Home » Warar »

Shirkada SKA oo beenisay inay lawareegtey hawlihii garoonka dhamaan.

Shirkadda SKA oo dhawaan ka howl bilowdey Garoonka Diyaaradaha ee  Aadan  Cadde ee Magaalada Muqdisho  ayaa sarkaal ka tirsan Shirkadaas  si kulul u beenisey war sheegayey in Shirkada gabi ahaan la wareegtey Howlahii Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho  waxayna wararkaas ku tilmaantey kuwa aan sal iyo raad lahayn oo ay faafiyeen kuwa doonaya in ay iska horkeenaaan Shacabka Somaaliyeed  Shirkadda SKA

 

Yuusuf Shiikh oo ka mid Saraakiisha Shirkadda SKA oo aan wareysi la yeelanay ayaa sheegay in shirkadda SKA ay markii hore u timid in ay Garoonka Aadan Cadde ay ka dhigto Garoon Caalami ah oo la saan qaadi kara Garoomada kale ee Caalamiga ah  , isagoo sheegey in Shirkadda durba ay si aad ah u sugtey Amaanka Garoonka Diyaaradaha Boqolkiiba Boqol ayna suurtagelisey in Garoonka Diyaaradaha uu Habeenkii uu shaqeeyo

 

“Inta aanan Howsha bilaabin waxaa Heshiis la galnaa Shirkadaha adeegsada Garoonka Aadan Cadde si aan ugu qabo Howlaha ay u baahan yihiin taasi waxay keentey in Shirkadaha ay si wanaagsan ay ugu qancaan Adeegeenna” ayuu yiri Yuusuf Shiikh oo intaa Raaciyey “  Waxaa jira Shirkado naga faafiya Dacaayado raqiis ah kuwaas oo doonaya in Shacabka ay ku sii jiraan Dhibaatooyinkii ay kala kulmi jireen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaana halkaan ugu Mahadcelinayaa Shirkadaha sida weyn u soo dhaweeyey Adeegeena islamarkaana ku faraxsan Howsha aan u qabaney sida Jubba Air ways , 540 iyo Jordan Air ways   waxaana rajeeyneynaa in kuwa kalena  ay soo dhaweyn doonaan’

 

Sarkaalkaas u Hadley Shirkadda ayaa sheegey in markii ay timid  SKA  ayna  bilowdey Howsha Garoonka Diyaaradaha uu hoos u dhac ku yimid Tigidhadii lagu raaci jirey Diyaaradaha taasi wuxuu sheegey in ku timid  markii ay Shirkadda SKA  ay ka dhaadhicisey Shirkaddaha kale in ay xiligaan wanaagsan tahay in  qiime dhimis lagu sameeyo Tikidhada  maadaama Shacabka Soomaaliyeed ay haystaan dhibaatooyin Dhinacyo badan leh  

 

Mudane Yuusuf wuxuu kaloo uu beeniyey in Shirkada ay la wareegtey Howlo ay ka mid ahaayeen  Shidaalka la siiyo Diyaaradaha , Cuntada , Nadaafadda  iyo Howlo kale wuxuuna yiri “ Howlahaas wax Shaqo ah kuma lihin waxana kuu sheegayaa in shaqaale Fara badan ay Shirkada Qaadatey isla markaana ay Mushaar u bilowdey iyo Daryeel kale sidoo kale waxaan qaadaney wixii Xamaali ahaa ee ka shaqeyn jirey Garoonka iyagana Mushaar baan u qorney Mustaqbalkana waxaan qaadan doono shaqaale kale hadii loo baahdo”

 

Cali Muuse  Geedi oo aan kulaney Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde mar uu ka soo degey ayaa waxaan wax  ka weydiiney arrimo ku saabsan Garoonka wuxuuna yiri”Sanad ka hor mar aan ka dhoofayey Garoonka waxaa ka jirey dhibaatooyin badan maanta markaan ka soo degeyey waxaan la kulaney adeeg Hufan oo lagu qanci karo waxaana u mahadcelinayaa Shirkada SKA oo fududeysay Howlo badan oo markii hore caqabado lagala kumi jirey”

 

Faadumo Ibraahim oo iyana ka mid ahayd Rakaab ka so degey Garoonka ayaa tiri “ Ma fileyn Garoonkii Muqdisho ayaa sIdan laga  dhigayaa waana arrin lagu farxo  in Garoonka laga dhigo Garoon Caalami ah waxaana rajeynayaa in sida hadda uu yahay uu ka sii wanaagsanaado”

 

Isku soo duuboo Garoonka Diyaaradaha ayaa marba marka ka dambeysa ka sii wanaagsanaanaya waxaana bilowdey in Habeenkii Diyaaradaha ay ka soo degeen Garoonka oo lagu soo kordhiyo Adeegyo fara badan oo ay dadka si aad ah u soo dhaweeyeen waxaana la filayaa in Shirkado diyaaradeed oo heer Caalami ah iyana ay soo caga dhigtaan waxaana lagu wadaa in mar dhow Garoonka ay ka howl bilowdo Shirkada Kenya Air Ways iyo kuwa kale Shacabkana ay heli doonaan kuwo ka qiimo jaban kuwa hadda jira

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk    

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shirkada SKA oo beenisay inay lawareegtey hawlihii garoonka dhamaan. "

  1. abdalla uk says:

    allow sharaftii shacabka somaliyeed dunida ku lahaa soo celi oo dhibta naga saar aad ayaan ugu faraxsanahay in wax un isbadal ah uu maanta soo ifay walow dhibtu wadanka si xun ugu baahdey dadkuna sanado badan dhib ku jireen.

    aniga waxan qabaa in shirkadaha caalamiga ah ee dunida horumartey ka hawlgala hishiishyo lala galo si ay kaabaha dhaqaalaha noogu hor mariyaan sababtoo ah somali awoodaas malahan dhaqaalahaas mahaysato qibradna umalahan in ay si hufan adeegyo macquul ah u fuliso lakiin insha allah qof ku dhashey maleh qaran haduu dumo dadkiisana way dumaan marka insha allah dadku way baran doonaan maamul wanaaga.