Home » Faallo »

Sideen U Fahamnaa Quraanka? Q: 14aad

Suurada 43aad Az-Zukhruf:

Suuradaan waxaa Loogu Magac daray Az-Zukhruf oo Macnaheedu yahay (Dhaldhalaal) maadama ay Suurada Aduunyada iyo Raaxada Dhax taala ku Shabahday Dhaldhalaal Been ah oo lagu Dagmo.
Suurada Makiyah marka laga Reebo Aayada 54aad, Ayadaheeduna waa 88 Ayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Fussilat ka Dib, Juz ahaana waxa ay ku Beegan tahay Bartamaha Juzka 25aad.


Macnaha Guud ee Suurada Az-Zukhruf:

Suuradan waxa ay kula mid tahay Suuradaha Makah ku soo Dagtay Manhajka, oo waxa ay ka hadashaa Arimaha Caqiidada sida, In la Rumeeyo kalinimada Alle (Cw),Rumeynta Risaalada Nabi Muxamad iyo Soobixinta iyo Abaal marka Maalinta Qiyaame.

Suurada 44aad Ad-Dukhaan:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Ad-Dukhaan, oo Macnaheedu yahay (Qaac) si ay Xasuus ugu Noqoto Abaartii ku Dhufatay Mushrikiintii Makah ee ka Dhalatay Beenintii ay Nabiga Beeniyeen, ka Dibna waxaa dantu ku Qasabtay in ay Rasuulka (Scw) u tagaan oo yiraahdaan Alle (Cw) noo bari si Abaartan nooga Kacdo, markii uu Allaah (Cw) Baryayna waa laga Dulqaaday Abaartii Walow aysan ku waansamin.

Suurada waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 59 Ayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Az-Zukhruf ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Juzka 25aad Qeybta Bartamaha ka dib ah.

Macnaha Guud ee Suurada Ad-Dukhaan:

Suuradan waxa ay la Mid tahay Kuwii ka Horeyay Xaga Manhajka, Suurada waxa ay Xoogaa Saartaa Qaar ka mid ah Calaamadaha la arki Doono Marka Saacada Qiyaamaha Dhici Doonto, waxaana Suurada u Goodisay kuwii Abaarta Alle uu ka Dul Qaaday Markii uu Nabiga Alaah u Baryay ee hadana beeniyay Nabiga Suuban, waxaana la leeyahay waxaa la gaari Doono maalinta Qiyaame oo Abaal markiina aad heli Doontaan.

Suurada 46aad Al-Jaathiyah:

Suuradaan waxa ay Xasuusin u tahay Magceeda Xaalad Adag oo Qabsan Doonta dadka Marka la gaaro Maalinta Qiyaamaha, Maalinkaas Quraanka waxaa uu ku Tilmaamay in Xaalado Badan la mari Doono Magacyo Badana waa uu u Bixiyay marka loo Fiiriyo Xalaadaha ka jira Badnidooda Darteed.

Suuradan Al-Jaathiyah waa Makiyah marka laga Reebo Aayada 14aad, Aayadaheeduna Tiro ahaan waa 37 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Ad-Dukhaan ka dib, Musxafka waxa ay Suuradaan kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 25aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Jaathiyah:

Suuradaan waxa ay si Baahsan uga Hadahashaa Caqiidada Islaamka, sida Iimaanka Alle Kalinimadiisa, Rumeynta Nabiga Suuban Risaaladiisa in ay tahay tii Risaalooyinka ugu Dambeysay iyo Rumeynta Maalinata Qiyaamaha, waxa ayna Suurada Xujooyin iyo Daliilo Cadcad u keentaa Alle (Cw) kaliya inuu Cibaada Xaq u leeyahay.

Suurada 46aad Al-Axqaaf:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Axqaaf oo ah deegaan ku yaalay dhulka Yaman oo ay ku Noolaan jireen Reer Caad oo ahaa Qoomkii loo soo Diray Nabi Huud si ay Xasuusin u ahaato Cadaabkii ku Dhacay Reer Caad Markii ay Kibir iyo Isla weynin kala Horyimaadeen Nabigoodii.

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha Nambarkoodu kala yahay 10, 15, 35, Tirada Aayadaheeduna waa 35 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Jaathiyah ka dib, waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 25aad iyo Bilooga Juzka 26aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Axqaaf:

Suuradan waxa ay Guud ahaan ka Hadashaa ASalada Diinta Islaamka sida Toowxiidka, Rumeynta Risaalada Rabi (Cw) iyo Soo Bixinta Geerida ka dib ah Maalinta Qiyaame.

Suurada 47aad Muxamad:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Muhammad, Maadaama Aayada ugu Dambeysa ku Xusan tahay Magaca Nabi Muxamad (Scw).

Waxaana Xasuusin mudan Magaca Nabi Muxamad Quraanka waxaa uu ku soo Arooray 4 jeer, halka Nabiyada kale Magacyadooda iyo Amaantoodu uu Xusay Marar Fara Badan, arintaas oo Tuseysa in Quraankan uusan aheyn wax uu Nabiga Naf ahaantiisa Alifay, waayo waxaa sahlan qof Haduuba Amaanayo Dad inuu Isaga Aamaantiisa ugu Badiyo kana Bilaabo Amaantiisa mid kasta ka hor.

Suuradan waa Madaniyah marka laga Rebo Aayada 13aad taasoo kusoo Dagatay Wadada u dhaxeysa Makah iyo Madiinah intii lagu jiray Socodkii Hirada , Aayadaheeduna waa 38 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-xadiid ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 25aad.

Macnaha Guud ee Suurada Muhammad:

Suuradan Maadaama ay madiina ku soo Dagatay waxa ay ka hadhashaa Sharciga Arimaha Quseeya sida Sharciyada dagaalka, ku Maxaabiista, Xoolaha dagaalka lagu Furto iyo Dhaqanka Munaafiqiinta si ay Muslimiinta uga Digtoonaadaan Dhagartooda, suurada waxaa la dhihi karaa Guud ahaan waxa ay Xooga si gaar ah u Saartaa Jihaadka Diinta Alle dartiis loo Jihaado.

Suurada 48aad Al-Fatxi:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Fatxi, taasoo aheyd Bishaaro Muslimiinta ku socotay taasoo ugusii Bishaareyneysay Guul ay Muslimiinta Magaalada Makah ku Furan Doonaan intii aysan furan.

Suuradan waxa ay kusoo Dagatay Magaalada Madiina, Cadadka aayadaheedu waa 29 aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Jumcah ka dib xili Muslimiinta ay kasoo laabteen Xudeybiyah mesha loo yaqaanay markii laga Hor istagay in ay Cimreestaan.

Macnaha Guud ee Suurada Al-fatxi:

Suuradaan waxaa ay soo Qaadaa Macaha Guud arimahan soo socda:

1-    Heshiiskii Muslimiinta la galeen Mushrikiintii Qureysh ka ee ahaa inay Dib u laabtaan soona Cimreestaan sanadka dambe.

2-    Waxay kaloo Suuradan soo Qaaday Balan ay Muslimiinta si gaar ah Nabiga la galeen ayagoo hoos joogay Geed weyn hoostiisa, taasoo oo loo Yaqaan Beycatul-Ridwaan

3-    Waxay kaloo wax ka tilmaantaa Munaafiqiintii Acraabta ahaa eek a haray Duulaamadii Nabiga uu la galay Mushrikiinta, ayadoo lagu tilmaamay dhaqanka lagu garto Munaafiqiinta si loo Ogaado Dhabtooda.

4-    Waxay kaloo Suuradan Xustaa Riyadii Bishaarada aheyd ee uu ku Riyooday Nabiga Suuban, taasoo ku Bishaareysay Furashada makah.

5-    Waxaa ayna Suuradan Tilmaantaa Xormada Dhiiga Muslinka leeyahay waayo waxaa Muslimiinta laga horjoogsaday in ay caro darted Dagaal ku qaadaan Magaalada Makah Mushrikiintii joogtay ayadoo la Dhowrayo Muslimiin Iimaankooda qarsanayay oo joogay Makah darteed si aan Dhibaato loo gaarsiin, waxaana Muslimiinta loo sheegay sababta saas loo yeelayna ina tahay si aysan Dembi weyn u Galabsan ayagoon is ogeyn, hadii aysan Muslimiin Qarson ku Dhex jirin Allaah Ruqsad ayuu u siin lahaa Maalintaas in la weeraro Reer Makah, waxaa uuna Allaah Sheegay Gaalada hadey gaar u Soocmi lahaayeen in Cadaab daran uu ku gaari Gacmaha Musliinta, .. marka Maanta waxaase Murago leh in Caalamka waayahan ay ka dhacaan Dagaalo aan lagu Dhoerix Xormada Dhiiga Muslimka, ayadoo Muhiimada iyo Yoolkaba laga Dhigatay in Cadawga wax la gaarsiiyo, hadana waxaa si Toos ahiyo si dadbanba lagu Tuntaa Xuquuqada Musliinta lana Xalaashadaa Dhiigooda, sax ma aha hadii koox ama Ruux Yoolka uu leeyahay Saxan yahay inuu Xalaashado wada kasta oo uu ku gaaro Yoolkaaswaxaase Shardi ah Yoolka inuu Saxnaado marka hore, marka labaadna Wadada lagu gaarayo Saxnaato.

6-    Suuradan waxaa lagu soo gababaeeyay Amaan weyn oo la amaanay Nabiga Suuban iyo Mu’miniintaba, ayadoo uu Allaah u balan qaday Dembi Dhaaf inay leeyihiin.


Fadliga Suurad Al-Fatxi:

Suuradaan waxaa Fadli ugu Filan in ay soo dagatay si ay ugu Bishaareyso Muslimiinta oo aad uga Muragsanaa in laga hor joogsaday Cimradii Xudeybiyah, Suuradan waxa ay Muslimiinta Laabta ugu qaboojisay Heshiiskii ay lagaleen Mushrikiintii reer Makah inuu Miro Dhali Doono oo Maslaxad Muslimiinta ugu jirto, Sababna u Noqon Doono in ay Makah Furtaan, waloow Heshiiska u muuqday inuu Dan iyo Maslaxad gaar ah u yahay Mushrikiinta Makah Joogtay Markaas, arintaas oo Muujineysa in ay Shareecada Islaamka ku Banaan tahay in Muslimiita ay Cadaw weliba wax isbidiyah Heshiis lal dhigan karaan hadii dan loo arko.

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.