Home » Faallo »

Shareecadda iyo Al-shabaab (1) ?

Qore: Saahid mohamed yusuf –
Horudhac:

Waa Maqaallo Taxane ah insha lah oon ku eegi doono Shareecadda Islaamku iyo xiirirka ka dhaxeeya Al Shabaab, oo waayahan dadka Muslimiinta ah ka xigsaday Islaamkii.

Al-shabaab yaa Aasaasay ???

Shabaabka waxay ku abtirsadaan Ururka Al-Qaacidda sida ay sheegtaan.

Bartamihii Sagaashaneeyaddii waaggii uu Bin Ladin Wadanka Suudaan joogay ayuu la soo xariiray Ururkii Salafiyadda ee Alitixaad si ay Urur weynihii ALQaacidda uu markaas aasaasaayey ugu biiraan, se waxgaradkii Ururkaas ayaa arrinkaas ka gaabsaday.oo diiday.Wuxuu Bin ladin wacad ku maray in uu Dariishadda ka soo gali doono .(1)

Sida uu sheegay bayna noqotay oo wuxuu Afqanistaan ka helay Ibraahim Miicaad oo ahaa mid ka qeyb qaatay dagaaladdii Afqaan iyo Ruushka waana meesha uu kula baxay Ibraahim Afqaani ,iyo Mohamed Cabdi Godane oo asguna ahaa arday wax ka barta Pakistaan, kuwaas ayaa ugu horeeyey oo uu Bin ladin la saaxiibay, ayaguna waxay markii danbe soo shaqaaleysiiyeen Abuu Mansuur Rooboow iyo Adan Xaashi Ceyroow oo ayagu 2002-2003 soo tababartay Afqaanistaan sida ay labadooduba Qirteen.

Waxaa kaloo fikraddaas raacay madaxii Raaskaanboodhiyiinta Xasan Turki iyo Qaar kale.

Caqiidada AL-shabaab ????

Caqiidada Al-shabaab waxba kama duwana Caqiidada AL-salafiya guud ahaan ama Caqiidada Al-ictisaam, waxay aaminsan yihiin in lagu dhaqmo kitaabka iyo sunaha iyo awqaashii saxaabadii iyo salafkii suubanaa .

Sidoo kale waxaan dhihi karnaa waxay raacsan yihiin salafkii sida Shiikhul Islaam ibnu tiimiyah iyo Ardeygiisii Ibnu Qayim ,sidoo kale Sancaani iyo Shawkaani ama Ibnu Baaz iyo Ibnu Cuthaymiin iyo shiikh Albaani ama aan arrinka soomaaliyeeyo caqiidadii shiikh Nuuradiin Cali colow Allaah ha u naxariistee ama Shiikh Cumar Faaruuq Allaah ha u naxariistee, ama shariif C/nuur ama Shiikh Mohamed Qawi ama shiikh Umal iyo Shibile iyo kuwa kale oo fara badan oonan halkaan ku soo koobi karin.

Al-shabaab maxay ku Qaldan yihiin ????

Waayihii laga soo noqday dagaalkii shuuciyadda iyo Reer Afqaanistaan oo ay Mujaahidiintii Guuleysteen haddana simbiriirixdeen..

Waagaas ayaa waxaa soo baxday fikrad qaldan oo laga aaminsan yahay Jihaadka oo ay abaanduule u ahaayeen xarakatul Al-jihaad ee Masar oo uu ka mid ahaa ayman Al- Dahwaahiri iyo Shiikh C/asiis abuu fadal.(2)

Xarakatul Al-jihaad oo ahaa ragii dilay madaxweynihii hore ee dalka masar Anwar al-Sadaaat oo dilkiisii lagu eedeeyey Khaalid islaambooli iyo C/salaam Faraj oo qoray kitaabkoodii ( Al-fariida Al-qaaibah) fariidadii maqneyd oo ay ka wadaan Jihaadka iyo mid kale oo arrinkaas loo dilay waxaana loo xiray asaasihii fikradda dilitaanka oo ahaa Ayman Al-zumar oo lagu xukumay xabsi Daa’im se lagu soo daayey kacdoonkii 25 kii feberaayo 2011 oo masar ka dhacay.

Xarakadaas oo ay ka mid ahaayeen Ayman Al-Dhawaahiri oo arrinkaas loo xiray se mardanbe la soo daayey oo ka qeyb galay Dagaalkii Afqaanistaan .

Ayman wuxuu kula kulmay sannadkii 1995 Bin Ladin oo musaafuris u joogay Dalka Suudaan, inkastooy markii hore kala shakiyeen bay gadaal ka saaxiibeyn markii ay labadooduba Afqaanistaan ay mar kale ku noqdeen xarunna uu ka sameystay Bin ladin magaalllada Jallaalabaad, Afqaanistaan.

Labada nin ayaan 1998 asaasay ururka alqaacidda oo ay u bixiyeen Ururka jihaadka Caalamiga ah oo micnihiisu uu yahay adduunka oo dhan aan la dagaalamno.
Markaas ayey bilaabeen in ay qortaan dhalinyaro fara badan oo u badnaa dalalka Waqooyiga afrika iyo wadamada reer yurub .

Soomaalida markaan uma badneyn dadka wagaas la qortay, sababtana ma garanaayo ma xagga luqadda Carabiga ayaa lagu ciriiriyey oo aysan si fiican u garaneyn mise wax kale ayaa jiray ma garanaayo.

Taas waxaan ka wadaa waagii dagaalkii Afqaanistaan soomaali badan ayaa ka qeyb galay se dagaalkaan waa fara ku tiris aan horay u soo sheegay .

Haddaba Bin ladin iyo saaxiibkiis Ayman iyo xarakadooda waxay ku qaldameen dagaalkaas ay iclaamiyeen ayagoon isku diyaarin, markaas ayey gubeen meel kasta oo ay degeen oo ka mid ah dhulalkii muslimiinta sida Afqaanistaan, Pakistaan,Al-jeeriya, checahan Russia, Ciraaq, Yamen iyo Soomaaliya ooy u masalaan AL-shabaab.

Jihaadkaas waxaa 99 % lagu laayaan dad muslimiin ah odayaal, hooyooyin, carruur ,Culumo iwm.
Waan ognahay Qaraxyadda wadamadaas ka dhca in ay Musliiin lee ku le’daan Sida Qaraxii Baladweyne, Hoteel Shaamoow , maxaa ku ogeysiiyey Hotell Shaamuu wuxuu yahay? waa meel Arday ku qalin jabineysay iyo macallimiintooda iyo waalidiintood, sidoo kale Hoteel Muna iyo kii ugu danbeeyey Dabka iwm.

Haddaba Al-shabaab jihaadkaas aan loo meel dayin ayey qeyb ka yihiin waana tii ay culumaddii waaweynnaa ee Qarnigii tagay ay ku tilmaameen in ay arrinkaas uu ku fududaaday Bin Ladin oo ay Khaariji ku tilmaameen, waa Shiikh Ibnmu Baaz iyo Cuthaymaan iyo ALbaaniba.

Sidoo kale Allaa ha u Naxariistee Shiikh Cumar Faaruuq ayaa Fidno ku tilmaamay waxa Soomaaliya ka socda iyo waliba saaxiibkiisba Shariif C/nuur iyo culumo kale oo fara badan oonan halkaan ku soo koobin karin.

Haddaba dilka muslimiinta ee ta’wiilka beenta ah lagu dhameynaayo oo lagu qalaayo ama lagu gowracaayo ayey ku qaldan yihiin .
Allaah baana taas quraankiisa ku cadeeyey : ( waman Qatala mu’minan mutacamidan….)
Allaah wuxuu yiri : ( Ruuxii Ruux Muslim ah Kas u dila Jazihiisu waa Jahanamo Allaahna waa u carooda waana lacnada wuxuuna u diyaariyaa Cadaab Weyn ) Suuratul Al-Nisa.

Waxaan ku soo gabagabeynaa in kooxda Al-shabaab in ay yihiin koox falaago ah oo rabta in ay ku amar taagleyso arrimaha Soomaaliya , waa inoo qeyb kale iyo xumaanta Al-shabaab iyo amar ku taagleynta ay Soomaaliya ku hayaan,

fii amaani laah.
Saahid mohamed yusuf
USA, VA
sahidyusuf@yahoo.com
Al-Mutakhasis fil xarakaat Al-Islaamyah

(1) webside wadanka taariikhda xarakaat islaamiga ah.
(2) Abuu Fadal shiikh C/siis oo ahaa saaxiibkii Ayman se markii danbe ka baxay ururkaas oo ka sheekeeyey kitaabkiisa ( mudakaratul altacriya minal tabri’ah )

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

22 Jawaabood " Shareecadda iyo Al-shabaab (1) ? "

  1. Gurxan says:

    Ku Mohamed
    Mohamed walaal hadii Shabaab iyo Ethiopia isugu kaa midyihiin adiga lee waaye oo kuma lihi maxay isugugu kaa mid yihiin waayo adigaa fikirkaaga xor u ah laakiin aniga aragtideyda waxaan ku leeyahay walaal ha qaldamin hana Dambaabin waayo waxaad tiri Shabaab waa kugu Diin, kugu Caqiido hadana Ethiopia ayey iila simanyihiin ayaad leedahay. Qof Muslima si kasta oo uu qaldanyahay lamid maaha Gaal. Tusaale, aan ku siiyo hadaad Taariikhda Islaamka aqridi waxaa jiray Ninkii la oranjiray Xijaaj ibnu Yusuf oo laayey kumanaan qof oo Muslimiin ah oo in badan oo kamida Asaxaabadii Nebi Muxamed ahaayeen, hadana ilaayo maanta cid Muslima oo tiri Xajaaj Gaalada ayuu lasimanyahay lama hayo. Sidoo kale waxaa Taariikhda Islaamku sajashey Dagaalkii dhex maray asaxaabadii Nebi Muxamed gaar ahaan Cali iyo Mucaawiye oo lasheego inay iska dileen ilaa 95,000(sagaashan iyo shan kun). Waxaa la ogyahay inuu Mucaawiye gar daraa laakiin maaragtey cid tiri Mucaawiye Muslinimada ayuu ka baxay. Waxaan arimaan kala jeedaa labo qof oo Muslima waa is dili karaan in kastoo midkood qaldanyahay ayna xaaraan tahay inay is Dilaan hadana sax maaha in layiraahdo Gaal iyo Muslim waa ii simanyihiin. Mida kale anaga Soomaaliya waxaan isku xasuuqney qabiil oo gabdheheenii loo kufsadey oo Dalkeenii loo burburiyey oo Hanti Muslim loo xalaaleystey. Dadkii waxaas isku sameeyey waxay ahaayeen Muslimiin Soomaaliya. Aan su’aal ku weydiiyee Dadkii Soomaaliyeed ee waxaas sameeyey mawaxay kuula simanyihiin Ethiopian. Haddii Jawaabtaadu tahay haa waa nasiibkaa ana waxaan ku dhaho garan mayo laakiin haddii jawaabtaadu noqoto maya. Waxaan ku weydiin lahaa miyaan Shabaab noqon karin koox Muslimiina oo qaldan ama gar daran laakiin aan Gaalada iyo Ethiopia la mid ahayn.
    Aan tusaale fudud ku siiyo wadankeenii waxaa bur buriyey Jamhado Ethiopia soo dhistey waxaa kamid ahaa SNM, SSDF, SPM, iyo USC waxayna laayeen dad badan oo Soomaaliya oo aan waxba galabsan. Su’aal ururadanu adiga agtaada mawaxay ahaayeen Gaalo lamida Ethiopia? Hadii jawaabtaadu tahay Haa. Markale nasiibkaa ana waxaan kuugu jawaabo garan maayo laakiin hadaad tiraahdi maya ee waxay ahaayeen Muslimiin qaldan miyaanu Shabaab noqon karin Muslim qaldan.
    Ugu dambayn waxaad igu waanisey inaan cadaalad falo aniguna adigana waxaan kugu waanin lahaa inaad cadaalad fasho oo aadan salax tagin.
    Salaam
    Gurxan.

  2. mahamed ali says:

    asc wr wb dhamantiin waxaan idin ku salaamay salanta islaamka salaan ka bacdi bal aan is ku dayo anne fikirkeyga waxaan rabaa in aan soo dhax galo walaalkey gurxan iyo shiikh saahid horta ilaahbaa og sawaabka lakiin waxaan su aal weydiin lahaa adiga iyo inta kugu fikirka ah ithopia ugandha iyo al shabaab iima sino ayaad tiri kawaran ithopia iyo ugandha hadey kugu heystaan diin dal islaam, kuguna dilayaan waad ku qanacsantahay ilaa awalba rali kama ahyn yuhuud iyo nasaaro alla ayaana marqaatigaas furay ok al shabaab iyagiina waa kugu diin kugu dhaqan ugu af hadane masjidka iridiisa ayaa laguu taganyahay oo waxaa tahay murtad waana kugu dilayaan ilaahbaan kugu dhaarshee maxaad cadaalada uga fogaaneysaa ilmo nabi aadam nin walbo wixii uu la yimaado isaga ayaa leh lakiin ani anoo raacaya nas iyo aqwalul culamaa waa iskugu key mid al shabaab iyo ithopia cidii faafaahin rabtaane waa isla joognaa in sha alaah wsc wr wb

  3. abuu saciid says:

    Asalaamu calaykum walaalayaal,
    Qof ma jiro aan lahayn xumaan, laakiin Allah waxa uu sameeyay miisaan qofka muslimka ah waxaan ku xiriirineynaa hadba inta wanaagiisa uu dhan yahay. Maanta Alshabaab way leeyihiin xumaan iyo wanaagba miisaan hadaan saarno kee badan wanaagooda iyo xumaantooda. Qarnigii hore waxaa jiray nin u kacay ka xoreynta dhulka soomaaliyeed oo gaaladu ugu yeereen wadaadka waalan kaasoo ay ka hor keeneen qabaa’ilkii soomaaliyeed ee ku xeernaa ilaa laga jebiyo, waxay ahayd fursad soo martay soomaali haddii waagaa la taageeri laha Sayid Max’ed C/lle Xasan, Waxa la yiraahdaa waxa waraaq loo diray sheekhiisii oo Xijaaz joogay iyadoo lagu yiri Sayid Max’ed muslimiinta ayuu laayaa, sheekhiisii wuxuu soo qoray warqad uu ku canaanayo Sayidka taasoo dhabar jab u noqotay. Waan ognahay qalad inuu jiro laakiin waa inaan ku saxno si asluub ah. Waxay ila tahay maanta inay Alshabaab haysato arintii Sayidka ku dhacday 100 sano ka hor. Walaalayaal aan iska dayno nacaybka shaqsiga ah

  4. Gurxan says:

    Shiikh Saahid Asalaama caleykum. Ramadaan kariim. Waxaan ka xumahay in aan kaala daahay jawaabta aad iga codsatey inaan email kuu soo qoro si’aad ii qancisid. Shiikh Saahid marka hore madadsanid, marka 2 aad waxaad qortey maqaalo Public ah aniguna su’aalo ayaan ku soo weydiiyey si Public ah. Waxaad igu leedahay emailkaaga ii soo sheeg aan ku qanciyee? Shiikh Saahid aniga hadii aad i qancinaysid igu qanci dadka hortooda iyo public ga waayo waxaan su’aalo ka qabaa maqaaladaada public gaa.
    Hadaan anigu kaligey qanco yaa qancinaya dadka qaba su’aalaha aan anigu qabo oo kale. Marka waxaan kaa codsanayaa inaad waxaad igu qancin lahayd soo dhigtid dadka hortooda.
    Shiikh Saahid Sayid Maxamed c/lle xassan ayaa Allaha u naxariistee asagoo ka hadlaya dad dhib u geystey wuxuu lahaa “Anaa gaafahaygii haraye gayste nabarkiiye” Marka Shiikh Saahid nabarka iyo Daqarada aad geysatey ama geysandoontid dawadoodu maaha inaad aniga Gurxana i qanciso ee waxaa ka haboon inaad qanciso walaalahaaga Soomaaliyeed ee kugu qilaafsan fikirka aad soo bandhigtey. Shiikh Saahid maanta waa Aduun barina waa Aakhiro Illaahayna wuxuu nafarayaa inaan Cadaalad falno sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa inaad cadaalad fasho oo arintu aysan dariiqeeda kaleexan. Shiikh Saahid anigu Shabaab maahi laakiin hadey Shabaab iyo Melez Sanawi ii sinmaan waxaan raacayaa Shabaab oo Wallaahi ah waa iga dhab. Hadey Yuweri Musafani iyo Shabaab noqoto waxaan raacayaa Shabaab oo Wallaahi ah. Waayo Shabaab waxaan ku kala duwanahay waa fikrad iyo Mad-hab laakiin Melez Zanawi wuxuu khatar kuyahay Jiritaanka Cunsurka Soomaaligaa. Shiikh Saahid Soomaalidii hore waxay ku heesi jireen “Wanka Macasha ii qabo Adiguna midida mari dhiiga aan Muudsadee” ayagoo ka hadlaya sida Gumeystuha dadka u kala dilo. Marka Shiikh Saahid yuu san nin aan aniga iyo adiga nakala jecleyn naga dhex shaqeysan iskuna keen dirin. Sidoo kale yaan nacaybka Shabaab kaa qarin runta iyo dhibta Soomaaliyeed. Ugu dambayntii Shiikh Saahid Soomaalidii hore aqoon yahan uma aqoon ninkii Shahaado wate ama wax qori kara laakiin aqoonyahan waxaa loo aqoon jirey qofkii wixii tegey wax ka yaqaan, waxa joogana wax ka oran kara, waxa soo socdana sadaal ka bixin kara. Marka ma anagoo maanta dabar go’ qarka u saaran ayaan waxaan ku mashquulaa Shabaab iyo Soomaali kale mise waxaan ku mashquulaa meesha nala kahaysto.
    Walaalaha aqrinaya fikirkayga iyo midka Shiikh Saahid waxaan ka codsanayaa inaad noo gar naqdaan oo hadaan qaldanahay ii sheegtaan. Shiikh Saahidna waxaan ka codsanayaa inuusan fikradeyda ka war wareegin ee uu ii jawaabo.
    Mahadsanidin dhamaantiin
    Salaam and Ramadan kariim
    Gurxan

  5. scwxwb :
    ibnu xasan shiikhyada aad soo qortay labo ayuuna baan ka kasaaya C/salaam jaamac oo shabaab la hayste u ah ??? mar dhaw baanan sugaynaa fatwadiisa, c/llaahi cali xaashi maba maqlin in uu ka tirsan yahay.
    Marka kuwa aad sheegtay lama sinaan shariif c/nuur iyo shiikh nuur baaruud oo labaduba Dacwada uga horeeyey !!!! kuwa kale keen taas waad ku dhacday waxaaba kaa roon nimanka xasaan soo qaatay ????

  6. Ibnul xasan says:

    BISMILAH walaayaal waan idin salaamay sh.sahid wuxuu yiri majiro hal caalim oo la sodo alshabaab walaal waxaan ku dhilahaa in qorin maxaad iska hubin way masa culumada waxaad ka taqan 4sheekh oo aaf qortay mataqantid miyaa
    sh. Jaamac c/salaam
    sh. C/qaadir muumin
    sh. C/lahi cali xaashi
    sh. Nuur macalim
    iyo kaloo badan kuligooo waa ragii soo barbaariaya dacwal salafiyah waxay sheekhyaal ahaayeen ka hor intaysan xataa cadwa qaadan ragaad sheegaysid fadlan iska hubi
    teeda kale waxaad teet manta ku haysaa sh.habal baa ka soo horjeedo aqoon keen ayaad ama xadiis qofka ka ra,yi dukanaan karaa lakiin hadii nink ka soo horjeedo meekaa taakeesan
    tankale walaal layiraado Gurxan wuxuu ku waydiiyay maxaad ka aaminsantahay Amisom iyo daakaal oga yaashiilkii hada ka dagaalamayo somaliya ee laa iyo hada wax jiwaaba maadan kabixin ?
    Maxaad maka hadli kartid kuwaas ee cayrsan kartaa dhalinyarada ka nolashoodii fiicnay iyo baashaalkii dunida fadlan ha ka tagin cadaalada ee Allah ka baq hadii kale qayaamaha waxaan ku nahay marqaati inaad xaqa ka soo horjeeday …

  7. Gurxan e-mail ii soo dir si an kuu qanciyo !!!!

  8. Gurxan says:

    Shiikh Saahid marka hore salaan marka 2 aad mahadsanid. salaan kadib waxaad iweydiisey su’aalo dhawr ah waana kaaga jawaabayaa haduu Illaahay idmo.
    Shiikh Saahid mar 2 aad aan ku xasuusiyo ee anigu Shabaab maahi ee waxaan ahay qof Soomaali ah oo Muslim ah ee taa qabso. SH. Saahid Illaahay Qur’aanka Kariim kaa wuxuu kuyiri kuwa Illahay iyo Rasuulkiisa rumeeyoow cadaalad fala xataa hadey naftiisa ku noqoto. waxaad sheegtey tiro fara badan oo aad tiri Shabaab ayaa laayey, waa wax laga naxo lagana murugoodo hadii intaas oo qof oo Muslim ah ay laayeen dad kale oo Muslim sheeganaya. Balse aab su’aal ku weydiiyo? Xiligii Maxaakimtii Shiikh Shariif ayaa Tuute gashadey Qori Dabalaab ahna garabka surtey asagoo isku ekeysiinaya Binlaadin wuxuuna ku dhawaaqay in Itoobiya lala jihaado. Dagaalkii uu ku dhawaaqey waxaa ka dhashey Duulaankii Itoobiya ay Xamar ku qabsatey waxaa lagu diley 18,000(sideed iyo taban kun) oo qof oo Soomaaliya oo Muslimiin ah waxaa lagu barakiciyey 1.5 million, magaalada xamarna boqolkiiba 70 ayaa lagu burburiyey. Ma la orankaraa intaas oo qasaaraa waxaa masuul ka ah Shiikh Shariif maadaama uu ahaa ninkii dadka dagaal galiyey kadibna uga baxay oo Hotelka Nairobi kaseexdey. Hadii Jawaabtaadu haa tahay maxaad hada uleedahay Dawlada? Su’aal kale markii Itoobiya sidaas u xasuuqaysey Xamar Ugandiseka iyo Brundiisku qayb ayey ka ahaayeen oo Itoobiya ayey la layn jireen shacabka Soomaaliyeed ma markii Itoobiya baxdey ayey noqdeen walaalo dagaalkoodu xaraan yahay? Adiguse maxaad ka aaminsantahay Ciidanka Uganda iyo Brundi ee Xamar jooga mase taqaanaa xiliga ay yimaadeen dalka iyo cida keentey iyo cida bixisa dhaqaalahooda?
    Adiguse ma aaminsaneyd in Itoobiya lala diriro hadii jawaabtaadu tahay “haa” ma iisheegi kartaa farqiqa u dhexeeya Ciidamadii Itoobiya iyo kuwa hada xamar jooga? Su’aal kale hadii Shabaab rabaan inay Dhiiga umada Muslimkaa banaystaan oo xasuuqaan waa sidaad adigu hadalka u tiriye may xasuuqaan kuwa ku nool Bay iyo Bakool, Jubooyinka iyo Shabeelooyinka iyo Hiiraan iyo Galgaduud yaa ka celinaya? soo ayaga kuma hoos noola? maxaa ku gaara dadka Xamar jooga?
    Ugu dambayntii anigu waxaan ku leeyahay walaal waa xaaraan waana dambi weyn oo Illahay laga galey iyo Gaalnimo qofkii banaysta qof Muslima dhiigiis iyo dilkiis laakiin ma hubtaa inay banaysteen mise waxaan kahadleynaa waxa luuqada Englishka lagu yiraahdo Casualt of war oo meel 2 ciidan isku dileyso ayaa dadku ku dhex dhamaadeen? Ugu dambayntii Shiikh Saahid waxaa nasoo maray Dagaal oogayaal ayagu kas iyo Maag u banaystey Dhiiga Ummada Muslimkaa ee Soomaaliyeed oo tirada aad sheegtey in SHabaab laayeen kun jeer laabkeed xasuuqay oo kufsadey oo dhacay. Kuwaas maxaad ka aaminsantahay magaalo ayey ahaayeen mise Muslimiin? Hadaad ku dhiciweydid inaad dhahdo gaalo ayey ahaayeen maxaad Shabaab ugu ordeysaa. Ugu dambayntii Shiikh Saahid waxaa iiga kaa muuqda inaad tahay qof Diinta Islaamka aqoon u leh hadaan arintaa ku saxanahay miyaaney Diinta Islaamku qabin hadii Gaalo iyo Muslimiin is laayaan inaad labo arimood midood xaq u leedahay 1. Inaad Muslimka u hiilisid haba ahaado Muslim qaldan 2. Ama inaad faraha kala baxdid oo aadan Muslim ka hiilin? Ma waxaad diidantahay in Uganda iyo Brundi yihiin Gaalo macatab xiran? Mise waxaad diidantahay in Shabaab yihiin Muslimiin haday rabaan ha ahaadeen Muslimiin Qaldan. Hadii arintu saas tahay maxaad kuwa Muslimiintaa uga jirtaa oo kuwo Gaalada ah ula jirtaa?
    Waxaan rajaynayaa inaad su’aalahan intii awoodaada iiga soo jawaabtid
    ugu dambayntii waad mahadsantahay

  9. SCWXWB:
    Gurxan ilaa hadda waxaan shabaabka ku eedeeyey in ay bilaabeen dagaal aan loo baahneyn markay Amxaaraddii naga baxday dawladuna ay Baarlamaankeena ku qasabtay in shareecadda lagu dhaqmo, waana taladdii ay 50 kii culumo soomaaliyeed ku taliyeen .Se shabaab waa diideen taladii culumada ayagoo ka hormarshay cajaladii bin ladin ee uu ku yiri culumada ku shirtay Muqdisho waaqica soomaaliya lama socdaan kadibna ay bilaabeen dagaal labo sano socday.
    Gurxan anigu shabaab waxaan ku eedeeyey dilka muslimiinta oo ah danbiga labaad ee shirkiga ku xiga, ayaga ayaan dagaalkaas u darbaday filladiina ma xoreynin.
    Gurxan anigu ma oran shabaab buundo ma dhisin. meelahay ka taliyaan nabad ma aha , gabdhaa lagu kufsadaa intaas oo dhanba waan kugu raacsanahay, se adigu dil ruux muslim ah oo lagu baneysto ta’wiil khalad ah ma baneyneysaa mase ku saxsan yihiin alshabaab walow aad tiri shabaab ma ahi bal aan cadaaladdada adigana aragno .
    Anigu cinwaan weyn ayaan ku iri caqiidada Alashabaab waana ka hadlay anigoo ka cadaalad falay ???? haddana waxaan iri alshabaab maxay ku khaldan yihiin ???? marka dhibcaha xuruufta saar anigu gurxanoow kama aanan hadlin waxqabadka alshabaab ee maxaad diidan tahay xadiiskii Nabiga nnkh ( allaah ha lacnado ruuxii fidnada hursha ama bilaaba ) ama sidaas oo kale ayuu nabigu yiri.
    alshabaab dagaalka ayaga ayaa bilaabay waxayna ku camal falaayeen cajalkii bin ladin, sow kama fiicneyn in ay talada shiikh umal qaataan cajalkiisii ( AL-Soomaal bayna aamaal wal aalaam) feb,2009 .
    Gurxanoow labo sano kadib ayey carareen aaway xoreyntii fillada markay naga dileen 6000 oo soomaali ah, 20,000 dhaawac, 1.5 milyanna ay Qaxeen.
    Gurxan indhaha fur alshabaab jihaadka ay sheegayaan waa ku qaldan yihiin , waxa socda waa fidno ay shabaab bilaabeen.
    wasalaamu calaa man i tabaca alhudaa !!!!

  10. Gurxan says:

    Walaalka maqaalka qoray waxaan dhihi lahaa bal intaadan noo sheegin qaladka shabaab bal noo sheeg waxaad ka aaminsantahay Ugandiska iyo Brundiga dadka Soomaaliyeed ku xasuuqaya BM ka ay reer galbeedku bixiyeen? Mida kale adiga shiqsi ahaan Shariif iyo qolodiisu makula saxanyihiin? Dagaal oogayaashii iyo Shabaab yaa kula fiican? Waxaan hubaa hadii maanta Maraykanku dhihi lahaa Shabaab waa fiicanyihiin in walaalkan iyo kuwo kale oo badan aysan qoreen maqaalo cay ah ee badalkeeda uu Amaani lahaa shabaab waana calaamadaha lagu yaqaan dadka ku nool wadamada reer galbeedka intooda badan. Waxaan kale oo walaalkan weydiin lahaa anigu Shabaab maahi mana joogo meeshey googaan laakiin waxaan ogahay in dhulka shabaab joogo aysan Isbaaro ool, Gabdhahana lagu kufsan marar badana ay dhiseen Buundooyin iyo wadooyin ay Burburiyeen Dagaal ooga yaashii, yaa waxaas sameeyey burburkii Dawladii kadib? kuwa Dawlada sheeganaya waxay magaca Soomaali ku qaataan Maalaayin Dollar ilmo Soomaaliya oo Gaajo iyo Oon u dhimanayana kama waraabiyaan lacagtaas laakiin ku wii Biyo haysta ayey kasii daadiyaan. su’aashu waxay tahay maxaad inta ayaga ka xun wax uga qori weydey hadaad nin cadaalad falaya tahay.
    Malaga yaabaa inuu Walaalkanu fahmo waxyaabaha aan weydiinayo mise wuxuu igu oran doonaa shabaab baad tahay iyo waad i necebtahay.
    Bal aqristayaashoow ila dhowra wuxuu iigu jawaabo walaalku, jawaabna waan ka sugayaa?

  11. SCWXWB:
    Haddaan Suleymaan u jawaabo wallaal sow ma aanan qorin iijaabiyaadkooda oo aanan sheegin in Caqiidadoodu tahay tii Ahlu sunah wal jamaaca sida Axmed bin Xanbal & Shaafici ama ibnu Tiimiyah.
    Se Suleymaanoow waxaan sheegay Alshabaab iyo macallimiintooda
    Bin Ladin & Ayman ay ku qaldameen Jihaadka aan loo meel dayin ee aan haysan shuruudiisii iyo mawaanicdiisii ee haddana aan faa,iido keenin ee
    99% ay ku dhamaadaan Muslimiin Hooyooyin & carruur iyo waayeel, waa taas midda ay ku khaldan yihiin waxaanna isku dayayaa in aan caddaalad iyo insaaf muujiyo.
    Ragga kale oo Jihaadka ku marmarsiyoonaaya waxaan oran lahaa Ruux culumo sheegta oo arrinkaas jihaad ku tilmaami karo adduunka ma jiro sida aysan Soomaaliya culumadeeduba u jirin ???ii sheega yaa Alshabaab caalim soomaaliyeed oo la socda armaad i tiraahdaan Xasaan xuseen ???? marka wadar & waaxid yaa waalan !!!! is tartiibiya kala saara caadifada iyo xaqiiqda kala hormariya waxyaabaha awliyaatka ah ee Diinteena Islaamku la timid oo ah in masaalixda ummadda la dhowro nabadeeda, Diinteeda, dhaqaalaheeda, in loo naxariisto kuwooda jilicsan.
    Nin aan saaxiib nahay oo xamar degan ayaa ii sheegay in uu Nairobi ku soomaayo sababtoo ah jamaaco weyn Xamar kama helaayo !!! waa xamartii aheyd hoygii Barashada Diinta waxaa sidaas ka dhigay waa Nabad la,aanta Alshabaab !!! Wasalaamu calaa man itabaca AL-hudaa !!!!

  12. qoordheere says:

    Waxaa maqli jiray ” xaashaa nin libin kaa xasday xumihii waa yaabe ” … war haddiii ragga qaarkood maanzilla aa isla rabtay kaa hor gaareen u qosol illeen qosol hiilo waa galaaye … haddii kale nimaankaas ragga kasoo horjeedo unbaad ku biiri illeen dhexdhexaadnimo maleh haddii muslim iyo gaalo isqabato e …. middeeda kale waxyaabaha aad ku doodeeysid waxaa kamid ah in soomaalidu wada muslimiin yihiin laakiin waxaa iska indha tirtay in islaamka qof uu ka bixi karo haddiii waxyaabaha qaarkood uu layimaado.

  13. Ibn Cali says:

    Runtii saahidow qoraaladaada xikmad ayaa ku jirtay markii hore laakin markaad ku hadashay magac xizbiyeed ayaa xigmadii yarayd kaa dhuntay… waxad qortay qoraal dheer laakin cadaaladii ayaa ka tagtay mana ogid in lagu waydin youmul qiyaama beenta aad qortay sida hotel shamow inay Al-shabab qarxisay, muslimiinta ay layso, jihadkodana 99% uusan waxba kajirin… horta qofkii wansama ayaa waansan.
    25sano ayaa usa ku nooshahay waligaana dar Alle s.w umaadan xanaaqin sababto ah aduunka muslintii ayaa lagu dhameeyay meel kasta, muqadasaadkii ayaa la baneystay, shareecadii ayaa dhabarka laga tuuray, ma waxaas oo dhan ayaad arki waysay oo ad aragtay niman intaas ka gubtay oo noloshaan kadoor biday inay god kagalaan ama nasri keenaan.
    waxaad leedahay caqiidadaydu waa in loo noqdo kitaab iyo suno, see loogu noqon karaa main 25 sano kuhoos nolado usa oo ah saliibka no1, mise inaad xagxagato rag aadan ku gaarin cizi aduun iyo aakhiro (insha’allah).
    Ramadan ayaa lagu jiraye illahay haduu xaq kula doonay haku fahansiiyo.

  14. abuu xaafid says:

    asc walaal horta warbixintaada waa mid aan xumayn lkn waxyaabo badan oo ku saleysan naceyb aad necebtahay jihadka iyo mujaahidiinta ayaad meesha ku qortay … 1 sh.cutheymiin wax kama sheegin sh.usama . taas waxaa lagaa rabaa codliisa ama kutaab uu wax uga sheegay shiikha .
    2 hadu sh.ibnu baaz wax ka sheegay micneheeda ma waxaa inuu usama xunyahay .
    3. sh.jubeyreyn iyo culumo kale oo fara badan ayaa amaantay h.usama waxaana ku keeneynaa codokooda iyo qoraalkooda … ibnu baazna maaha rasuul uu ilaahey u soo waxyooday la soco taas waadna la socotaa inuu ku qaldoomay gaaladii soo gashay ardul jaziira markuu u fatwooday …
    walaal hadaad jihaadka cadaawad u qabto banaanka la imaaw hala meer meerin web wax lagu qoro … waxaana leeyahay qofkasta oo neceb jihaadka qul muutuu biqeydikum ah caradiina ku dhinta kan saas uma istaagayee ilaa qiyaami saaca waa soconaaye …. ilaahow mujaahidiinta u gargaar showkadoodana adkey ….

  15. suleyman says:

    Bismillah.
    sheikha waxaan badanaa la socon jirney maqaaladiisii cajiibka ahaa ee uu kaga faaloon jirey culimadii hore maasha Allah.
    maatase waa ka yara duwan tahay sheekhada oo shabaabka ayaa shaashadu saaran tahay !!!.
    kaliya waxaan ku talin lahaa in xoogaa wixii ii jaabiyaad iyo salbiyaad ama waanagooda iyo xumaantooda la wada qoro.

  16. Scwxwb :
    walaalaha wey ku mahadsanyihiin aragtidooda se Maqaalkaygu kama tarjumaayo arragti Mareykan ninka ceytamaayana waxan oran lahaa Mareykan 21 sano ayaan deganahay waligeyna ( food Stamp) kama qaadan.
    Se waxaan oran lahaa Qoordheere ninka la yiraahdo Bin Ladin annigu kuma ceebeyn Caqiidadiisa se Culumada Adduunka oo dhan siiba culumadii Sucuudiga wey ku khilaafeen Jihaadka caalamiga uu iclaanshay kuwii dhintay iyo kuwa noolba, waana qalad uu Ayman u meeriyey markii ay labadooduba u noqon kari waayeen wadamadoodii ama aan si kale u dhaho markii Bin ladin laga ceshtay muwaadinnimadii sacuudiga 1996.
    marka adigaa lagaaga fadhiyaa in aad soo cadeyso in culumada sacuudiga ay bin ladin ku raacsanaayeen jihaadka uu iclaamiyey 1998. sidoo kale culumada soomaaliyeed waxay iclaansheen in uusan soomaaliya jihaad ka jirin ee waxa socda ay fidno yihiin .
    Dadka soomaaliyeed waa muslimiin dhiigooduna waa xaaraam ee yaa la daadinin haddii ay fulaynimo Mareykan noqotay bal Akhristayaasha ayaan u bandhigayaa …. hanna degdegina cadeyntii shiikh abu fadal ayaa noo soo socota . mahadsanidiin .

  17. Gaafoow says:

    Saahidoow markaad sidaan u ijaafeynayso dhalinyarada dalkooda iyo dadkooda dhiiga u huray, kana xoreeyay mooryaantii iyo Amxaaradii Mareykanku uu soo dirsaday, 8 gobolna nabad iyo nolol ku soo celiyay shareecadiina ku oogay, ma waxaa kula weynaaday Foodstamp iyo Welfare yar ee America ay ku siisay. Mise waa baqee oo waxaad rabtaa in aad P. King aad raali geliso, American daacad ahna aad iska dhigto.

    Illaahay ka baq, war haddii aad wadankaagii aad ka soo carartay, waxna aadan u tereyn afkaaga ha laga nabad galo, iskana ruug balaqa yar ee laguu tuuray.

    Shiikh hebel ayaa saan yiri, Shiikh calooshu fakatay afar naagna qaba, adduunkana jeclaaday, gaalana qiil u raadinaya si uu ku fakado, waxaa inooga roon wiilka yar ee naftiisa inoo huray si aan nabad u helno.
    Kuwa wax dila waa taaqaan laakiin ma rabtid in aad sheegto(America the evil Empire)

  18. luulay says:

    ninyahow adigu USA inaa joogtaa cadeysay. marka waxaan ku waydiiyay nimankaan aad adaynayso waliba laga yaabee waxyaabaha aad ka sheegtay inay beri ka yihiin talow ma wareysatay (personally)?

  19. qoordheere says:

    walaaka qorey maqaalkaan waxyaabo badanbaa ka qaldan, waxaana kula talin lahaa in cudurka haya uusan ummadda inteeda kale ku daaran dabcan waxaa ula jeedaa caamada …ama dad aan siffiican aan taariikhda u hayn… tusaale haddaan usoo qaato ururka ay labada sheekh dhiseen magicii loo bixiyey wuu dhinacmarey magaciisan waa “International Islamic Front for Jihad Against the Jews and Crusaders” oo macna ahaan ah jabhadda caalamigaa ee ladagaalaanka yuhuudda iyo mactab udiriryada , 2006-kana waxaa igu maqaala in lasii balaariyey oo lagu darey hindida maadaama ay kishmiir haystaan , midda iga yaabisayna waxaa weeye ninkaan leh ibnu cutheymiin baa shiikh usaama wax ka sheegay bal keen source aniga waxaan kuu keenaya iyagoo isla fadhiya oo ibnu cuthemiin amaanayo sh-usaama …. makaligaaba iska aliftay mise waa sey kula tahay ama aad jecleed … inta culumo aa sheegtay oo sshiikhaas wax ka sheegaya lama hayo illaa iyagoo wanaag ka ssheegaya mooyee… dib u eeg taariikhda shiikha markuu kasoo laabtay afghanistan sida sucuudiga loogu soo dhaweeyay…. walaal inaa ku duro igama ahan ee waa iga waano haddaa nin wanaag jecel tahay .

  20. SCWXWB:
    Sixitaan :
    Cinwaanka Alshabaab maxay ku qaldan yihiin??? hoostiisa, sadarka sagaalaad magac aan ku iri ayman al-zumar waa qalad magaca saxa ah waa cabuud al-zumar .

  21. Scwxwb
    Sixitaan :
    Cinwaanka Alshabaab maxay ku Qaldan yihiin ???? Hoostiisa,
    Sadarka sagaalaad waxaan ku qoray magaca Ayman Al-Zumar waa qalad magaca saxa ah ee ninkaas la xiray waa waa Cabuud Al-Zumar. oo kol dhaw ku soo baxay kacdoonkii 25 kii janaayo ee Madaxweyne Xusni Mubaarak lagu Riday.

  22. wadaadd says:

    assalaamu calaykum
    dad badan oo waxaa jiray markii somalia ay joogeen isku dayi jiray inaay dadka jihaad galiyaan markay america tageena qoraalo maraykanka waafaqsan soo saara hadaba ma green cord kaa mase waa wax kale ayaa jira? anigu ma aqaano sababta wadaadkan uga hadlayo alshabaab xiligan waayo majaaco daran ayaa jirta wadankiina gumaysi ayuu ku jiraa malaha waa khaalif tucraf haday saas tahay horay ayaan in badan oo culimo ah u ogaanay markii maraykan tageen inay ka shaqeeyaan raali galinta maraykanka.