Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 8aad

Suurada 14aad Ibraahiim:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Aabihii Nabiyada Ibraahiim, si ay u waarto Xusuustii Taariikhdii Nabi Ibraahiim markii uu Asagoo Dhalin yaro ah u Istaagay Qoomkiisa oo Gaalo Mushrikiin ah ahaa inuu ugu yeero Toowxiidka, markii ay ku madax adkaadeena Gacanta u Qaaday Sanamyadoodii, markii ay Su’aaleena ku yiri Bal kan ugu weyn Su’aala haduu idiin sheegi karo, Markii ay ogaadeen inuusan Jawaabeena waxey Talo ku Goosteen in ay Gubaan si ay ugu Gargaaraan Sanamyadooda, taasna Alle (Cw) ayaa ka Badbaadiyay oo Dabkii Dhexdiisa ku Nabad Galiyay Nabigiisii Ibraahiim, kadib Markii uu Allaah (Cw) ku Amray Dabkii inuu noqdo Ibraahiim Qobow iyo Nabad.

Suuradaana waxa ku jira Ducadii Dhaxal galka aheyd ee uu Nabi Ibraahiim ku Duceeyay markii uu Reerkiisii Dajiyay Dhul Banaanaa Markaas oo hada ah Magaalada Makah Halka ay ku taal, Ducadaas oo Raadkeedii Muuqdo ilaa Maantadan.

Macnaha Guud ee Suurada Ibraahiim:
Suuradan waxey soo dagatay 10 Sano Magaalada Makah la joogay, marka laga reebo Aayadaha kala ah:(28, 29) kuwaasoo soo Dagtay Hijradii Madiina ka dib, tiro ahaan Aayadeedu waa 52 Aayadood, awxa ayna ku Bilaabataa Xuruuf Go’go’an, waxa ayna Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 13aad Dhamaadkiisa.
Suuradaan waxey aad uga Hadashaa Tiirarka Iimaanka sadax ka mid ah sida: Rumeynta Alle(Cw) Rumeynta Rususha iyo Soo Bixinta Geerida ka dib, si aad ahna waxa ay Xooga u Saartay Risaalada Nabi Muxamad (Scw) ayadoo soo Bandhigeysa dacawdii Nabiyada (Cs), waxeyna Cadeysay Suuradaan in Risaalooyinka Nabiyada oo dhan isku Mid ahaayeen, maxaa yeelay Nabiyada oo dhan Shaqada Koowaad ugu weyn Shaqadooda waxey aheyd in ay Caaqiidaa Towxiidka Aduunka ku Faafto, si ay Dadka uga Saaraan Mugdiga Shirkiga una Saaraan Iftiinka Tooowxiidka.

Suurada 15aad Al-Xijr:
Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Xijri so loo waariyo Xasuusta Cadaabkii ku Dhacay Reer Thamuud iyo Magaaladii ay daganaayeen oo la dhihi jiray Xijri, taaso aheyd Magaalo aad u weyn oo ku ooli jirtay inta u Dhaxeysa Magaalada Madiina iyo Dhulka Shaam loo Yaqaan.
Reer Thamuud waxey ahaayeen Qabiil Carabtii hore ah sidoo kalana Reer Caad oo aan kaga soo hadalnay Suurada Huud, Reer Thamuud waxey ku Caan baxeen in ay Buuraha Guryo ka Dhex Qortaan, waxeyna ahaayeen Dad aad Aduunka ugu Dadaala sidii ayagoo aan ka tageynin Weligood, Markii Nabi Saalax Diinka ugu yeerayna waa ay Beeniyeen, waxeyna iloobeen Nicmooyinka ay Heestaan in ay ka Helaan Alalaha loogu yeerayo, waxeyna Xujooyin iyo Cadeymi ka Dalbadeen Nabi Saalax, markii Mucjizadii Hashii ay ka Dalbadeen arkeena talo ku Goosteen in ay Dilaan Kibir Dartiis, taasoo keentay in Qeylo lagu Cadaabo oo ay Dhamaadaan marka laga Reebo koox yar oo Raacday Nabi Saalax.
Suuradaan waxey ka Mid tahay Kuwa magaalada makah ku soo Dagtay, marka laga Reebo Aayada 87aad, tiro ahaana Aayadaheedu waxey Gaarayaan 99 Aayadood, waxeyna soo Dagtay Suurada Yuusuf ka dib, Musxafkana waxey kaga Began tahay Juzka Biloowga Juzka 14aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xijr:
Suuradan waxaa ay Guud ahaan faahfaahin ka Bixisaa halaagii ku Dhacay kuwai Nabiyadii Horeeyay Beeniyay, sidaa darteed Suurada waxey ku Bilaabataa Handadaad iyo Digniino tusaya in kuwa Gaalnimada ku Dhinta ay Imaan Doonto Maalin (Qiyaamo) ay Tamaniyi Doonaan in ay Fiicnaan laheyd in ay Muslmiin ahaadaan (Aduunkii), waxeyna Suurada Tilmaameysaa in Nimco Walba oo Gaal heestaa Cadaab ka dambeeyn Doono.

Suurada 16aad An-Naxl:
Suuradaan waxaa loogu Madac daray Al-Naxli, oo Macno ahaan ah Shinida, si dadku u ogaadaan Cajabka ku Jira Uunka Alle (Cw) xataa haduu yahay mid sida Shinida oo kale u yar, maxaa yeelay Nooca ay Shinida u Abuuran tahay iyo Habka ay u Nooshahay, Habka ay Sameeyso Malabka iyo Habka ay u Nidaamsan tahay Nolosha Shinida intuba waa Daliil Cadeynaya in Alle kaliya koonka Maamulo, Asaga kaliyana inuu yahay Kan Caabudida Muteystay.

Suuradan waxa ay Soao Dagatay Intii Magaalada Makah la Joogay, marka laga Reaebo Aayadaha 126,127,128 kuwaa oo ah Aayado Magaalada Madiina kusoo Dagtay, tirada Aayadaheeduna waa 128 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al Kahaf ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Juzka Biloowga 14aad ilaa laga gaaro ku dhawaad Dhamaadka Juzkaas.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naxl:
Suuradaan waxey aad u Faahfaahisaa Caaqiidada arimha Quseeya, ayadoo u soo Bandhigeysa Hab ah in ay Dadka Dareensiiso in ay Dib u eegaan Koonka ku Hareyreeesan Sida: Cirka, Dhulka, Badaha, Xidigaha, Buuraha, Dhulka Siman ee Dadku Dagan yihiin,Roobka, Dhirta Dhulka kasoo Dhalata, Maraakiibta iyo Doomaha Badaha isaga Goosha kuwaasoo Xidigaha ka Dhigta Caalamadii ay Mugdiyada Badaha kaga Gudbi lahaayeen,..i.wm.
Suuradaan waxey Insaanka Caalamka ku nool ugu yeereysaa in ay Bal Dib u eegaan Hareertooda si ay u arkaan Muuqaalada Cad cad ee ka Hor Muuqda ee Tusaya Allaah (Cw) inuu yahay Hal kaliya Maadama aysan jirin Cid Koonkaas la Abuurtay, arintaan waxay Naqdin ku tahay kuwa Caabuda waxii hawadooda u Qurxiso ha ahaado Malag ama nabi Ciise ama Jini, maxaa yeelay Cibaadada waxaa Xaq u leh kan Abuuray Koonkaas weyn oo aysan Cidna la Sheegan karin Abuurkiisa.

Suurada 17aad Al-Israa:
Suuradan Al Israa waxaa loogu Magac daray Mucjizadii weyneed ee Nabi Muxamad lagu gaarka yeelay, Mucjizadii Nabiga Suuban lagu Dheelmiyay Habeen asagoo Joogay Makah lana Geeyay Qudus Masjidka ku yaala ee Al-Aqsaa, asagoo Halkaas kula Kualmay Nabiyo Badan salaadna ku Tushiyay, ka dibna waxaa la Korsiiyay Samooyinka, Mucjizadaan ayaa Alaah ugu il qaboojiyay naigiisa oo markaas ay Dhibaato gaarsiiyeen Mushrikiintii Magaalada Daaif daganeyd oo Dhagxaan la Dhacay markii uu Towxiidka ugu yeeray…
Suuradan waxey soo dagatay Xiligii Makah la Joogay, marka laga reebo Aaayadaha nambarkoodu yahay(26,32,33,57,73,74,75,76,77,78,79,80) oo ah Aayado Magaalada madiina kusoo Dagtay Hijradii ka dib, tiro ahaana Aayadaheedu waa 111 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suura Al-Qasas ka dib, waxeyna Suuradan ku Bilaabata Amaanta Allaah (Cw), Juz ahaana waxey Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 15aad Biloowgiisa ilaa laga gaaro Kaloo barka Juzkaas.

Waxaa kaloo Xasuusin mudan Suuradan in leedahay laba Magac oo kale mid waa banuu Israa’iil waxaan magacaas sheegay Saxaabiga la yiraah Ibnu Mascuud, magaca kalana waa Sheegay Mufasiriinta Qaar sida Ibnu Cadhiyah, waxaase Magaca ugu wanaagsan ah in la yiraahdo Al-Israa.


Macnaha Guud ee Suurada Al-Israa:
Suuradan Al Israa waxey Xooga Saarta Arimaha Caqiidada Quseeya sidaba Caadada u ah Dhamaan Suuradaha Magaalada Makah intii la Joogay Soo dagatay, laakiin suuradaan waxey si Gaar ah Xooga usii saartaa Shaqsiyada Nabi Muxamad (Scw) iyo Mucjizaadkii Allaah siiyay iyo Xujooyinkii Cadcadaa ee uu Mushrikiintii Quresh kala Hor tagay ee Tusayay Nabiga Nabi inuuu yahay.suradana waxey Dadka Muslimiinta ka Dhistaa Aadaabta Wanaagsan sida: Edebta ay tahay in Waalidka iyo Qaraabada lagula Dhaqmo, iyo Balanta la Dhowro, waxeyna Muslimiinta ka reebtaa Aadaab Xumida sida:Bakhiilnimada, ama Xoolo ku Dheelka, in Caruurta loo Dilo Gaajo ka Cabsi, waxey kaloo ka reebtaa Muslimiinta una Cadeysaa Khatarta Zinada leedahay iyo in Xoolaha Agoonta lagu Xad gudbo.
waxaana ay Biloowga Suurada tilmaantay in banuu Israa’iil kitaabdooda loogu Sheegay inay laba jeerba fasaadin doonan Dhulka ay Sababi doonaan Dhibaatooyin, hase ahaatee Allaah ayaa ugu goodiyay inuu ku saldi doono markaas Adoomo Alle oo Xoog iyo Tiraba leh oo Cagta marin doona si ay u hor Istaagaan Dhibaatooyinka ay geesanayaan, waxaana ay Suurada ugu Goodisay inaysan Dunida Dhibaato u sababin si aysan Ciqaab ula kulmin, hadii ay wanaag sameeyaana ay Naftooda Anfaceen hadii ay Dhibaato Geestaan ay Dhibaatada gaari doonta ayagana.

Fadliga Suurada Al-Israa:
Imaamu Tirmiidi waxuu Wariyaa in Hooyadii Muminiinta Caaisha ay tiri: {Nabiga Suuban (Scw) wuxuu ahaa inusan Seexan jirin Habeenkii ilaa uu ka aqriyo labada Suuradood ee Al-Zumar iyo Suurada banuu Israaiil (Israa)}.Xadiiskuna waa Xasiix.

W/Q: Calinuur Xoogsade.
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.