Home » Warar »

Macaluul ka jirta Koonfuta Soomaaliya – Caddaymo loogu dhawaaqayo macaluusha

Caddaymo muujininaya xaalado ba’an oo cunto la’aaneed, nafaqo-darro baahsan, iyo dhimasho nafeed ayaa muujinaya in macaluul ay haatan ka jito laba meelood oo ka tirsan gobollada koonfuneed: habnololeedyada xoolo-beero dhaqata gobolka Bakool iyo gobolka Shabeellada Hoose oo idil. Xaaladahan bani’aadminimo ayaa ka dhigan xaaladda ugu ba’an ee sugnaan cunto ee ka jirta dunida manta, marka loo eego baaxadda iyo darnaanta. Gurmadka bani’aadminimo ee haata jira ma ahan kuwo ku filan inay kaabaan baahiyada taagan. Marka la eego heerka gurmad ee haatan jira, caddaymo ayaa tilmaamaya in macaluul ay ka dhici doonto dhamaan gobollada bisha amaba labada bilood ee soo socda. Gurmad ballaaran oo taabanaya meelo badan ayaa ah mid lagama-maarmaan ah si loo baajiyo dhimasho nafeed oo hor leh iyo burbur ku dhaca habnololeedyada iyo haykalka bulshada, iyo sida ugu dhaqso badan, gurmad lagu horumarinayo helitaanka cunnada lagulana tacaalayo xaalada caafimaad/nafaqo ayaa loo baahan yahay.

Xaaladahan bani’aadminimo ee ka taagan koonfurta Soomaaliya ayaa kiciyay arrimahan soo socda:

·        Roobabkii Deyr-ta ee Oktoober-Diseembar iyo roobabka Guga ee Abriil-Juun oo liitay ayaa waxay sababeen dallaga beeraha oo baaqday, dalabka shaqo beereedka oo yaraada, xoolaha tayadooda oo xumaatay, iyo dhimashada xoolaha oo siyaadday
qiimaha firileyda dhamaan koonfurta oo aad uga sara maray heerka celceliska, kuwasoo ku laba laabmay amaba saddex laabmay qiimihii sanaddii 2010 meelaha qaar. Natiijadiina, isdhaafsiga xoolaha iyo firileyda iyo mushaar hawlmaalmeedka iyo firilayda ayaa si aad ah u xumaaday. Marka la eego dhamaan hab-nololeedyada, qoysaska saboolka (oo gaaraya ilaa 30 boqolkiiba marka loo eego tirade guud) ayaa ah kuwo aan awoodin inay kaafiyaan baahidooda cunto lagama-maarmaanka ah ayna xaddidan tahay inay la tacaalaan cunno-yarida.

·        Bishii Luulyo, FSNAU waxay qabatay 17 daraasadood oo ay ku eegaysay xaaladaha nafaqo iyo dhimasho dhamaan koonfurta Soomaaliya; 11 daraasadood ayay natiijooyinkooda la soo saaray. Xogta nafaqadarrida guud ayaa waxay ka sarraysaa 20 boqolkiiba dhamaan gobolladaasi, ayadoo weliba nafaqadarradu ay ka sarrayso 38 boqol-kiiba (nafaqadara ba’anna ay ka sarrayso 14 boqol-kiiba) 9 ka mid ah meelaha laga sameeyay 11-ka daraasadood. Heerka nafaqadarrida ee ugu sarreeya ayaa laga helay gobollada Baay, Bakool, iyo Gedo (beero-xoolo dhaqatada) halkaasoo nafaqo darrida guud ay sare u dhaaftay 50 boqol-kiiba. Xarunta La-Socodka Cudurrada (CDC) ee Maraykanka ayaa xaqiijisay natiijooyinkani.

·        Heerka dhimashada guud ee dadka ee laba goobood ayaa ka sarraysa heerka macaluusha (ee 2/10,000/maalin-tii) (Xoolo-beero Dhaqatada Bakool, iyo gobolka Shabeellada hoose oo idil) ayadoo dhimashada goobaha kale ee koonfurta ay aad u sarrayso. Heerarka dhimasho ee caruurta ka yar 5-sano ayaa ka sarraysa 4/10,000/maalin-tiiba dhamaan gobollada koonfurta ee xogta laga hayo, taasoo gaaraysa 13-20/10,000/maalin-tiiba, gaar ahaan dhulka webiyada iyo beero-xoolo dhaqatada Shabeellada Hoose. TobanNaan kun oo dad ah ayaa geeriyooday saddexdii bilood ee la soo dhaafay

Warbixin faahfaahsan ayaa ku lifaaqan qoraalka, waxana lagala soo bixi karaa mareegtan: http://www.fsnau.org/downloads/FSNAU-FEWSNET-Press-Release-Somali-Version-July-2011.pdf

Wixii su’aalo ah, fadlan nagala soo xiriirA info@fsnau.org

Mahadsanidiin,

Grainne Moloney
La-taliyaha Guud ee Farsamo
FSNAU/FAO
grainne.moloney@fao.org

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Macaluul ka jirta Koonfuta Soomaaliya – Caddaymo loogu dhawaaqayo macaluusha "

  1. kayse jamac says:

    Qalbigu ma xamili karo iyo indhuhuba waxa ka muuqanaya kumanaanka kun ee shacabka macluusha iyo abaaruhu kala qeybsadeen ee jidadka duurarka guryaha iyo meel kasta ku dhamaanaya ee gaajada cudurka iyo dacdarudu isugu darsantey.warbaahintu calool adagaa sawirada ka muuqanaya dadkaas soomaaliyeed ee caruurta iyo haweenka iyo waayeelka isugu jira ee meel kasta aad ku arkaysid illeen aaladi sawir kama daasho oo wax ay diido ma jirto.

    Nimanyohow aniga waxaa isu kay qaban waayey shacabka waxaas oo musiibo iyo macluul ahi ku habsatey ee maanta bakhtigu xalaal u noqday, ee hadana lagu dul qurcaysanayo ( bakhtiyaa nasiib) amaba indhaha laga laabanayo mushkiladooda.
    Waxaan taas ula jeedaa waxaa dhakafaar igu abuuray oo meel aan saaro garan waayey ninka afhayeenka u ah xarakada Alshabaab sheekh cali dheere, ninkaasi waxaa 3 usbuuc oo isku xigta kasoo kala yeeray 3 hadal oo kala duwan oo isburinaya, oo ku aadan xaaladda abaaraha ee soomaaliya ka jira iyo sida loola tacaamuli lahaa, markii ugu horreysay sheekh cali dheere oo dhawaaq dheer oo caalamka oo dhan gaarey ku hadlay ayaa wuxuu caalamka ka codsaday in soomaaliya gaal iyo islaamba usoo grmashadooda lasoo dhaweynayo oo abaaraha ku saabsan halkaasna ku fasaxay ha,adihii mucaawanooyinka, intaas ka dib todobaadkii ku xigay ayaa hadana wuxuu soo saaray war uu kii hore kaga noqonayo oo uu leeyahay ma jirto cid hay’adihii hore ah oo aan dalka u fasaxnay..la yaab, waxaa kadib intaas ka dambeeyey oo warkii ugu yaab badnaa ahaa inuu waxba kama jiraan kasoo qaaday abaarta iyo macluusha laga sheegayo soomaaliya oo ay tahay wax la buunbuuninayo oo aan herka la sheegi 100% aysan gaarsiisnayn.

    dabada waxaa isweydiin leh soomaaliya maanta waxa ka dhacay ee macluul iyo gaajo abaaruhu keeneen ah ma wax qarsoomi karaa oo sacabbo lagu qarin karo..?
    dadkaan iyo shacabkaan guryahoodii iyo degaabadiidii ka haajirey ee geeridu meel kasta ku haleeshay jidadkii guryihii xareyihii iwm ma riwaayad iyo masraxiyaad baa? dadkaanse caruurahoodii xuduudaha kala tallaabey ee ay naadir tahay reer iyaga oo wada jira nabad ku gaarey meelaha ay u barakaceen ma wax kama jiraanbaa..?
    meydadkaan iyo darxumada silica ah ee dadka laga soo duubayo ee dawladaha deriska iyo magaalooyinka lagasoo duubayna ma dhalanteedbaa..?
    intaasoo dhan ka dib xeryaha iyaga naftoodu ay fureen ee maatada faraha badani ka buuxaan ( aala yaasir) iwm waxba lagama soo qaadayo miyaa oo dadku waxaas oo hijra ah oo mawtku deriska la yahay ma beenbeen baa..? waa wax qalbi damqanaya uusan maqli karin xaqiiqo ahaan in nusiibadatan aan sanadahaan dhaw soo marin ummada lagu tilmaamo wax kama jiraan

    3 suaalood ayaan marka anigu jeclaan lahaa inaan kusoo koobo faalladayda oo aan dadka soomaaliyeed waydiinayo
    1) maxaa lagu macneyn karaa hadalka sheekh cali dheere ee wax kama jiraan kasoo qaaday abaarta iyo macluusha ku dhacday shacabka soomaaliyeed ee ku qasabtay inay guryahoodii ka haajiraan iyo beerahoodiiba..?
    2) in shalayna uu aflabadii ku dhawaaqey in shacabka soomaaliyeed loo soo gurmado gaalo iyo islaamba abaaraha jira dartood fasaxna siiyey hay’adihii mucawanooyinka ka dibna uu maalmo ka dib dib u beeniyey hadalkiisii hore oo gaashaanka ugu daruuray in hay’adahaasi aanay iman karin?
    3) ma la dhihi karaa hogaamiyayaasha soomaaliyeed ee xarakada Alshabaab taloba gacani uguma jirto oo amar madax bannaan oo iyaga kasoo bixi karaaba ma jiro oo talada iyo masiirka ummadaan soomaaliyeed waa mid meelo kale laha hagayo oo laga soo maamulayo, markaan u fiirsanno waxyaabaha dhacay sida sheekh cali dheraba ka muuqata hadaladiisa isburinaya …?