Waxaa bulshada oo dhami la riyaaqsan yihiin maadaama caasimada muqdisho iyo gebi ahaan gobolka banaadir soo galay gacanta dowlada soomaaliyeed oo ay maanta ka ariminayso iyada oo ay ku qaadatay mudo dheer oo laga joogo sadex sano ku dhawaad hadaba waxaa is waydiin mudan dowladu ma halkaas ayay halgankeedii ay dalka oo dhan ku hantiyaysay ku joojinaysaa mise way sii wadaysaa ?
waxaan doonayaa inaan halkan doonayaa inaan fariin iyo dhambaal ugu gudbiyo madaxda dowlada kmg iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee xukuumada leedahay waxaan leeyaahay, guushu way bilaabatay ee yaan la xagal daacin, guushii waa la gaadhaye yaan garbaduubkii gumaysiga dib loogu celin, dalku nabad iyo nidaam ayuu rabaa ee hala raadiyo .
Waxaa inta badan soomaalidu tidhaahdaa soomaaliya dowlad lalama rabo anigu waxaan u arkaa fekerkaas feker ka duwan oo ah inaysan soomaalidu dowlad rabin waayo waxaa hada meesha ka baxay kooxihii nabada iyo dowladnimada diidaana oo waxaa xalay oo ay taariikhdu ahayd 06/08/2011 ay dowladu gacanta ku dhigtay caasimadii Muqdisho balse ilaa hada ma hayno dhamaystirkii guusha waayo saanadii ciidan iyo ciidankiiba way la baxeen kooxda alshabaab waxaana cad haddii la daba galo mudo sadex maalmood ah inaysan xitaa alshabaab magaceeda sii jiri doonin haddiise laga hadho oo hawshu noqotay way iga fogaadeene halkooda ha joogaan waa sheekadii ahayd Jugjug meeshaada joog.
Tusaale ahaan gobolada dalka waa ognahay ilaa sagaal ka mida waxaa gacan ku hayaa alshabaab balse malaha ilo dhaqaale marka laga reebo gobolka jubada hoose iyo shabeelada hoose oo xeeb ah maahaane waxaa kale oo aan ognahay in haddii dowladu dedaal iyo hawlkarnimo la timaado shacabku taageerayaan haday dowladu gudato waajibaadka la gudboon.
Hadaba hadii dowladu la timaado qodobadan waxaa la helayaa xal degdeg ah iyo nidaam iyo kala danbayn aan baryo ahayn.
Qodobka koowaad :- In Dowladu sugto amaanka shacabka soomaaliyeed ee jooga goobaha ay ka taliso kuna maamusho nidaamka sharciga ah ee dowliga ah iyo dastuurka dalka u degsan haddii qofku danbigelano in lagu qaado danbigiisa waxuu ku mutaysto , Dil iyo xabsi iyo ganaax iyada oo aan wax naxariis ah ciqaabtiisa looga samaynin.
Qodobka labaad :- Mucaaradka dowlada haddii la qabto ama la garto inaan dadka qabtay xukumin ee garsoorka dalka gacanta loo geliyo haddii tiro sadex qof ku cadeeyaan dil lama dhac badheedh ah oo markii kooxdiisu joogtay uu gaystay lagu fuliyo xukunkeeda hadduu qirto inuusan dil gaysan laakiin kooxdaa ka tirsanaa lagu xukumo xabsi toban sano ilaa 5 sano u dhaxeeyaa hadba inta da,diisu tahay, lagu xukumo iyada oo dhalinyarada loo yaraynayo ninkii 30 sano ka wayna lo badiyo.
Qodobka sadexaad :- inaysan ciidamada dowladu is dhigan kuwa amisona aysan xeryahooda ku noqon ee dhamaan caasimada amaankeeda la ilaaliyo qofkii fal danbiyeed lagu qabtana sharciga lala tiigsado
Qodobka afraad :- in Dowlad ciidankeeda maahee uusan ciidan kale oo ama koox ama qof ka amar qaataa dhex joogin caasimada oo ganacsatada, iyo siyaasiga , culumada dhamaan amaankeeda dowladu sugto.
Qodobka afraad :- in Dowladu Ciidankeeda sida ay hadaba baahisay ninkii faldambiyeed gaysta maxkamada ciidanku si cadaalada u xukunto kana bilowday qolyihii dhibaatada u gaystay masaakiinta barakacayaasha ah .
Qodobka shanaad :- In Xukunka dowladu adkaado oo uusan noqon wax wax laga bedeli karo ee uu sida seefta dadka u qaado si umadu u hesho kala danbayn , dadkuna u sinaado cadaaladuna u hirgasho xaakimka wanaagsan iyo hogaamiyaha adagi lama odhan karo waa digtaytor ee waa horseedaha nabada waa in dowladu afka iyo adinka iyo ishaba ilaalisaa ciidamada sirdoonka dowladuna waa inay gutaan habeen iyo maalin waajibkooda si looga hortago weerarada gaadmada ah ee ka iman kara kooxaha dowlad iyo nabad diidka ah.
Ugu danbayn waxaan leeyahay haddii sidii aan awal naqaanay sheekadu noqoto kooxo kale oo mucaarada iyo isqabqabsigii madaxduna meeshiisii ka bilowdo oo guusha maanta dowladu gaadhay noqoto dhaan dabagaale codka shacabku waxuu odhanayaa Dowladaaba shabaab ah
Sidaan hore u aragnay iyada oo ciidamda dowladu guul gaadheen markii ay madaxdu baajiyeen ee ay ka hor yimaadeen hanaankii iyo siyaasadii xukuumadii hore hadana waxaan leenahay ayaan la suuldaarin guusha haday dowladu doonayso inay dowlad sii ahaato dadkuna doonayaan inay dowlad yeeshaan.
Waxaan ku soo afjarayaa qoraalkayga Maanso la yidhaahdo dowladnimo oo ka hadlaysa hanaanka iyo wanaaga dowladnimada :-
Maansadan oo ka mid ahayd maansooyinkii silsiladii deelaydii qarniga 21aad ee dedaalka nabada iyo diiwaankii dhalinta oo soconaysay ilaa 3 desember markii la qarxiyay hoteel shaamoow ayaan waxaan maanta ugu talo galay inaan kaga qayb qaadato farxada iyo hanbalyada ciidamada dowlada soomaaliyeed ee xooga dalka guusha ay soo hooyeen wabilaahi tawfiiq :- Bogasho wacan
Dowladnimo
Gabay darajo weyn oo
Dareen-xumo ka madhan iyo
Maanso daawo nabadeed
Iyo wadda digniin adag
Aan daaliisho waa gare.
Aan daleeyo xaajada
Aan u dooro saan rabo
Aan la doodo Aadmiga
Ugu deexdo gobonnimo.
Dulucdiyo ujeeddada
Haddii aan ku soo dego,
Dib u-raaca taariikh
Dadku wuxuu xusuustaa
Dunidaan ku nool nahay
Deegaanka gaarka ah
Dalka aynu leennahay
Intaan maan-darrida iyo
Daallimiintu soo degin
Dadku wuxuu ahaa iyo
Dalku siduu ahaan jirey.
Diintiyo aqoontiyo
Duunyo-dhaqashadii iyo
Dalagga iyo beeraha
Iyo xoolo-daaqsiga
Noloshii dalaysnayd
Iyo daanshadaanshood,
Duur iyo magaaliyo
Baadiyaha debeddaba
Dadku wuu is-dhinac yiil,
Deris iyo xigaal iyo
Dan-wadaag is-jeceloo
Dakaniyo colaad iyo
Dad la-dilo aqoonoo
Daacad isu ahaadoo
Is-dugsadey ahaayeen.
Haddii lays danniyo oo
Beelaha is-dacal yaal
Kala galo dareen xumi,
Duqaydiyo wax-garadkaa
Intay duubka qaataan
Damin jirey colaaddoo
Durbadiiba nabad iyo
Heeshiis duug ahaadoo
Dibna looga noqonayn
Iyo xeer la-dumin karin
Dadka kala-dhex dhigi jirey.
Markii dawladnimo iyo
Dalka kala-danbayn iyo
Maamul doorran loo helay,
Kuwo loo daleeyoo
Danta guud u qaayiban
Oo aan ka daalayn
Duhurka iyo laylkii
Dalka inay ilaashaan,
Kuwo hoos u diran iyo
Kuwo dusha ka eegoo
Cadow soo duqeeyiyo
Daallin gudaha joogaba
Ka digtoon ayaa jirey.
Ciidamadi dalkeennee
Duub-cas iyo mareenniyo
Xoog duubka wada xidhan,
Komaandoos dig yeedhiyo
Xeel-dirir taqaanniyo
Booliis u daacada
Dalka iyo dadkaa jirey.
Damiin yeelkadiisee
Ninkii doori wuu garan
Dawladi waxay tahay
Ee dalka u leedahay
Ama ay dadka u tahay!
Dugsiyadii aqoontiyo
Dersiyada wax-barashada
Dadka lagu baraa jirey,
Duplomaasiyaal iyo
Digtoorraa ka dhalan jirey,
Daaci Diinta faafshoo
Hagi jirey dadkiisoo
Dooraa ka dhalan jirey.
Danbi ruuxa soo gala
Iyadoon la-dilinoo
La-dagaalahayn buu
Diran jirey qareenoo
Mid isaga ka doodiyo
Mid difaacayaa jirey.
Damiin yeelkadiisee
Ninkii doori wuu garan
Dawladi waxay tahay
Ee dalka u leedahay
Ama ay dadka u tahay!
Dunidii sidaas iyo
Dahabkaas ahaydee
Noo wada dalaysnayd
Maxaa dumiyayee helay
Ee loogu daw falay?
Alle uma darraannine
Yaa xeerki dabarkiyo
Deyrka noo ahaan jirey
Iyo tiray dadnimadii?
Su’aashaasi dabadeed:
waxa rogay dalkeenii
dadkeenii u baas baxay
Oo dumiyay daaraha
Degalkeenii wada gubay
Duufaan qabiiliyo
Damac xume siyaasiya
Nin danaysanaayoo
Kala dira walaalaha
Dab u qaybinaayoo
Doonaayaa keligii
Inuu dunida jooga
Dadka kale dhamaadaan
Waxaa taas ka sii daran
Isaga iyo duriyadii
Duudkiisa laga jaray
Iyo dumarkii uu qabay
Dadka kii u xigayiyo
Iyo danabyadiisii
Dibaday ku nool yihiin
Daar cad bay ka joogaan
Dakanada colaadaha
Dabka laysla dhacayiyo
Waxaa dirir dalkeenii
Duhurkii yimaadaba
Dadka lagu dilaayo
Danba kama galaane
Dubaaqoodu kama naxo
Ma damqado jidhkoodo
Danbi inay galeeniyo
Dar ilaahay maba oga
Damanoow dadkayguna
Kama daadagaysoo
Iska daaya ma ogola
Waa daalinki dilay
Danabkaad ku curatiyo
Dirirkii walaalkaa
Duqaydiina madhiyee
Dam ka siiyay shacabkee
Isagay la duubtaan
U dabaal degaanoo
Durbaanka u garaacaan
Waa duni dhamaatoo
Xumuhii la doortoo
Layska diiday samihii
Daacad lagu dhaqmaynoo
Dulmiga uun la jecelyahay
Daliilkiyo kitaabkii
Iyo diinta eebahay
Nin daryeela kuma jiro
Dhaqankii dalkeeniyo
Xeerkiyo dastuurkii
Damalkii la tegi jiray
Dabcigii dadkeenana
Nin daneeyaa kuma jiro
Dawgoodu waa hoog
Alloow daacadnimadii
iyo diinta eebahay
Rabow darajadii qaran
Rabaw dawladnimadii
Adaa daayimee keen
Kii daacadee xaqa
Ilaahayaw ku darajee
Dulmigana allow madhi
Dadka daawo nabadeed
iyo darin isugu keen
Dilka iyo xumaatada
Dabka iyo dagaalada
Inta diifta reebtiyo
Cudurada dilaaga ah
Duuma iyo daacuun
Jahliga na dabar jaray
Qabiilkaa na wada dilay
Daxalkaa qalbiga degay
Allahayaw dadweynaha
Dunjigood ka dheeree
Aamiin aamiin aaamiin
Waa Qalinkii iyo Hall_buurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Kan Galayr iku magacaabayoo waad deg-degtay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Qoraalkaagu wuxuu ka tarjumayaa inaadan caqli wanaagsan iyo aragti fogba aadan lahayn maxaa yeelay Al-shabaabul-mujaahidiin xoog loogama saarin ee khido dagaal ayeey uga baxeen bal maantaba arag waxa ku dhacay gaalo madoow iyo dabadhilifkoodii,marka doqon way deg-degtaa oo malaha sal iyo caqli fadhiyo waxaan ku leeyahay Galayroow ku dhimmo caradaada!!!!!!!!!!!!!!