Home » Warar »

Wadamada Deeqa bixiya oo Balan qaadkoodii noqday afka baarkiisa

Waxaa Dalka Talyaaniga lagu soo gabagabeeyey kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen wadamada la isku yiraahdo G-20 iyo Masuuliyiin ka socotey Hayada Cunada iyo Beeraha ee FAO….

 waxaana kulankaas si aad ah looga doodey Abaaraha iyo MacLuusha ka taagan Wadamada KA TIRSAN Geeska Afrika oo sida wadamada Soomaaliya ,Jabuuti,Itoobiya iyo Kenya waxaana kulankaas lagu so bandhigey DarAasad la xirirta Abaaraha ee ka taagan wadamadaas iyo sida loo Caawin karo

Wadamada ayaa halkaa ku balan qaadey lacag Bilyanis ah oo ay sheegeen in ay gu tala galeen dadka Abaaraha ay saameeyeen iyo weliba sidii dadkaas loogu sameyn lahaa Mashaariic ay dib ugu laaban karaan Beerahoodii iyo Xoolahoodii waxaana kulankaas Soomaaliya uga qayb galey Wasiirka  Arrimaha Dibada ee Somaaliya  Maxamed XaajiI Ibraahin oo sheegey Haddii aan si dhaqsiyo badan  loogu gurman Dadkaas ay dhici  karto in ay dhintaan dad fara badan weliba wuxuu farta ku fiiqay labada bilood ee soo  socota oo uu sheegey in isbedel uu imaan karo

Wasiirka arrimaha dibada ee soomaaliya wuxuu sheegey in dad gaaraya Sadex Milyan iyo Bar ay qarka u saaran yihiin dhimasho wuxuuna u soo jeediey wadamada horumarey iyo Hayadaha Gargaarka in sida ugu dhasiyaha badan gargaar loo gaarsiiyo dadkaas maadaama Xoolahoodii iyo Beerahoodii ay baaba’een , wuxuu kaloo uu sheegey in xitaa loo baahan yahay in dadkaas lala gaaro Daawooyin ka dib markii la sheegey in dadkaas ay u dhimanayaan Cududro kala duwan

Agaasimaha Hayadda WFP  ayaa kulankaas ka sheegtey in ay Bilaabayaan Gurmad dhinaca cirka ah oo weliba deg deg ah waxayna sheegtey  in Magaalada Muqdisho ay saacadaha soo socda ay ka dejin doonaan Diyaarado wada macaawinooyin kala duwan kuwaas oo ay ugu tala galeen in lagu gargaaro dadka ay abaarta saameeysey wuxuuna u soo jeediyey wadamada horey uga marey dhaqaalaha  in Hayada laga gacan siiyo dhinaca dhaqaalaha  si mustaqbalka dadka loogu sameeyo Mashaariic horumarineed

Waayadaan dambe wadamada Deeqa bixiya waxaa  lagu waramey in marka ay ka qaybgalayaan Shirarka Caalamiga ay sameeyaan Balan qaadyo marka dambe ku biya shubta in aysan ka dhabeyn wxii ay hore u balan qaadeen sanadkii tagey soomaaliya waxaa loo balan qaadey lacag gaareysa 300 oo Milyan hase yeeshee lacagahaas waxaa ka soo xaroodey lacag aad  yar oo lagu sheegey  10 milyan oo doolar    marka  la yiraahdo maxaa lacagahaas u bixin weydeen waxay ku mar marsiyoodaan kharashaadkaas meelo kale ayaan u jaheyney marka wadamaas ayaa moodaa in Balan qaadyadooda uu ku soo ururey Afka Baarkii

Dadka soomaaliyeed  ayaa haatan waxayn nodeen kuwa isku gargaara oo ka tashadey wadamada deeqaha bixiya iyo hayadaha gargaarka waxaana maalmahaan dhagaheena ku soo dhacaya Deeqo fara badan oo ay soo dhiibeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa iyo dibadiisa waxayan Abaartaan ay ku soo beegantey Xilli maalmo yar ay ka harsan tahay bishii Barakeysneyd ee Ramadaan oo dadka soomaaliyeed hore looga bartey in ay Caawiyaan dadka masaakiinta

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk               

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wadamada Deeqa bixiya oo Balan qaadkoodii noqday afka baarkiisa "

  1. Abdifatah says:

    Intaynu hay’addo deeq bixiya iyo kuwo UN dhowrayno meel tegi mayno, inagaa boqol goor iyo kun goor isu dhaanna waxaynu isa siinaa waa dar ilaahay waxayse ina siyaan hadiiba ay keenaan waa cunto quruntay oo xitaa eeyada wadamadooda joogay aysan u quurin, marka UN iyo Aid Agenceis waxay ku fiican yihiin kuligood waxay keenaan qashinka lagu darro somaliduna ay guntiga giijisato