kaliya ee lagu dili karo ay tahay In Magaca Allaah la Xuso marka Dilkiisa la Damacsan yahay Meel fagara ahna lagu dilo, taasoo Boqorkii Maslaxad Biday inuu yiraahdo markuu Gamuunkii iyo Qaansadii is dul Saaray yiri: Waxaan ku gamayaa Gamuunkan magac Wiilkan Rabigiisa, Wiilkiina uu sidaas ku geeriyooday, hase yeeshee waxaa arintaas waano iyo dacwo u Noqatay Dadkii daawanayay oo dhan oo yiri Waxaan Rumeynay rabiga Wiilka!!.

Taasoo sababtay Boqor Dadkaas Caabudi jireen inuu yiraahdo hadaadan Diinka Toowxiixdka ka laabanina waan idin Gubi Doonaa dhamaantiin, markii ay Hanjabaadiisa u dhaga nuglaan waayeena wuxuu ku Dhaqaaqay inuu dabka ku Guro ilaa lagasoo Gaaro Gabar Xambaarsan Wiil yar oo ay nuujineysay, markii ay Dabka Dul istaagtay ayay Wiilkeeda u naxday oo dabkii ka Joogsatay, laakiin waxaa Allaah uu ku Karaameeyay inuu Wiilkeeda la hadlo oo yiraahdo :Hooyooy Sabar Adiga waxaad ku taagan tahay Jid Xaq ah, arintaas oo Hooyadii Laabta u dajisay kuna Qancisay in ay dabka gasho si uu Diinkeeda uga Badbaado.

Waxaan ka Cudurdaaranayaa in Qeybaha kala ah 19, 20,21 iyo 22aad aan Juz ahaan ku qoray in ay Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 28aad, taasoo ah Qalad xaga Qoraalka ah oo aan si kama ah u qoray, waayo Qeybahaas waxey ka wada tirsan yihiin Juzka 29aad.


W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.