Home » Warar »

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo Booqasho lama Filaan ah ku yimid Magaaladda Muqdsiho

Waa Goor dhow Garoonka Diyaaeadaha ee Magaaladda Muqdisho soo gaarey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar GeEle waxaa Madaxweynaha ku wehliya safarkiisa Madax ka tirsan Dowladiisa , waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweyanah Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Ismaaciil Cumar Geella ayaa waxaa uu u yimid Soomaaliya si uu ugu eegi lahaa Xaaladda Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan yihiin gaar ahaan dadka ay saameeysey Abaarta iyo Dagaalada , wuxuuma Ismaaciil Cumar Geele inta uu joogo Magaalada Muqdisho uu kulama la yeelan doonaa Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo isagoo soo booqan doono Xeryaha ay k jiraan dadka ka soo cararey Abaarta

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelel ayaa maalmo ka soo hor marey Raiisul Wasaaraha dalka Turkiga rajab Dayib oo lagu wado in maalinta Khamiista uu soo gaaro magaaladda Muqdisho , wuxuuna Madaxweyana Jabuuti uu ka cararayaa in la yiraahd isagoo dadkiisa ay walaalo yihiin dadka soomaaliyeed ayuusan tagin Soomaaliya waana mida soo dedejisey in uu dhaqso u soo gaaro Magalada Muqdisho

Ismaciil ayaA doonaya in beesha Caalamka u ku soo jeediyo Xaaladda Soomaaliya ka dib markii dadka soomaaliyeed ay isagu darsameen Abaar , Colaad iyo Cuduro iyadoo inta uu joogo uu kulama la yeelana doonaa Qayabaha kala duwan er Bulshada waana Booqashadii uhu horeysey ee Madaxweyanah jabuuti uu ku yimado Soomaaiya tan iyo markii ay ay burburtey Dowladii dhexe hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ayaa ku xasuusta dalkaas sadex shir dib u heshiisiineed oo ay martigelisey Dowladiisa waxayna dadka qaar ay leeyhiin Booqashada Madaxweynaha Jabuuti mar hore ayaa loo baahnaa maadaa dalal aan walaalo ahayn ay Madaxdooda soo gaareen sida Madaxeynaha Uganada Musafini iyo Rasiiusl Wasaaraha Itoobiya Meless Sanawi hadaba wixii ku soo kordha Booqashada Madaxaweyna Jabuuti dib ayaa idin soo gudbin doonaa.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo Booqasho lama Filaan ah ku yimid Magaaladda Muqdsiho "

  1. Adam says:

    Wuu yimid waana noqday , waxbana iskama badalayaan dhibaatada jirta , dadkii badali lahaa ayaa isku haysta deeqaha laga soo aruuriyo dadka dalalkooda dhistay , Imaanshaha Geele waxaan anigu qabaa inay tahay HInaase markuu Rajab Dayib Ordagan yiri xamar ayaan aadayaa . Booqashooyinkaan wax nooma tarayaan ee inaan isku tashano oo aan xoogga iyo maskaxda ilaahay na siiyay aan ugu yaraan isaga badalno 550 xildhibaan waxay gooyaana aysan jirin kaliya u qaylin yaqaana jeeebkooda

  2. Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele waa uu ku mahadsanyahay booqoshada lama filaanka ah ee uu ku yimid Muqdishu. shacabka Soomaliyeed marnaba ma iloobayo hadalada aad ku oran jirtay sida ” Soomaliyeey dhulkiina ilaashada” mahadsanid Madaxwayne Ismaciil .