Home » Warar »

Warbixin dheer oo ku saabsan Booqashiidii Madaxweyne Ismaaciil

Waxaa Booqasho lama filaan ah ku yimid Magaaladda Muqdisho Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele waxaa Madaxweynaha ku wehliya safarkiisa Madax ka tirsan Dowladiisa , waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Ismaaciil Cumar Geella ayaa waxaa uu u yimid Soomaaliya si uu ugu eegi lahaa Xaaladda Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan yihiin gaar ahaan dadka ay saameeysey Abaarta iyo Dagaalada , wuxuuna  Ismaaciil Cumar Geele inta uu joogo Magaalada Muqdisho uu kulamo la qaatey Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Raiisul Wasaaraha Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan , waxayan Madaxda Sare ee Dowladda warbxin ka siiyeen Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan xaalada dadka ay saameeysey Abaarta iyo Dagaalada.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelel ayaa maalmo ka soo hor marey Raiisul Wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib  oo lagu wado in maalinta Khamiista uu soo gaaro magaaladda Muqdisho , wuxuuna Madaxweyana Jabuuti  uu ka cararayaa in la yiraahd isagoo dadkiisa ay walaalo yihiin dadka soomaaliyeed ayuusan tagin Soomaaliya waana mida soo dedejisey in uu dhaqso u soo gaaro Magaalada Muqdisho

 

Ismaaciil ayaa doonaya in beesha Caalamka u ku soo jeediyo Xaaladda Soomaaliya ka dib markii dadka soomaaliyeed ay isagu darsameen Abaar , Colaad iyo Cuduro iyadoo inta uu joogo uu kulama  la yeelana doonaa Qayabaha kala duwan er Bulshada  waana Booqashadii uhu horeysey ee Madaxweyanah jabuuti uu ku yimado Soomaaiya tan iyo markii ay ay burburtey Dowladii dhexe.

 

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo kormeerey Xerada Badbaado oo ay ku jiraan Kumaan Qoys oo ka soo barakacay Abaarta,isagoo halkaa ku soo arkey dad aad u tabaaleysan oo  baahan Gargaar , wuxuuna ugu baaqey Caalamka in deg deg wax loo soo gaarsiiyo dadkaas.

Wuxuu kaloo uu booqdey isbitaalka Caruurta iyo Haweenka isagoo Madaxweynaha halkaa ugu tagey Caruur ay heyso Nafaqadarro aad u baahsan, wuxuuna Ismaaciil Isbitaalka gaarsiiyey Deeq Dawo ah oo uu sheegey in ay u badan kuwa Nafaqadarada oo Xaddigeedu dhan yahay 17 Tan iyo Daawooyin kale oo dhan 13 Tan

 

Madaxweynaha  mar uu Saxaafadda la Hadley wuxuu afka ku balaariyey in Dowladda Jabuuti ay soomaaliya u soo direyso Ciidamo Nabad Ilaalin oo Soomaaliya ku soo celiya nidaamkii iyo kala dambeyntii,waxaana Madaxweynaha iyo iyo Wafdigiisa dib ugu laabteen dalka jabuuti.

 

Dadka Soomaaliyeed ayaa ku xasuusta dalkaas sadex shir dib u heshiisiineed oo ay martigelisey Dowladiisa waxayna dadka qaar ay leeyhiin Booqashada Madaxweynaha Jabuuti mar hore ayaa loo baahnaa maadaama dalal aan walaalo ahayn ay Madaxdooda soo gaareen sida Madaxeynaha Uganada Musafini iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Meless Sanawi.wxayna Madaxdaan yimaadeen xilli ka adag xiliga haatan lagu jira waxaana Xarunta Madaxtooyada ku hoobanayey Madaafiic daran

 

“Xiligii 1992 oo ah xili ay Soomaaliya isku biirsadeen Abaaro iyo Dagaalo ayaa waxaa Soomaaliya yimid Madax ka tirsan Beesha Caalamka waagaas Madaxdii Jabuuti ma soo gaarin Soomaaliya waxay ahayd in xiligaa iyo Xilyo kale in madaxda Jabuuti yimaadaan Soomaaliya hase yeeshee Shacabka Soomaaliyeed marnaba ma iloobi doonaan Shirarkii Dib u heshiisiineed ee ay u qabteen Soomaaliya taana ayaa nooga wanaagsan Booqasho lagu yimaado Soomaaliya marka Abaalkaas waa mid aysan maskaxdeenna ka go’i doonin”ayuu yiri Nin Odey ah oo ku so baraarugey Booqshada lama filaanka ee Ismacaiil Cumar Geelle uu ku yimid Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo uu hogaaminayo ayaa u  amababaxay goor dhow Dalka Turkiga wuxuuna halkaa  u tagey sidii Madaxweyne sheikh Shariif dalka ugu soo hagaamin lahaa Raiisul Wasaaraha Turkiga oo la filayo in maalinta khamiiista  uu soo gaaro Magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo Xaaladda daka Soomaaliyeed ee Abaaraha saameeyeen , waxaana Magaalada Muqdisho ka  socda  qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Raiisul Wasaaraha Turkiga.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail      amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail    amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warbixin dheer oo ku saabsan Booqashiidii Madaxweyne Ismaaciil "

  1. ugaaso says:

    Beesha Caalamku Haday dhamaantood u soo gurmato dadka ku dhibaataysan Soomaaliya oo hadhawna suuqyada lagu arko raashinkii caawimada oo la iibinayo miyaanay ayaan daro ahayn in umadihii ka argagaxaan dhibka soomaaliyeed,kuwii u ehel ahaana ay dhacaan.