Home » Warar »

Wararkii ugu dambeeyey Xaaladda Magaalada Muqdisho

Iyadoo maalmo ka hor Xoogagii Xarakada Al-Shabaab ay ka baxeen Goobo ku yaal Magaalada Muqdisho ayaa dadka qaar waxay ku tilmaameen ka bixtaankaas mid aan wax ka badaleyn Xaaladdii Cakirneyd ee Magaalada Muqdisho ilaa hadda Ma muuqdaan ifafaalo ay dadka ugu soo laabanayaan Guryahoodii qaarkood waxay sheegeen in xaaladda ay haatan taagan Xiligii ay joogeen Ciidamadii Itoobiya.

Dad baa damcay inay ku saa laabtaan Guryahoodii hase yeeshee markii ay maqleen in ay bilowdeen dagaalo Ku dhufo oo ka dhaqaaq  ah oo ah nooc jabhadeyn ah oo keeni karta in Goobo fara badan oo ku yaal Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan Dagaalo aan dhamaad lahayn iyadoo Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada aysan weli gacanta ku wada dhigin Guud ahaan Magaaladda Muqdisho.

Abaanduulaha Ciidamada  Dowladda FKMG Cabdikarim Dhaga badan oo saxaafadda la hadlayey ayaa sheegey in xarakada al shabaab ay qorsheysey in Muqdisho Dagaalo ka sii wadaan  isagoo sheegey inay adeegsan doonaan Ciidamo aad u yar kuwaas oo Dagaalo jabhadeynah ka bilaabi doona Magaalada Muqdisho wxuuna Ciidamada Dowlada ugu baaqey in ay muujiyaan taxadar Dheeraad ah.

Ciidamada Amisom ayaa waxay ku eg yihiin Garoonkii Istaadiyam Muqdisho iyadoo Qaar ka mid ah Ciidamadii Xarakada Alshabaab ay dagaalo goos goos ah ay ka wadaan deegaano ku dhow Garoonka Ciyaaraha waxayna dagaaladaas u eg yihiin  ku dhufo oo ka dhaqaaq  sidoo kale waxaa soo xoogeystey  Minooyinkii la dhigi jirey iyo Bambooyinkii lagu tuuri jirey  Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom.

Weli waxaa xiran waddooyikii ku xirmey Dagaaladdii hore u dhexmarey Xarakadda Alshabaab  Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyadoo weli Bulshada Muqdisho ay dhowr jeer Dowladda Federaalka ay ka codsadeen in Deg deg loo furo wadooyin  iyo weliba Suuqyada waaweyn  sida Bakaaraha iyo Suuq Bacaad   hase yeehee dadka Muqdisho ayaa is weydiinaya halka ay dowladda Federaalka ka keeni doonto Ciidamo fara badan oo guud ahaan la wareega  Magaalada Muqdisho iyo sida loo  Maareeyn doono falalka ay marar qaar ay kula kacaan Bulshada .

Dowladda Uganda ayaa waxay Qaramada Midoobey ka codsatey in la soo kordhiyo Ciidamada Midowga ee ku sugan Magaalada Muqdisho si ay u kala gaaraan guud ahaan Magaalada Muqdisho  sidoo kale Dowladda Uganda ayaa ka walwelsan sida Ciidamada Dowladda ula wareegi doonaan goobo ku yaal Magaalada Muqdisho oo ay ugu horeeyaan Suuqyada Magaalada  sidoo kale Dowlada Uganda ayaa walwal ka muujisey Ciidamadii Xarakadda Alshabaab oo dowladda Uganda sheegtey inay ku dhex milmeen Shacabka .

Ciidamadii Amisom ee Saldhiga weyn ku lahaa Hotelkii Hore ee Jubba ayaa halkaas isaga guurey iyagoo u dhaqaaqey Goobihii ay ka baxeen Ciidamadii Xarakadda Alshabaab  waxaana saldhigaas ku soo qamaamey shacab fara badan kuwaas oo bililiqeysey Agabkii ay ka Tageen Ciidamada Amisom dadka qaar baa ku micneeyey in ka bixitaankaas saldhigaas weyn ay tahay ka dib markii Ciidamada Amisom ay waayeen Ciidamo kale oo looga tago Saldhigaas maadamaada Ciidamada  Amisom ay tiradooda  ka yar tahay 10 Kun Askari  waxayna dadka Soomaaliyeed ay Xasuusan yihiin 30 kii kun ee Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Soomaaliya ay ku adkaatey in ay soo celiyaan Amaankii iyo kala Dambeyntii

Gabagabadii haddii aysan wax ka bedelin qaabka ay u shaqeyaan Ciidamada Dowlada waxay u ekaaneysaa mid la mid ah Dowladii Cabdulaahi Yuusuf oo iyagu dib ugu laabtey Shacabka ayna baahdey dhaca iyo Dilka dadka Rayidka waana midda soo dedejisey in Xilka laga qaado Cabdulaahi hase yeeshe Dowladda Federaalka ayaa looga fadhiyaa waxa ay la timaado maalmaha soo socda iyo qaabka ay u maareyso Amaanka Magaalada Muqdisho.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Wararkii ugu dambeeyey Xaaladda Magaalada Muqdisho "

  1. asc walaalayaal umada somliyeed waxaan idin leeyahay marka ramadaan kariim. intaaskadib waxaan soo jeedinayaa mar ahadii laga adkaaday kooxdii alshabaab, dawladu horay ha usocoto oo ha wajhdo hawlaha hor yaala sidii amniga guud ahaan wadanka lagu sugi lahaa, dawladu waa in ay isticmaashaa ciidamadeeda somaliya tabarna ugu furtaa sida ugu dhaqsaha badan ciidamaduna waa in ay ka kala yimaadaan dhamaan qaybaha somliya oo dhan. NB: fadlan shacabka somaliyed awaxaan idin leeyahay iska jira xiligaan Qabablihii, Qabyaaladii iyo Qabiilkii. haloo istaago qaranimo iyo wadananimo jaaniskaana hada lahaystana halaga faa’idaysto wabilaahi towfiiq.

  2. muqdisho is nice!! Fadlan TFGda waxan leeyahay si daganaana u wada howsha ammaanka Dagmooyinka..oo shacabka hacaburinina haddii kale ayagaaba hubqaadanaya oo iska kiindifaacaya..