Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 16aad

Suurada 50aad Qaaf:

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayada 38aad, Aayadaheeduna waa 45 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mursalaat ka Dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad.

 

Macnaha Guud ee Suurada Qaaf:

Suuradan Qaaf waxa ay ka Hadashaa Asalada Caqiidada sida Rumeynta Toowxiidka, Rumeynta Risaalada Nabi Muxamad, iyo Rumeynta isi soo Bixinta Maalinta Qiyaame, waxa ayna si gaar ah Xooga u Saartaa Mowduuca Soo Noolaanshaha Geerida ka dib ayadoo muujisa xujooyin Caqliga ahaan iyo Daliil ahaanba lagu qanci karo, suuradana waxay si Dadku Dareemi karaan usoo Bandhigtaa Muuqaal ahaan Qaabka Dadka usoo Bixi Doonaan Qiyaamaha Marka la gaaro iyo Dood kulul oo Dhex mari Doonta Ibliis Lacnadi haku Dhacdee iyo kuwa uu Duufsaday ee Diinta Islaamka ka leexday taas ah digniin ku socota kuwa beeniyay Nabi Muhammad inay ka Qoomameyn doonaan Beentooda, waxa ayna Suurada Tilmaantaa Astaamaha kuwa Iimaanka saxda ah leh lagu yaqaan iyo Abaal marka wanaagsan oo ay heli doonaan.

 

Suurada 51aad Adh-Dhuur:

Suuradan waa Makiyah, cadadka Aayadaheeduna waa 60 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Axqaaf ka dib, Juz ahaana Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad iyo Biloowga Juzka 27aad.

 

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhuur :

Suuradan waxa ay Xooga Saartaa Dhismaha Tiirarka Iimaanka, waxayna Dadka Indhahooda u leexisaa in ay Fiiriyaan Awooda Allaah (Cw) uu leeyahay weynideeda siay Nafta dadka ugu Beerto Iimaan sugan iyo Alle ka Cabsi.

 

Suurada 52aad Adh-Dhuur :

 

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Magaca ah Adh-Dhuur oo ah Magacii Buurkii uu Allaah kulka Hadlay Nabi Muuse, Maadama uu yahay Buur Barakeysan.

Suuradan Adh-Dhuur waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 49 Aayadood,, waxa ayna soo Dagatay Suurada As-Sajdah ka dib, waxayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga hore ee Juzka 27aad.

 

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhuur:

Suuradan waxa ay xaga Manhajka kala Mid tahay Suuradii ka horeysay oo waxa ay Xooga Saartaa caqiidada Islaamka Tiirarkeeda Qaar ka Mid ah Toowxiidka, Risaalada iyo Soo Bixindda maalinta Qiyaame si leysu Abaal Mariyo.

 

Fadliga Suurada Ah-Dhuur:

Suuradan waxaa ay ka Mid aheydd Suuradaha uu Nabiga ku Tukado salaadaha inta badan gaar ahaan salaada maghribka, waxaana Dhacday mar Nabiga Suuban oo Salaad Maghrib ku Tukaday Suuradan ayaa waxaa  maqlay Jubeyr Ibnu Mudhcim nin la yiraahdo oo Markaas ahaa Gaal Mushrik ah, waxaana ay Laabtiisa ku Reebtay Xusuus weyn iyo inuu Waansamo, mudo ka dib markii dib ayuu Islaamay waxaa uuna Sheegay Markii Maalintaas maqlay Suurada Adh-Dhuur inuu Qalbigiisu ku Dhawaaday inuu Duulo Saameynta Maqalka Suurada ku yeelatay darteed.

 

Suurada 53aad An-Najmi:

Suuradan An-Najmi waa Makiyah, Aayadaheeduna waa 62 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suura AL-Ikhlaas ka Dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Biloowga dambe ee Juxuzka 27aad.

 

Macnaha Guud ee Suurada An-Najmi:

Suuradan waxa ay aad Xooga u Saartaa Mowduuc ahaan Caqiiqadada Gaar ahaana Risaalada Nabi Muxamad Dhab ahaan shaheeda iyo Soo Bixinta Qiyaamaha Marka la gaaro si Qof walba looga Abaal mariyo Camalkiisii.

 

Suurada 54aad Al-Qamar:

Suuradan waxaa loogu madaray Al-qamar si ay u waartto Mucjizadii Alle (Cw) uu siiyay Nabigiissa Muxamad ah (Scw).

Suurada waa Makiyah Aayadaheeduna waa 55 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Adhaariq ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta hore ee Juzka 27aad.

 

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qamar:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Asalada Caqiidada islaamka Biloowgeeda ilaa Dhamaadkeeda, waxa ayna Duulaan weyn ku tahay kuwa Quraanka Beeniyay, Suuradana waxay ku Socotaa Nidaam ah Handaado, Goodiyo iyo Digniino ku socda Mucaanidiinta Quraanka diidan ayadoo soo bandhigta Cadaabka sugaya Nooca uu yahay iyo sida Xaalada Aduunka noqon Doonto mara la gaaro xiliga Saacada Qiyaamaha Dhaceyso.

 

Suurada 55aad Ar-Raxmaam:

Suuradan waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 78 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Ar-Racad ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta labaad ee juzka27aad.

 

Macnaha Guud ee Suurada Ar-Raxmaan:

Suuradan waxa ay si gaar ah uga hadashaa Awooda Alle iyo Nimcmooyinka uu ku Galadeystay Jini iyo Insiba, waxayna Suurada xasuusin u tahay Labdan koox in ay ku Fekeraan Nicmooyinkaas, sidoo kalna waxaey Suurada si gaar ah usoo Bandhigtaa Muuqaalka Qurux badan ee Janad iyo Noocyada kala Duwan ee Nicmooyinka ah ee lagu Dhex diyaariyay si Nafta ay Hiloow iyo dadaal ugu Beerto iska markaan waxay sdoo bandhigtaa Noaoaacyo ka mid ah Cadaabka habka uu ugu dhacayo Ahlu Naarfka si looga Digtoonaado cadaabkeeda.

 

Suurada 56aad Al-waaqicah:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Waaqicah si ay dadka u Xasuusiso uguna Xaqiijiso dehictaanka Saacada Qiyaamaha.

Suuradan waa Makiyah, Aayadaheeduna waa 96 Aayadood, waxa ayna Soo Dagatay Suurada Dhaahaa ka dib, Muusxafkana wa ay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta labaad ee Juzka 27aad.

 

Macnaha Guud ee Suurada Al-Waaqicah:

Suuradan waxa ay tilmaantaa Dhibaatooyinka Dhici Doona marka la Gaaro Waqtiga ay Dhaceyso Saacada Qiyaamaha iyo Dadka Qeybaha ay u kala Bixi Doonaan Maalinta Qiyaamaha, waxayna Dadka ukala Saartaa Sadax Qeybood oo kala ah: Asxaabta Midigta, Asxaabta Bidixda iyo Kooxda Saabiqiinta loo yaqaan kuwaas ah ah Dad wanaaga iyo Imaanka aad ugu Dheereeyay.

 

Sadax Qolo waxa ay u kala Qeybsamaan Laba Qeyb, Qeyta koowaad waxaa ku wada Jira Laba Qolo oo Ahlu Jano wada ah Waloow Saabiqiinta ay darajo sareeyaan, qeybta dambana waa Ahlu Naaarka oo Dhan kuawaasoo loo yaqaan Qoloda Bidixda.

Waxaana Xasuusin Mudan waxaa Badan Axaadiis Dadka qaar Fadli ahaan u Sheegaan marka Suuradan la Joogo, waloow aysan Sixadooda Sugneyn in badan oo ka mid ah marka waxaa Haboon in fadliga Suuradaha ama Aaayadaha ama Meelaha marka laga hadlayo lagu ekeedo Nusuusta Saxiixa ah.

 

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadsaxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.