Home » Warar »

Aniga ayaa masuul ka ahaa soo gelitaankii ciidamada itoobiya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuussuf Axmed ayaa mar uu  u waramayey Idaacadda VOA ee qaybteeda Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu ka hadley arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Raiisul Wasaaraha cusub ee  Dowladda Federaalka Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,Deegaanada Pundland , soo gelitaankii Ciidamada Itoobiya ee Soomaliya iyo Abaaraha ku dhuftey qaybo ka mid ah Soomaaliya

 

Cabdulaahi Yuusuf Axmed mar wax laga weydiiyey Raiisul Wasaaraha Cusub ee Sooomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  wuxuuna sheegey in uu yahay nin aqoon leh islamarkaana magacaabey dhalinyaro iyagana Aqoon leh isagoo sheegey in uu yahay nin uu garanayo hase yeeshe wuxuu ku tilmaamey nin Xumaan  uusan ku ogeyn, isagoo sheegey in  wanaagiisa la ogaan doono  marka uu Howsha guda gallo iyo  sida uu u wajaho.

 

Cabdulaahi Yuusuf mar uu  ka hadlayey soo gelitaankii Ciidamada Itoobiya Soomaaliya wuxuuna kaga jawaabey Su’aashaasi”Aniga ayaa ka Masuuul ahaa soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya waxaana doonayey in ay  dalka Soomaaliya ku soo celiyaan  Xasilooni islamarkaana hubka ka dhigaan Bulshada Soomaaliyeed, Niinkii Inkira waxa uu sameeyey ma aha  rag hase yeeshee Howla galkoodii waxay u badeleen in ay dalka Xukumaan, taasina waan ka soo horjeestey waayo ma noqon karo Dabadhilif”

 

Mar uu sidoo kale ka hadlayey Deegaanada Punland oo maalmahan ay ka jirtey Xasiloonidarro,wuxuu sheegey in markii uu joogey ama uu Xukumayey deegaanadaas uu  xooga saarey wax kasta oo Caqabad ku noqon kara  Amaanka isla markaana sheegey in uu adeegsan jirey Xeelado Milataeri, wuxuu kaloo uu sheegey in masuul kasta uu aragtidiisa waxa ku xukumo balse uu sheegey in uu ku dadaaley dhinaca amaanka iyo Xasiloonida

 

Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo dalka Yaman uu ku joogo Magangelyo Siyaasadeed ayaa waxaa kaloo wax laga weydiiyey Arimaha Abaaraha ee ka jira qaybo ka mid ah  Soomaaliya wuxuu sheegey in uu aad ugu xun yahay dhibaatada ay keentey Abaarta ee ay ku dhimanayaan Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Caruuta , isagoo sheegey in Beesha Caalamka ay ka seexatey dhibaatada ay abaarta keentey islamarkaana aysan wax ka qaban dhibaatadaas

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Aniga ayaa masuul ka ahaa soo gelitaankii ciidamada itoobiya "

  1. ina qasim says:

    Wax laga naxo marna laga yaqyaqsooda waxaa ah in ina yusuf uu maanta la soo taagan yahay anigaa axmaaro wadanka keenay,ayadoon
    ogsoonahay iney tahay cadawgeen akowaad ayn naga haysato dhul baaxad leh uun a ka mid ahaa ciidamadii ay aheyd iney ka difaacaan dalka.
    kanse leh guul waleee guuldaro ayaa kuu soo hoyatay.

  2. siciid says:

    salaan dhamaan qoroyaasha webkaan salan kadib waxaan tageero buuxda siinayaa hadalada madax waynihii hore ee c/laahi yuusuf axmed waligaa guul