Home » Warar »

Xarun weyn oo Xisbigga Hiil Qaran ka furtey Magaalada Muqdisho

Xisbiga Hiil Qaran oo dhawaan lagu dhawaaqey dalka dibadiisa  ayna ka mid  yihiin Siyaasiyiin , Aqoonyano caan ah ayaa Xaflad ku saabsan Furitaanka Xarunta Xisbiga Hiil  Qaran ee Magaalada  Muqdisho  ayaa ka dhacdey Xarunta Xisbigga  waxaana ka soo qaybgaley Xubno ka tirsan  Xisbiga, Culama’udiin , Odoyaasha Dhaqanka , Haween iyo Dhaliyarto iyo marti Sharaf kale oo lagu martiqaadey Furitaanka Xarunta Xisbiga Hiil Qaran

 

Xafladii lagu furayey Xaruntaas ayaa waxaa ugu horeyn ka hadley Wakiilka Xisbiga ee Magaalada Muqdisho ahna Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta Xisbigga  wuxuuna sheegey inn xaruntaa ay tahay Xarun u furan qof kasta oo Soomaaliyeed , isagoo sheegey in  Xaruntaan ay qaban doonto arrima fara badan oo ugu horeysa sidii soomaaliya u heli lahayd Nabad iyo dib u heshiisiin dhab iyo Dowlada Caadil

 

Shariif Xuseen Roobow mar uu ka hadlayey waxa kaga duwan yahjay Xisbiga Hiil Qaran xisbiyadii hore loo furey ka dibna burburey waxaa uu yir “Xisbiyadii hore waxay ku dhisnaayeen qaab Qabiil taasaana ugu wacneyd in aysan meel gaarin , Xsbiga Hiil Qaran waa uu ka duwan yahay Xisbiyadaas waxaa ku jira xubno ay ku weyn tahay Soomaalinimada iyo islaanimada “ Wuxuu intaa sii raaciyey “Xisbigeena waa xibsi aan Awwood wax ku dooneym , markii la aasaasayey si weyn looga baaran degey  , Mabaadiidiisana waxaa ka mid ah in Soomaaliya ay hesho dolwlad dalka u horseeda Cadaalad iyo horumar” waxaa uu kaloo uu halkaa ka sheegey in xibiga uu soo saaro Wargeys lagu magacaabo Aragtida Wadaniga oo Bshii mar uu soo saaro

 

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Saciid  Maxamed Ducaale oo ku hadlayey magaca odoyaasha  ee Xibiga Hiil Qaran wuxuuna sheegey in aad ugu faraxsan  yihiin in xisbiga uu Xarun weyn uu ku yeesho Magaalada Muqdisho , isagoo  u soo jeediyey Masuuliyiinta Xisbiga in ay Xarumo kale ay ka furtaan guud ahaan dalka  maadaama ay xisbiga ka mid yihiin rag firficooin oo ay ka go’an tahay samatabixinta Shacabka soomaaliyeed

 Halkan kadaawo sawiro deeraad ah

Intii ay socotey Furiitaan Xarunta Xisbiga hiil Qaran ayaa waxaa Khadka Taleefonka kala qaybgaley Xoghayaha Guud ee Xisbiga Axmed Ismaaciil Samatar oo ku sugnaa dalka koonfurt Afrika oo u Mahadceliyey intii isku soo duba ridey Furitaanka Xarunta Xisbiga   ee Magaalada Muqdisho isagoo sheegey  in xibiga uu ku tala jiro in uu Xarumo ka furtp guud ahaan dalka isagoo u soo jeediyey Shacabka Soomaaliyeed in ay u sara kacaan sidii dalka uu u heli lahaa Dowlad Shacabka soo doorto.

 

Waxaa kaloo Munaasabadii lagu furayey Xaruntaas ka Hadley Cabdi Wabar oo sheegey inn xisbiga uga fadhiyaan sidii dalka soomaaliyeed Nabad ugu soo dabaali lahaayeen wuxuu kaloo u soo jeediyey in xisbiga gaarsiyaan meel,kasta oo ay Soomaali joogto iyadoo intii ay socotey Furitaanka Xarunta Xisbiga waxaa Gabey qiiro leh ka soo jeediyey Abwaan Axmed Maxamed Maxamuud kaasoo ay si weyn ugu riyaaqeen dadkii lagu martiqaadey xafladaas  waxaana ugu dambey Xarunta Xisbiga Xarigga ka jarey Wakiilka Muqdisho  ee Xisbiga Hiil Qaran Shariif Xuseen Roobow  

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xarun weyn oo Xisbigga Hiil Qaran ka furtey Magaalada Muqdisho "

  1. Suqdho says:

    Qaran Somaliyeed ma Jiroh ee Qomiyado Somaliyeed baa Jirtah Dadka Qaranimadi Soamaliyeed ee Luntay iyo Kalategida Umadi Somaliya Laysku oranjiray Lagu Tuhunsanyahay Waxa ay soo Wadaan Somalida miyirka Qabtaa soo dhowayn Mayso.Maxay Isudalinayaan Kuwaas Hiil Qaran la Baxay?kk Wayeladaas Hadba Gar u dhofaya Maxaa Dhibay may Nastaan?

  2. Yusuf says:

    Ma HIIL QARANABAA mise WAA HIIL QABIIL?-Koley aniga shaki iigama jira midka uu yahay, hase yeeshee waxaan ummada somaliyeed kula talinayaa in ay ogaadaan (in waxii midab dahab lehba aysan dahab ahayn), Magaca wanaagsanina waa la mid, hase yeeshee ujeedada ayaa muhiim ah.

    Mudo dheer ayey soo wadeen dhaqdhaaq siyaasadeed, koox saldigoodu yahay Djabouti. Waxayna bilawgii hore shirar badan ku qabteen meel kala duwan si ay u soo shaac baxaan. Hadaba fikirkaan yaa aabe u ah, yaase ku midaysan, yaase daaha gadaashiisa ku jira?

    Markaana aan Kaarka QARANIMO xoqano!,