Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:3aad

Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, isla markaana Umada ku Horumari karto….
 

 Suurada 3aad Aala Cimraan:

Suurada Aala-Cimraan waxey ka mid tahay Suuradaha aadka u Dheer, waana Suurada Sadaxaad marka loo eego Musxafka, Sababta loogu Magacaabay Aala Cimraan waa in ay Suurada si Faahfaahsan uga Hadashay Qisada Reer Cimraan oo ah Qoyskii ay ka Dhalatay Maryama oo aheyd Nabi Ciise Hooyadiis, sababtoo ah Qisadaan waxey Tilmaameysaa Awooda Buuxda ee Allaah u leeyahay inuu Abuuro Waxa uu doono iyo sida uu u Doono, Suuradii Al-Baqara waxey Tilmaamtay inuu Allaah Aadam Ciid ka Abuuray, Halka Suuradaana ay Tilmaameyso in Ciise laga Abuuray Maryama kaliya oo uusan Aabe laheyn ayadoo aysan Maryama Guursan wax Xumaan ahna aysan Sameynin.

Arintaan waxay meesha ka saareysaa in Nabi Ciise lagu sheego inuu yahay Inan uu Allaah Dhalay, ayadoo taasna ay ka dhalaneyso in aysan jirin markaas sabab loo Caabado ayadoo la leeyahay waa Abuur la yaab leh oo ka duwan Abuurada kale, waayo Allaah waxaa uu Abuuray Nabi Aadam oo aan Aabe iyo Hooyo Toona laheyn iyo Xaawo oo uu ka Abuuray Feerta Nabi Aadam, suura galna ma aha in la Caabudo Aadam ama Xaawo nooc kasta oo uu Abuurkoodu yahay sida aysan suura gal u aheyn in Nabi Ciisana la Caabudo maadaama uusan Aabe laheyn!

Suuradan waa Suurad ka mid ah kuwii soo dagtay Xiligii Magaalada Madiina loo Hijrooday ka dib Aayadaheeduna tiro ahaan waa 200 Aayadood, magaca (Allaah) Suuradaan waxaa lagu xusey 209 jeer, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Anfaal ka dib, waxa ayna ka mid tahay Suuradaha ku Biloowda Xaruufta gogoan waana juzka sadaxaad dhameystirkiisa iyo juzka afaraad badankiisa.

Macnaha Guud ee Suurada Aala Cimraan:

Suuradan Aaala Cimraan waxey si gaar ah uga Hadashaa laba arimood oo aad u Muhiim u ah:

1) tan koowaad: Suuradan waxey si aad ah uga hadashaa Caqiidada Islaamka ee Saafiga ka ah Shirkiga ayadoo hadana Daliilo aad u wanaagsan soo Bandhigeysa isla markaana Naqdineysa wax walba oo Shubha ah oo ay Daliishadaan kuwa Caqiidada Toowxiidka ah aan Fahamsaneyn, waxeyna si gaar ah Suuradaan ugu Ban baxday Qeyb ka mid ah Ahlu Kitaabka (Nasaarada) iyo Caqiidada ay ka aaminsan yihiin Nabi Ciise, waxeyna aad Dadka muslimiinta u Fahamsiiyay halka ay gafka ku galeen Nasaaarada iyo sababta ay u Baadiyoobeen, isla Markaana Suuradan waxey aad u Muujisaa Sharafta weyn ee ay lahaayeen Reer Cimraan iyo Gabadhooda Maryama, Suuradan Reer Cimraan waxey ku Tilmaantay in ay ahaayeen dad Allaah jecel yahay, Maryamana Suuradaan waxey ka Difaacday aflagaadada ay Yuhuuda u geysteen ayada iyo wiilkeeda Ciise waxay kaloo ka fogeysay in la Caabudo ayada iyo Wiilkeeda jaceyl loo qabo dartiis.

2) Marka labaadna Suuradan waxey si Gaar ah uga Hadashay Qeyb ka mid ah Shareecda Islaamka, gaar ahaan Qeybta ku Saabsan Axkaamta Jihaadka, si gaar ahna waxey Suuradan wax ka tilmaamtay Duulaankii Uxud oo ahaa duulaankii Labaad ee Muslimiinta galeen hadana Guul daradii u horeysay kala kulmeen.


Sabata ay ku soo Dagatay Suurada Aala Cimraan:

Suuradaan waxaa sabab u ahaa soo Dagitaankeeda Wafdi Nasaaradii Jaziirada Carabta ah oo la Dooday Nabi Muxamad, ayagoo Xujeysanaya in ay Ciise ku Tilmaamaan inuu yahay Wiil Alle Dhalay kuna Dooday in bal Weligeed la Maqlay Abuur Hooyo kaliya ka biloowday, taasna waxaa Jawaab Buuxda ka Bixisay Suuradaan oo ka sheekeysay in Abuurka Ciise ay jiraan Abuuro kasii yaab badan sida Abuurka Aadam oo laga Abuuray Aabo iyo Hooyo la’aanba.

Fadliga Suurada Aala Cimraan:

Imaamu Muslim Saxiixiisa waxaa uu ku Wariyay inuu Nabiga yiri:{Qur’aanka aqriya waxaa uu yimaadaa Maalinta Qiyaamaha asagoo ka Ergo ah Dadkii aqrin jiray, Aqriya Labadii Ifeysay (Al Baqara iyo Aala Cimraan), waxey Maalinta Qiyaamaha labadooda yimaadaan ayagoo sida Laba Daruurood oo kale ah..oo ka Doodaya (ka ergeynaya)Saaxiibkoodii (kii aqrin jiray)}.

Suurada 4aad An-Nisaa:

Suurada 4aad ee Qur’aanka waxaa loo yaqaan An-Nisaa, maadama si gaar wax badan lagu sheegay Xuquuqo iyo Sharciyo gaar ku ah Dumarka, waxaana Qur’aanka ku jira Suurado badan oo Magac Dumar sita ama Sharciyada Dumarka ku gaarka ah  looga hadlay sida: Suurada Maryama, Suurada Dhalaaq iyo al-Axzaab iyo Suurada An-Nuur, arintaas oo Muujineysa sida Cadaalada ku Dheehan tahay ee Diinka Islaamka u Xaq dhowray Dumarka ayadoo Haweenka Ahlu Kitaabkiina u heesteen  in ay Sheydaan tahay kuna eedeynayeen in ay sababtay gafkii janada looga Bixiyay Nabi Aadam, Mushrikiintuna Nolol duugi jireen ayagoo Ceeb iyo Meel ka dhac u arkayay in Gabadho Xaasaskoodu dhalaan.

Suuradan Al-Nisaa waa Suurad ka mid ah Suuradaha Soo Dagtay Xiligii Magaalada Madiina la Joogay, waxeyna ka mid tahay Suuradaha ugu Dheer, Cadadka Aayadaheeda waa 176 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Mumtaxina ka Dib si Sharciyada Dumarka ku saabsan Faahino ay uga sii bixiso.

Suuradan An-Nisaa waxey ku Bilaabataa in Dadka oo Dhan loogu Naadiyo in Allaah ka Baqaan, waxeyna si aad ah uga Sheekeysaa Sharciyada Dhaxalka ruuxa dhintay ku saabsan, waxeyna ku gabagaboowdaa Aayado ka Hadlayo Sharciyada Dhaxalka, waxeyna ku beegan tahay Juz ahaan Dhamaadka Juzka 4aad ilaa laga gaaro Biloowga Juzka 6aad, Magaca (Allaah) Suuradan lagu Xusay 228 jeer.

Macnaha Guud ee Suurada An-Nisaa:

Suuradaan Maadama ay ka mid tahay kuwii Magaalada madiina kusoo dagtay waxey aad Xooga u saartaa Axkaamta Shareecada Islaamka, gaar ahaan arimaha Quseeya Haweenka, Guriga Muslimka iyo Bulshada Muslimiinta, ayadoo hadana meelo badan ka hadasha.

Suuradaana Wadanka Soomaliya waxaa si gaar ah loogu Xasuustaa ragii Culimada ahaa ee loo Dilay amaba loo Xeray doodii ay ka keeneen Markii Doowladii Hore ee Soomaliya dafirtay si Fagaara ah Qaar ka mid ah Aayadaha Quseeya Qoyska iyo Hab Qeybinta Dhaxalka, arintaas oo ka mid ah Gafafka la tiriyo ee ay Gashay Dowladii ugu Dambeysay Soomaliya, ayadoo hadana ay badaleen Dowlado iyo jabhado Gafafkoodu aysan tirsamin fara badni darteed kana Dhibaato badan Xag Diin iyo Xag Siyaasadeedba.

Sababta ay kusoo Dagatay Suurada An-Nisaa:

Sababta ay usoo dagatay Suuradaan Gaar ahaan Aayadaha ugu horeeya waa in la Xaliya khilaafaad ku Saabsanaa Dhaxal oo dhacay Xiligii Waxyiga soo dagaayay, Khilaafaadkaasna waxaa sabab u ahaa in Diinta Islaamka intii aysan soo dagan aysan jirin Cid Xaq iyo Xuquuq dhaxalba u ogoleyd Haweenka iyo Caruurta Agoonta ah.

W/Q: Calinuur Xoogsade

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.