Home » Faallo »

HOWL ADUUN: london oo holceeysa iyo Muqdisho oo hurdeeysa…!!!

Dabkeeda ayaa baxaya magaalada London oo xaafado badan oo ka tirsani ay wehel u noqdeen dhac, bililiqo, cabsi iyo dembiyo abaabulan wax markii hore loo arkayay dibad bax caadi ah iyo rabshado madani ahaa oo ka bilowday woqooyiga magaalada.

Dukaamo iyo hoosooyin waawayn ayaa dab la qabadsiiyay, iyadoo meherado badanna farataysi loo gaystey tiiyoo aanay waxba soo kordhiyin joogista booliiska oo marba dhan u cayrsanaya dad dhalinyaro u badan oo ka goows haysta wax ay booliisku ku tiraabeen ‘DEMBIILAYAAL ABAABULAN’.

Rabshadahan ayaa sabtigii ka qarxay Tottenham oo ay isu soo bexeen dad ka dhiidhinayay nin ay booliisku toogteen balse iminka xaalku faraha ayuu ka baxay oo wuxuu gaarey xaafado kale sida Camden/Chalk Farm, Croydon, Ealing iyo meelo kale iyo xitaa magaaloyin kaba baxsan London sida Birmingham, Pristol, Manchester iyo Liverpool.

‘’Waxaan la yaabay in warfidiyeenka qaarkood aysan xitaa tegi Karin goobaha ay wax ka socdaan qaarkood iyagoo ka baqaya in kaamirooyinka laga dhoco’’ ayuu yiri mr. Salaad oo ah weriye Soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada London.

‘’Madaafic iyo rasaas unbaan la maqleeyne marka aad holaca iyo kala yaaca aragtid waxaad soo xusuusaneysaa Muqdisho’’ ayuuna daba dhigay Salaad oo dabcan tixraacayay magaalada Muqdisho oo habeennadan ku hoyaneysey deganaan aan caga badan ku taagneeyn.

Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron oo fasax ugu maqnaa Talyaaniga ayay khasab ku noqotay inuu fasixiisa soo gaabiyo oo uu dalka dib ugu soo laabto si uu kulan ula qaato wasiirka arimaha gudaha Theresa May iyo kusimaha taliyaha booliiska magaalooyinka Tim Godwin si uu xaallada ula socdo si saacad saacad ah.

Sida ay sheegayaan ciidamada Boliiska Scotland Yard waxaa lasoo qab qabtay 225 qofood oo 36 ka tirsan dembiyo lagu soo oogey iyadoo jidadka lasoo dhoobey booliiska rabshadaha la dagaalama oo kumanaan ah.

Halkan ka daawo London oo yeelatay muuqaalka casriyadii dhexe (Middle Times)…

‘’Dadkii caadiga ahaa noloshoodii waxaa warac gediyay oo madaxooda mijo ka dhigey tuugo aan maan lahayn’’ ayuu yiri Christine Jones oo ah taliye ka tirsan Booliiska oo intaa raaciyay in waxa socda aan sina loogu qiil sameeyn kareeynin.

Rabshadahan ayaa salka kacay kadib dilkii ay booliisku u gaysteen Mark Duggan oo ay ku toogteen Ferry Lane oo ka tirsan Tottenham balse iminka waxaa la leeyahay ‘‘OOHINTU ORGIGA KA WAYN’’ oo waxaa rabshadaha ka faa’iideysanaya qaybo sedexaad.

Magaalada London aya yeelatay muuqaalka mandiqad dagaal (War Zone) iyadoo ay dadka qaarkii soo xusuusteen waayihii uu socdey dagaalkii 2-aad ee dunida oo ay magaalada dambaska ka dhigi jireen weeraradii dhanka cirka ahaa ee kaga iman jirey taliskii naazigii Jarmanka.

Waxaa Isku Duwey:-Maxamed Xaaji Xaaji Xuseen Raage

Boosto-koronto;- Email: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " HOWL ADUUN: london oo holceeysa iyo Muqdisho oo hurdeeysa…!!! "

  1. runsheeg says:

    god sireed ha qodin ku dhici doonntid ma ogide, aduun waxay soo jijibiyeen maanta gurigooda ayaa biyo ugu soo galay.