Home » News »

Amal Aden oo sheegatay inay tahay Lesbian

Amal Aden oo ah gabar Soomaali ah, oo ku nool dalka Norway ayaa si cad oogu dhawaqdey in ay tahay haweeney ah nooca loo yaqaan Lesbian ee la nool haweenay kale.

 

Gabadhaan oo loogu yeero in ay tahay qoraa arimiha soo galootiga iyo dadka laga tirade badanyahay ayaa waxay maanta u sheegtay arinkaas wargeyska afka dheer ee lagu magacaabo Aftenposten ee kasoo baxa magalada Oslo.

 

Wargeyska ayaa sheegay in Amal Aden oo ku dhalatay  Soomaaliya iyadoo dalkana soo gashay sanadkii 1996kii, ay horey ugu ahaan jirtay darbiyo jiif  magalada Muqdisho ka dib markii sida ay sheegtay ay reerkoodu u qaxeen halkaasi.

 

Gabadhaan ayaa mudooyinkan danbe waxa ay soo saareysay qoraalo Is daba joog ah oo ay ku weerareysay habdhaqanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway, iyadoo si xoog leh u soo badhigeysay hadalo ay ku sheegeysay in ay yihiin cadeeymo ay ka soo uruurisay qoysas Somaali ah.

 

Amal Aden oo horey u guursatay oo leh laba gabdhood oo mataano ah, ayaa waxa warkeedan ay ku sheegeeyso in ay tahay haweenay Lesbian ah   waxaa ay ku macnaysay mid ay doonayso in ay ku dhiiri galiso dhalinyarada musimka ah ee ku nool dalka Norway si ay ugu daydaan iyada oo ay u cadeystaan wiilsha isla nool iyo gabdhaha isla nool iyagoo isku jinsi ah.

 

Haweenaydaan ayaa ku dooday in bulshada Muslimka ah eek u nool Norway ay caburin ku hayaan xoriyaha shaqsiga ah, oo ay dadka iyagoo isku jinsiga ah is isticmalana ay dhibaato weyn qabaan, laguna hayo caga juglayn iyo handadaad u diideysa in ay sameeyaan waxa ay rabaan.

 

Dad ay qaraabo yihiin Amal Aden ayaa sheegay in dhowr iyo toban sano ka hor ay timid dalka Norway iyadoo lasocotay qoys ay qaraabo yihiin oo ilmahooda soo raaciyey hase oo islamarkaasana laga soo wadey degaanka baadiyaha Bariga Burco oo ay qoyskoodu ku noolyihiin, ka dibna ay ka carartay reerkaas oo ay isu dhiibtay hay’adaha koriya caruurta aan walidkood lasocon.

 

Lama garanayo sababta ay arimahan ooga hadlayso oo ay wargeysyada ugu qoreyso hadaladan oo laga yaabo in ay muslimka Norway u qaadan karaan hadalo iyaga lagu maagayo ama lagu abuurayo nacayb siyaado ah loo qaado muslimka, gaar ahaan xiligan oo ay tagantahay doodii ka dhalatay dhacdadii uu ninka xag jirka ah ku laayey dadbadan ka dib markii uu weeraro is garab socda qaadey laba todadbaad ka hor.

 

Ninkaasi ayaasababta uu sidaas u sameyey ay ahayd inuu horseedo kacdoon Muslimka looga sifeynayo dalalka yurub oo dhan.

Hadaba walaalaha muslimiinta ahow oo weliba soomaalida ahaw waxaas iyo waxkadaran ayaa inakusoo socdee waxaa loobaahanyahay sidii aynu isaga moosi lahayn intaynu aduunka joogno insha alaah.

 

 

 

 

Cali Axmed Cige

Oslo Norway

Mogtri Mog     mogtri_26@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Amal Aden oo sheegatay inay tahay Lesbian "

  1. inaa lilaahu waa inaa ilayhu raajucuuun ilahayow adigaa xumaan ka nastahan ,,waxaaaa ah xaqiiq jirta hadii dad dalkudu dawladoda muwadinimadoda qarankodu burburo in dadkisuna burburayaan ,, hadynu nahay somali ma is waydinay maxaa heerkaan ina gaarsiyey soma aho dalkeni dadkenii oo aynu dubanay laynay . hubaa waxaa ah waxaan iyo wax ka daran in ay inoo so socdaan ee ama aan ka hortagno dalkena iyo dadkena ka fakarno ayahooda ama aan reer hebal isku ahyno ,,, waxaanu nahay dad islaam ah somaan ku jira bil barakaysan ilahayow waxii diintada fidnaynayo niga filnow oo naga qabo ,,,,,, quraac jabay sidiisiii qarankiii ma leecaay , maanta bay maraysaa gabdhahayagii in ay leeyihin lasbian baan ahay wilshiina iyaga oo gays ah aan dariiqyada ku arkayna subhaaan alllaaaaaah

  2. Abdimalik Abdullahi says:

    Alle ayaan kamagan galleynaa waxaan iyo wixii lamid ah oo fool xumo ku ah Islaamka , waanan soomanahaye Alle hana soo qabto wixii diinteena macaan meel kaga dhacaayo.

  3. wadani says:

    Tan Haday haween kasoo hadho toona waxba kuma faleen. muuqaalkeeda waxaa ka muuqda inay tahay ruux aan xishood lahayn, Rasuulka SCW wuxuu yiri hadaadan xishoon waxaa doonto samee.

  4. cabdi karim says:

    inaalilah wax wax laga yayaq sooda ah somaalidii imika wax kasta inay ka tur jumaan dhaqan xumo tii ugu danbaysayna waydikaa ku arkaya meelkasta dadku isuma jiran kuwa fikirka iyo dhaqnada kale ku dayanayaw ilahay u soo noqda