Home » Faallo »

Sideen U Fahamnaa Quaaranka? Q: 18aad

Suurada 62aad Al-Jumcah:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Jumcaha maadama ay ka Hadasho Axkaam ku Saabsan Salaada Jumcaha, waxa ayna Muminiinta uga yeertaa in ay u Dagdagaan Gudashada salaada Jimcaha.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada As-Saff ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Qeyta Labaad ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Jumcah:

Suuradan waxay Xooga saartaa dhanka Sharciga, waxa ayna si gaar ah u Faahfaahisaa Sharciyada ku Saabsan Salaada Jimcaha Gudashadeeda taas ah waajib Muslimiinta Saaran, waxaana Suuradan lagu Faray in ay Joojiyaan Beeca Salaadana u dagdagaan maalinta Jimcaha marka la Aadaamo Salaada Jimcaha..

Suurada 63aad Al-Munaafiquun:

Suuradaan waxaa loogu magac daray Al-Munaafiquun Maadama ay Dul ahaan ka Hadasho Xaaladaha Munaafiqiinta iyo Akhaalaaqdooda.

Suurada waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaj ka dib, waxa ayna Juz ahaam Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta Labaad ee Juzka 27aad.


Macnaha Guud ee Suurada Al-Munaafiquun:

Suuradan waxa ay ka mid tahay Suuradaha Sharciga Xooga saara, gaar ahaana waxaey uu Suuradan ka Sheekeysaa Diinta Islaamka Xaga camal ahaan, waxaa ayna Suuradan dadka u Tilmaantaa Dhaqamada lagu yaqaano Kooxda loo yaqaan Munaafiqiinta.

Kooxdaan waxa ay ka mid tahay Sadax Koox ay ay u kala Qeybsamaan Dadka Dunida ku Nool marka loo eego Xaga Laabta waxa ay ka Aaminsan yihiin.

Kooxda Koowaad waa Muminiinta oo ah kuwa Rumeysan Wax walba oo ay aheyd in ay Diin ahaan u Rumeeyaan.

Kooxda Sadaxaadna waa Gaalada oo ayaga kala ah Noocyo Sida Ahlu Kitaabka (Yuhuud iyo Nasaaro) iyo Mushrikiinta.

Baraarujin: Munaafiqnimada waa Afka oo la Ashahaato Dhaqan ahaana Islaamnimo la Muujiyo ayadoo Laabatana Diin kale lagu qarsado, waa Dhaqan aad u Xun Nifaaqa, Munaafiqu waxaa uu ka Sharbadan yahay Gaalada waxaana daliil u ah in Cadaabka Jahanama Halka u hooseysa la galiyo asagoo ku waaraya, waxaa uuna Allaah kaga waramay Munaafaqa Suurado fara badan oo Quraanka ka mid ah, Nifaaqana waa laba Nooc oo midka weyn Diinka ayaa looga baxaa.

Munaafaqnimadu waa wax Laabda ku qarsoon oo aysan jirin cid aan Alaah aheyn oo si gaar ah dadka uga Ogaan karta, sidaa darted Munaafiqiintu waxa lagu dhaqmaa in ay Muslimiin yihiin maadaama ay Muslimnimo Muujiyeen.


Munaafiqiintu waxaa Quraanka Tilmaamay Astaamo Dhaqamadooda  ka mid ah ruuxii faahfaahin u Baahana waxaa uu ka baari karaa Suuradaha Al-Baqra, At-Towbah, An-Nisaa, Al-Axzaab iyo Suurado ay ka mid tahay Suuradan Al-Munaafiquun.

Waxaa xasuusun mudan Munaafaqnimada waa wax Ruux walba oo Muslim ah looga baahan yahay inuu ka digtoonaado waxaana ka Cabsan jiray Nifaaqa  Saxaabadii fadliga Badneyd sida Cumar Ibnu Khadaab, xandala iyo Guud ahaan salafka oo dhan, arintaas waxay muujineysaa in aysan banaaneyn Is amaanida iyo ku Tilmaamida Nifaaqa Umada Muslimiinta ah waana inuu ruux walbaa  Naftiisa ka ilaaliyo.

Suurada 64aad At-Taghaabun:

Suuradan waxaa loogu Magac daray At-Taghaabun, taasoo loola jeedo in ay imaan Dooto maalin Dadka aysan Fursad u Helin in ay Ziyaadsadaan wax Kheyra ayagoon Fileyn, Maalintaas kan Gaalka ah ma Helaayo Fursad uu Gaalnimada kaga Toowbad keeno, kan Muslimka ahna ma Helaayo Fursad uu Kheyrka ku Kordhisto.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 18 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Taxriim ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta labaad ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Taghaabun:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Sharciyada , waxaase u Dheeraad ah ina ay Caqiidada usoo Gudbiso si la mid ah sida ay Suuradaha Makiyada ah usoo Gudbiyaan si la mid ah.

Suurada 65aad Adh-Dhalaaq:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Adh-Dhalaaq (Furiin), Maadama ay Suuradaan ka Hadashay Sharciyada ku Saabsan Noocyada Furiinka, sida Furiinka Sharciga waafaqsan iyo kan Bidciga ahba.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 12 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Insaan ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 27aad.


Macnaha Guud ee Suurada Ad-Dhalaaq:

Suuradan waxay ka Hadshaa Sharciyada Qoyka ku Saabsan, waxa ayna Faahfaahin ka bixisaa arimaha ku Saabsan Waqtiyada Furiinka Munaasafka yahay Hadiiba loo baahdo, Cidada ay Tirsaneyso tan la Furay, Masruufka iyo Deegaan ahaan Xaqa ay yeelan karto Haweenta la Furay, iyo Sidoo kalana waxey Suuradan ka Hadashaa Sharcida Quseeya Nuujinta Caruurta i.w.m.

Suurada 66aad At-Taxriim:

Suuradan waxaa loogu Magac daray At-Taxriim, maadama ay ka Hadasho in Nabiga lagu yiri Maxaad isaga xarimeysaa waxa uusan Alle (Cw) kaa Xarimin.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 12 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Xujuraat ka dib, waxa ayna ku Beegan tahay Dhamaadka Juzka 27aad.


Macanaha Guud ee Suurada At-taxriim:

Suuradn waxay ay ka Hadashaa Sharciyada ku saabsanaa Guriga Nabi Muxamad (Scw) iyo Hoyooyinkii Mumniinta Xasaskiisii gaar ahaan Xafsa iyo Caaisha (Allaha ka Raali Noqdee).

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.