Home » Faallo »

SIDAN MA KU DAWEYNAA LABADABA

Qormadii: Nuur Cilmi Xalane

Email: warsan54@gmail.com

Nin-door taliyey laheyd – waa beyd aan ka soo qaatay maansada DABA HUWAN ee ka soo burqatay maskaxda dahabiga ah ee walaal Hadraawi oo runtii aan u aqaanno Aabaha erey-bixinta Af- Somaaliga. Suugaantiisa waxa  kaaga dhadhama qaniimada iyo fac-weynida Af-keenna. Waxa uu adeegsadaa ereyo asali ah oo aan ku badneyn Af- Somaaliga jiilka maantu ay adeegsadaan oo ereyada qaar ayaaba xataa ku adag tiro aan ka mid ahay oo weliba sidiisa da’du ka daba keentay.

Walaal Hadraawi, Alle ha ka abaalmariyee, waxa uu nagu tusaaleeyey maansada BABA HUWAN, sidan ay u lahaan jirtay {maandeeq} nin-door gudbiya waqtiga adag, maantana u laaday. Waxa uu abwaanku saluugay   kuwa hoggaaminta isu soo banneeyey, welina aan xal lagu dego keenin.

Shucuubta wadaagta magaca Somaaliga, midnimada ayaa u aheyd sheyga kaliye ee aan leysku qaban, in laga miro dhaliyona waxay aheyd muhimadda kowaad. Markii la na qeybiyey ee la nagu kale daray dalal wax aan wadaagnaa ayan jirin, shacab iyo xukuumadba waxa loo hibeeyey maal iyo nafba inaan soo hoyno gobollada naga maqan.

Si loo xaqiijiyo midnimadaas, shumacii iftiinkeeda qaaday oo geeyey Koofur Aabaha midnimada Somaaliyeed, mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, geessi  qaatay go’aan siyaasadeed oo bar-bilow u noqday magaca Somaaliyeed oo qaran mida isugu taga shuruud la’aan.

Taariikhdu waxay diiwaanisay in shacabka gobollada waqooyi  iyo isaguba ay ka mideysnaayeen in walaalaha koofureed  lala midoobo, isago weliba markaa ahaa Ra’iisal wasaarihii dowladda cusub ee dhalatay 26ki Juunyo, 1960kii. Haseyeeshee,  waxa uu ka doortay inuu 5 maalmood kadib la midoobo walaalahiisa koonfureed. Go’aankaas waxa qaadan karay hoggaamiye geessi ah, waddaniya , caqli iyo xigmadna u saaxiba, argti dheer le, saadaalin kara halka danta dadkiisa iyo ta Somaaliyeedba ay ku jirtay oo aheyd in la  mideeyo qowmiyadda Somaaliyeed.

Waxay sidoo kale taariikhdu diiwaanka taariikhda gelisay, inaan halyeygaas sidii uu ugu lisay Koofurta aaney ugu hambeyn oo ay bilaabeen (waa siyaasiyiinta Koofureede) inay awooddii dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka isku gooni yeelaan,  waxa laga dhaxlanay ay noqotay inay reer waqooyi dareemaan ballan ka bax, naceeb iyo cadowtinimo.

Dowladdii ugu horreysay oo Cabdirashiid Cali Sharmarke uu Ra’iisal wasaaraha ka noqday 1960kii, Cigaal waxa laga siiyey wasiirka gaashaandhigga, halkii uu isagu noqon lahaa wasiirka kowaad,  mar haddii madaxweynuhu uu noqday Adan Cadde oo reer Koofur ah. Waa xaqiijin aan xaqiijineynno,  haddaan reer Koofur nahay in bilowgiiba caddaal-darro lagu soo dhoweeyey Walaalaha waqooyi, looguna dambeysiiyey xasuuqqii 80kii ee boqolaalka kun lagu barakiciyey qaarna lagu laayey,  wallow nadaam loo wada shaqeynayey uu dhibtaa geystay, qolo ka nabad gashayna ay nadir aheyd.

Hadda oo waqooyigii asaaska midnimada qotomisay uu goosi ku dhawaaqday, Koofurta jahwareerka siyaasadeed ka bixi  la’a maxaa la gudboon,  goosiguse ma yahay jawaabtii looga falceli lahaa dhibkii dhacay?

Koofuri, runtii hadda waa meel aafeysan oo xanuun badani yaal, si ay uga dabbaalatana illaa hadda maaha wax muuqda oo weli kumey  ku guuleysan inay fahamto in dagaal wax dhaamaa ay jiraan oo wadahadal iyo isu tanaasul la yiraahdo. Waxa ku uruuray  kooxo silica ummaddooda ku naaxa, mansab iyo xoolo uruursina la miir-beelay.

Siyaasiga Koofureed ee aan aragnnay intii xukunkii Siyaad Barre meesha ka baxay,  waa mid xadadkii diineed, dadeed iyo caqliyeedba gudbay oo aand heleynba ereyo aad ku sifeyso xajmiga xumaanta uu faraha kula jiro. Maaha mid beer-naxa le oo ku baraarugsan mushkiladda hoos taal ee dhiig joojinta u baahan oo waxaabey la tahay nimcada uu ku jiro in lagu wada jiro. Waxay ka joogtaa, oo haddii rooti la waayey, maa doolsho lagu beddesho. Hadduuba halkaa ku joogsan lahaa miyaan ciil qabi lahaa, waxa looga tag la’yahay xuddudihii dhuleed iyo badeed ee ALLE qeybka  noo siiyey inuu cadow u gacan geliyo, sahalnna qallinka u saaro heshiisyo gurracan oo lagu banneysanayo kheyraadka shacabkan aan is-difaaci Karin.

Waxa lagu duubaa afkaar iyo mabaadii aan la falgeli Karin diinta iyo dhaqanka suuban ee ummadda, markaasuu la dhex yimaadaa umaad qaarka dambe naftii ka baxday oo iil qarka u taal oo aan xataa awoodin inay wax maqasho, aqbal iyo diidmo waaba meeshoodee.  Labada  maamul ee Muqdishu iyo Garoowe ayaa hadda sheegta hoggaaminta shucuubta koofureed  ee sii dabar-go’eysa, labaduna dabka ma kal qaataan oo waxay hanti iyo juhdi badan ku bixiyaan sidii uu mid waliba dhinaciisa u soo marin lahaa Yuweeri Musafini, Meles iyo hadda oo uu nagu soo biiray kuwetaha Tansaaniya oo uu Shariifku kaba dhamaan la’ayhay, si midba ka kale uga takhaluso.  Waa maamullo kuraasta uun buuxiya, welina u hamuun qaba inay sii heystaan awoodda.

Waxay tebeysaa hoggaan cusub oo kulan-sada  awood hoggaamineed oo argti fog le iyo mid xigmadeed oo kala miirta mushkiladaha  isku milma sida ta aan hadda dhex naallo. Waddani ah oo aan dadka iyo dalkaba waxaba dhaafsan, leh biseyl siyaasadeed iyo deganaasho nafeed oo u babac dhegta shirqoollada, munaafaqadda iyo dhagaraha siyaasadeed ee dunidu noo maleegto, haddana diblomaasi ah oo aan iclaamin dagaal uusan u diyaar-garoobin.

Waa hubaa in rag sifahaa le laga heli karo koofurta , in darka siyaasadda la keenana waa waajib saaran wax garadka Koofureed ugu dambeyn doorashooyinka soo fuul leh , si looga hortago kuwa hadda joogaa inayan waqti dambe naga sii lumin. Ka Alle u calfo ee yimaada waxa uu heli karaa fursaddii Cigaal ee 1960kii,  oo isagoo Ra’iisal wasaare dal xora ah uu calankii geeyey Koofur si loo midoobo.

Waa geessinimadaa  siyaasadeed ta looga fadhiyo Koofur oo haddii Cigaal shalay dhisay, koofur waa inay maanta kabtaa jabkii gaaray midnimada, ugana tanaasushaa Waqooyi hoggaaminta qaranka.  Waa go’aankii ay qaateen rag ay ka mid yihiin Anwar Saadaat iyo Nelson Mandela, kuna badbaadiyeen dalalkooda iyo shucuubtooda. Koofureey kubaddu dhinacaagey jirtaa maanta, saad u laaddo la arki doonee. Waa tallaabo isku mar xallili laheyd jahwareerka siyaasadeed ee koofurta iyo goosiga Waqooyi.

Su’aasha qeybteeda labaad ee ah: Goosigu ma yahay jawaabtii looga falcelin lahaa wixii dhacay. Waxa is-leeyahay in laga jawaabo  waxay u baahan tahay qormo gaara iskeed  u taagan in laga sameeyo, laakin haddaan si kooban uga jawaabo;  waa “MAYA”,  maxaa yeelay haddaan doonayo inaan sacabadeyda biyo uga dhergo, sida kaliye ee ay biyaha iigu soo qaadi karaan waxay tahay, anoo iyaga kulmiya, laakin haddaan kala qaado miyo soo qaadi mayaan, harraadkuna Iga go’i mayo.

Waxan walaalaha waqooyi ugu hambalyeynayaa nabadgelyada iyo horumarka ay xaqiijiyeen, laakin waxan hubaa inay adagtahay in la jebiyo derbiga ku gudban in la goosto, aqoonsina la helo, taana ay walaalaha waqooyi xaqiiqadeedii taabteen, marka wax lagu qaato xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqaale ee gudaha iyo dibadda. Waxa haseyeeshee , waxa wax lagu farxa ah siyaassada furfuran ee mudane Siilaanyo oo runtii aad uga hormarsan tii aadka u qallafsaneyd ee Riyaale oo gaartey inay nin Aabahii ku dhintay Hargeysa loo diido inuu asakiisa ka qeyb galo, sababna looga dhigo wasiiraad ka tahay Koofur (Maxamed Cabdullahi Omaar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda).

Waxan hubaa inay soo jilceyso shucuurtii kacsaneyd ee koofur-diidka aheyd oo waxaaba mar dembi ka aheyd waqooyiga in xataa taageero la siiyo walaalaha ku dhibaateysan koofurta, maantana waxa Alle mahaddiiye in 15kii bishan  xukuumadda Siilaanyo ay go’aamisay in gargaar la siiyo dadka ku dhibaateysan koofurta  Somaaliya.

Shacabka waqooyi in badan oo ka mid ahi, waxay su’aal geliyaan goosashada oo runtii aad aad uga arkeyso meelaha bulshadu kaga dooddo arrimaha goosiga ku saabsan. Ma filayo in wax midnimo lagu waayey kala tagsanaan lagu heli karo, Somaaliyina waa ul iyo diirkeed, midnimadu ay deeqdo. 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.