Home » Warar »

“Farmaajo ma Tanaasuley Mise Tunkaa La Qabtey?” Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi

Siyaasada Soomaliya maalinba meel ayey joogtey 20kii sano ugu dambeysey qof walbana meel ayuu Tareenka siyaasada ka soo fuulaayey Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo fuuley xili ay xaalada xasaasi tahay dadkuna ay daalan yihiin xukuumad walba oo la dhisana iyadoon wax is badal ah keenin ayey ka dhamaan jirtey ama laga kaxeyn jirey waxaadna moodaa mudane Farmaajo inuusan sooyaalka taariikhda siyaasada uusan akhrisan mana xasuusan sidii ay kaga tageen asxaabtii isaga ka horeeysey oo qaarkood la oron karo waxay ahayeen kuwa Soomalida ugu kursiga jeclaa waxaana tusaale u soo qaadan karnaa Col C/hi Yuusuf Axmed oo barqo cad ka tanaasuley kursigii Madaxwenenimo iyo saaxiibkiisa ka horeeyey Prof Cali Maxamed Geedi oo aad isugu dayey inuu xoog ku joogo kadibna labadooda waxeey ku baxeen labo farood oo banaanka looga taagey waayo Madaxda soomaalida ma gaarin garaadkooda ineey tanaasulaan hadii ay fashilmaan .

Dadka qaar oo soomaalida ah waxeey ku doodaan waxaa nahay dal xor iyo dad xor ah waxeeyna banaanbaxyo iyo calamo la taagan yihiin dowladaha qaxootiga ay ku yihiin oo nabada ay u doonteen laguna soo dhoweeyey mana jirto qof isku dayaaya inuu dalka yimaado naf iyo maal gelsho waxeeyna Telfishinada ka soo muuqdaan iyagoo heeso wadani ah iyo astaantii calanka ku qaadaaya daL Shisheeye mana ahan kuwo taariikhda akhrista ama ka sheekeysta xaalada dhabta ah ee dalka ka jirta waxeey ku jiraan riyo gobonimo doon ah.

Farmaajo markii loo dhibey xilka waxuu qabtey wax la taaban karo sida musuqmaasuqa uu yareeyey waxuuna nasiib u yeeshey labo sano oo aan Amisom horey u dhaqaaqin inuu k usoo beegmey xili ay iyagu go’aansadeen ineey horey u dhaqaaqaan mana aheyn wax Farmaajo uu sameeyey mana jirin ciidan Farmaajo u gaar ah oo horumar ka sameeyey dagaalada Alshabaab lagu qaadey dhaqaaqii Amisom iyo biseelkii shacabka ayaa isku soo aadey sidaas ayuu farmaajo ku heley fursad ay dadka ugu maleeyaan halyey guulo soo hoyey waxaana meel walba laga oogey banaabaxyo lagu taageeraayo hoowlgalada ciidamada iyo kuwa Amisom xataa farmaajo naftiisa ayaa u maleeyey inuu isaga guulaha soo hoyey waayo dadkii ayaa buun buuniyey iyagoon xog ogaal u aheyn kuna faraxsan jabka Alshabaab oo kaliya .

Farmaajo markii ay la soo daristey siyaasadii kursigiisa looga qaadey markii uu kambala tagey wuu ogolaadey waayo waxaa meesha joogey Sheikh Shariif oo markii hore heshiis la galey iyo Musafeni oo ku faaney inuu yahay qofka Muqdisho ku haaya TFGda mana u banaaneyn inuu diido balse markii uu Xamar yimid ayaa waxaa been u sheegey naftiisa iyo Diyaasbaro oo aan dalka waxbadan kala socon waxuuna shitey cajalad hees ah oo ay ku duuban tahay “””HAYS CASILIN OO HAYS CASILIN “”” waxuuna daawadey Banaanbaxyada Yurubta ka socda waxuuna la taliyayaal ka dhigtey rag asxaabtiisa ah oo aan isaga wax awood ah kusoo kordhineyn ineey jeclaayeen inuu kursiga sii joogo mooyee .

Waxaana heshiiskii Kambala qodob ka mid ah uu qoraayey fulinta heshiiskan waxaa u xilsaaran Madaxweynaha Yugandha taas xataa ma xasuusan mudane Farmaajo mana fiirin xataa qolkiisa jiifka waxaa hortaagan askari Ugaandheys ah waxaana laga ilaaliyaa kuwa Calanka u lu laaya qaarkood mana ka fiirsan hadalada uu kaga noqonaayey is casilaadii uu kusoo balan qaadey Kambala shacabka uu sheegaayeyna maalmo ka dib waa la aamusiyey intii joogtey goobaha ay xakuumada ka taliso mudane Farmaajo waxaa loo soo direy wafdi balaaran oo la taliya hadii uu talada diidana waxaa loo soo dhiibey cajalada ay ku duuban tahay filin cabsi cabsi ah oo Bahal Bahal ah kaas oo horey loogu shidey Mr C/hi Yuusuf iyo Prof Cali Geedi kaas oo Musafeeni copy ahaan uga soo heley Dowladaha dariska ah qaarkood oo horey ugu dhigey siyaasiyiinta Soomaalida horey ayaa loo yiri hadaa Tashan weydaan waa la idiin Talin uma baahna jawaab Soomaaliya ma xorbaa mise waa la haystaa qofkii caaqil ah waa yaqaan doqona loo sheegi mayo hadii aad is weydiiso Farmaajo ma Tanasuley mise Tunkaa la qabtey adigoon ku daalin jawaabta waa Farmaajo Tunkaa la qabtey tusaalena waxaa kuu ah Soomalida ma gaarin ineey isu tanaasusho hadii uu isku dhejin lahaana waxaa dhici laheyd ceeb iyo lama arag laakiin nin weyn wadkiisa waa yaqaanaa Farmaajo wuxuu ku baxey wax uusan u sheegi Karin taageerayaashiisa waayo markii loo dhiibaayey xilka cidna ma ogeyn .

Farmaajo inuusan tanaasuli laheyn waxaa ku cadeynaayo isagoo iska joogo tuulo ku taalo Mareykanka oo Baafalo lagu magacaabo oo aan ku fekereyn inuu xil noocaan oo kale ah qaban doono nasiibkiisa markii loogu dhiibey si sahal ah uma bixin si sahal ah intii uu awoodey waa isku dhejiyey wuxuuna isticmaley Banaanbaxyo rabshado wata oo qasaaro geystey kacdoon ciidamada qalabka sida hadii uu meel uu kaligiis ka taliyo awooda ciidamadana u madax banaanaan lahaa waxuu sameyn lahaa Afgambi ee iskama tageen marka soomaalida ha ogaato Farmaajo ma Tanaasuline tabar ayaa u deyrisey ka dibna Tunkaa la qabtey .

Ugu dambeyn Qaranka soomaaliyeed ma xorbaa mise waa la haystaa inaan ku doodno Heeso iyo Ruwaayado lagu qaado Dalal Shisheeye qarash lagu baxsho waxaa u baahan umada Masaakiinta ah hadal iyo heeso aan ficil lagu darina dal laguma xoreyn karo xornimo waxeey ku imaataa naf iyo maal in loo huro qabyaalada oo laga fogaado hadii qof walba uu qaxo kuna fekero dalka markuu dego ayaad kusoo laabaneysaa yaa dalka dejinaayo yaa naftiisa u huraayo dalka???

XILDHIBAAN CISMAAN MAXAMED CABDI

Waxaa soo Gudbiyey

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " “Farmaajo ma Tanaasuley Mise Tunkaa La Qabtey?” Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi "

  1. somali says:

    Mudane waxaas waxaa la yiraahdaa XASAD, ninka guuluhuu keenay waad qirtay lkn ma ogolid inaad siisid.
    hadii farmaajo kusoo beegmay amisom oo rabta inay dhaqaaqdo, iyo shacabka oo daalay, kadibna sidaas lagu dhaqaaqey, hadda may sii socoto howshaasi? maxay la joogsatay markuu tagay??!!!!!

  2. khamiis says:

    Asc waxaa nasiib darro ah in Guul Rag Somali ah keeneen in lasiiyo Amisom
    waxayna kamid tahay cadaalad darrada Somalida
    Xil madhibanka waxbo u tari mayso nacayb shaqsi ee waxay aheed inuu kahadlo waxaumadda Somaliyeed lagu qasbay ee kambala ka dhacay inuu kahadlo
    Meelihii looga bananbaxay Farmajo Tolkiis madaganeen sida
    Muqdisho,Guriceel,Buuhoodle meelaha aan looga banaan bixin waa meelaha Xabashidu haysato ama kuwa kursiga uu madaxmaray illa lixdankii
    waxa lagu gartaa Halyeeyga ama siyasiga ama Hogamiyaha wanagsan
    Farmajo cidna macayin cidna waxbo kama shegin illa iyo hadda
    taasi waxay cadenesaa in uusan aheen Nin jago doon ah ama xil baahi uqaba
    waxa uu taageersan yahay Madaxweynaha ,Ra,isul wasare C/wali
    Xilmadhibanow cadifadwaxbo tari mayso

  3. Att: XILDHIBAAN CISMAAN MAXAMED CABDI waa kooxda Sakiin
    ma jecli inaan ku sii dheeraado jawaabta xildhibaankaas laakiin maqaalkiisu waa mid xaqiiqada ka fog xambaarsana aragtiyo aan sal iyo raatoona lahayn waxaana nasiib darro ah arintii qoraalkiisa uu lahaa yaan lagu dhaqmin sida nin jeclaysi iyo qabyaalad inay fikirkiisu kusalaysanyahay marka la dhalaaliyo ta kale waxaan la soconaa waxaan leeyahay horta kuwii kaa xogogaalsanaa ee xildhibaanada caanka ahaa sida prof dalxa iyo cabdi xaashi raagaas madaxdana ahwadaniyiinta ee qabiilka aka xorta ah ayaa noosheegay wuxuu qabtey ta kale waxaan filaayaa inaad ku soo caanbaxdo faramaajo yaa kamid ahayd ujeedooyinkaaga haddaadse sax tahay oon hadalkaagu khald kujirin disbarada iyo shacabka soomaaliyeed heesahaiyo ku caayeyso maxay galbsadeenmacnuhu waxaa weeye broortu orgigaga ka weyn sugaantu waa aalad aan layska celin karin yaan lagu la dhicin midda kale xildhibaanadu way qaybsanaayeen kuwii shariif sakiin raacsanaa ee danta ummada ,dalka shacabka boqol doolar dhaafsanayey af uu ku caayo kumayaalo haaduu daacad yahay somaalinimo u fikirayo kuwa jariimooyinka maalinwalba galaya ee isaga xildhibaanka ah xuquudii uu lahaa duudsiyaya ee aan codkiisa aragtidiisa iyo nidaamkii axdigii kumeelgaadhkahaa kutumanaya muu wax kasheego faramaajo ta kale wax ceeb kuma aha haddii xoog lagaga qaaday waayo waxay caddaynaysaa nin damiir leh oo wadani ah oo daacada tan aad sheegtay ee waxba muusan qabanina somaalidu waxay ku maahmaahdaa wadar iyo nin midkee waalan ninkaa waalaan somaali oo dhan oo barlaamaanka xubnaha nadiifta ah ay kamid yihiin xitaa sheekh shariifka laftiisa iyo ciidamadda qaranka maamulka banaadir ururrda bulshda aqoonyahanada haweenka culumaaudiinka ayaa qiray in uu waxweyn xukuumadiisu qabatey isaga iyo gollahii wasiiradiisuba faramaajo ma tagin compromise ayuu ahaa ninkuu soo sharaxay ee ku xigeenkiisa ahaa saaxiibkiisna ahaa oo uu ku kalsoonyahay ayaa haya ra’yigaagauna waa dareenqabiil ood u diidantahay sharaftaa yar ee Illaahay siiyey ee uu daacadnimada ku helay wuuna soonoqon isagoo madaxweyna ah ugudambay tix gabay ah qayb aan kasooqaatey
    daraasaat quruumuhu
    diktooriyo khabiiraba
    dajiyeen shir waa hore
    dadkeeniba laga yeel
    afar iyo duleel badha
    qabiilada badh duudsiyi
    away dimoqraadiyadii
    shucuubaha badh lagu duro
    sida dunida soo kori
    may difaacdo maanta
    dad waalaala oo siman
    somalina dir waada gala
    maxaa loo dulmiyi qaar
    daliil looga dhigan yari
    ama loogu diidiba
    Inay daw u yeeshaan
    Xukunkaa dalkoodaba
    Mise waxay ku doodiba
    Hoggaan daadaheeyiyo
    Kuma jiro nindoorkuba?
    heshiiskii doraat iyo
    kambalaba duruus kale
    dukumiinti soo baxay
    dawlad madax banaan iyo
    inaan nahay dal gaaraba
    labadooda wada dumi
    dirqiweeye nagu dhahe
    haddii laysku wada daro
    sharci kuma dureeriyo
    diinteena sharafta leh
    lixdankii dastuur jiray
    kuma duugna xeerkii
    kolba laba dublayn iyo
    maxay xaajo nagu deyi?
    ma dabayl xagaabaa?

    mahiigiyo dilaaladda
    dabadhilifka raacow
    wixi laysku diidiyo
    dulucdii maxaa helay?

    qawaaniinta dawliga ah
    hadday madaxdu dumiyaan
    nidaamkii dalka u yiil
    inaan mooshin dabagala
    dibitaati furi Karin
    ma wax loo dulqaataa ?

    faramaajo waa diric
    ama daacad weeyo
    dumarkiyo dhalaankii
    dablahaa askariga a
    culimadaa dalkeeniyo
    kiwi i diinta soo waday
    diktooriyo aqoonyahan
    duqaydii ayaa qiray
    waxaan uga danleeyahay
    dawladii wax qabatiyo
    hadaad tiisi dumisaan
    kumaa loogu sii dari
    waqtigaad ku duugteen?
    miyaan hoosba loo dayin
    inay taasi daw noqon?
    ugu dambayn xildhibaankaas waan karaali gelin haddiiuu ku arko hadalkayga wax ka cadhaysiiya