Xarunta FPENS ee Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa lagu soo gabagabeeyey Siminaar socdey muddo Shan Maalmood ah loona qabtey Maamulayaasha Dugsiyada Hoos yimada Dalada Waxbarashada Fpens oo tiradooda gaareysey 80 Maamule , waxaana siminaarkaas lagu baranayey Doorka Maamulayaasha ay ku leeyihiin sara u qaadida Waxbarashada waxaana Fulinta siminaarkaas lahaa Shirkadda Hormuud
In tii uu socdey siminaarkaas ayaa Maamulayaasha waxay isku dhaafsanayeen Fikrado ku aadan tayeynya Waxbarshada dalka waxaana ugu horeyn halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Dallada Waxbarashada FPENS Cabdikariim Xuseen Guuleed oo sheegey in Dalada ay wax ka barrtaan 60 kun oo ardery isagoo sheegey in 12 kun oo ka mid ah ardeydas ay yihiin kuwo si lacag la’aan ay wax ku bartaan oo u badan ardey Agoon ah, wuxuuna kala dardaarmey Mamulyashaasha in waxa ay siminaarkaas ku barteen ay uga faaiideeyaan Dadka kale ee aan fursada u helin Siminaarka
Waxaa kaloo gabagabadii siminaarkas ka Hadley Masuul ka socdey shirkada hormuud oo lagu magacaabo Bashiir Cabdulaahi Sahal oo sheegeyin in Shirkada Hormuud ay tahay Shirkad ay leeyihiin Shacabka soomaaliyeed waxama Saami ku leh ilaa Saddex kun oo qof waxaana ka shaqeeuya ilaa afar kun oo shaqaale kuwaas oo ku kala firirsan guud ahaa dalka
Halkan kadaawo sawirada oo dhamaystiran
Wuxuu sheeeey in madaama ay shacabka u timid ay qayb libaax ku leedahay sare u qaadida Waxbarashada nooceey doonto ha noqoto , wuxuu kaloo uusheegey in sanad kasta ay qabto tartamo dhinaca waxbarashada ah taasoo uu sheegey in ay ku dhiiradeen tuulooyin fara badan oo markii hore aan lahayn Dugsiyo ay dugsiyo dhistaan , wuxuu kaloo carabka uu ku dhiftey in Shaqaalaha hormuuud ee ku sugan Tuulooyin ay marka ay qaadanayaan ay ku xiraan in qofka uu aqoon uu leeyahay taasina wuxuu sheegey in ay fududeysey in dadka ay wax bartaan wuxuuna u mahadceliyey Dalada Waxbarashada FPENS oo iyadu door muhiim ah kul eh dhinaca waxbarashada
Waxaa sidoo kale halkaa ka Hadley Sarkaal ka tirsan Banki-ga Salaam oo lagu magacaabo Cabdiraxmaa Ibraahim (Okiyaale ) oo sheegey in Banki-ga Salaam loo abuurey in uu maalgeliyo Wax kasta oo horumar u ah Bulshada Soomaa;iyeed wuxuuna farta ku fiiqey Dhinaca Waxbarashada oo u sheegey in ay maalgeliyeen Dugsiyo fara badan haatana wuxuu sheegey in ay qorshaha ugu jiro maaligelinta wax kasta oo faaiido u ah Bulshada isagoo u mahadceliyey Dalada Waxbarashada FPENS iyo Shirkadda Hormuud oo u soo jeediyey in ay laba laabaan Siminaarada Noocaan
Ugu dambeeyn waxaa halka ka Hadley Axmed Maxamed Gacal oo ku hadlayey magaca ka qayb galayaasha wuxuuna u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Siminaarka wuxuuna u soo jediyey Daladda Waxbarashada FPENS iyo Shirkadda Hormuud inay il gaar ah ku egaan Caruurta agoonta ah iyo kuwa kale an iska bxin karrin Kharashka Waxbarashada
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.