Home » News »

Faa,iidooyinka ku jira ka bixitaanka Shabaabku ka baxeen Muqdisho

Tan iyo markii Shabaabku ku dhawaaqeen iney ka baxayaan magaalada Muqdisho waxaa soo baxey faallooyin badan oo arrintaasi waxey keeni karto saadaalinayey.Dadka intooda siyaasadda wax ka fahamsan waxey isku raaceen iney tahey arrintaasi marxalad taariikhi ah oo bog horena xireysa mid cusubna fureysa. Laakiin waxey weli haraadigii Shabaabka fashilmey isku deyayaan iney dadweynaha u muujiyaan iney usoo noqonayaan sidii 2007 tii ay usoo noqdeen. Haddii hadalkaas la rumeystana hadda ayeyba ka fursad fiicanyihiin Shabaabku berigaas oo hadda Muqdisho unbey ka baxeene iyagaa heysta Koofurta inteedi badneyd,Muqdishana ka xiga jihooyinka dhan intaan badda dhankeeda aheyn.

Si ay haddaba arrintaas usii adkeeyaan isla maalintii ku xigtey bixitaankoodaba waxey soo qaadeen dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo ka dhacey meelo kala geddisan,welina marba meel ayey wax kasoo tuur tuurayaan. Arrintaasi waa farriin ku socota ciidankooda iyo shacabka ay heystaan intaba oo ujeedkoodu yahey weli xoogbaan leenahey ee ha isku deyina inaad naga hoos baxdaan,laakiin weli meeshey taallaa wixii keeney iney magaaladey naf iyo maalba u hureen muddo dheer oo shan sanaa  ay maalin cad ka dareeraan oo welibana ku dhawaaqaan iney ka baxeen.Weliba xagga sumcadda iyo xagga imkaaniyaatka dhaqaale arrintaasi dhabar jab weyn ayey u keeni doontaa.

Waxa ka bixitaanku u keeni doono oo dhabar jabka ah ayaan wax ka xusayaa:

1.Niyad jab ku imaanaya taageerayaashoodi.

Shabaabka inta fikir iyo aragti siyaasadeed ku taageersan waxaa ka badan inta ku taageersan diidmo iyo dhalliil ay u qabaan DKMG.Dhalliishaasi gar iyo gardarro intaba way noqon kartaa,gaar ahaan bulsho qabyaaladi la degtey oo dowladda caddaaladdeedaba ku qiimeynaya inta wasiir ee beeshooda laga siiyey.Qabiilooyin badan waxey Shabaab u taageereen ama ugu yaraan wiilashoodi uga reeban waayeen waa cuqdad ay tirsanayaan oo is leeyihiin ”haddii xaqiinni la aqoonsan waayey yaan ninna ku ku lulan” ama reer hebel ka ciideeya!

Kuwo kalena danba kama gelin oo waxey yiraahdeen dowladdu iyadaa taqaanna sidey iskaga dhicineyso Shabaab annagana waxba nagama gelin ee ha isla bood boodeen labadoodu!Haddaba Shabaab in la iska qaban waayey waxey bulshada u keentey khasaare aad u weyn, dadkii ficiltanka u taageersanaana way u caddaaneysaa iney khasaare weyn tahey iney sii dabo joogaan koox khasaare ka talis ah oo dab uun la ordeysa.Gurigaaga looma gubo adigoo is leh kan deriskaagu haku gubto.Dadkaasi Shabaab iney ka haraan fursad ayey u noqoneysaa ka bixitaankooda ay Muqdisho ka baxeen.

2.Dhaqaale la,aan ayaa kasoo wajahaya bixitaankaas!

Magaalada Muqdisho ayuu dhaqaaluhu kasoo geli jirey Shabaabka,haddey magaaladii ka baxeenna way ku adkaan doontaa iney ka helaan dhaqaale meelaha kale ee ka taliyaan oo ay ka jiraan abaaro iyo macluul baahsan.Dadka deggan Ceelasha Biyaha dib ayey ugu soo laabanayaan guryahoodi iyo suuqyadii ay ka bara kaceen,Ceelashuna ma noqon doonto meel dad badan kusii baaqi ahaadaan,haddiiba xataa loo daayo oon looga dabo tegin.

3.Waxey Shabaabku fursad weyn u helayaan iney khilaafkoodi keeney jabkaanba kusii mashquulaan oo kala noqdaan kooxo aan is xakumin oo xataa laga yaabo iney dhexdooda dagaallamaan.

4. Waxaa dhici doonta sidaan saadaalinayo in gobollada waqooyiga ka xiga Muqdisho sida SH/Dhexe,Hiiraan iyo G/Gaduug ay si buuxda uga soo bixi doonaan,maadaama degaannadaas ay degganyihiin qabiilooyin si sahlan isku hubeyn kara oo haraadiga Shabaabka si sahlan iskaga saari kara,sidoo kalena degaannadaas waxaa haddaba qeybo ka mid ah jooga kooxda Ahlu Sunna oo ah koox aad u neceb Shabaabka lana dagaasha. Waqti dheer ma qaadan doonto in wixii Muqdisho waqooyi ka xiga laga soo xaaqo Shabaabka iyadoon xataa dowladdu ciidammo halkaas u dirin.Markey Muqdisho wixii Koofur ka xiga ku uruuraanna waxey noqon doonaan kuwo wiiqma oon tabar laheyn, maadaama koofurta isla haddaba ay uga furanyihiin labo furimood oo xoog leh oo kala ah Furinta Gedo iyo tan Dhoobley!

Halkaas waxaa ku baaba,aya wax allaale wixii rajo siyaasadeed laga lahaa in Shabaab dowlad wax u eg noqdaan oo hadda kaddib cid kasta oo qasiyad iyo qabyaalad u taageersaneyd,kuwii maslaxad doonka ahaa oo hunguri u taageersanaa,way ka daneysanayaan oo iney xarig lama sitaan yihiin ayaa u caddaaneysa, waxeyna ka aruursanayaan xamaamadooda,waxaana iskugu soo haraya wiilal maskax gaddoon qaba oo iney dhintaan uun doonaya, kuwaasna ma ahan wax badan oo miisaan culus yeelan kara,dhimashada ay ku ordayaanna way helayaan maadaama iyagu dabka isku shubayaan.

5.Haddey dowladdu dadka kalsooni iyo wada shaqeyn ka kasbato waxey fursad u noqoneysaa dhallin yaradii qasabka kula shaqeynayey Shabaabka oo helaya degaan weyn oo dowladdu ka taliso oo ay usoo fakadaan.

Marka aad arrimahaas dhan isku darsato waxaa kuu soo baxaya in culeyskii iyo tiradii shacabku soo mareyso dhanka dowladda iyo soomaalida kasoo horjeedda Shabaabka. Haddadaas aan maqaalka qorayo Shacabka culeyskiisi dhankaas ayuu soo  jiraa.

Shabaab waxey geysteenba waa gabo gabo xaalkoodu,waxaase na sugaya cudurradeenni soo jireenka ahaa ee qabyaaladda,khilaafka faraha badan iyo wax qabad yarada,kuwaasoo ahaa wixii markii horeba fursadda siiyey duulkaan habaaran oon xataa kacbada tegi karin waxey sheydaannimo ka qabaan.

Ilaahey waxaan ummada uga rajeynayaa inuu ka guuleeyo cadowyadeeda badan.

Warsame Gaabane

Wadaad yare

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Faa,iidooyinka ku jira ka bixitaanka Shabaabku ka baxeen Muqdisho "

  1. Gurxan says:

    Walee maqaalka aqriyey waxaan kuugu jawaabana garan waayey. Waxaa kaa dhex guuxaya qabyaalada iyo nacaybka aad adigu shabaab ku sheegeyso. Hadaad Shariif taageersantahay Shabaabna necebtahay maantay oo aan maqaalka qoroyo waa Bil Ramadan waana soomanahay Illahay waxaan ka weydiisanayaa inuu goor aan dheereyn kaa soo saaro calaamad muujisa xun oo muujisa farxada aad ku faraxsantahay xasuuqa Gaalada Madaw shacab reer Muqdisho kuwado. Illahay waxaan ka baryayaa inuu intii Uganda iyo Brundi Guri burbiriyeen iyo intay naf gooyeen adiga kugu xisaabiyo kuguna ciqaabo.