Home » Warar »

Dalada Waxbarashada FPENS OO Tababar u soo gabagabeeysey Dugsiyada Hoos yimaada Daladaas

Xarunta FPENS ee Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa lagu soo gabagabeeyey Siminaar socdey muddo  Shan Maalmood ah loona  qabtey  Maamulayaasha Dugsiyada Hoos yimada Dalada Waxbarashada Fpens oo tiradooda gaareysey 80 Maamule , waxaana siminaarkaas lagu baranayey Doorka Maamulayaasha ay ku leeyihiin sara u qaadida Waxbarashada  waxaana Fulinta siminaarkaas lahaa Shirkadda Hormuud

 

In tii uu socdey siminaarkaas ayaa Maamulayaasha waxay isku dhaafsanayeen Fikrado ku aadan tayeynya Waxbarshada  dalka waxaana ugu horeyn halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Dallada Waxbarashada FPENS Cabdikariim Xuseen Guuleed oo sheegey in Dalada ay wax ka barrtaan 60 kun oo ardery  isagoo sheegey in 12 kun oo ka mid ah ardeydas ay yihiin kuwo si lacag la’aan ay wax ku bartaan oo u badan ardey Agoon ah, wuxuuna kala dardaarmey Mamulyashaasha in waxa ay siminaarkaas ku barteen ay uga faaiideeyaan Dadka kale ee aan fursada u helin Siminaarka

 

Waxaa kaloo gabagabadii siminaarkas ka Hadley  Masuul ka socdey shirkada hormuud oo lagu magacaabo Bashiir Cabdulaahi Sahal oo sheegeyin in Shirkada Hormuud ay tahay Shirkad ay leeyihiin Shacabka soomaaliyeed waxama Saami ku leh ilaa Saddex kun oo qof waxaana ka shaqeeuya ilaa afar kun oo shaqaale kuwaas oo ku kala firirsan guud ahaa dalka

 Halkan kadaawo sawirada oo dhamaystiran

Wuxuu sheeeey in madaama ay shacabka u timid ay qayb libaax ku leedahay sare u qaadida Waxbarashada nooceey doonto ha noqoto , wuxuu kaloo uusheegey in sanad kasta ay qabto tartamo dhinaca waxbarashada ah taasoo uu sheegey in ay ku dhiiradeen tuulooyin fara badan oo markii hore aan lahayn Dugsiyo ay dugsiyo dhistaan  , wuxuu kaloo carabka uu ku dhiftey in Shaqaalaha hormuuud ee ku sugan Tuulooyin ay marka ay qaadanayaan ay ku xiraan in qofka uu aqoon uu leeyahay taasina wuxuu  sheegey in ay fududeysey in dadka ay wax bartaan wuxuuna u mahadceliyey Dalada Waxbarashada FPENS oo iyadu door muhiim ah kul eh dhinaca waxbarashada

 

Waxaa sidoo kale halkaa ka Hadley Sarkaal ka tirsan Banki-ga Salaam oo lagu magacaabo Cabdiraxmaa Ibraahim (Okiyaale ) oo sheegey in Banki-ga Salaam loo abuurey in uu  maalgeliyo Wax kasta oo horumar u ah Bulshada Soomaa;iyeed wuxuuna farta ku fiiqey Dhinaca Waxbarashada  oo u sheegey in ay maalgeliyeen Dugsiyo fara badan haatana wuxuu sheegey in ay qorshaha ugu jiro maaligelinta wax kasta oo faaiido u ah Bulshada  isagoo u mahadceliyey Dalada Waxbarashada FPENS iyo  Shirkadda Hormuud oo u soo jeediyey in ay laba laabaan Siminaarada Noocaan

 

Ugu dambeeyn waxaa halka ka Hadley Axmed Maxamed Gacal oo ku hadlayey magaca ka qayb galayaasha wuxuuna u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Siminaarka wuxuuna u soo jediyey Daladda Waxbarashada FPENS iyo Shirkadda  Hormuud inay il gaar ah ku egaan Caruurta agoonta ah iyo kuwa kale an iska bxin karrin Kharashka Waxbarashada

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.