Home » Warar »

Shir mahiim u ah oo looga hadlayey Gobolada dalka somaliya oo ka dhacay london/Uk

Waxaa shir ay si wada jira usoo abaabuleen  (WORLD G18 SOMALI) iyo uqaabil sanhaha Baarlamaanka Uk xiriirka UN-ka uu ka dhacay shalay oo ay taariikhdu ahayd 07/08/11 Galbeedka magaalada london.
Shirkaas ayaa looga hadlayey xaalada Soomaaliya ee cakiran waqtiga adaga ee marxalada uu haatan dalku kusugan yahay.
Shirkaas oo loogu magac daray (WORLD G18 SOMALIA Progress Reports Meeting).
Waxaa shirkaasi kasoo qaybgalay madaxda ugu saraysa World G18 Somalia/ committee, Wakiilada gobolada dalka Soomaaliya u qaabilsan arrintaas/region representatives, Dadka ayagu daraasaadkaasi gacanta ku haya/ Working group members, xubno ayagu ka tirsan ururka/ Somali G18 members iyo marti sharaf qiimo badan/ guest. 

Qorshaha iyo ula jeedada shirka ayaa ahayd/agenda, sidii wax looga qaban lahaa loona hormarin lahaa arrimo badan oo ay kamid yihiin, sidii daraasad loogu samayn lahaa kobcinta barnaamijka wax barasho ee gobolada soomaaliya/Education needs analysis in Somalia, sidii loogu bogaadin lahaa bulshada Soomaaliyeed daryeelka iyo ilaalinta xaquuqda haweenka soomaaliyeed/women needs in Somalia after civil war, Tayeeynta barnaamijka hirgalinta waraabka/ the needs for water, sidii loo jihayn lahaa looguna abuuri lahaa daryeel iyo nolol tayo leh dhalinta soomaaliyeed/ youth needs in Somalia.
Waxaa ugu horayntiiba shirka furay una mahad celiyay marti sharaftii iyo madaxdii sida hab maamuuska leh ugasoo qayb gashay shirka gudoomiyah World G18 Somalia Dr Axmed Xirsi oo asagu halkaasi uga hadlay si hufan una qaadaa dhigay ula jeedada iyo barnaamijka hawlgaleed ee World G18 Somalia uu hiigsanayo mudada dhow iyo tan fogba, wuxuu Dr Xirsi xusay in G18 ay ujeedadeedu tahay sidii umada Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatda ku habsatay looguna abuuri lahaa dhamaan gobolada dalka noloshii ishtimaaciga ahyd, waxaa kaloo uu raaciyay inay hadey yihiin qurbajoogta degan Uk iyo Europe ay diyaar u yihiin sidii dalkii hooyo wax loogu qaban lahaa, waxa uu xusay in ay goordhow bilaabi doonaan barnaamij looga sameynayo daraasaad inta ay la’eg tahay baahida taala gobolada dalka.
Waxaa asna hadalkii qaatay xoghayaha ururka mudane mahdi aadan, asaga oo xusay wax yaabo runtii aad muhiim u ahaa(key issues for G18S) kuwaas oo kala ahaa Piracy, Environment and Gender.
Waxaa asaguna halkaasi ka hadlay C/waaxid Xassan Xaad oo asagu warbixin ka jeediyay taabaneysay arrimo badan oo aad muhiim ugu ah gobolada dalka, kuwaas oo aan badi dood gaarin gobolada dalka lana sheegay in la siiyay Soomaaliya, kuwaas oo aan runtii dhaafin magaalada xarunta u ah dalka Kenya ee Nairobi. Wuxuu xusay maruu ka hadlayey arrimaha wax barashada in ay xafiiska UN-ka ee New York ka diiwaan gashan yihiim ilaa iyo 900 oo ururo waxbarasho ah oo uu UN-ku miisaniyad wax barasho ku siiyo sanad walba Soomaaliya, markaanu daraasaas qodo dheer samaynay gobolada Soomaaliyana waxaa cadaatay ayuu yiri in uu ka run yahay kaliya iskuul kuyaala Degmada Afgooye ee gobolka sh hoose, dhamaan dhaqaalahaasi ayuu yiri ayaan dhaafin magaalada Nairobi.
Waxaa maruu mudane xaad ka hadlayey xaalada burcad badeeda uu xusay, inaysan burcad badeedu kaliya ahayn Soomaali ee uu yahay urur ganacsi oo ay member ka yihiin shirkado shisheeye, ganacsato Soomaaliya iyo dowlada, wuxuu kaloo xusay inaysan burcad badeedu ahayn deegaan iyo qabil midna ee burcad badeeda lagasoo qoro deegaano ka fogfog dhulka xeebaha ah sida C/waaq iyo dhulka daaqsinta ah ee juquraafi ahaan dhaca xadka soohdinta u dhaxaysa Ethiopia iyo Soomaaliya.
Halkan kadaawo sawiro kale
Waxaa kadib hadalkii qaatay uqaabilsanaha xiriirka qaramada midoobay baarlamaanka Uk/ United Nations Association westminister David Wardrop Chairman, Wuxuu xusay ulajeedada iyo fikirkii loo aas aasay ururkaan World G18 Somalia, wuxuu sheegay in ay mar walba dowlada UK ay ka go’an tahay inay qaby libaax leh ka qaatado sidii soomaaliya loogu soo celin lahaa nidaamkii iyo kala danbeyntii.
Wuxuu sheegay in dhismaha Soomaaliya ay gacanta ugu jirto Soomaali lagana doonayo inay si wada jira uga shaqeeyaan siday dalkooda u dhisi lahayeen dowlada UK-na ay diyaar u tahay inay qurba joogta ku caawiso sidii kuwa leh dhalashada dalkan ama wadamada Europe loogu dirilahaa gobolada dalka oo ay ku lee yihiin xiriirka dhiig ama kan dhaqanba, islayo markaasna ay baaritaan dheer uga soo samayn lahaayeen inatay la’eg tahay baahida ka jirta gobolada dalka, kadibna ay diyaar u atahay in dowlada Uk ay kala shaqayso in ay deeqada aan la ogayn meelay ku baxdo loogu heli lahaa qorshe lagu gaarsiiyo meeshii loo qoondeeyay. Waxa uu xusay in ay dhib jirto taas oo ah in deeq bixiye yaashu ay ka walaacsan yihiin in aan lagaarsin loo deeqihii. Waxuu kaloo uu sicad uga cadlay ma joogaan qaramada midoobay Soomaliaya/ Where is the UN in Somalia?. Wuxuu xusay inay lagama maarmaan tahay in Soomaalidu si wada jira ula yimaadaan qorshe wax loogu qabanayo 18-ka gobol, loona baahan yahay in la sameeyaan daraasaad iyo inay ka la shaqeeyaan World G18 Somali barnaamijka ay wado, markaas ayaanu dawlada yada iyo UN kaba ku oran karnaa waa kuwaan Soomaali sidan ayey wax u rabtaa.
Waxaanu nahay urur aan wax siyaasada shaqo kulahayn qorshayagu waa kala shaqaynta Soomaali nabada iyo dhismaha, taasna ayada oo qoraala ayaanu u gudbinay xaafiiska arrimaha dibada/FAC Britain.
Wuxuu kaloo mr Wardrop xusay inay qurba joogta Uk ay door fiican ka ciyaari karaan dhismaha dalka loona baahan yahay in ka shaqeeyaan siday wax ugala qaban lahaayeen WG18S. Wuxuu xusay inuu aaminsan yahay inay kobcin karaan wax qabadka ay beesha caalamku ugu talagashay Soomaaliya, hadaana ku dhalan Soomaaliya maahan macnaheedo inaana dooneyn in Soomaaliya wax laga qabto ee balse waxaanu la leenahay xiriir dag gudaha Soomaaliaya, waxaanu ku qasbaynaa dowladaha iyo oversea development aid(ODA) inay qayb ka geystaan sidii loo meel marin lahaa barnaamijka dib u dhiska Soomaaliya.
Wuxuu kaloo mr Wadrop xusay inay kala shaqayn doonaan inay isha ku hayaan kobcinta ku wajahan UN Millenium Development Goal(MDG) kaas oo caalamka loo abuuray (2000-2015) balse aan Soomaaliya ka shaqayn Sababo la og yahay awgeed. Barnaamijkaan oo la qorshe ahaa midkii loogu talagalay xaafadaha( Milleniun Village Projects) kaas oo qorshihiisu ahaa in loo abuuro xaafadaha, waxbarasho/education, caafimaadka/ health, abuurka dalaga/ agriculture, shaqooyin/employment, environment, etc.
Waxaa gababadii asagauna hadalka qaatay Martin Grinxon/ Senior Partner chair of COHORTS LLP, Risk management, oo asagu ah ergayga u qaabilsan dowlada Uk xiriirka caalamiga ah ee dunida saddexaad, oo Asaguna ka hawl gala meelo badan oo kamida caalamka kana soo shaqeeyay Soomaali, kana yimid Somaliland, Pontuland iyo Kenya. Wuxuu xusay kuna tilmaamay wax laga naxo sida ay u hagar daameeyaan dadka dhibaataysan xafiiska UNIPOS ee xaruntiisu tahay Nairobi kaas oo aan gaarsiin deeqaha loogu talagay dadka ku tabaalaysan Soomaaliya, wuxuu kaloo sheegay in ay hada ka hirgaliyeen barnaamijka la xisaabtanka shaqaalaha UN ka ee ka hawl gala deegaanada ay maamulaan maamuladaasu, wuxuuna ku booriyay inay umada Soomaaliyeed u istaagan siday wadankooda wax ugu qaban lahaa loona meel marin lahaa barnaamijkaan.Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa dhanka saxaafada Raasmedia.
Durraan shirwac
Raasmedia.
Em-durta21@hotmail.com
London/Uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shir mahiim u ah oo looga hadlayey Gobolada dalka somaliya oo ka dhacay london/Uk "

  1. Dr Darmaan says:

    kkkkkkkkkkkkkk waa shir tuugo ay wadato oo larabo dadka masaakiinta ah
    in xoolaha la siiyo loogu dhaco dadka abaaraha ay dilootey ayaa koox muqayiliin ah oo gowsaha ay noqdeen cagaar baa u tafaxeytey iney ku tuugsadaan dadka abaaraha ay dilootey dadkaas halaga qabto shirkaasna lacagta laga helo mafrishka buu ku dhamaanayaa tuugada dadka dhiigooda ka dulaala baa somaliya iyo s/land,puntland ku badan oo dibada u joogaan iney ku qayilaan lacagta la siiyo